WAA DUNI. by Abwaan Fu'aad C/laahi Digaale.
Fu'aad C/laahi Digaale. Maansadan WAA DUNI, waxa tiriyay abwaan Fu'aad C/laahi Digaale. Waxaanay soo baxday bishan September, 2016. Inkastoonan hayn iyadoon dhammaystiran, waxaan annigoo ah, mulkiilaha boggan, bacaluul5.blogspot,com, aan halkan idiinku soo gudbinayaa qayb kamida maansadaasi oo ka hadlaysa waaqaca nololeed ee maanta jira. Waxaanan idiin ballan qaadayaa in aan inta kale ee ka haddhayna diin soo gudbiyo maalmaha dambe haddii Alle yidhaahdo. Waxaanay maansadu tidhi sidan; Waa duni gedaafiyo, Xintan loo gurmanayoo, Nimaad garabka haysiyo, Gacalkaagu doonnayn, Garoon laysku soo baxay, inaad gool ka dhalisoo, Soo hoyso guul wacan, Waa duni nin guunyiyo, Hanti siiyay Guulluhu, Uu ka gibil madawyoo, Gaajadu ka reebnayn. Waa duni kalgacaliyo, Xiisaheedu guuroo, Qosol gaws dambeedkiyo, Gunta loo banneeyoo, Qalbi hoos ka gudhaniyo, Geed-ismarisku badanyahay. Waa duni god hoosiyo, Guntimooyin badanoo, ...