Prof Ahmed Abdi Da'ar
|
Waxa la arkijiray tiro yar oo wasiro ah oo dadka u wada wasiiro ah. Maantana, haddii aanay tirada wasiirada dawladda Axmed Silaanyo kaba badneyn, waxay ku dhawdahay lixdameeyo wasiir iyo ku xigeeno iyo wasiiro dawlo. (Tirada la taliyayaashana hadalkooga daa!) dadkii wasiir, xildhibaan iyo suldaan ayuu ku ibtiloobay.
”Anaku ma lihin wasiir iyo suldaan iyo agaasime guud iyo la taliye madaxweyne iyo wax la mid ah oo wax noo qabto,” ayay kugu odhanayaan dad badan oo dareemaya miciin la´aan ”wasiir-iyaga-ah” la´aanteed.
”Anaku ma lihin wasiir iyo suldaan iyo agaasime guud iyo la taliye madaxweyne iyo wax la mid ah oo wax noo qabto,” ayay kugu odhanayaan dad badan oo dareemaya miciin la´aan ”wasiir-iyaga-ah” la´aanteed.
Miyaanay aheen in, marka laga reebo dadka aan xafiisyada kala aqoonin ee baahida u qabo in la tilmaamo amma gacanta la qabto, inuu qof waliba xafiiska dawladda ee u wax uga baahdo kalsooni ku galo oo uu ka soo dhammeeysto wuxuu uga baahnaa iyadoon wasiir ”iyaga ihi gacanta haynin” siday ahaan jirtay inta badan dawladdan ka hor?
Taasi imika ma dhacdo inta bada. kalsoonidii baa dadka ka baxday. Waxay arkeyn dadkaasi cabanayaa tixgelin la´aan haddii aan wasiir u hadlaa jirin amma aanu gacanta haynin suldaan amma caaqilkii isaga la wadi jiray. Waxa la hiigsanayay in gacan-qabasho wasiir iyo xildhibaan laga maarmo.
Maxaa keenay inay cid waliba doonto ”wasiir iyaga ah”?
Waxa keenay waxa laga iimaan beelay (loss of trust) dawladnimadii iyo wasiiradii la wada lahanjiray. Waxa dadku ka qaadaan caafimaadka amma cudurka kolba dawladda xukunta. Waxa la arkay wasiiro mukhalasiin ah oo danahooga khaaska ah hadh iyo habeen ku foogan oo reerahoogana si gaar ah ugu hadla sidii oo aanay wasiiro u aheyn reeraha kale.
Farabadintii wasisirada tirada badan ee Silaanyo iyo dawladiisa ee reernimada ku salaysani waxay abuurtay baahi cusub oo aan dalka hore u jirijirin oo reer walba ku beerantay inuu yeesho wasiir danahiisa reernimo u fuliya sida wasiirada reeraha kale iyo suldaan loogu soo joogsado.
Waxa aad ku arkikartaa Hargeysa maanta caaqil indhole ah (waa dadkii aan xafiisyada aqoonin ee gacanta la qabanjiray) oo isagu gacanta haya inan dhalinyaro ah oo saddex jaamacdood o kala sareeya ka soo baxay amma shahaadad ku haysto maamulka dawladdaha “public administration” si uu xafiis dawladeed wax uga soo dhameeyo. Waxa dhashay: “soo kaxayso caaqilkaaga”. “maxaan kuu qabankaraa wasiirba ma lihidin eh!”
Dawladda Silaanyo waxay ku bilaabantay labaataneeyo wasiir oo dad la biday inay aqoon u leeyihiin maamulka dawladuhu u soo jeediyeen bilawgii. Maanta saddex jibaar ayay korodhay tiradii wasiiradu. Dawgi reeraha ayuu ka doorbiday kii toosnaa ee tirada yar ee wasiiradu u wada ahaayeen wasiiro dadkoo dhan. Dib baa loo dhababaceeyay! Sidaas baa weliba ammaan lagaaga doonayaa!
Reeraha uu mid walba u sii kala baxayo boqolaalka reer, jilib iyo jifo dawladdu ma dhicikarto inay wada yeeshaan wasiiro. Haddana waa inay dawladdu qaadaa mas uliyadda baahitirada baahidan cusub ee la yidhaa ”wasiir-anga-ah” ee iyadu abuurtay amma dadka ka furdaamisa waxan ay ku ibtileeysay. Waxa la odhanjiray ”Dameeraha Adari ninkii ooda ka qaadaa foofiya”.
Dad tiro badan ayaa maanta dareemaya wasiir-la´aan sidi oo aanay dalkoogii joogin. Deetana waxa abuurmay xiliyeeysi: ”doorashadii hore jilib hebel ayaa la doortay amma jifo heblaayo ayuu wasiirku ka yimid ee doorashada soo socota waa xiliyaygii, ayaa socota. Dadkii madaxay iskula wada jiraan, xiliyeeysi xal ma aha.
Dadkaasi badan ee dareemaya inay ka baxsanyihiin xaydaanka dawladda Silaanyo oo cid walba lihi, malaha waxay madaxweynaha uga baahinyihiin, si uu u baahitiro, inuu u sameeyo wasaarad cusub oo lagu magacaabo ”wasaaradda dadka aan wasiirada laheyn” iyo, kaftan la´aan, dawlad kooban o caqligal ah.
By Prof Ahmed Abdi Da'ar, Posted on his facebook wall on 20th Oct, 2016