Kaliya musuq-maasuqu uma baahna ka dabatagga hanti-dhawrka ee ka duula marka uu tuhun soo baxo. Waxa loo baahanyay in uu jiro Nidaam dhisan oo intii awooddiisa yarayn kara suurtogalnimada uu ku dhici karo musuq-maasuq, hanti lunsi, laaluush ama awood isku-baadis (extortion). Nidaamkaas ayaa u baahan iskaashi dhexmara hey'ado dawladeed oo dhawr ah iyo mid dadweynaba.
Hey'adahaas waxa ka mid ah Bangiyada Dhexe oo diiwaangaliya hantida ay Madaxdu haysato xilka ka hor. Waxaanu curiya xeerka ka hortaga Lacagaha siyaabaha leexsan lagu helo ee Akawnada Qarsoon lagu shubto ama loo xawisho meel kale. Xeerarkaas ayaa la yidhaahda xeerka ka hortagga lacagaha la meydho (Prevention of Money Laundering Act) ayaa xad u sameeya lacagta ugu badan ee la dhigan karo akawnada bangiyada dalka ama hal mar laga xawilan karo. Taas oo wixii xadkaas ka badan waajib ku saaraya Bangiyada gaarka ah in uu macmiilka ka buuxiyo foomam uu ka saxeexo oo macmiilku ku sababaynayo halka uu dakhligaasi ka soo galay. Kadibna Bangiyady waxa ay nuqullo kamida foomamkaasi ku la wadaagaan bangiga dhexe iyo hantidhawrka guud. Kuwaas oo illaa ay barraxaan macmiilka (clearance) oo cashuuraha ku waajibayna laga gooyo, aanay bangiyadu ka yeelin in lagu xassaysto lacago aanay ogeyn sida lagu helay ama qaar dhigaal ahaa sababta hal mar loo wada xawilinayo.
Xeerka Xogsiinta Dadweynaha (Public Information Act) ayaa isna ka mid ah xeerarka lagaga hortago musuq-maasuqa. Xeerkani isna waxa uu kor u qaadaa daah-furnaanta mashaariicda, go'aannada maamulka iyo mucaamilka dhexmmara hey'adaha maamul iyo laamaha gaarka ah (private sector). Xeerkani waxa uu faraa hey'adaha maamul in ay baahiyaan habraacyada uu muwaadinku u codsan karo adeegyadooda, siyaasadahooga, qorshayaashooda iyo wax-qabadyadooda. Wixii xog ah ee dheeriya ah ciddii rabtana waxa uu xeerku u dhigaa habraac ay ku dalban karto.
Ta ugu muhiimsan ee ay xeerarka Xogsiinta Dadweynuhu ay ku xakameyaan musuq-maasuqa waa waajibinta in la kashifo musuqa qarsoon. Waxa uu xeerku awood u siiyaa shaqaale hoosaadyada ay madaxda ka sarreysaa ku amarto in ay fududeeyaan hawlo leexsan. Waa in ay siidhiga ku afuufaan waxaas dagamsan ee miiska hoostiisa ka socda (whistle-blowers). Kuwaas oo uu xeerku u dammaanad qaado in aanay waayi doonin shaqadooda iyo xuquuqahooda kalaba marka ay kashifaan musuq-maasuqaasi ay goob joogga u yihiin.
Xeerka qandaraasyada Qaranka (Public Procurement Act) ayaa isna kamida ah kuwa muhiimka ah. Xeerkani wuxuu si gaar diiradda u saaraya hannaanka maamul ee hay'adaha fulintu u baahinayaan, u tartansiinayaan, una kala saarayaan cid kasta oo danaynaysa qaadashada qandaraasyada iib ama hawl-qabad ee dawladu dalbato (bids). Waa xeer muhiim u ah xakameynta musuqa, haddii sidiisa loogu dhaqmo. Waxaanu qeyb ka yahay Nidaamkaas Guud (framework) ee aan sheegay in la helo si looga hortagayo musuq-maasuqa lagula kuco hantida guud (public fund/properties and powers).
Waxa sidoo kale jira xeerar ciqaab ah oo aynu leenahay ku saabsan ku tagrifalka awoodaha iyo lunsiga hantida dadweynaha. Kuwqaas oo ay naadir tahay fulintoodu marka aad eegto xagga x/ilaalinta iyo maxkamadaha. Xeerarkaas waxa ka mid ah xeerka ku tagrifalka hantida qaranka oo soo baxay 2007-dii. Waxa sidoo kale xeerka cciqaabta guud oo uu cutub ka mid ahi si faah-faahsan uga hadlayo dambiyada iyo ciqaabaha ka dhasha ku tagrifalka awoodaha maamul iyo ka gaabinta waajibaadka masuuliyadeed ee uu ku kaco sarkaal dawladeed (eeg qodobada 240-281 XCG).
Fal-dambiyeedyadaas xeerka ciqaabta guud oo ay qaarkood eedayntoodu ka dhalanayso cabashada cid kasta oo dhibane ka ah, ayaanay habayaraate dadweynuhu ku baraarugsanayn. Kaliya dadweynuhu iyagaa u kala cabta saldhigyada se ma aaminsana in laga caban karo masuul xil haya oo awooddiisa ku tagrifalaya sida Xataa bilayska iyo X/ilaalintu uma ay bisla eedaha noocan ah oo waayo-aragnimo badan uma laha, maadaamo oo aanay arag cid ula timaadda oo aaminsan in ay tallaabo ka qaadi karaan.




