Posts

Showing posts from March, 2024

GARSOORKA IYO XEERARKA SHARCI AHAANSHAHOODU LA ISKU KHILAAFO

Image
  Marka aad eegto Maxkamada Dastuuriga ah Qaraaradeeda ku saabsan xeerarka la isku qabto, waxa ay u muuqataa in la iska aqbalay in uu garsoorku ka dhigi karo xeerarka sida uu rabo ama uu cid gooniyaba la rabo. Mana aha markii u horeysay ee ay tani dhacdo, waxa jira xeerkii Nidaamka Garsoorka (xeer Lr. 24/2020) ee wax-ka-badalkiisu dhaqangalay in garsoorku iskood u diideen, Maxkamaduna ay qoraal soo saartay ay ku sheegtay in ay laashay Xeerkiiba gabi ahaan. Ku darsoo, ma ay jirin waliba dhinacyo dacwad dastuuri ka furtay oo cabasho xuquuqeed ka qabay xeeekaasi.     Waxa ay Maxkamadu sheegtay in uu xeer ahaanayo Xeerkii Nidaamkii Garsoorka 2013. Xeerkaasi hore oo uu laalay Wax-ka-badalkii ka dambeeyay ee xeerdajintu ku sameeysay 2020-kii ee dhaqangalkiisa madaxtooyadu saxeexday. Wax-ka-badalkaasi oo madaxbanaanta garsoorayaasha maxkamada sare xoojiyay oo ka dhigay qaar aan rabitaanka madaxweynaha oo kaliya aan xilkooga ku haysan.    Waxa aad ogeyd Xeer Lr.14/...

SOMALILAND; MAXAA HADDA DHAN WALBA LA GUDBOON? By Garyaq. Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul

Image
  MAXAA HADDA DHAN WALBA LA GUDBOON? -------------------------- Wuxuu ahaa Xeer kale oo la qoray, uma arko anigu waxani in uu ahaa wax-kabadal iyo kaabis la sameeyay. Xeer Lr 14, waxa lagu daray in kale oo leeg xeerkii hore, haddii aanay ka badnayn inta lagu daray intiisii hore. Markaas ayaa haddana Golaha Wakiiladu ka la orday in la galiyo dood iyo falanqayn iyaga oo hawsha intaas gudo galay. Isla fadhigii lagu soo jeediyay ayaa markiiba lagu ansixiyay iyada oo aan waxba la iska isweydiin wixii meesha la keenay.    Haddana markii uu Golaha guurtidu ay ku soo celiyeen xeerarkaasi ee ay soo jeediyeen in wax-laga badalo waxyaabihii ay Golaha wakiiladu ku soo dareen in meelo ka mid ah wax laga badalo, si miyir ku jiro loolama eegin Guurtida. Si la mida sidii ay markii hore ay Wakiiladu u boobsiiyeen ayay sare jooga ku qaadaceen soo-jeedintii Golaha guurtida, kuna qoonsadeen Odayaasha in ay duuduub ku liqi waayeen wixii loo soo gudbiyay.  Waxaan odhan lahaa qolooyinkii k...