BUDHCADII DHACDAY BANGIGII GUANGZHOU EE DALKA SHIINAHA IYO SHEEKADII KA DAMBAYSAY,.by Garyaq, Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul
Markii ay nimankii budhcadda ahaa ay iyagoo hubaysan dadweynihii ku sugnaa bangiga ugu galeen, ayay amar ku siiyeen “ Inay dhulka isku wada daadiyaan, oo ay beerka dhulka saaraan iyagoo labadooda gacmoodna hortooda ku fidinaya” waxay sidoo kale ku yidhaahdeen iyagoo u digaya “ Ha is dhaqaajinina, lacagta dawladdaa iska leh, idinkiina lafihiina uunbaad leedihiin” Dadkii mid waliba sidii la yidhi ahaw ayuu ku qallalay. Markii ay gabadh shaqaale ahayd oo miiskii hawlaheeda fadhidaa, ay iyadoo firkanaxsan ku qayliday “Waa budhcad bangiyeed” si ay usoo jeediso waardiyayaashii mar horaba taladaba lagala wareegay, waxay ugu jawaabeen “ Fadlan qof ilbaxa iska dhig, waxa loo socdaa waa bangi-dhicise maaha kufsi” Markii ay budhcad-bangiyeedkii ku guryo noqdeen godadkoodii, ayuu kii ugu da’da yaraa kooxdu, ayuu odaygii ugu weynaa intii xaggiisa ku jeedsaday ku yidhi “ Kaabe, aynu tirino si aynu u ogaanno xoolaha aynu bushqadaha ku sidaannaa inta ay leegyihiin" Kaabahii kooxda int...