Posts

Showing posts from September, 2015

KHUDBADII 18, May,1997-kii: HAMIGII CIGAAL IYO ARAGTIDIISII KU WAAJAHNAYD DHISMAHA QARANKA.

Image
Madaxweyne Muxammed X.Ibraahim Cigaal.  "Allahu Akbar ! Allahu Akbar ! Waxaan idiin leeyahay Kulligiin, yar iyo weyn asalaamu calaykum ! Alxamdu lillaahi Rabil Caalamiin… waxa I dhaqaajiyay, halkan baabuurtii inagga dhaaftay waxa ku jiray baabuur la odhan jiray Sahra Tuugo. Habeenna kuma seexan, Sahra ayaa halkan Salaantaada usoo mari doonta. Wax Ilaahay loogu shukri naqaa weeyi, iyaduna iyo kuwa wadaana, maantay sharaf leeyihiin. Inagguna lib weyn, ayay maanta inoo tahay, in, aynu inagoon kala adkaanine walaalo ah, aynu isugu nimid kulligeen  sannad guuradeenii lixaad inagoo is beer-xaadhanay, oo walaalo ah, oo aan buqdi iyo cadho iyo ciil isku qabin,  inaynu maanta halkan ku wada fantisiyaynayno, waxay ila tahay lib weynbay inoo tahay,  dadka in yarbay ka suurogashaa, Qaramada in yarbay, ka suurogashaa. Kuwa xabadda isla dhacayaa, waxay kala haystaan ma jiro. Wixii ina kala gaadhay, wax ka yarbaa kala gaadhay. Caqli iyo Cilmi iyo aqoon ay ku yidhaahdaa...

KULMIYE PARTY IS AT CROSSROADS ; SILANYO CLINGS THE REINS OF THE HORSE AND MUUSE IS PREPARING TO PULL HIM DOWN.

Image
Posted on January 28, 2014.  by Garyaqaan Mohamed Ahmed Abdi Bacaluul (waddi12@gmail.com) The tsunami of the political parties is their General assemblies, when they are selecting their big candidates for the presidential elections. It is when the party’s neck is on the line, when the cracks develop in to valleys, fragmented wings appear, and the exchange of the worst remarks among the colleagues is inevitable. Being afraid to face this decisive moment, Kulmiye party keeps pushing back the timeline scheduled for its internal competition. As we learned from the previous experiences, there will be a political tricks and rows over the delegate-selecting processes and organizing the assembly. Each candidate will not spare any effort or penny to build up strong coalition within the party by attempting to add the most active players in his lineup. As the political forecasts foretold, in a time Kulmiye party is busy on processing its candidate for the 2015 presidential e...

Bacaluul: HALKAY MARAYSAA DACWADDII U DHAXAYSAY WARFAA ALI I...

Bacaluul: HALKAY MARAYSAA DACWADDII U DHAXAYSAY WARFAA ALI I... : Waxa ugu badnaan laga joogaa 30 sannadood markii ay xabsiga u taxaabeen iyagoo jidh-dilay calooshood u shaqaystayaashii la jiray Kali taliy...

HALKAY MARAYSAA DACWADDII U DHAXAYSAY WARFAA ALI IYO KOLONEL TUKEH ?

Image
Waxa ugu badnaan laga joogaa 30 sannadood markii ay xabsiga u taxaabeen iyagoo jidh-dilay calooshood u shaqaystayaashii la jiray Kali taliyahii Soomaliya  ee Maxamed Siyad Barre. Farhan Warfaa Ali kamay hadhin naxdintii iyo saskii uu ka qaaday, maalintii uu sarkaalkii ciidanka ahaa,   ee waraysanayay,   intuu bistoolad ula soo baxay,   uu shanta xabadood ku dhuftay, isagoo meel u dhaw taagan.   Farhaan Warfaa oo la taagan Qareennadiisii.Wuxuu Farhaan dacawaynaa, Yuusuf Abdi Ali, oo dambiyo badan  ka geystay Somaliland 1980-kii, isla markaana deggan dalka Maraykanka. Photograph; Centre for Justice and Accountability .                                      Colonel Yuusuf Abdi Ali ( Tuke). Photograph: Centre  for Justice  and Accountability Hadaba, isagoo, u malaynaya in uu dilay maxbuuskii uu waraysanayay ee loo ha...

KEEBAAD GARTA SIIN LAHAYD?

Image
Euathlus oo ahaa arday sharci-barad ah iyo macallinkiisii Protogoras ayaa ku heshiiyay in aanu intay wax-barashadu socoto fii ama lacag-waxbarasho la waydiin ardayga. Lacagtaasina ay bixinteedu waajib noqon doonto, haddii uu Euathlus ku guulaysto dacwadiisa koowaad. Waxa la xusaa in Protagros uu waydiistay lacagtii wax-barista markii uu Euathlus dhammaystay,sharci-dhig ashadiisii.                                                                                                                                                                       Hadaba, Euathlus,wax dadaa...

From Somaliland to Afghanistan: Why States Recover – By Greg Mills

Image
The Somaliland city of Burao, high above the sweaty coastal plain that centres on the port of Berbera, was the site of a remarkable conference nearly a quarter of a century ago that ended the fighting in this Horn of African country. Somaliland’s democracy was built on five major internal meetings, starting with the Grand Conference of the Northern Peoples in Burao, held over six weeks and concluding with the declaration of Somaliland’s independence from Somalia on 18 May 1991. Once the capital of British Somaliland, at the time Buroa was, says Mohamud Jama, then a UN official, “a mess – the stench and flies forced us to wear masks over our mouths. The refugee population and the militias had defecated in the buildings, and there were no services at all.’ The declaration was signed in an octagonal tin-roofed building near the colonial governor’s building, without electricity and running water, the white walls outside still pock-marked by bullet holes, the blue inside smeared ...

XORRIYADA QOFKA U HAYSTO IN UU MUUJIYO DAREENKIISA AMA ARAGTIDIISA, ILLAA INTEE AYAY FIDSANTAHAY?

Image
W/Q: Garyaqaan Maxamad Axmed Cabdi Bacaluul (waddi12@gmaiL .com ) Garyq Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul . Tibaaxda “Xorriyatul qawl” oo ah mid aynu kasoo amaahanay afka carabiga,balse noqotay eray-bixin sideeda ku soomaaliyowday,isla markaana macnaheeda iyo nuxurkeedaba badanaaba aynu si isula wada aragno. Waxa aynu alaaba maqalnaa tibaaxdan marka ay saxaafada iyo xukuumadu isku dhacaan, la iskuna qabto qoraalo iyo warbixino kusoo baxay wargeysyada ama laga baahiyay telefiishinada. “Xorriyatul qawl”haddii eray ahaan loo fassiro macnaheedu wuxuu noqonayaa “ Xorriyada loo haysto odhaah afeedka”. Balse Somali ahaan waxaynu u adeegsanaa si ka ballaadhan “odhaah afeed” oo waxaynu u isticmaalna siyaabaha kale duwan ee qofku aragtidiisa ku muujiyo; hadday tahay qoraal, sawir, cod iyo tilmaamo kaleba. Waxay se u arkaa inaanay “xorriyatul qawl” ahayn eraybixinta saxda ah, ee koobsanaya nuxurka mugaas leh. “Xorriyada uu qofku u leeyahay inuu muujiyo aragtidiisa iyo dareenkiisa” ayaa no...