Posts

Showing posts from June, 2024

WAA MAXAY GARSOOREYNTA SIYAASADDU (JUDICIALIZATION OF POLITICS)?

Image
  WAA MAXAY GARSOOREYNTA SIYAASADDU? Ma maqashay habdhaqanka hoggaamineed ee loogu yeedho "Garsooreynta Siyaasadda (Judicialization of Politics)?  Waa habdhaqan maamul oo taban (negative) oo beryahan dambe ku soo biiray saaxadda siyaasadda iyo arrimaha maamul ee la isku hayo. Waxa ay hoggaamiyayaasha fulintu—  madaxweynayaal ama Ra'isal-wasaarayaasha qaarkood ay u adeegsadaan Maxkamadaha arrimaha siyaasadeed ee ay rabaan in ay ka gabadaan go'aan-ka-gaadhistooda. Arrimahaasi siyaasadeed ayay doorbidaan in ay kala caraaraan in lagaga go'aan-qaato habka Aqlabiyadda ee bulshada lagu matalo (Majority rule). Meelahaasi oo ay ka midyihiin Golayaasha Siyaasadeed ee Xeerdajinta, Wasiirada ama ay kala maagaan in lasoo dhigo fagaare wadatashi oo ay qeyb ka yihiin bulshada ay kolba arrintaasi ay sida gaarka ah u saameyso danahooda tusaale ahaan, Xisbiyada Mucaaridka ama Ururrada Bulshada.   Garsooreynta la garsooreeyo arrimo siyaasadeed oo u baahan go'aan-qaadasho fulineed ama...