TUSAALAHA GODKA (ALLEGORY OF CAVE)
R TUSAALAHA GODKA(The Allegory of Cave) S heekadani Godku waa tusaale uu keenay Plato oo ahaa Filasoof Giriig ah ( 514a–520a) ama qarnigii 4aad ee ka horeeyay Miilaadiga. Waxa uu usoo qaatay sheekadani si uu macneeyo doorka ay falsafaddu ku leedahay ogaalka xaqiiqaqada jiraalka. Waxa ay dadka Godku u qeybsamaan saddex kooxood oo kala ah: 1) kuwa maxaabiis ah oo silsilsadaysan (2) kuwa aan maxaabiis ahayn oo Godka iska deggan oo maxaabiista maamula (3) qaar kale oo xor ah oo raba in ay Godkaasi afaafkiisa helaan si ay ugu baxaan. kuwa maxaabiista ahi waa qaar ku silsiladaysan gidaar oo dhan kaliya uwada jeeda. Dhankaasi ay u jeedaan waxa ah gidaarka kale oo kusoo celinaya kaaha dab baxaya. Dabku uma muuqda oo waxa uu ka ololayaa meel ka dambaysa kana sarraysa gidaarka ay dhabarka ku hayaan ee ay silsiladdu ugu xidhantahay (eeg sawirka hoose). Waa kuwa labaade waa waa qaar xor ah oon silsiladaysnayn se aan ka bixin godka gudihiisa, aaminsana in aan la...