DADKAYGOOW YAAN NIN DAN LEHI IDINKU HARAWSAN DIINTA
DADKAYGOOW YAAN NIN DAN LEHI IDINKU HARAWSAN DIINTA ----------------------------------- Waddaada ka shakisan Iskaashi ay Somaliland iyo Itoobiya wada yeeshaan waa dhawr kooxood. Wadaaddadii ka mid ahaan jiray X-itixaad, iyo kuwii beryihii dambe ka soo baxsaday oo aan u dhalan JSL, waxa ay si shaqsiya uga sii qadh-qadhayaan magaca Itoobiya. Waxaanay miciinsadeen in ay Umadda Itoobiya oo dhan ku xukumaan gaalnimo, oo ay abuuraan dareen bulsho oo ku lid ah dadkaa aynu jaarka nahay. Qaarkoodna nimankaas waa qandaraaslayaal ku shaqeysta cumaamadaha carabta iyo af-carabiga. Waxa ay ku shaqeystaan xoogaaga sakooyinka ah ee ka yimaadda sheekhyadaas carabta iyo mashaariicda bilaa xisaabcelinta ee dhismayaasha masaajiddada iyo madsrsadaha is huwan (Mosque and Madrasa Construction Projects) ee lagasoo qaato. Kama hadlayo kuwa ay bulsheedeenu iska kaashato. Nimankaas oo barigii ay darta-darta bilaabayeen uu Madaxweyne Cigaal sagaashameedyadii u iftiimiyay bulshadeenna. ...