MAXAY TIGREEGU ISMAAMUL IYO QOOMIYAD AHAANBA DIIDDANYIHIIN ? Mohamed Ahmed Abdi Bacaluul.
Taariikh ahaan, Tigraygu waxay Minelikii labaad kala qeyb-qaateen duulaannadii uu ku qabsaday Koonfurta iyo Galbeedka Eithiopia qarnigii 19-aad horraantiisii. Waxaanay intii ka dambaysay dhul-ballaadhsigaasi, isku arkayeen kuwa laga maarmay oo Boqortooyadii Axmaaradu ee ay isku imbaraadooriyadda iyo diinta ahaayeen (Orthodox Christianity) aanay wax abaal ah u celin markii ay u guurtay Koonfurta. Waxaanay u arkeen Axmaaradii Showa kuwa isku koobay kheyraadkii iyo dhulalkii la qabsaday, isla markaana is-gaashaan buuraysi kale la samaystay dadyawgii reer miyiga ahaa ee ay qabsadeen. Tigreyga—iyaga oo dhutinaya ayuu Dhergigu kusii joogsaday. Waxa uu Nidaamkii Hanti-wadaagga ee Dhergigu afgambiyay Boqortooyadii Haile Salase 1974-kii, una badalay hoggaamintii Itoobiya Nidaam Siyaasadeed Shuuciya oo ku dhisan hal-xisbi. Dhergiga laftiisu wuxu ahaa mid sii xoojiyay uun cududdii Militari iyo Siyaasadeed ee Axmaaradu lahayd. Waxaanu Nidaamkani ku shaqeynayay olole Shuuciyeed iyo Xa...