WANKII BENUURJI
WANKII BENUURJI S heekadani waxay ka mid tahay sheekooyinka ka caanka ah carriga Faransiiska. Waxa jiray nin ganacsade ahaa oo la odhan jiray Dondono. Dondono waxa uu ahaan jiray mid arxandaran oo deeq iska daaye aan deyna waxba laga heli jirin haddii xataa haddii uu qofku u dhimanayo wax uu hayo. Dandoono oo maalin ka mid ah maalmaha ayaa k deegaan kale adhi ka soo rartay. Waxa uu doontii adhiga u sidday uu kula kulmay nin la odhan jiray Benuurji, oo dadkii rakaabka ahaa ka mid ah. Markii ay doonto shiraaqatay ee rakaabkii ay qaladii ka baxday ee wada sheekaysteen, ayaa Benuurji loo sheegay uu ay doonto u rarantahay ninkaa adhiga ku dhex jiraa oo la yidhaahdo Dandoono. Dandoono, maadaamo oo u ganacsade wayn ahaa, magiciisa iyo xantiisuba kuma cusba. Benuurji waa nin faduul badani, waxa uu dhaqaaqay xaggii Xaaji Dandoono, bariido iyo is-barasho gaaban dabadeedna, waxa uuku yidhi waxaan doonayaa in aan kaa iibsado wankaa adhiga u weyn. Dandoono ayaa wankii...