Posts

Showing posts from April, 2021

MIYAA LA WAAYAY XAL DHAAMA XABSIGEYNTA ARDEYGA? By Garyaq. Muxamed Axmed Cabdi Bacaluul

Image
Waxay ahayd Bishan oo kale labo sanno ka hor markii uu Guddomiyaha Maxkamadda Sare uu shirka jaraa’id ku difaacayay Xaqa uu Eedaysanuhu u leeyahay in Damaanad lagu sii daayo inta ay dacwaddiisu socoto. Waqtigaasi oo ay Maxkamaddu dammaanad ahaan ku sii deysay Masuuliyiin Dawladda u shaqeyn jiray oo xidhnaa, loona haystay Ku-tagrifal Hanti Qaran. Waxaanan xasuustaa waliba in X/ilaalinta Gobolku ka hadashay dammaanad ku sii deyntaasi kuna doodday in Xeerka ay ku eedaysnaayeen uu si cad u reebay dammaanad-siintooda. Maanta oo yar-yar loo haysto fal uu ka dhashay khasaare hantiyeed oo gaar ahi, iyada oo waalidkoodii la garanayo masuuliyaddooda waxbarasho iyo nololeed gacanta ku hayay miyaa loogu sii deyn laayahay dammaanad? Misa iyagaan Codsan wali? Xaqa Dammaaanadda miyaan loo sinneyn, misa intii la doonayo ayuunbaa la siiyaa? Sharcigu ha noqdo sida uu yahay, yuusan noqon sida la rabo. Arday loo haysto rabshadihii ka dhacay Dugsiga Sare ee Nuuradiin (Qeybta innamada) Go’aanka Eedaynta {Pr...