Garyaq. Bacaluul. |
DASTUURKA IYO GARSOORKA SOMALILAND
DASTUURKA IYO GARSOORKA SOMALILAND
Maxkamadda Sare
Markaad eegto qaab-dhismeedka Garsoorka iyo sida uu distoorku u kala sarreysiiyay qeybaha kala duwan ee Maxkamadaha, hadday tahay hannaan dacwadeedyada, iyo Juqraafi ahaan sida ay Maxkamadaha iyo qaab-dhismeedka maamul ee dawladdu isula jaanqadyaan, waxaan shaki ku jirin inay Maxkamaddu sare tahay hay’adda ugu sarraysa ee jidaynaysa Siyaasadda lagu hagayo Adeegyada garsoor ee heer qaran. Martabaddaasina ma aha uun mid ay siisay dabeecadda shaqo ee arrimo garsoorku, balse waa mid dastuuriya oo ku salaysan nidaamka sharci ahaan loogu talogalay inuu u shaqeeyo Garsoorku.
Hadaba intaynaan ka jawaabin, bal inuu dastuurku siiyay Madaxbannaanidii mabda’ ahaaneed iyo shaqo ahaaneed ee uu baahnaa, waa inaynu su’aashaas ku tijaabinnaa Maxkamadda Sare, inagoo eegayna bal awooda dastuuriyeed ee Maxkamadda Sare ay haysato, inagoo bar-bar dhigayna labada Waxood ee dhiggeega ah (Fulinta iyo X/Dajinta). Sababta aynu Maxkamadda Sare ugu horeynaynaana, waa innagoo filayna inay tahay tii ugu sarreysay Maxkamadaha. Sidaa darteedna aynu filayno, inay tahay, tan haysato madaxbannaanida ugu badan, marka laga hadlayo madaxbannaani awoodeed oo ku salaysan sharci.
Maxkamadda sare oo ay ugu maqaam sarreeyaan, Guddoomiyaha, Ku-xigeenka iyo garsoorayaasha kale ee ka hawlgala. Garsoorayaashani dacwadaha dhegaysta ee maxkamaddu, ma haystaan dammaanad xileed oo siisa kalsoonidii iyo dhiiranaantii uu xilka garsoorannimo uga baahnaa. Marka laga reebo, guddoomiyaha oo qudha, Waxay xilheynta garsoorayasha kale ee Maxkamadde sare uu ku xidhanyahay rabitaanka Madaxweynaha (Dastuurka; Qodobka 105/1).
Awoodaha garnaqiseed ee maxkamadda sare, waa mid wada-tashi, oo ay ka go’aan gaadhistoodu ku xidhantahay ugu yaraan saddex garsoore. Hadaba guddoomiyaha, oo ah kan qudha ee xilka-qaadistiisu ay ubaahantahay ogolaanshe Baarlamaan, ayaanay madaxbannaantiisaasi waxba ku filleyn, mar haddii aanu kaligiis lahayn awood go’aaneed. Sidaa darteed, ayaa awooddii dib-u-eegiseed ee ay Maxkamaddu ku saxaysay go’aannada Maxakamadaha hoose u noqotay mid aan ka fayoobaan karin saamayn iyo dano siyaasadeedba .
Marka lagu guuldarreysto farogalinta Maxkamadaha hoose, waxa la fahmey inay Garsoorayaasha Maxkamada sare ay yihiin kuwo ugu nugul ee la farogalin karo ama saamayn lagu yeelan karo go’aanaddooda. Waxay noqotay Maxkamadda sare, meel ay dhinacyada u galaan olaloyaal badan (lobby). Waxaana culayskaasi saaran Maxkamada ku tusaya, cumaamadaha, suudhadhka (xildhibaanadda, madaxda hay'adaha), wadaadada iyo mukhallasiinta kale ee buux dhaafiyay daaradeeda iyo xafiisyadeeda.
Waxaanay tani abuurtay inay dacwaduhu noqon waayaan kuwa ku dhammaada gobolladooda, oo ay Rafcaan-qaadashadu noqoto habdhaqan bulsho, oo aanay xataa ka madhnayn xirfadlayaasha sharciyeed (qareenada iyo dacwad-oogayaashuba). Waxaana Maxkamadda sare kusoo rogmada Laago iyo gacamo rafcaano ah oo ka kala yimid dhammaan gobollada Jamhuuriyadda oo dhan, Taasi oo loo aanayn karo dabacsanaanta xeerarka hab-dacwadeedyada lagu maamulo.
Xeerarkaasi jideeya hab-dacwadeedyada ayay ahayd inay shuruudo adag ku xidhaan rafcaan-qaadashada, qeexaana noocyada rafcaan ee ay Maxkamadda sare dib-u-eegis ku sameyn karto. Waxaanay sharciyadaasi Maxkamadaha Rafcaanada ee Gobollada awood u siin lahaa inay dib-u-eegistoodu soo afjarto geedisocoka dacwadaha qaar, Tusaale ahaan kuwa uu qiimahoogu, ama heer-ciqaabeedkoogu hooseeyo. Waana ayaan darro, in gal-dacwadeed la isku haysto hal mitir oo dhul ah, ama dakhar-fudud (oo gacan ka hadal ka dhashay) uu Rafcaankiisu socdo illaa Maxkamadda dalka ugu sarreysa. Maxkamadd ay galal noocaas ah, kaga mashquusho, darsidda iyo lafaguridda kiisas saameyn dhaqaale, bulsho iyo nabadgalyaba leh.
Walaw, uu Guddoomiyaha Maxkamadda Sare uu dalbaday in la kordhiyo tirada Garsoorayaasha Maxmkamadda sare, markii uu arkay rafcaannadda tirodhaafk ee u rasaysan, hadana ma muuqdo ifafaalo sheegaya inay yaraanayso rasada Rafcaanada iyo saxmadda haysata Maxkamaddu. Waxaanay taasi ku tusaysaa inay mushkiladaha jiraa ay ka ballaadhanyihiin, garsoore yaraan haysatay Maxkamadda, balse ay qeybka tahay ceebo uu leeyahay seeska sharciyeed ee ay Maxkamadda sare iyo garsoorkuba guud ahaan ku dhisanyahay ama uu ku hawlgaloba.
Waxaanay tani abuurtay inay dacwaduhu noqon waayaan kuwa ku dhammaada gobolladooda, oo ay Rafcaan-qaadashadu noqoto habdhaqan bulsho, oo aanay xataa ka madhnayn xirfadlayaasha sharciyeed (qareenada iyo dacwad-oogayaashuba). Waxaana Maxkamadda sare kusoo rogmada Laago iyo gacamo rafcaano ah oo ka kala yimid dhammaan gobollada Jamhuuriyadda oo dhan, Taasi oo loo aanayn karo dabacsanaanta xeerarka hab-dacwadeedyada lagu maamulo.
Xeerarkaasi jideeya hab-dacwadeedyada ayay ahayd inay shuruudo adag ku xidhaan rafcaan-qaadashada, qeexaana noocyada rafcaan ee ay Maxkamadda sare dib-u-eegis ku sameyn karto. Waxaanay sharciyadaasi Maxkamadaha Rafcaanada ee Gobollada awood u siin lahaa inay dib-u-eegistoodu soo afjarto geedisocoka dacwadaha qaar, Tusaale ahaan kuwa uu qiimahoogu, ama heer-ciqaabeedkoogu hooseeyo. Waana ayaan darro, in gal-dacwadeed la isku haysto hal mitir oo dhul ah, ama dakhar-fudud (oo gacan ka hadal ka dhashay) uu Rafcaankiisu socdo illaa Maxkamadda dalka ugu sarreysa. Maxkamadd ay galal noocaas ah, kaga mashquusho, darsidda iyo lafaguridda kiisas saameyn dhaqaale, bulsho iyo nabadgalyaba leh.
Walaw, uu Guddoomiyaha Maxkamadda Sare uu dalbaday in la kordhiyo tirada Garsoorayaasha Maxmkamadda sare, markii uu arkay rafcaannadda tirodhaafk ee u rasaysan, hadana ma muuqdo ifafaalo sheegaya inay yaraanayso rasada Rafcaanada iyo saxmadda haysata Maxkamaddu. Waxaanay taasi ku tusaysaa inay mushkiladaha jiraa ay ka ballaadhanyihiin, garsoore yaraan haysatay Maxkamadda, balse ay qeybka tahay ceebo uu leeyahay seeska sharciyeed ee ay Maxkamadda sare iyo garsoorkuba guud ahaan ku dhisanyahay ama uu ku hawlgaloba.
Tusaale ahaan, Maxkamadda Dastuuriga ah, oo qeyb ka ah Maxkamadd Sare, ayaa guud ahaanba la tabayaa doorkii ay ku lahayd ilaalinta iyo taabogalinta xuquuqaha dastuuriga ah ee muwaadiniinta. Waxaanay shaqadii maxkamaddu noqotay mid ku eeg ka garnaqista dacwadaha siyaasadeed ee u dhexeeya Waaxaha dawladda iyo axsaabta siyaasadda. Taasi oo loo aanayn karo, marka laga tago, dammaanad la’aanta xileed ee garsooraysaaha, qabyooyinka sharciyeed ee aan illaa maanta waxba laga qaban.
Maxkamadda Dastuuriga ah, oo ah laan garsoor, oo dabeecad ahaan iyo falsafad ahaanba ka duwan Maxkamadd Sare ee Caddaaladda, ayaan guud ahaanba lahayn dhismihii sharciyeed ee qeexeeyay waajibaadkeega, doorkeega garnaqiseed, iyo hannaanka dacwadeed ee ay ku hawlgalayso (Procedural rules), marka ay ka jawaabayso cabashooyinka dastuurig ah ee la xidhiidha go’aamada fulineed ee hay’adaha xukuumadda.
Dib-u-eegista Go’aannada maamul, ee kasoo baxa haya’adaha fulinta, ayaa iyaguna ah, waajib kamida waajibada garsoor ee ay Maxkamadda sare gaarka u leedahay. Maxkamada Sare sidoo kale, malaha waax amma laan gaar ah, oo u xilsaaran dib-u-eegista cabashooyinka la xidhiidha arrimaha maamul (Judicial Review of Administrative Decisions). Waxaana meesha ka maqan hanaankii sharciyeed ee qeexi lahaa hababka loo marayo iyo go'aamada maamul ee looga soo caban karo Maxkamadda
Dib-u-eegista Rafcaanada Gobolada ayuu doorkii Maxkamadda kusoo ururay, Waxaana la odhan karaa waxaan gabi ahaanba meesha ka muuqan amaba lagu fashilamay in hirgaliyo hannaan Garsoor oo dib-u-eegis ku sameeya go’aamada maamul ee cadaaladnimadooda laga soo caban karo, amaba xadgudub ay muwaadiniintu ka tirsan karaan.
Hirgalinta Nidaamkaasi Caddaaladeed ee u dhexeeya Muwaadiniinta iyo Xukuumaddu, wuxuu dawo u noqon lahayd tacaddiyada, xilgudasho la’anta iyo amarku-taaglaynta ay muwaadiniintu adeeg-sugayaasha ahi ay had iyo goor kala kulmaan xafiisyada kala duwan ee Waaxda Fulinta. Waxa adkaan lahaa ku dhaqanka iyo sarraynta sharciga, oo aanay cid gaar ahi si gaar ah uga faa’idaysateen, in kalana aanay ku hoos dulmanaanteen. Haybadda Qarannimo iyo kalsoonida muwaadiniintu ku qabaan awoodda sharcigu leeyahay ayaa kor u qaadmi lahayd.
Maxkamadaha Hoose;
Maxkamadaha Gardhageysiga 1-aad (Gobollada iyo Degmooyinka) iyo Maxkamadaha Rafcaannada ee gobollada, ayaa la isku yidhaahdaa Maxkamadaha hoose, Madaxbaannaanida garsooreed ee maxkamadahan marka aad dooneyso, waa inaad eegto cidda awoodda u leh gardhegaysiga, een ahayn shaqaalaha kale ee Maxkamada ka shaqeeya. Ciddaasina Waa Garsooreyaasha oo ay ka mid yahiin Guddoomiyayaasha maxkamadahan.
Inay Garsooreyaasha maxkamadaha hoose ka madaxbannaan karaan farogalin dibadeed iyo mud gudaha ahba, waxaad ku ogaan kartaa markaad daristo, cidda awoodda u leh maamulista Garsoorka, taasi oo ah Guddida Caddaalada Qaranka ee ku xusan qodobka 107-aad ee Dastuurka JSL.
Waaxaha kale ee dawladda aya xubno ku leh, Guddida caddaaladda, halka uu garsoorayaashu ay ku leeyihiin 3 xubnood oo qudhaata (oo laba kamid ah markiiba la eryi karo amaba aanay lahayn xil muddeysan). Guddidaasi Caddaaladdu ayuu qaabkeeda go’aan-qaadasho uu ku yimaaddaa codbixinta xubnaha ay ka koobantahay. Kuwaasi oo uu go’aankoogu ku ansaxmayo aqlabiyada xubnaha fadhiga ka qeybgalay.
Sida darteed ayaanay magac caabista iyo xilka qaadista, dallacsiinta iyo hoos-u-celinta garsooreyaasha Maxkamadaha hoose, aanay u ahayn arrin u taalla Waaxda Garsoorka oo qudha, balse waa mid u furan saameynta iyo awoodaha farogalineed ee waaxaha kale. Mana jiro awood gaar ah oo ay xubnaha Maxkamadda sare ay dheeryihiin marka ay noqoto ka go’aan-gaadhista arrin ay, Waax ahaan ka leeyihiin xubnaha kale.
Maadaama oo ay garsooreyaashu ay yihiin udub dhexaadka marka la fulinayo Awoodda dastuuriyeed ee ay Waaxdani leedahay. Waxay u dhigmaan, xildhibaannada Goleyaasha baarlamaanka iyo wasiiraada ay ku dhisantahay waaxda fulinta. Sida aanu garsoorku ugu farogalin, waxaahan marka ay go’aan ka qaadanayaan xubnahoogaasi, ayay ahayd in aan Waaxda garsoorka lagu farogalin maamulidda iyo ka go’aan-gaadhista cidda ay u igmaan hawlaha garsoor.
Qodobka 97-aad ee Dastuurka, oo qeexaya mabda'a madaxbannaanaanta Garsoorku kuma filna ilaalinta iyo hirgalinta madaxbannaanidaasi, marka ay sidoo kale jiraan isla qodobo kala oo dastuuriya oo iyaguna caqabad ku ah sidii looga xaqiijin lahaa mabda'aasi qarannimo. Waxaana la rabay inay noqoto madaxbannaanaynta garsoorku mid qeyb ka ah dhuuxa iyo lafta Garsoorka oo ka muuqataa qaabdhismeedka iyo hannaankiisa ismaamul. Caqabdahaasi oo qaab-dhismeedka Guddida Caddaaladu kaw ka yahay ayaa u baahan in dib-u-eegis lagu sameeyo.
Waa in Guddida Caddaaladda laga dhex madhaa, xubnaha laba-xilleyaasha ah (double-roles) ee ka yimid Waaxaha Sharcidajinta iyo Fulinta. Mana noqon karto Waaxda Garsoorku, mid ka fayow Siyaasadda iyo danayaasha isdhaafsan, illaa inta ay ka midka yihiin xubno ka kala yimid Waaxaha Siyaasiga ah ee Dawladda.
Qabyooyinka ka jira xagga Xeerarka
Waxaynu hore usoo sheegnay kaalinta uu dastuurku ku leeyahay caqabadaha hor taagan, sidii loo xaqiijin lahaa Garsoor madax bannaan, oo hagaajisan kara gurigiisa isagoon la kaashan Waaxaha Kale ee Dawladda. Inagoo illaa inta uu Garsoorku yeesho, awood uu iskiis wax iskaga qaban karo, kuna ilaashan karo karaamada iyo kaalinta dastuuriyeed ee uu shacabku siiyay, in aanu waxba ka qaban Karin arrimaha kale ee ka baxsan, ee sharcigu awood u siiyay inuu wax ka qabto.
Sababta aynu ugu bilaabnay dastuurkuna, waa iyadoo oo uu dastuurku yahay Sharciga ugu sareeya, ee ay ku abtirsadaan xeerarka kasoo baxa Goleyaashu. Waxaynu markan eegi karnaa xeerarka lagama maamrmaanka ah ee uu Garsoorku ku hawlgalo, iyo saameynta ay qabyadoodu ku leedahay, madaxbannaantii iyo kartidii adeeg ee looga baahna Maxkamadaha.
Xeerka Nidaamka Garsoorka;
Xeerka Maamulka Garsoorka, ayaa ah xeerka baarlamaan ee qeexaya awoodaha qaab-dhismeedka Waaxda Garsoorka, Qeybaha Maxkamadda, iyo kala-sarreynta Maamul ee Maxkamadaha. Xeerkan oo laba jeer oo kale duwan uu daraafkiisu kasoo baxay baarlamaanka ayaa labadii jeerba Madaxweynuhu dhaqan-galiyay oo labadiisii nuqulba la faafiyay.
Walaw ay labada nuqul, ay intooda badani isku mid yihiin, ayay qodobada ay ka koobanyihiin ay kala badanyihiin. Xeer lamb 24/2003, waa 49 qodob, halka Xeer lamb 24/04/06 lagu daray qodob dheeriya oo ka maqan xeerkaasi hore, lagana dhigay tirada qodobadiisa 60 qodob. Is bar-baryaaca labadan Xeer ee isku magaca ah, ayaa in badan abuuray jaahwareer sharciyeed, oo saameyn ku yeeshay Nidaamkii maamul ee Maxkamadaha.
Faafinta labadan Xeer ee is ku midka ah, oo ahayd qalad farsamo oo ka dhacay Madaxtooyada, ayaan illaa imika midkoodna la laalin, taasi oo macnaheedu yahay labada xeerba waa dhaqan-gal.
Xeerka Nidaamka Garsoorku kuu doonaba ha ahaadee waa mid qalfoof ahaan u yaalla, oon wax badan ka odhan qaabka ay Maxkamaduhu isku maamulayaan, kiisaska u maaranayaan, Garsooreyaasha loogu kala xilsaarayo (case assignment), loo diiwaangaliyo xukunnada, loo keydinayo garmaqallada, marag-muujinaha, iyo waxyaabaha kale ee lagama maarmaanka u ah gardhegaysiyada.
Ma jiro, xeernidaamiye uu jideeyay xeerkani, oo lagu dhammeystiri karo waxyaabaha uu farsamo ahaan, ama xaalado ahaan uga tagay Xeerka Nidaamku. Waxaanay ahayd inuu xeerkani, kala nidaamiyo Maxkamada gudaheeda, maareeyana habsami-u-socodka iyo dhaqaajinta dacwadaha kale duwan ee laga garnaqo. Isla markaan uu qeexo, qeybiyo, dabagalo waajibaadada shaqo ee ay qabtaan, kaaliyayaasha, diiwaangaliyayaasha, iyo keyd-hayayaasha Maxkamaddu. Sidoo kalana, u fududeeyo hannaanka wada-shaqayneed ee Garsooraha iyo u dhexeeya kaaliyahiisa, sida ay isku hagayaan, iyo waxyaabo mid walba ka reeban ee wax u dhimaya shaqada Maxkamada.
Waxa kale oo meesha ka maqan, doorka ay Guddoomiyayaasha Maxkamaduhu ku leeyihiin, marka la fulinayo hawlaha maamul ee ka baxsan Gardhegeysiga. Hawlahaasi oo qaybka ah adeegyada garsoor ee Maxkamadda, ayaa noqon kara diyaarinta agabyada iyo kharashaadka lagama maarmaanka u ah Garsooridda, sida qalabyada tiknoolajiga ee caddaymaha lagu soo bandhigo, gaadiidka , shiidaalka ku baxaya soo-eegisaha iyo xushmadaynta khabiirada Farsamo ee ay Maxkamaddu uga maarmi weydo xaqiiqo-raadinta ay ku jirto.
Nidaamkaasi lagu diyaarinayo, hawlaha ay Maxkamadu qabanayso, ayaa u baahan in loo maro nidaam rasmiya oo la isla yaqaano, si looga baxsado in musuq-maasuq iyo xidhiidh lala sameeyo dhinacyada dacwadda. Kharashyada la saaro dhinacyada dacwadda oon lahayn heer-qiyaaseed (standard) iyo hab rasmi ah oo daahfuran, ayaa meelka dhac ku ah milgihii Maxkamadda iyo Garsooraha.
Kharash-bixinta iyo fududeynta waxyaabaha loo baahanyahay, oon ahayn masuuliyad saaran dhinacyada, waxay saameyn ku yeelanaysaa hab-dhegeysigii dacwadda, iyadoo ikhtiyaarkii iyo awooddii maxkamadeed gor-gotan galinaysa. Waxaanay taasi ka dhigeysa garsooreyaashii iyo hawlwadeennadii kale ee Maxkamadda, kuwa lasoo kireystay, oo si gaar ah ugu adeegaya dhinacyada is-haya. Waxay sidoo kale waxyeelleyn kartaa maamuuskooga xileed, iyo nabadgelyadooda jidheed iyo nafeeedba. Sidaas darteed ayay tahay, marka ay xilkooda gudanayaan Garsoorayaasha iyo kaaliyayaasaha Maxkamadduba in aanay marti u noqon dad shiciba, oo ay wax waliba kaga iman karaan.
Xeerarka Garsoorku ku Garnaqo
Xeerarka Garsoor ee ay Maxkamaduhu ku qaadaan dacwadaha hor yimaadda waxay u kala baxaan, Xeerarka qeexaya mawduuca laga garnaqayo (substantive laws) iyo kuwa la xidhiidha habka loo marayo caddaalada. Xeerarkaasi kuwa ugu badan ee ay Maxkamaduhu ku shaqeeyaan waa kuwa duug ah oo aan la jaanqaadi Karin isbadallada nololeed, iyo waayaha jira. Xeerarka ugu badan ee ay Maxkamaduhu adeegsadaan waa:
1. Xeerka Ciqaabta Guud
2. Xeerka Habka ciqaabta
3. Xeerka Madaniga
4. Xeerka Habka Madaniga.
Dhammaan xeerarkani waxay u baahanyihiin, in dib loo cusbooneysiiyo, oo lagu sameeyo daraasad iyo dib-u-eegis qoto dheer, si loo waafajiyo Dastuurka Qaranka, Shareecada Islaamka iyo isbadalka tiknoolajiyeed ee dalku ku tallaabsaday.
Tusaale ahaan, faldambiyeedyo badan oo kamida ah xeerka ciqaabta ayaa u baahan in qeexitaannadooda iyo ciqaabahooda la waafajiyo shareecada Islaamka, halka sidoo ay tahay in lagu daro faldambiyeedyo aan jirin waqtigii la sameynayay xeerkan, oo imika soo baxay. Faldambiyeedyadaasi oo ay kamid yihiin, kuwa la xidhiidha Tahriibinta dadka, kuwa mukhaadaraadka, kuwo argagixisada, lacag-meydhista (Money laundering) iyo kuwa tiknoolajiyada iyo isgaadhsiinta casriga ah la xidhiidha ee loo maro nidaamka kombiyuutarada iyo internetka (cyber crimes).
Xeerka Madaniga ah, oo qeexa xuquuqaha iyo waajibaadka ka dhasha wada mucaamilka ganacsiyeed ee bulshada, ayaa isna sidoo kale u baahan in dib-u-habayn lagu sameeyo. Waxa loo baahanyahay in la curiyo xeerkii qeexayay, isla markaana diiwaangalinayay hanti maskaxeedyada bulshada. Maadaamo, oo ay sii kordheyso hal-abuurka dadku, sida qoraalka buugaagta, abwaannimada, shaxaha iyo qorshayaasha injineeradu, iwm, Waxa sidoo kale loo baahanyahay in xeerka diiwaangalinaya Lahaanshiyaha maguurtada iyo la is waafajiyo Qodobada ku jira xeerka Madaniga ah ee ka hadlaya sida loola kala wareegayo mulkiyadaha maguurtada, iwm.
Xeerka habka ciqaabtu oo ah xeer si fiican u qoran, oo isla markaana qodobadiisa lala akhrin karo xeerka ciqaabta, ayaa isna dib-u-eegis u baahan. Waxaana ay tahay in lagu kordhiyo, qaab baadhiseedyada dambiyada la xidhiidha tiknoolajiyada, iyadoo awood loo siinayo haya’daha ku shaqado leh, baadhista iyo dhawrista xogaha gaarka ah ee ku keydsan aaladaha la baadhayo.
Waxaana isla xeerkani habku u baahanyahay, in lagu lifaaqo xeer-nidaamiye ama buug hagaha (Manual Guide) qaababka baadhiseed ee ay hay’adaha baadhistu u gudanayaan waajibaadkooga. Qaababkaasi oo ay kamid tahay, sida ay uga jawaabayaan warbixinaha soo gaadho, ilaalinta goobaha ay faldambiyeedyadu ka dhaceen (crime scene protection), iyo qaababka loo keydinayo xogaha baadhiseed ee laga helo goobahaasi. Tallaabooyinkaasi oo noqon lahaa kuwo lagu maamulo, lagulana socdo hawlaha baadhiseed ee la xidhiidha faldambiyeedyada. Waxaana tani sahli lahayd inay caddaato, waajibaadka iyo masuuliyadaha saaran saldhigyada iyo baadhayaasha ka hawlgala, si loogula xisaabtamo hufnaantooda shaqo iyo qaabka ay u diyaariyeen hawlahooga baadhiseed.
In la helo protokolka baadhiseed ee ay tahay inay ku hawlgalaan saraakiisha u xilsaarani hawlahani, waxay kor u qaadi lahayd awoodda uu garsoorku uu kula xisaabtami karo dambi-baadhista, maadaamo oo ay jiitanka dacwadaha ciqaabta ay kamid tahay, muddada ay qaadato baadhista dacwaduhu. Waxaanay X/Ilaalinta iyo Maxkamadaha u fududaan lahayd, sidii ay u qiimeyn lahaayeen tayada baadhiseed ee ay leeyihiin galalka loo soo gudbiyay.
Xeerarka Lagu Maamulo Garsoorka ( Judicial Administration Acts)
Garsoorayaashu ha noqdaan kuwa ka hawlgala Maxkamadda Sare amaba Maxkamadda Hoosaba, waxay hayaan xil muhiim ah, waxaanay huwanyihiin karaamadii iyo xushmadii sharciga. Ixtiraamka iyo dhawrsanaanta ay leeyihiin ma aha mid ku eeg marka la fadhiyo Hoolka dhegaysiga ee la leeyahay “Mudane Garsoore”, balse waa mid uu ku kasbaday xilka uu qaranka u hayo, intuu hayona Xilkaasi leeyahay.
Sidoo kale garsoorayaashu ma aha malaa’ig, ee waa aadami ku kici kara gafaf xirfadeed, iyo habdhaqan liita oo wax u dhimaya milgihii iyo maamuuskii xileed ee ay ummada u hayeen. Xeer Nidaamiyaha anshax ee dhawaan la sameeyay, ma aha mid guud oo koobsanaya xilalka garsoor guud ahaanba, balse waa mid ku eeg Garsooreyaasha Maxkamadaha hoose iyo Ku xigeennada X/Ilaaliyaasha, amaba inta ay Guddida Caddaaladu awood u leedahay magacaabistooda iyo xilka-qaadistooda. Waxaana ka baxsan Garsooreyaasha Maxkamada Sare oo aynu hore u sheegnay inay xil ahaanba ka nugulyihiin kuwo Maxkamada hoose, kuna filanyihiin dikreeto Madaxweyne oo lagu kala diro.
Xeer Nidaamiyaha anshax marintu, uma yaallo qaab fulineed, wuxuu se u qoranyahay qaab sheeko ah, oo ka kooban qeybo iyo weedho dhaadheer oo aan koobsanaya waajibaadka xirfadeed ee laga rabo Garsooyreyaasha iyo ku xigeennada X/Ilaaliyaasha. Kama hadlayo daah-furnaanta nidaamka dhegaysi ee la siinayo Garsooraha ama X/Ilaaliyaha. Iyo qaabka uu fadhigaasi u dhacayo, inuu lahaanayo dood qoraal iyo nidaam tixraac oo wax lagu go’aamiyo.
Sidoo kale go’aannada xilka qaadista garsooreyaasha uma dhaco mid kal-kaliya, ama ku xidhan kolba garsooraha laga soo gudbisto cabasho iyo caddaymo ku lid a. Balse waxaad arkeysa hal go’aan oo garsooreyaal dhawr ah is raacinaya ereyiddooda, anshax marintooda iyo badalaadoodaba. Taasina waxay ku tuseysaa in aanay xilka-eryidda garsooreyaasha aanay ka madhneyn Saameyn siyaasadeed oo ka timid Kooxeysi ka dhex jiri kara Garsoorka gudihiisa amaba ka baxsan oo ka timid waaxaha kale ee farogalinta ku haya nidaamka Garsoorka.
Shaacinta digniinaha xirfadeed ee loo gudbinayo warbaahintu, iyaduna waa mid liddi ku ah milgaha xirfadeed ee ay garsooreyaasha iyo Ku xigeennada Xeerilaaliyaashu ummada u hayeen. Digniinta koowaad iyo tan labaad ee loo gudbinayo Garsoore ama X/Ilaaliye waa mid qoraal ahaan isaga lagu wargaliyo, laguna socodsiiyo loona feyl-gareeyo, balse ma aha mid ummada lagu socodsiinayo oo warbaahinta iyo jaraaiddada magiciisa lagu faafinayo. Waayo, wali xilkii uu umadda u hayay lagama qaadin, sida darteed ayayna ahayn in ummadda loo qaawiyo ama maamuuska laga xayuubiyo mar haddii Garsooraha ama Dacwad-oogaha wali laga sugayo inuu soo saaro go’aamo saameyn doona xuquuqaha gar-raadiyayaasha.
Sidoo kale waxa wali la tabayaa Xeerkii Hawlgabka Garsooraha iyo X/Ilaaliyaasha in badan qaranka usoo shaqeynayay. Waxay ahayd in la ilaaliyo xuquuqda shaqo ee xilalkan garsoor, maadaama ay yihiin xilal muhiim u ah nabadgelyada iyo dhismaha Qarannimo. Waxaanay xil-hayayaashani Qaranka u galeen godobo badan, waxay xukumaan argagixiso, gacan-ku dhiiglayaal, iyo kuwo badan oo geystay dhagaro badan oo halis ku ah amniga iyo nolosha muwaadiniinta guud ahaan. Sidaas darteed ayaanay ahayn in la iska sii daayo, oo aan la dhawrin xuquuqdooda nololeed marka ay hawl gabaan, balse waxay Qaranka iyo ummaddaba ka mudanyihiin xaqdhawr iyo abaal-celin loo sameeyo.
Miisaaniyadda Garsoorka iyo caqabdaha dhaqaale.
Maxkamadda sare oo ahayd Qeybta ugu sarreysa garsoorka ayaa doorkeedu wuxuu ahaa mid ku eeg ka garnaqista feylasha ka yimaadda Maxkamadda Hoose. Waxaanay gabi ahaanba ka fara baxday doorkii maamul ee ay ku lahayd Nidaamka Guud ee Garsoorku ku shaqeeyo. Doorkeedaasi oo ahaa jaangoynta Siyaasadda Guud iyo Qorsheyaasha dhaw/fog ee uu Garsoorku ku shaqeyn doono, isagoo higanaya himilooyin cad-cad oo wax ku ool u noqda adeegga ay Maxkamaduhu u hayaan ummadda.
Tani waxay geyeysiisay inuu garsoorku noqdo, Waax dhaqaale ahaan arradan, oon ka kicin halkii uu taagnaa 1991-kii, halka ay Waaxaha kale ee qaranku ay agab ahaan, dhisme ahaan, iyo dad ahaanba horumareen. Waxa jirtey mar aanu baarlamaanku hool lehayn oo ay marti u noqon jireen Garsoorka, Maxkamadd sarena ay fadhigooga ku qabsan jireen, maantana waad arki kartaa faraqa u dhexeeya labadan Waaxood, markaad dusha ka milicsato dhismeyaasha kala-jiidan ee sheedda kaaga soo hirayo, iyo maqsinnada dhagaxa ee dirqi lagu arkayo ee ahaan jirey Maxkamadihii Ingiriiska. Waagaasi Ingiriiska dalku haystay, oo tirada dadweynaha ku nool Magaalooyinka iyo dacwaduhuba aanay meel kaga dhacayn xaqiiqada maanta jirta.
Garsoorka oo saldhig u ah caddaaladda iyo nabadda la rabo inay bulshadu kuwada noolaato, ayaan madax iyo shacaba la hilmaamin doorkeeda marka meelahaas laga hadlayo. Balse markaad waaqaca usoo noqoto, waxaad arkaysaa in aanay Siyaasadaha Qaranku ka dhabsheegaynin Mudnaanta Garsoorka iy Caddaaladda. Waxaana taasi kaaga markhaati ah, miisaaniyadda ama dhaqaalaha loo qoondeeyay Garsoorku inuu ku hawlgalo sannadkii oo heerkeedu aad uga hooseeyo Waxaaha kale ee dhigeega ah. Waxaana Garsoorka oo ay ku jirto Xeerilaalintu kusoo hagaaga 2.2% Miisaaniyadda Qaranka (Miisaaniyad 2016).
Bal aynu soo qaadanno Miisaaniyaddii sannadkii hore (2016), si aad u fahamto, heerka tixgalinteed ee Garsoorka la siiyay marka jaangoynayo Qorshaha sannadeedka Qaranka. Ma taqaannaa Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha? Ma sheegi kartaa adeeg toos ah oo ay umadda qabato? Mase rumeysan kartaa haddii lagu yidhaahdo waxay wasaaraddaasi (laga yaabo in aanad arag halka ay ku taallo) ay miisaaniyadda loo qoondeeyay adeeggeegu uu ka badanyahay kan loogu talogalay kharashaadka adeeg ee Maxkamadaha Degmooyinka, Gobollada iyo Rafcaannada dalka oo dhan?
Adeegga Wasaaradda Xidhiidhka waxa loo qoondeeyay kharash sannadeed dhan 812,400,00 SLSH, halka adeegga Maxkamadahaasi dalkoo dhan ka garsoora maalinkasta min degmo illaa Gobol uu yahay 575, 908,800 SL SH.
Sidoo kale kharashka lagu bixiyo alaabta Maxkamadaha Dalka oo dhan (mid sare iyo kuwo hoosaba) oo ah 1,112,408,800 SL SH waxa ka badan Kabka la siiyo Ururka ama NGO-ga aan dad badani maqlin ee la yidhaahdo Degmo Heritage and Rural Life oo ah 1,500,000,000 SL SH.
Halka sidoo kale Mushaharka loo qoondeeyay Naafada Qaranka oo ah 19,425,369,600 SL SH uu isna ka badanyahay Miisaaniyadda Maxkamaha ka hawlgala Gobollada dalka oo dhan, oo aanay ku jirin Maxkamadda Sare.
Hay'adahaasi kooban een soo qaatay dhaqaalaha loo qoondeeyay, oo aan runtii mid kamid ah la bar-bar dhigi karin, kaalinta uu Garsoorku (Maxkamadaha iyo Xeerilaalintu) kaga jiro dhismaha Qaranka iyo taabogalinta Nabadgalyada la doonayo inay bulshada kala hesho, kuna wada noolaato. Mana aha wax lagu qanci karo; marka aad maqasho xukuumad ku doodaysa inay mushkiladda miisaaniyad yaraanta Garsoorku tahay mid ay sababtay xaaladda dhaqaale ee Dalku, balse aanay ahayn siyaasad xumo xaggeega ah. Waxaana taasi beeninaya shaxda miisaaniyadda iyo sida loo qoondeeyo Dakhli sannadeedka Qaranka. Waayo waxaad arkaysaa, hay'ado iyo Guddiyo dheeraad ah, oo aan adeegyo toos ah u qaban bulshada, oo loo qoondeeyay dhaqaale aan caqligal ahayn. Halka hay'ado qabta adeegyo asaasiya oon saacad qudha laga maarmaynin, ay ku shaqeeyaan duruufo adag oo dhaqaale.
Haddii aynu kusoo noqono xaaladda dhaqaale ee Garsoorka; hore ayaan usoo sheegnay inay tirada faylasha kusoo fatahaya Maxkamadda sare, tirada kooban ee garsooreyaasheeda, iyo halka hool ee ka dhexeeya uu ku tusayo, halka ay taagantahay caqabada agab (facilities) ee uu la ildaranyahay garsoorku. Maqsinnada uu bedkoogu yahay labada mitir, ee laba jibaarani, ee ay Garsooreyaashu ku galaan dhegaysiyadu, ma aha, deegaan ku haboon dhegaysi dacwadeed, oo la doonayay inay u furnaanto dadweyne kasoo qeybgala dhegysiga dacwadda. Waxaana jilbaha iyo gacmaha is lasoo gaadhaya Garsoorayaasha iyo eedaysanayaasha la dacweynayo, taasina waxay khatar ku tahay nabadgalyada jidheed, iyo maamuuskii garsooraha ee fadhiga looga kici jirey.
Mushaharka garsooruhu ma aha isna mid ku filan, waana mid suququl ku ah garsooreyaasha, Waxaanay sidoo kale Miisaaniyad yaraanta Garsoorku ay caqabad kale ku tahay in la kordhiyo garsoorayaal tababaran oo leh xirfad sharciyeed iyo meelo ay ku hawl galaan . Halka mushaharka garsooreyaasha gobollada ka hawlgalaa uu yahay mid ay si saddex biloodle ah u qaataan, taasoo caqabad ku ah nolosha garsooraha loo badalo gobol aanu hore u daganaan jirin.
Walaw la sameeyay dadaalo loogu kordhinayay mushaharka Garsoorayaasha intii uu Talada la wareegay Xisbiga Kulmiye, hadana hoos u dhaca qiimaha shilinka Somaliland oo ku dhaw libin laab, ayaa waxoogaagii yaraa ee lagu doodi lahaa in loo kordhiyay ka dhigaya hal bacaad lagu lisay. Waxaana suurtogal ah, haddii loo kuurgalo mustawaha nololeed ee maanta iyo mushaharka ay qaataan Garsooreyaashu; in wax u kordha iska daayoo, laga yaabo in halkii uu taagnaan jirey ka hooseeyo.
Mana jiro tansiilaad kale ama kabis ay gobollada iyo degmooyinku siiyaan Maxkamadaha ka hawlgala. Mana jiraan maamullada gobollada iyo degmooyinku guryo (accommodation) ay ugu talogaleen Garsooreyaasha iyo Ku xigeennada X/Ilaaliyaasha ee gobolkooga loosoo badalo, umana kireeyaan hoy ay galaan, si ay noloshoodu isku dabooshu. Ma jirto siyaasad Qaran oo laga yeeshay arrintaasi, taasina waxay kalliftay in Garsoorihii gurigiisa laga badalay, uu kireysto guri kale oo ay shaqadu qasabtay, isagoo dhaqaalaha la siiyaana aanu u qeybsami Karin kiro iyo masaariif.
Talo soo Jeedin
1. Waa in dib-u-habayn lagu sameeyo qaab-dhismkeedka sharciyeed guud ee Garsoorka, iyada oo dib loo eegayo qodobbada dastuur ee khuseeya;
a. Magacaabista iyo xil ka qaadista Garsooreyaasha Maxkamadda Sare.
b. Qaab-dhismeedka Guddida Caddaalada (Dastuurka; Qod 107), iyadoo xubnaha laba-xillayaasha ah (double role members) ee ka tirsan Waaxaha Fulinta iyo Baarlamaanka laga saarayo. Laguna beddalayo Xubno lagu xushay waayo-aragnimo sharciyeed, shareeco iyo Dhaqanba. Kuwaasi oo ka madax-bannaan siyaasadda.
2. In la sameeyo Xeerka Wadashaqaynta Wasaaradda Caddaalada iyo Garsoorka ee uu jideeyey Qodobka 106-aad ee Dastuurka.
3. Waa in Qodobka 103-aad Dastuurka, ee Qeexay Xeer Ilaalinta, la sameeyaa Xeerkii X/Ilaalinta Guud ee asaasayay Qaab-dhismeedka hay’ad ahaaneed ee Xafiiska, iyo doorarka siyaasad-dajineed (policy-making) ee uu ku leeyahay, yareynta dambiyada, tiro-koobistooda oo aanu ku ekaan uun Oogistooda. Taasi oo horumarin doonta Siyaasadda Guud ee lagu dajinayo Nidaamka Caddaaladeed ee Ciqaabta Qaranka (National Criminal Justice System).
4. Waa in la sameeyo qeyb cilmi-baadhiseed ama deraasadeed oo si madax-bannaan u derista Halka uu Marayo Adeegga Garsoor iyo Ku Dhaqanka Sharcigu, iyo Caqabadaha hay’adeed (institutional challenges) ee hortaagan ka libkeenista Ujeeddooyinkii loogu talo galay Garsoorka, iyo Sharci-fuliyayaasha ( Law enforcement),
5. Waa in Garsoorka awood u yeesho, ka go’aan gaadhista Miisaaniyaddiisa, iyadoo ay ka qeyb-qaadanayaan Garsooreyaasha iyo X/Ilaaliyayaasha ka hawlgala Maxkamadaha Hoose ee Gobollada dalka, si loo helo xog ururin dhammeystir oo ka tarjumeysa baahiya iyo duruufaha guud ee ku gadaaman adeegyada Garsoor ee ay fidiyaan.
6. In kor loo qaado Mushaharooyinka iyo Gunnooyinka Garsooreyaasha iyo Xeer-Ilaaliyaasha, oo xilal muhiim ah oo joogta ah u haya Qaranka. Taasi oo dhiganta inta ay qaataan xildhibaannada Baarlamaanka ee ay shaqadoodu wakhtiilaha tahay. Waayo maalin qudha ma istaagi karto shaqada Maxkamaddu ama garsooruhu.
7. In la daadejiyo Miisaaniyadda Maxkamadaha Rafcaanada iyo Gobolladu ku hawl-galaan, iyadoo la dejinayo nidaam-xisaabeed, daah-furan, oo xisaab-celin wakhtiyaysan leh. Si ay Maxkamaduhu awood ugu yeeshaan inay helaan Kharash ay ku fuliyaan hawlaha asaasiga ah ee ay shaqadooda ku xidhan tahay.
8. Waa in la badiyo qolalka dhegaysiga ee u qaabeysan una qalabeysan hannaanka lagu yaqaan meelahay Maxkamaduhu ku galaan Dhegaysiyada, si looga baxo fadhiyada dhegaysi ee ka dhaca qolalka yar-yar ee cidhiidhiga ah. Waayo badi Qolalka ay garsoorayaashu ku galaan dhegaysiyadu, waa qaar uu qaadkoogu yaryahay oon saamaxayn inay dadweyne dhegaystayaal ahi kalasoo qaybgalaan, lana ogaadaan waxa uu meesha kawado Garsooruhu iyo sida uu ilaalinayo dhex-dhexaadnimada dhegaysiga, Qolalkani waxay dirqi ku qaadayaan uun dhinacyada iyo wakiiladooda sharciyeed, iyo maragyada ay khusayso dacwadda meesha lagu hayaa.
Nidaamkeena Garsoorna waa mid ‘xalaal iftiinbaa la qashaaya” oo loogu talogalay inuu ahaado mid la isla arkayo sida uu wax u wado (Not only must Justice be done; it must also be seen to be done). Mid ay tahay inay noqdaan doodaha dhinacyada is-hayaa kuwo u furan dhegeysiga iyo kasoo qeybgalka dadweynaha, oo aan ku ekeyn uun Maxkamadda oo qudha (Qodobada 97,98-aad XHC) iyo (Qod 14,16-aad ICCPR).
Mana aha in haddii Xafiis-ku-dhegaysigaasi lagu bilaabay sagaashameedyadii, in illaa maanta lalasii haysto oo la qabatimo. Balse waa in la ogaadaa inayna siday wax u socdaan aanay ahayn sidii loogu talogalay in wax lagu dhegaysto. Waa ina lagu darsadaa baahiyaha aan waxba laga qaban ee illaa maanta uu Garsoorku tabayo. Markaasaa la gudo gali karaa, xisaabtana lagu darsan karaa sidii loo hirgalin lahaa Waana waajib in Laguna arkaa Astaantii iyo Milgihii Maxkamadeed (Standard of Court facility) meeshan lagu muujinayo Sarreynta Sharciga.
Nidaamkeena Garsoorna waa mid ‘xalaal iftiinbaa la qashaaya” oo loogu talogalay inuu ahaado mid la isla arkayo sida uu wax u wado (Not only must Justice be done; it must also be seen to be done). Mid ay tahay inay noqdaan doodaha dhinacyada is-hayaa kuwo u furan dhegeysiga iyo kasoo qeybgalka dadweynaha, oo aan ku ekeyn uun Maxkamadda oo qudha (Qodobada 97,98-aad XHC) iyo (Qod 14,16-aad ICCPR).
Mana aha in haddii Xafiis-ku-dhegaysigaasi lagu bilaabay sagaashameedyadii, in illaa maanta lalasii haysto oo la qabatimo. Balse waa in la ogaadaa inayna siday wax u socdaan aanay ahayn sidii loogu talogalay in wax lagu dhegaysto. Waa ina lagu darsadaa baahiyaha aan waxba laga qaban ee illaa maanta uu Garsoorku tabayo. Markaasaa la gudo gali karaa, xisaabtana lagu darsan karaa sidii loo hirgalin lahaa Waana waajib in Laguna arkaa Astaantii iyo Milgihii Maxkamadeed (Standard of Court facility) meeshan lagu muujinayo Sarreynta Sharciga.
9. Waa in la curiyo Xeerkii Hawlgabka Garsoorka, iyadoo si ballaadhan looga qeyb-galinayo Dhinacyada uu khuseeyo.
10. Waa in la curiyo Xeerkii Hawlgabka Garsoorka, iyadoo si ballaadhan looga qeyb-galinayo Dhinacyada uu khuseeyo. Waayo waa laga maarmaan in qofka caddaaladda lagu sugayo, isaga marka hore loo caddaalad sameeyo oon laga hakran wixii qaranku awoodo, iyadoo la tixgalinayo Kaalinta uu Qaranka uu kaga jiro adeeggiisu. Mana aha in laga siiyo mudnaanta kuwo kale, oo aan lahayn culayskani shaqo. Maadaamo, oo ay waaxdani tahay meel siyaasad ahaan dhex-dhexaad ah (politically nonpartisan) oo aan ku lug lahay kooxa kula loolamaya hoggaaminta dalka, waxay Garsoorayaashu noqdeen, kuwo la iska illoobey oonse la illoobi karin shaqaday u hayaan qaranka. Waaxdanina waxay noqotay mid aan cod ku lahayn, oo aanay cidi ku matalin meelaha lagu qaadanayo ama lagu dajinayo Siyaasadaha Maamul ee Dalka lagu hago. Manay yeelan Hannaan Muumul (oo dhaafsiisan Maareynta galdacwadeedyada) sida waaxaha kale hanaqaaday, oo curiyay Siyaasad Guud oo leh bartilmaameedyo ay higsanayso waqtiga dhaw iyo ka foba. Sidaa darteed ayaan soo jeedinayaa in uu Garsoorayaashu iyo dacwadoogayashaabu ay isku baraarujin lahaayeen sidii ay cod mideysan ugu doonan lahaayeen Xaqooqa hawlgabka oo aaney cid gaar ah ku halleynin, mar haddii ay xaaladda jirtaa tahay “Ninkaan hadlin habartii qadisey”. Waayo markey xuquuqdooda helaan, ayay ciddi kale la dulmeyna xaqooga dooni karaan.
11. Waa in anshax-marinta iyo la xisaabtamidda Garsooreyaashu marto nidaam rasmiya, daah-furan, oo dhegaysigiisa laga soo qeybgali karo, ka hor intaan la soo saarin go’aamo saameynayaya xilalka Garsooreyaasha iyo Xeer-ilaaliyayaasha. Sidoo kale Nidaamka La Xisaabtanka Garsoorku, waa in aanu ahaan mid u taagan Anshax-marin qudha, balse waa inuu sidoo kalena lahaado abaalmarin. Oo uu lahaada Nidaam Qiimeynaya Shaqada uu Garsooreyaasha iyo Xeerilaalintuba u heyso Qaranka. Taasi oo u baahan in Nidaamka Qiimeyntu uu ka bilaabmo Hannaanka Dib-u-eegisaha ama Rafcaannada ay Maxkamaduhu dib-isugu-eegaan, Taasi oo Xukummada iyo Eedaha u badan ee ay Maxkamaduhu ayiddaan, iyo kuwa nusqaanta sharciyeed iyo xaqiiqo leh ee kasoo baxaba la kala Garto Garsoooryaaha iyo Dacwad-oogayaasha ay inta badan ka kala yimaaddaan. Waana shaqada Maxkamadaha Dib-u-eegista/Rafcaanka (Review courts) oo la filayo inay Ka hawlgalaan Garsooreyaal ka khibrad iyo aqoon badan Maxkamadah Garnaqa leh (Trial Court).
Waana in aanay Maxkamadda Rafcaanku ku ekaan burinta, ayiddida iyo dib-u-celinta go'aammada looga soo cabto uun, balse waxay ahayd:
Waana in aanay Maxkamadda Rafcaanku ku ekaan burinta, ayiddida iyo dib-u-celinta go'aammada looga soo cabto uun, balse waxay ahayd:
- inay lahaadaan Nidaam daahfuran oo ay Rikoodhgaraynayaan Go'aamada ugu badan ee laga soo cawdo mawduuca ay u badanyihiin, si loo xaqiijiyo iney cabashooyinkaasi ay salka ku hayaan Goldaloolo sharciyeed oo ka jirta Xeerarka la xidhiidha Mawduuca laga garnaqayo (substantive laws) ama kuwa hannaan dacwadeedyada maamula (procedural laws).
- Tirokoobista Garsooreyaasha iyo Dacwad-oogayaasha inta badan ay jiraan asbaabaha go'aamadooda lagaga rafcaanqaato, amaba ay Maxkamada Rafcaanku ay u garawdo Rafcaanlayaasha. Tani waxay fududayn lahayd in dib-u-qiimeyn lagu sameeyo heerka aqooneed ee Garsooraha, oo laga yaabo in aanu Qeybtaasi sharciyeed (Specific area/discipline) aqoon badan u lehayn, balse uu kaga fiicnaan lahaa ka garnaqista Eeriya kale oo sharciyeed, iyo inuu Garsooruhu ka badheedho waxyaabaha ay cabashooyinku ka dhasheen.
- Waa in aaney noqon uun Xilkaqaadista iyo hoos-u-celinta, badalidda Garsooruhu/Dacwad-ooguhu mid ku timid cabasho gaar ah oo ka timid gal uu hayay oo dhinac danaynayaa kasoo gudbistay. Waana in aanay tallaabo kasta oo ay Guddida Caddaaladu Qaadaa noqon mid lagu baraarujiyay oo aanay cadho kula dhicin Garsooeyaal/ Dacwad-oogeyaal intay qabteen ay ka badantahay inta laga tirsanayo, iyadoo tallaabooyinkaasi lagu raaligalinayo ciddaasi gaarka ah. Wuxuu se Nidaamkaasi Dib-u-eegistu oo ah hawl si joogta ah u socota, uu abuuri lahaa daaqad laga arko Waxqabadka Garsooraha ama dacwad-oogaha. Waxaana taasi laga fahmi karaa asbaabta Go'aan ee ay Maxkamadda Rafcaanku ku naqdiday go'aankii Garsoorihii garnaqa lahaa, ama go'aankii dacwad-ooguhu uu ku ayiday jiritaanka eedda sharciyeed ee uu soo oogey. Go'aannada Dib-u-eegistuna waxay u baahnaan doonaan Xeeldheerayaal Sharci oo asbaabtooda si cilmeyaysan ugu lafagura una toosiya tarbiicooyinka ka dhex muuqda go'aanada ka hooseeya.
12. Waa in la joojiyo baahinta digniinaha shaqo ee ay Guddida Caddaaladdu soo saarto, maaddaamo oo ay digniinta shaqo tahay arrin khuseysa cidda loo digayo oo qudha.
No comments:
Post a Comment