Garyaqan Bacaluul. |
DASTUURKA IYO GARSOORKA SOMALILAND
Maxkamadda Sare
Markaad eegto
qaab-dhismeedka Garsoorka iyo sida uu distoorku u kala sarreysiiyay qeybaha
kala duwan ee Maxkamadaha, hadday tahay hannaan dacwadeedyada, iyo Juqraafi
ahaan sida ay Maxkamadaha iyo qaab-dhismeedka maamul ee dawladdu isula
jaanqadyaan, waxaan shaki ku jirin inay Maxkamaddu sare tahay hay’adda ugu
sarraysa ee jidaynaysa Siyaasadda lagu hagayo Adeegyada garsoor ee heer qaran.
Martabaddaasina ma aha uun mid ay siisay dabeecadda shaqo ee arrimo garsoorku,
balse waa mid dastuuriya oo ku salaysan nidaamka sharci ahaan loogu talogalay
inuu u shaqeeyo Garsoorku.
Hadaba intaynaan ka
jawaabin, bal inuu dastuurku siiyay Madaxbannaanidii mabda’ ahaaneed iyo shaqo ahaaneed
ee uu baahnaa, waa inaynu su’aashaas ku tijaabinnaa Maxkamadda Sare, inagoo
eegayna bal awooda dastuuriyeed ee Maxkamadda Sare ay haysato, inagoo bar-bar
dhigayna labada Waxood ee dhiggeega ah (Fulinta iyo X/Dajinta). Sababta aynu
Maxkamadda Sare ugu horeynaynaana, waa innagoo filayna inay tahay tii ugu
sarreysay Maxkamadaha. Sidaa darteedna aynu filayno, inay tahay, tan haysato
madaxbannaanida ugu badan, marka laga hadlayo madaxbannaani awoodeed oo ku
salaysan sharci.
Maxkamadda sare oo
ay ugu maqaam sarreeyaan, Guddoomiyaha, Ku-xigeenka iyo garsoorayaasha kale ee
ka hawlgala. Garsoorayaashani dacwadaha dhegaysta ee maxkamaddu, ma haystaan
dammaanad xileed oo siisa kalsoonidii iyo dhiiranaantii uu xilka garsoorannimo
uga baahnaa. Marka laga reebo, guddoomiyaha oo qudha, Waxay xilheynta
garsoorayasha kale ee Maxkamadde sare uu ku xidhanyahay rabitaanka Madaxweynaha
(Dastuurka; Qodobka 105/1).
Awoodaha
garnaqiseed ee maxkamadda sare, waa mid wada-tashi, oo ay ka go’aan
gaadhistoodu ku xidhantahay ugu yaraan saddex garsoore. Hadaba guddoomiyaha, oo
ah kan qudha ee xilka-qaadistiisu ay ubaahantahay ogolaanshe Baarlamaan,
ayaany madaxbannaantiisaasi waxba ku filleyn, mar haddii aanu kaligiis lahayn
awood go’aaneed. Sidaa darteed, ayaa awooddii dib-u-eegiseed ee ay Maxkamaddu
ku saxaysay go’aannada Maxakamadaha hoose u noqotay mid aan ka fayoobaan karin
saamayn iyo dano siyaasadeedba .
Marka lagu
guuldarreysto farogalinta Maxkamadaha hoose, waxa la fahmey inay Garsoorayaasha
Maxkamada sare ay yihiin kuwo ugu nugul ee la farogalin karo ama saamayn
lagu yeelan karo go’aanaddooda. Waxay noqotay Maxkamadda sare, meel ay
dhinacyada u galaan olaloyaal badan (lobby). Waxaana culayskaasi saaran
Maxkamada ku tusaya, cumaamadaha, suudhadhka (xildhibaanadda, madaxda
hay'adaha), wadaadada iyo mukhallasiinta kale ee buux dhaafiyay daaradeeda iyo
xafiisyadeeda.
Waxaanay tani abuurtay inay dacwaduhu noqon waayaan kuwa ku dhammaada gobolladooda, oo ay Rafcaan-qaadashadu noqoto habdhaqan bulsho, oo aanay xataa ka madhnayn xirfadlayaasha sharciyeed (qareenada iyo dacwad-oogayaashuba). Waxaana Maxkamadda sare kusoo rogmada Laago iyo gacamo rafcaano ah oo kaga kala yimaadda gobollada Jamhuuriyadda oo dhan, Taasi oo loo aanayn karo dabacsanaanta xeerarka hab-dacwadeedyada lagu maamulo.
Xeerarkaasi jideeya hab-dacwadeedyada ayay ahayd inay shuruudo adag ku xidhaan rafcaan-qaadashada, qeexaana noocyada rafcaan ee ay Maxkamadda sare dib-u-eegis ku sameyn karto. Waxaanay sharciyadaasi Maxkamadaha Rafcaanada ee Gobollada awood u siin lahaa inay dib-u-eegistoodu soo afjarto geedisocoka dacwadaha qaar, Tusaale ahaan kuwa uu qiimahoogu, ama heer-ciqaabeedkoogu hooseeyo. Waana ayaan darro, in gal-dacwadeed la isku haysto hal mitir oo dhul ah, ama dakhar-fudud (oo gacan ka hadal ka dhashay) uu Rafcaankiisu socdo illaa Maxkamadda dalka ugu sarreysa. Maxkamadd ay galal noocaas ah, kaga mashquusho, darsidda iyo lafaguridda kiisas saameyn dhaqaale, bulsho iyo nabadgalyaba leh.
Walaw, uu Guddoomiyaha Maxkamadda Sare uu dalbaday in la kordhiyo tirada Garsoorayaasha Maxmkamadda sare, markii uu arkay rafcaannadda tirodhaafk ee u rasaysan, hadana ma muuqdo ifafaalo sheegaya inay yaraanayso rasada Rafcaanada iyo saxmadda haysata Maxkamaddu. Waxaanay taasi ku tusaysaa inay mushkiladaha jiraa ay ka ballaadhanyihiin, garsoore yaraan haysatay Maxkamadda, balse ay qeybka tahay ceebo uu leeyahay seeska sharciyeed ee ay Maxkamadda sare iyo garsoorkuba guud ahaan ku dhisanyahay ama uu ku hawlgaloba.
Tusaale ahaan,
Maxkamadda Dastuuriga ah, oo qeyb ka ah Maxkamadd Sare, ayaa guud ahaanba la
tabayaa doorkii ay ku lahayd ilaalinta iyo taabogalinta xuquuqaha dastuuriga ah
ee muwaadiniinta. Waxaanay shaqadii maxkamaddu noqotay mid ku eeg ka garnaqista
dacwadaha siyaasadeed ee u dhexeeya Waaxaha dawladda iyo axsaabta siyaasadda.
Taasi oo loo aanayn karo, marka laga tago, dammaanad la’aanta xileed ee
garsooraysaaha, qabyooyinka sharciyeed ee aan illaa maanta waxba laga qaban.
Maxkamadda
Dastuuriga ah, oo ah laan garsoor, oo dabeecad ahaan iyo falsafad ahaanba ka
duwan Maxkamadd Sare iyo Maxkamadda Sare ee Caddaaladda, ayaan guud ahaanba lahayn dhismihii
sharciyeed ee qeexeeyay waajibaadkeega, doorkeega garnaqiseed, iyo hannaanka
dacwadeed ee ay ku hawlgalayso (Procedural rules), marka ay ka jawaabayso
cabashooyinka dastuurig ah ee la xidhiidha go’aamada fulineed ee hay’adaha
xukuumadda.
Dib-u-eegista
Go’aannada maamul, ee kasoo baxa haya’adaha fulinta, ayaa iyaguna ah, waajib
kamida waajibada garsoor ee ay Maxkamadda sare gaarka u leedahay. Maxkamada
Sare sidoo kale, malaha waax amma laan gaar ah, oo u xilsaaran dib-u-eegista
cabashooyinka la xidhiidha arrimaha maamul (Judicial Review of Administrative
Decisions). Waxaana meesha ka maqan hanaankii sharciyeed ee qeexi lahaa hababka
loo marayo iyo go'aamada maamul ee looga soo caban karo Maxkamadda
Dib-u-eegista
Rafcaanada Gobolada ayuu doorkii Maxkamadda kusoo ururay, Waxaana la odhan
karaa waxaan gabi ahaanba meesha ka muuqan amaba lagu fashilamay in
hirgaliyo hannaan Garsoor oo dib-u-eegis ku sameeya go’aamada maamul ee
cadaaladnimadooda laga soo caban karo, amaba xadgudub ay muwaadiniintu ka
tirsan karaan.
Hirgalinta
Nidaamkaasi Caddaaladeed ee u dhexeeya Muwaadiniinta iyo Xukuumaddu, wuxuu dawo
u noqon lahayd tacaddiyada, xilgudasho la’anta iyo amarku-taaglaynta ay
muwaadiniintu adeeg-sugayaasha ahi ay had iyo goor kala kulmaan xafiisyada kala
duwan ee Waaxda Fulinta. Waxa adkaan lahaa ku dhaqanka iyo sarraynta sharciga,
oo aanay cid gaar ahi si gaar ah uga faa’idaysateen, in kalana aanay ku hoos
dulmanaanteen. Haybadda Qarannimo iyo kalsoonida muwaadiniintu ku qabaan
awoodda sharcigu leeyahay ayaa kor u qaadmi lahayd.
Maxkamadaha Hoose;
Maxkamadaha
Gardhageysiga 1-aad (Gobollada iyo Degmooyinka) iyo Maxkamadaha Rafcaannada ee
gobollada, ayaa la isku yidhaahdaa Maxkamadaha hoose, Madaxbaannaanida
garsooreed ee maxkamadahan marka aad dooneyso, waa inaad eegto cidda awoodda u
leh gardhegaysiga, een ahayn shaqaalaha kale ee Maxkamada ka shaqeeya.
Ciddaasina Waa Garsooreyaasha oo ay ka mid yahiin Guddoomiyayaasha
maxkamadahan.
Inay Garsooreyaasha
maxkamadaha hoose ka madaxbannaan karaan farogalin dibadeed iyo mud gudaha
ahba, waxaad ku ogaan kartaa markaad daristo, cidda awoodda u leh maamulista
Garsoorka, taasi oo ah Guddida Caddaalada Qaranka ee ku xusan qodobka 107-aad
ee Dastuurka JSL.
Waaxaha kale ee
dawladda aya xubno ku leh, Guddida caddaaladda, halka uu garsoorayaashu ay ku
leeyihiin 3 xubnood oo qudhaata (oo laba kamid ah markiiba la eryi karo amaba
aanay lahayn xil muddeysan). Guddidaasi Caddaaladdu ayuu qaabkeeda
go’aan-qaadasho uu ku yimaaddaa codbixinta xubnaha ay ka koobantahay. Kuwaasi
oo uu go’aankoogu ku ansaxmayo aqlabiyada xubnaha fadhiga ka qeybgalay.
Sida darteed
ayaanay magac caabista iyo xilka qaadista, dallacsiinta iyo hoos-u-celinta
garsooreyaasha Maxkamadaha hoose, aanay u ahayn arrin u taalla Waaxda Garsoorka
oo qudha, balse waa mid u furan saameynta iyo awoodaha farogalineed ee waaxaha
kale. Mana jiro awood gaar ah oo ay xubnaha Maxkamadda sare ay dheeryihiin
marka ay noqoto ka go’aan-gaadhista arrin ay, Waax ahaan ka leeyihiin xubnaha
kale.
Maadaama oo ay
garsooreyaashu ay yihiin udub dhexaadka marka la fulinayo Awoodda dastuuriyeed
ee ay Waaxdani leedahay. Waxay u dhigmaan, xildhibaannada Goleyaasha
baarlamaanka iyo wasiiraada ay ku dhisantahay waaxda fulinta. Sida aanu
garsoorku ugu farogalin, waxaahan marka ay go’aan ka qaadanayaan xubnahoogaasi,
ayay ahayd in aan Waaxda garsoorka lagu farogalin maamulidda iyo ka
go’aan-gaadhista cidda ay u igmaan hawlaha garsoor.
Qodobka 97-aad ee
Dastuurka, oo qeexaya mabda'a madaxbannaanaanta Garsoorku kuma filna ilaalinta
iyo hirgalinta madaxbannaanidaasi, marka ay sidoo kale jiraan isla qodobo kala
oo dastuuriya oo iyaguna caqabad ku ah sidii looga xaqiijin lahaa mabda'aasi
qarannimo. Waxaana la rabay inay noqoto madaxbannaanaynta garsoorku mid qeyb ka
ah dhuuxa iyo lafta Garsoorka oo ka muuqataa qaabdhismeedka iyo
hannaankiisa ismaamul. Caqabdahaasi oo qaab-dhismeedka Guddida Caddaaladu kaw
ka yahay ayaa u baahan in dib-u-eegis lagu sameeyo.
Waa in Guddida
Caddaaladda laga dhex madhaa, xubnaha laba-xilleyaasha ah (double-roles)
ee ka yimid Waaxaha Sharcidajinta iyo Fulinta. Mana noqon karto Waaxda
Garsoorku, mid ka fayow Siyaasadda iyo danayaasha isdhaafsan, illaa inta ay ka
midka yihiin xubno ka kala yimid Waaxaha Siyaasiga ah ee Dawladda.
Qabyooyinka ka jira xagga Xeerarka; Xeerarka Garsoorka isku maamulo iyo kuwa lagu garnaqaba.
Waxaynu hore usoo
sheegnay kaalinta uu dastuurku ku leeyahay caqabadaha hor taagan, sidii loo
xaqiijin lahaa Garsoor madax bannaan, oo hagaajisan kara gurigiisa isagoon la
kaashan Waaxaha Kale ee Dawladda. Inagoo illaa inta uu Garsoorku yeesho, awood
uu iskiis wax iskaga qaban karo, kuna ilaashan karo karaamada iyo kaalinta
dastuuriyeed ee uu shacabku siiyay, in aanu waxba ka qaban Karin arrimaha kale
ee ka baxsan, ee sharcigu awood u siiyay inuu wax ka qabto.
Sababta aynu ugu
bilaabnay dastuurkuna, waa iyadoo oo uu dastuurku yahay Sharciga ugu sareeya,
ee ay ku abtirsadaan xeerarka kasoo baxa Goleyaashu. Waxaynu markan eegi karnaa
xeerarka lagama maamrmaanka ah ee uu Garsoorku ku hawlgalo, iyo saameynta ay
qabyadoodu ku leedahay, madaxbannaantii iyo kartidii adeeg ee looga baahna
Maxkamadaha.
Xeerka Nidaamka Garsoorka;
Xeerka Maamulka
Garsoorka, ayaa ah xeerka baarlamaan ee qeexaya awoodaha qaab-dhismeedka Waaxda
Garsoorka, Qeybaha Maxkamadda, iyo kala-sarreynta Maamul ee Maxkamadaha.
Xeerkan oo laba jeer oo kale duwan uu daraafkiisu kasoo baxay baarlamaanka ayaa
labadii jeerba Madaxweynuhu dhaqan-galiyay oo labadiisii nuqulba la faafiyay.
Walaw ay labada
nuqul, ay intooda badani isku mid yihiin, ayay qodobada ay ka koobanyihiin ay
kala badanyihiin. Xeer lamb 24/2003, waa 49 qodob, halka Xeer lamb 24/04/06
lagu daray qodob dheeriya oo ka maqan xeerkaasi hore, lagana dhigay tirada
qodobadiisa 60 qodob. Is bar-baryaaca labadan Xeer ee isku magaca ah, ayaa in
badan abuuray jaahwareer sharciyeed, oo saameyn ku yeeshay Nidaamkii maamul ee
Maxkamadaha.
Faafinta labadan
Xeer ee is ku midka ah, oo ahayd qalad farsamo oo ka dhacay Madaxtooyada, ayaan
illaa imika midkoodna la laalin, taasi oo lagu doodi karo inay labada xeerba ay dhaqan-gal yihiin.Walaw dooddaasi ay jabayso marka loo eego Nidaamka ay Sharciyadu u-kala Sarreeyaan una wada shaqeeyaan (Legal Order) : Nidaamkaasi oo dhigaya in haddii laba xeer oo iskhilaafsan oo hal mawduuc ka wada hadlayaa ay iskasoo daba baxaan, in ka dambe la raacayo. Khilaafkaasi ha noqdo mid qaabeed ama nuxureedba. Xeerka Nidaamka
Garsoorku kuu doonaba ha ahaadee waa mid qalfoof ahaan u yaalla, oon wax badan
ka odhan qaabka ay Maxkamaduhu isku maamulayaan, kiisaska u maaranayaan,
Garsooreyaasha loogu kala xilsaarayo (case assignment), loo diiwaangaliyo
xukunnada, loo keydinayo garmaqallada, marag-muujinaha, iyo waxyaabaha kale ee
lagama maarmaanka u ah gardhegaysiyada.
Ma jiro,
xeernidaamiye uu jideeyay xeerkani, oo lagu dhammeystiri karo waxyaabaha uu
farsamo ahaan, ama xaalado ahaan uga tagay Xeerka Nidaamku. Waxaanay ahayd inuu
xeerkani, kala nidaamiyo Maxkamada gudaheeda, maareeyana habsami-u-socodka
iyo dhaqaajinta dacwadaha kale duwan ee laga garnaqo. Isla markaan uu qeexo,
qeybiyo, dabagalo waajibaadada shaqo ee ay qabtaan, kaaliyayaasha,
diiwaangaliyayaasha, iyo keyd-hayayaasha Maxkamaddu. Sidoo kalana, u fududeeyo
hannaanka wada-shaqayneed ee Garsooraha iyo u dhexeeya kaaliyahiisa, sida ay
isku hagayaan, iyo waxyaabo mid walba ka reeban ee wax u dhimaya shaqada
Maxkamada.
Waxa kale oo meesha
ka maqan, doorka ay Guddoomiyayaasha Maxkamaduhu ku leeyihiin, marka la
fulinayo hawlaha maamul ee ka baxsan Gardhegeysiga. Hawlahaasi oo qaybka ah
adeegyada garsoor ee Maxkamadda, ayaa noqon kara diyaarinta agabyada iyo
kharashaadka lagama maarmaanka u ah Garsooridda, sida qalabyada tiknoolajiga ee
caddaymaha lagu soo bandhigo, gaadiidka , shiidaalka ku baxaya soo-eegisaha iyo
xushmadaynta khabiirada Farsamo ee ay Maxkamaddu uga maarmi weydo
xaqiiqo-raadinta ay ku jirto.
Nidaamkaasi lagu
diyaarinayo, hawlaha ay Maxkamadu qabanayso, ayaa u baahan in loo maro nidaam
rasmiya oo la isla yaqaano, si looga baxsado in musuq-maasuq iyo xidhiidh lala
sameeyo dhinacyada dacwadda. Kharashyada la saaro dhinacyada dacwadda oon
lahayn heer-qiyaaseed (standard) iyo hab rasmi ah oo daahfuran, ayaa meelka
dhac ku ah milgihii Maxkamadda iyo Garsooraha.
Kharash-bixinta iyo
fududeynta waxyaabaha loo baahanyahay, oon ahayn masuuliyad saaran dhinacyada,
waxay saameyn ku yeelanaysaa hab-dhegeysigii dacwadda, iyadoo ikhtiyaarkii iyo
awooddii maxkamadeed gor-gotan galinaysa. Waxaanay taasi ka dhigeysa
garsooreyaashii iyo hawlwadeennadii kale ee Maxkamadda, kuwa lasoo kireystay,
oo si gaar ah ugu adeegaya dhinacyada is-haya. Waxay sidoo kale waxyeelleyn
kartaa maamuuskooga xileed, iyo nabadgelyadooda jidheed iyo nafeeedba.
Sidaas darteed ayay tahay, marka ay xilkooda gudanayaan Garsoorayaasha iyo
kaaliyayaasaha Maxkamadduba in aanay marti u noqon dad shiciba, oo ay wax
waliba kaga iman karaan.
Xeerarka Garsoorku ku Garnaqo
Xeerarka Garsoor ee
ay Maxkamaduhu ku qaadaan dacwadaha hor yimaadda waxay u kala baxaan, Xeerarka
qeexaya mawduuca laga garnaqayo (substantive laws) iyo kuwa la xidhiidha habka
loo marayo caddaalada. Xeerarkaasi kuwa ugu badan ee ay Maxkamaduhu ku
shaqeeyaan waa kuwa duug ah oo aan la jaanqaadi Karin isbadallada nololeed, iyo
waayaha jira. Xeerarka ugu badan ee ay Maxkamaduhu adeegsadaan waa:
1. Xeerka Ciqaabta
Guud
2. Xeerka Habka
ciqaabta
3. Xeerka Madaniga
4. Xeerka Habka
Madaniga.
Dhammaan xeerarkani
waxay u baahanyihiin, in dib loo cusbooneysiiyo, oo lagu sameeyo daraasad iyo
dib-u-eegis qoto dheer, si loo waafajiyo Dastuurka Qaranka, Shareecada Islaamka
iyo isbadalka tiknoolajiyeed ee dalku ku tallaabsaday.
Tusaale ahaan,
faldambiyeedyo badan oo kamida ah xeerka ciqaabta ayaa u baahan in
qeexitaannadooda iyo ciqaabahooda la waafajiyo shareecada Islaamka, halka sidoo
ay tahay in lagu daro faldambiyeedyo aan jirin waqtigii la sameynayay xeerkan,
oo imika soo baxay. Faldambiyeedyadaasi oo ay kamid yihiin, kuwa la xidhiidha
Tahriibinta dadka, kuwa mukhaadaraadka, kuwo argagixisada, lacag-meydhista
(Money laundering) iyo kuwa tiknoolajiyada iyo isgaadhsiinta casriga ah la
xidhiidha ee loo maro nidaamka kombiyuutarada iyo internetka (cyber crimes).
Xeerka Madaniga ah,
oo qeexa xuquuqaha iyo waajibaadka ka dhasha wada mucaamilka ganacsiyeed ee
bulshada, ayaa isna sidoo kale u baahan in dib-u-habayn lagu sameeyo. Waxa loo
baahanyahay in la curiyo xeerkii qeexayay, isla markaana diiwaangalinayay hanti
maskaxeedyada bulshada. Maadaamo, oo ay sii kordheyso hal-abuurka dadku, sida
qoraalka buugaagta, abwaannimada, shaxaha iyo qorshayaasha
injineeradu iwm. Xeerka Madaniga, qodobkiisa 86-aad ayaa sheegaya inay xeerar kale qeexi doonaan sida loo lahaanayo maguurtooyinkaasi aan maaddiga ahayn, Xeerarkaasi oon wali la curin. Waxaana iyana laga maarmaana in la sameeyo sharraxaado iyo tusaalayaal iftiimiya nuxurka iyo ujeeddooyinka ay ku salaysanyihiin qodobadda Xeerka Madanigu, sida loogu sameeyay Xeerka Ciqaabta Guud.
Xeerka habka
ciqaabtu oo ah xeer si fiican u qoran, oo isla markaana qodobadiisa lala akhrin
karo xeerka ciqaabta, ayaa isna dib-u-eegis u baahan. Waxaana ay tahay in lagu
kordhiyo, qaab baadhiseedyada dambiyada la xidhiidha tiknoolajiyada, iyadoo
awood loo siinayo haya’daha ku shaqado leh, baadhista iyo dhawrista xogaha
gaarka ah ee ku keydsan aaladaha la baadhayo.
Waxaana isla
xeerkani habku u baahanyahay, in lagu lifaaqo xeer-nidaamiye ama buug hagaha
(Manual Guide) qaababka baadhiseed ee ay hay’adaha baadhistu u gudanayaan
waajibaadkooga. Qaababkaasi oo ay kamid tahay, sida ay uga jawaabayaan
warbixinaha soo gaadho, ilaalinta goobaha ay faldambiyeedyadu ka dhaceen (crime
scene protection), iyo qaababka loo keydinayo xogaha baadhiseed ee laga helo
goobahaasi. Tallaabooyinkaasi oo noqon lahaa kuwo lagu maamulo, lagulana socdo
hawlaha baadhiseed ee la xidhiidha faldambiyeedyada. Waxaana tani sahli lahayd
inay caddaato, waajibaadka iyo masuuliyadaha saaran saldhigyada iyo
baadhayaasha ka hawlgala, si loogula xisaabtamo hufnaantooda shaqo iyo qaabka
ay u diyaariyeen hawlahooga baadhiseed.
In la helo
protokolka baadhiseed ee ay tahay inay ku hawlgalaan saraakiisha u xilsaarani
hawlahani, waxay kor u qaadi lahayd awoodda uu garsoorku uu kula xisaabtami
karo dambi-baadhista, maadaamo oo ay jiitanka dacwadaha ciqaabta ay kamid
tahay, muddada ay qaadato baadhista dacwaduhu. Waxaanay X/Ilaalinta iyo
Maxkamadaha u fududaan lahayd, sidii ay u qiimeyn lahaayeen tayada baadhiseed
ee ay leeyihiin galalka loo soo gudbiyay.
Xeerarka Lagu Maamulo Garsoorka ( Judicial
Administration Acts)
Garsoorayaashu ha
noqdaan kuwa ka hawlgala Maxkamadda Sare amaba Maxkamadda Hoosaba, waxay hayaan
xil muhiim ah, waxaanay huwanyihiin karaamadii iyo xushmadii sharciga.
Ixtiraamka iyo dhawrsanaanta ay leeyihiin ma aha mid ku eeg marka la fadhiyo
Hoolka dhegaysiga ee la leeyahay “Mudane Garsoore”, balse waa mid uu ku
kasbaday xilka uu qaranka u hayo, intuu hayona Xilkaasi leeyahay.
Sidoo kale
garsoorayaashu ma aha malaa’ig, ee waa aadami ku kici kara gafaf xirfadeed, iyo
habdhaqan liita oo wax u dhimaya milgihii iyo maamuuskii xileed ee ay ummada u
hayeen. Xeer Nidaamiyaha anshax ee dhawaan la sameeyay, ma aha mid guud oo
koobsanaya xilalka garsoor guud ahaanba, balse waa mid ku eeg Garsooreyaasha
Maxkamadaha hoose iyo Ku xigeennada X/Ilaaliyaasha, amaba inta ay Guddida
Caddaaladu awood u leedahay magacaabistooda iyo xilka-qaadistooda. Waxaana ka
baxsan Garsooreyaasha Maxkamada Sare oo aynu hore u sheegnay inay xil ahaanba
ka nugulyihiin kuwo Maxkamada hoose, kuna filanyihiin dikreeto Madaxweyne oo
lagu kala diro.
Xeer Nidaamiyaha
anshax marintu, uma yaallo qaab fulineed, wuxuu se u qoranyahay qaab sheeko ah,
oo ka kooban qeybo iyo weedho dhaadheer oo aan koobsanaya waajibaadka xirfadeed
ee laga rabo Garsooyreyaasha iyo ku xigeennada X/Ilaaliyaasha. Kama hadlayo
daah-furnaanta nidaamka dhegaysi ee la siinayo Garsooraha ama X/Ilaaliyaha. Iyo
qaabka uu fadhigaasi u dhacayo, inuu lahaanayo dood qoraal iyo nidaam tixraac
oo wax lagu go’aamiyo.
Sidoo kale
go’aannada xilka qaadista garsooreyaasha uma dhaco mid kal-kaliya, ama ku
xidhan kolba garsooraha laga soo gudbisto cabasho iyo caddaymo ku lid a. Balse
waxaad arkeysa hal go’aan oo garsooreyaal dhawr ah is raacinaya ereyiddooda,
anshax marintooda iyo badalaadoodaba. Taasina waxay ku tuseysaa in aanay
xilka-eryidda garsooreyaasha aanay ka madhneyn Saameyn siyaasadeed oo ka timid
Kooxeysi ka dhex jiri kara Garsoorka gudihiisa amaba ka baxsan oo ka timid
waaxaha kale ee farogalinta ku haya nidaamka Garsoorka.
Shaacinta
digniinaha xirfadeed ee loo gudbinayo warbaahintu, iyaduna waa mid liddi ku ah
milgaha xirfadeed ee ay garsooreyaasha iyo Ku xigeennada Xeerilaaliyaashu
ummada u hayeen. Digniinta koowaad iyo tan labaad ee loo gudbinayo Garsoore ama
X/Ilaaliye waa mid qoraal ahaan isaga lagu wargaliyo, laguna socodsiiyo loona
feyl-gareeyo, balse ma aha mid ummada lagu socodsiinayo oo warbaahinta iyo
jaraaiddada magiciisa lagu faafinayo. Waayo, wali xilkii uu umadda u hayay
lagama qaadin, sida darteed ayayna ahayn in ummadda loo qaawiyo ama maamuuska
laga xayuubiyo mar haddii Garsooraha ama Dacwad-oogaha wali laga sugayo inuu
soo saaro go’aamo saameyn doona xuquuqaha gar-raadiyayaasha.
Sidoo kale waxa
wali la tabayaa Xeerkii Hawlgabka Garsooraha iyo X/Ilaaliyaasha in badan
qaranka usoo shaqeynayay. Waxay ahayd in la ilaaliyo xuquuqda shaqo ee xilalkan
garsoor, maadaama ay yihiin xilal muhiim u ah nabadgelyada iyo dhismaha
Qarannimo. Waxaanay xil-hayayaashani Qaranka u galeen godobo badan, waxay
xukumaan argagixiso, gacan-ku dhiiglayaal, iyo kuwo badan oo geystay dhagaro
badan oo halis ku ah amniga iyo nolosha muwaadiniinta guud ahaan. Sidaas
darteed ayaanay ahayn in la iska sii daayo, oo aan la dhawrin xuquuqdooda
nololeed marka ay hawl gabaan, balse waxay Qaranka iyo ummaddaba ka mudanyihiin
xaqdhawr iyo abaal-celin loo sameeyo.
Miisaaniyadda Garsoorka iyo caqabdaha dhaqaale.
Maxkamadda sare oo
ahayd Qeybta ugu sarreysa garsoorka ayaa doorkeedu wuxuu ahaa mid ku eeg ka
garnaqista feylasha ka yimaadda Maxkamadda Hoose. Waxaanay gabi ahaanba ka fara
baxday doorkii maamul ee ay ku lahayd Nidaamka Guud ee Garsoorku ku shaqeeyo.
Doorkeedaasi oo ahaa jaangoynta Siyaasadda Guud iyo Qorsheyaasha dhaw/fog ee uu
Garsoorku ku shaqeyn doono, isagoo higanaya himilooyin cad-cad oo wax ku ool u
noqda adeegga ay Maxkamaduhu u hayaan ummadda.
Tani waxay geyeysiisay
inuu garsoorku noqdo, Waax dhaqaale ahaan arradan, oon ka kicin halkii uu
taagnaa 1991-kii, halka ay Waaxaha kale ee qaranku ay agab ahaan, dhisme ahaan,
iyo dad ahaanba horumareen. Waxa jirtey mar aanu baarlamaanku hool lehayn oo ay
marti u noqon jireen Garsoorka, Maxkamadd sarena ay fadhigooga ku qabsan
jireen, maantana waad arki kartaa faraqa u dhexeeya labadan Waaxood, markaad
dusha ka milicsato dhismeyaasha kala-jiidan ee sheedda kaaga soo hirayo, iyo
maqsinnada dhagaxa ee dirqi lagu arkayo ee ahaan jirey Maxkamadihii Ingiriiska.
Waagaasi Ingiriiska dalku haystay, oo tirada dadweynaha ku nool Magaalooyinka
iyo dacwaduhuba aanay meel kaga dhacayn xaqiiqada maanta jirta.
Garsoorka oo saldhig u ah caddaaladda iyo nabadda la rabo inay bulshadu kuwada noolaato, ayaan madax iyo shacaba la hilmaamin doorkeeda marka meelahaas laga hadlayo. Balse markaad waaqaca usoo noqoto, waxaad arkaysaa in aanay Siyaasadaha Qaranku ka dhabsheegaynin Mudnaanta Garsoorka iy Caddaaladda. Waxaana taasi kaaga markhaati ah, miisaaniyadda ama dhaqaalaha loo qoondeeyay Garsoorku inuu ku hawlgalo. Miisaaniyad Sannadeedka Garsoorkuna dhibic kama noqonaysa marka la bar-bardhigo tan ay qoondeysteen Labada Waaxoodee Kale. Tusaale ahaan, Waxa Guud ahaan Garsoorka oo ay ku jirto Xeer-ilaalintu kaga soo hagaaga 2.2% Miisaaniyadda Qaranka. (Miisaaniyad 2016).
Bal aynu soo qaadanno Miisaaniyaddii sannadkii hore (2016), si aad u fahamto, heerka tixgalinteed ee Garsoorka la siiyay marka jaangoynayo Qorshaha sannadeedka Qaranka. Ma taqaannaa Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha? Ma sheegi kartaa adeeg toos ah oo ay umadda qabato? Mase rumeysan kartaa haddii lagu yidhaahdo waxay wasaaraddaasi (laga yaabo in aanad arag halka ay ku taallo) ay miisaaniyadda loo qoondeeyay adeeggeegu uu ka badanyahay kan loogu talogalay kharashaadka adeeg ee Maxkamadaha Degmooyinka, Gobollada iyo Rafcaannada dalka oo dhan?
Adeegga Wasaaradda Xidhiidhka waxa loo qoondeeyay kharash sannadeed dhan 812,400,00 SLSH, halka adeegga Maxkamadahaasi dalkoo dhan ka garsoora maalinkasta min degmo illaa Gobol uu yahay 575, 908,800 SL SH.
Sidoo kale kharashka lagu bixiyo alaabta Maxkamadaha Dalka oo dhan (mid sare iyo kuwo hoosaba) oo ah 1,112,408,800 SL SH waxa ka badan Kabka la siiyo Ururka ama NGO-ga aan dad badani maqlin ee la yidhaahdo Degmo Heritage and Rural Life oo ah 1,500,000,000 SL SH.
Halka sidoo kale Mushaharka loo qoondeeyay Naafada Qaranka oo ah 19,425,369,600 SL SH uu isna ka badanyahay Miisaaniyadda Maxkamaha ka hawlgala Gobollada dalka oo dhan, oo aanay ku jirin Maxkamadda Sare.
Hay'adahaasi kooban een soo qaatay dhaqaalaha loo qoondeeyay, oo aan runtii mid kamid ah la bar-bar dhigi karin, kaalinta uu Garsoorku (Maxkamadaha iyo Xeerilaalintu) kaga jiro dhismaha Qaranka iyo taabogalinta Nabadgalyada la doonayo inay bulshada kala hesho, kuna wada noolaato. Mana aha wax lagu qanci karo; marka aad maqasho xukuumad ku doodaysa inay mushkiladda miisaaniyad yaraanta Garsoorku tahay mid ay sababtay xaaladda dhaqaale ee Dalku, balse aanay ahayn siyaasad xumo xaggeega ah. Waxaana taasi beeninaya shaxda miisaaniyadda iyo sida loo qoondeeyo Dakhli sannadeedka Qaranka. Waayo waxaad arkaysaa, hay'ado iyo Guddi iyo dheeraad ah, oo aan adeegyo toos ah u qaban bulshada, oo loo qoondeeyay dhaqaale aan caqligal ahayn. Halka hay'ado qabta adeegyo asaasiya oon saacad qudha laga maarmaynin, ay ku shaqeeyaan duruufo adag oo dhaqaale.
Haddii aynu kusoo noqono xaaladda dhaqaale ee Garsoorka; hore ayaan usoo sheegnay inay tirada faylasha kusoo fatahaya Maxkamadda sare, tirada kooban ee garsooreyaasheeda, iyo halka hool ee ka dhexeeya uu ku tusayo, halka ay taagantahay caqabada agab (facilities) ee uu la ildaranyahay garsoorku. Maqsinnada uu bedkoogu yahay labada mitir, ee laba jibaarani, ee ay Garsooreyaashu ku galaan dhegaysiyadu, ma aha, deegaan ku haboon dhegaysi dacwadeed, oo la doonayay inay u furnaanto dadweyne kasoo qeybgala dhegysiga dacwadda. Waxaana jilbaha iyo gacmaha is lasoo gaadhaya Garsoorayaasha iyo eedaysanayaasha la dacweynayo, taasina waxay khatar ku tahay nabadgalyada jidheed, iyo maamuuskii garsooraha ee fadhiga looga kici jirey.
Mushaharka
garsooruhu ma aha isna mid ku filan, waana mid suququl ku ah garsooreyaasha,
Waxaanay sidoo kale Miisaaniyad yaraanta Garsoorku ay caqabad kale ku tahay in
la kordhiyo garsoorayaal tababaran oo leh xirfad sharciyeed iyo meelo ay ku
hawl galaan . Halka mushaharka garsooreyaasha gobollada ka hawlgalaa uu yahay
mid ay si saddex biloodle ah u qaataan, taasoo caqabad ku ah nolosha
garsooraha loo badalo gobol aanu hore u daganaan jirin.
Walaw la sameeyay
dadaalo loogu kordhinayay mushaharka Garsoorayaasha intii uu Talada la wareegay
Xisbiga Kulmiye, hadana hoos u dhaca qiimaha shilinka Somaliland oo ku dhaw
libin laab, ayaa waxoogaagii yaraa ee lagu doodi lahaa in loo kordhiyay ka
dhigaya hal bacaad lagu lisay. Waxaana suurtogal ah, haddii loo kuurgalo mustawaha
nololeed ee maanta iyo mushaharka ay qaataan Garsooreyaashu; in wax u kordha
iska daayoo, laga yaabo in halkii uu taagnaan jirey ka hooseeyo.
Mana jiro
tansiilaad kale ama kabis ay gobollada iyo degmooyinku siiyaan Maxkamadaha ka
hawlgala. Mana jiraan maamullada gobollada iyo degmooyinku guryo
(accommodations) ay ugu talogaleen Garsooreyaasha iyo Ku xigeennada
X/Ilaaliyaasha ee gobolkooga loosoo badalo, umana kireeyaan hoy ay galaan, si
ay noloshoodu isku dabooshu. Ma jirto siyaasad Qaran oo laga yeeshay
arrintaasi, taasina waxay kalliftay in Garsoorihii gurigiisa laga badalay, uu
kireysto guri kale oo ay shaqadu qasabtay, isagoo dhaqaalaha la siiyaana aanu u
qeybsami Karin kiro iyo masaariif.
Gabo-gabo iyo Gunaanad
Guntii iyo gabagabadii in Garsoor uu madax bannaanyahahay iyo in kake waxa laga gartaa Maxkamadda Maxkamadihiisa ugu Sarraysa. Somaliladna waxaynu ognahay in Guddoomiyah maxkamadda sare mooyee ay Garsoorayaasha kale ee maxkamadda Sare ay hoos joogaan Naxariista hadba Madaxweynaha Jooga (Qod 105 Dastuurka). Waxa jirta in Guddida Caddaaladda ee maamusha maxkmadaha heer Gobol ay ku jiraan xubno ku qalaad Garsoorka oo door iyo saamayn ku yeelan kara Geedisocodkii maamul ee Maxkamadaha. Waxaynu ognahay in Xeerka Nidaamka Garsoorku ka gaabiyay inuu Maxkamadda Gudaheeda kala nidaamiyo: oo aanu kala hagaajin karin Guddoomiye Maxamadeed iyo Garsoorayaasheeda, haday tahay qaabka dacwadaha loo qeybsanayo iyo hadday tahay hawl kale oo ka dhaxaysaba. Doodda/khilaafka dhexmara Guddoomiye iyo Garsoore maxkamadeedna uu xalkeedu yahay kolba siday ugu kala dheereeyaan Guddoomiyaha Maxkamadda Sare (Chief of Justice). Waxaan la dafiri karin in ay maxkamadaha iyo eed-oogayaashuba ay u nugulyihiin saamayn dhaqaale, oo waxay qaataan uu suququl ku yahay noloshooda, loomana fidin tansiilaad kale oo kaaba noloshooda, sida guryo ama dhul ay dagaan. Isla markaana aanay lahayn goobo ku filan oo ku haboon fadhiyada dhagaysi ee ay bulshada u qabtaa, oo aanay iyaga iyo kuwa ay xukumayaan waxba u dhaxayn oo faraha isla soo gaadhayaan. Markaad daristo qabyooyinkaasi dastuurku keenay, iyo goldaloolooyinka ay leeyihiin xeerarka kale ee ka farcamaa iyo duruufaha kale ee macnawiyan iyo maaddiyan samaynaya Garsoorayaasha iyo dacwad-oogayaashaba (prosecution) ee ay kamidka tahay xuquuq la’aantu (gunnada hawlgabka), lama diidi karo inay yihiin arrimahaasi kuwa ugu waaweyn ee la hadhay tayadii adeeg ee laga filayay inuu Garsoorka Somaliland fidiyo soddon sanno kadib asaaskiisii. Iyo labaatan sanno ku dhawaad intii loo gudbay marxaladdii Qaran dhiska (state-building) oo kasoo bilaabmaysa wixii ka dambeeyay 1997-kii, markii laga gudbay marxaladihii nabadaynta.
Gabo-gabo iyo Gunaanad
Guntii iyo gabagabadii in Garsoor uu madax bannaanyahahay iyo in kake waxa laga gartaa Maxkamadda Maxkamadihiisa ugu Sarraysa. Somaliladna waxaynu ognahay in Guddoomiyah maxkamadda sare mooyee ay Garsoorayaasha kale ee maxkamadda Sare ay hoos joogaan Naxariista hadba Madaxweynaha Jooga (Qod 105 Dastuurka). Waxa jirta in Guddida Caddaaladda ee maamusha maxkmadaha heer Gobol ay ku jiraan xubno ku qalaad Garsoorka oo door iyo saamayn ku yeelan kara Geedisocodkii maamul ee Maxkamadaha. Waxaynu ognahay in Xeerka Nidaamka Garsoorku ka gaabiyay inuu Maxkamadda Gudaheeda kala nidaamiyo: oo aanu kala hagaajin karin Guddoomiye Maxamadeed iyo Garsoorayaasheeda, haday tahay qaabka dacwadaha loo qeybsanayo iyo hadday tahay hawl kale oo ka dhaxaysaba. Doodda/khilaafka dhexmara Guddoomiye iyo Garsoore maxkamadeedna uu xalkeedu yahay kolba siday ugu kala dheereeyaan Guddoomiyaha Maxkamadda Sare (Chief of Justice). Waxaan la dafiri karin in ay maxkamadaha iyo eed-oogayaashuba ay u nugulyihiin saamayn dhaqaale, oo waxay qaataan uu suququl ku yahay noloshooda, loomana fidin tansiilaad kale oo kaaba noloshooda, sida guryo ama dhul ay dagaan. Isla markaana aanay lahayn goobo ku filan oo ku haboon fadhiyada dhagaysi ee ay bulshada u qabtaa, oo aanay iyaga iyo kuwa ay xukumayaan waxba u dhaxayn oo faraha isla soo gaadhayaan. Markaad daristo qabyooyinkaasi dastuurku keenay, iyo goldaloolooyinka ay leeyihiin xeerarka kale ee ka farcamaa iyo duruufaha kale ee macnawiyan iyo maaddiyan samaynaya Garsoorayaasha iyo dacwad-oogayaashaba (prosecution) ee ay kamidka tahay xuquuq la’aantu (gunnada hawlgabka), lama diidi karo inay yihiin arrimahaasi kuwa ugu waaweyn ee la hadhay tayadii adeeg ee laga filayay inuu Garsoorka Somaliland fidiyo soddon sanno kadib asaaskiisii. Iyo labaatan sanno ku dhawaad intii loo gudbay marxaladdii Qaran dhiska (state-building) oo kasoo bilaabmaysa wixii ka dambeeyay 1997-kii, markii laga gudbay marxaladihii nabadaynta.
Talo soo Jeedin
1. Waa in
dib-u-habayn lagu sameeyo qaab-dhismkeedka sharciyeed guud ee Garsoorka, iyada
oo dib loo eegayo qodobbada dastuur ee khuseeya;
a. Magacaabista iyo
xil ka qaadista Garsooreyaasha Maxkamadda Sare.
b. Qaab-dhismeedka
Guddida Caddaalada (Dastuurka; Qod 107), iyadoo xubnaha laba-xillayaasha ah
(double role members) ee ka tirsan Waaxaha Fulinta iyo Baarlamaanka laga
saarayo. Laguna beddalayo Xubno lagu xushay waayo-aragnimo sharciyeed, shareeco
iyo Dhaqanba. Kuwaasi oo ka madax-bannaan siyaasadda.
2. In la sameeyo
Xeerka Wadashaqaynta Wasaaradda Caddaalada iyo Garsoorka ee uu jideeyey Qodobka
106-aad ee Dastuurka.
3. Waa in Qodobka
103-aad Dastuurka, ee Qeexay Xeer Ilaalinta, la sameeyaa Xeerkii X/Ilaalinta
Guud ee asaasayay Qaab-dhismeedka hay’ad ahaaneed ee Xafiiska, iyo doorarka
siyaasad-dajineed (policy-making) ee uu ku leeyahay, yareynta dambiyada,
tiro-koobistooda oo aanu ku ekaan uun Oogistooda. Taasi oo horumarin doonta
Siyaasadda Guud ee lagu dajinayo Nidaamka Caddaaladeed ee Ciqaabta
Qaranka (National Criminal Justice System).
4. Waa in la
sameeyo qeyb cilmi-baadhiseed ama deraasadeed oo si madax-bannaan u derista
Halka uu Marayo Adeegga Garsoor iyo Ku Dhaqanka Sharcigu, iyo Caqabadaha
hay’adeed (institutional challenges) ee hortaagan ka libkeenista
Ujeeddooyinkii loogu talo galay Garsoorka, iyo Sharci-fuliyayaasha (Law enforcement),
5. Waa in Garsoorka
awood u yeesho, ka go’aan gaadhista Miisaaniyaddiisa, iyadoo ay ka
qeyb-qaadanayaan Garsooreyaasha iyo X/Ilaaliyayaasha ka hawlgala Maxkamadaha
Hoose ee Gobollada dalka, si loo helo xog ururin dhammeystir oo ka tarjumeysa
baahiya iyo duruufaha guud ee ku gadaaman adeegyada Garsoor ee ay fidiyaan.
6. In kor loo qaado
Mushaharooyinka iyo Gunnooyinka Garsooreyaasha iyo Xeer-Ilaaliyaasha, oo xilal
muhiim ah oo joogta ah u haya Qaranka. Taasi oo dhiganta inta ay qaataan
xildhibaannada Baarlamaanka ee ay shaqadoodu wakhtiilaha tahay. Waayo maalin
qudha ma istaagi karto shaqada Maxkamaddu ama garsooruhu.
7. In la daadejiyo
Miisaaniyadda Maxkamadaha Rafcaanada iyo Gobolladu ku hawl-galaan, iyada oo la
dejinayo nidaam-xisaabeed, daah-furan, oo xisaab-celin wakhtiyaysan leh. Si ay
Maxkamaduhu awood ugu yeeshaan inay helaan Kharash ay ku fuliyaan hawlaha
asaasiga ah ee ay shaqadooda ku xidhan tahay.
8. Waa in la
badiyo qolalka dhegaysiga ee u qaabeysan una qalabeysan hannaanka lagu yaqaan
meelaha ay Maxkamaduhu ku galaan Dhegaysiyada, si looga baxo fadhiyada dhegaysi
ee ka dhaca qolalka yar-yar ee cidhiidhiga ah. Waayo badi Qolalka ay
garsoorayaashu ku galaan dhegaysiyadu, waa qaar uu qaadkoogu yaryahay oon
saamaxayn inay dadweyne dhegaystayaal ahi kalasoo qaybgalaan, lana ogaadaan
waxa uu meesha kawado Garsooruhu iyo sida uu ilaalinayo dhex-dhexaadnimada
dhegaysiga, Qolalkani waxay dirqi ku qaadayaan uun dhinacyada iyo wakiiladooda
sharciyeed, iyo maragyada ay khusayso dacwadda meesha lagu hayaa.
Nidaamkeena Garsoorna waa mid ‘xalaal iftiinbaa la qashaa ah” oo loogu talogalay in uu ahaado mid la isla arkayo sida uu wax u wado (Not only must Justice be done; it must also be seen to be done). Mid ay tahay inay noqdaan doodaha dhinacyada is-hayaa kuwo u furan dhegeysiga iyo kasoo qeybgalka dadweynaha, oo aan ku ekeyn uun Maxkamadda oo qudha (Qodobada 97,98-aad XHC) iyo (Qod 14,16-aad ICCPR).
Mana aha in haddii Xafiis-ku-dhegaysigaasi lagu bilaabay sagaashameedyadii, in illaa maanta la la sii haysto oo la qabatimo. Balse waa in la ogaadaa in ayna sida ay wax u socdaan aanay ahayn sidii loogu talogalay in wax lagu dhegaysto. Waa ina lagu darsadaa baahiyaha aan waxba laga qaban ee illaa maanta uu Garsoorku tabayo. Markaasaa la gudo gali karaa, xisaabtana lagu darsan karaa sidii loo hirgalin lahaa Waana waajib in Laguna arkaa Astaantii iyo Milgihii Maxkamadeed (Standard of Court facility) meeshan lagu muujinayo Sarreynta Sharciga.
9. Waa in la curiyo
Xeerkii Hawlgabka Garsoorka, iyadoo si ballaadhan looga qeyb-galinayo
Dhinacyada uu khuseeyo.
10. Waa in la
curiyo Xeerkii Hawlgabka Garsoorka, iyada oo si ballaadhan looga qeyb-galinayo
Dhinacyada uu khuseeyo. Waayo waa laga maarmaan in qofka caddaaladda lagu
sugayo, isaga marka hore loo caddaalad sameeyo oon laga hakran wixii qaranku
awoodo, iyadoo la tixgalinayo Kaalinta uu Qaranka uu kaga jiro adeeggiisu. Mana
aha in laga siiyo mudnaanta kuwo kale, oo aan lahayn culayskani shaqo.
Maadaamo, oo ay waaxdani tahay meel siyaasad ahaan dhex-dhexaad ah (politically
nonpartisan) oo aan ku lug lahay kooxa kula loolamaya hoggaaminta dalka, waxay
Garsoorayaashu noqdeen, kuwo la iska illoobey oonse la illoobi karin shaqaday u
hayaan qaranka. Waaxdanina waxay noqotay mid aan cod ku lahayn, oo aanay cidi
ku matalin meelaha lagu qaadanayo ama lagu dajinayo Siyaasadaha Maamul ee Dalka
lagu hago. Manay yeelan Hannaan Muumul (oo dhaafsiisan Maareynta
galdacwadeedyada) sida waaxaha kale hanaqaaday, oo curiyay Siyaasad Guud oo leh
bartilmaameedyo ay higsanayso waqtiga dhaw iyo ka foba. Sidaa darteed ayaan soo
jeedinayaa in uu Garsoorayaashu iyo dacwadoogayashaabu ay isku baraarujin
lahaayeen sidii ay cod mideysan ugu doonan lahaayeen Xaqooqa hawlgabka oo
aaney cid gaar ah ku halleynin, mar haddii ay xaaladda jirtaa tahay “Ninkaan
hadlin habartii qadisey”. Waayo markey xuquuqdooda helaan, ayay ciddi kale
la dulmeyna xaqooga dooni karaan.
11. Waa in
anshax-marinta iyo la xisaabtamidda Garsooreyaashu marto nidaam rasmiya,
daah-furan, oo dhegaysigiisa laga soo qeybgali karo, ka hor intaan la soo
saarin go’aamo saameynayaya xilalka Garsooreyaasha iyo Xeer-ilaaliyayaasha.
Sidoo kale Nidaamka La Xisaabtanka Garsoorku, waa in aanu ahaan mid u taagan
Anshax-marin qudha, balse waa inuu sidoo kalena lahaado abaalmarin. Oo uu
lahaada Nidaam Qiimeynaya Shaqada uu Garsooreyaasha iyo Xeerilaalintuba u heyso
Qaranka. Taasi oo u baahan in Nidaamka Qiimeyntu uu ka bilaabmo Hannaanka
Dib-u-eegisaha ama Rafcaannada ay Maxkamaduhu dib-isugu-eegaan, Taasi oo
Xukummada iyo Eedaha u badan ee ay Maxkamaduhu ayiddaan, iyo kuwa nusqaanta
sharciyeed iyo xaqiiqo leh ee kasoo baxaba la kala Garto Garsoooryaaha iyo
Dacwad-oogayaasha ay inta badan ka kala yimaaddaan. Waana shaqada Maxkamadaha
Dib-u-eegista/Rafcaanka (Review courts) oo la filayo inay Ka
hawlgalaan Garsooreyaal ka khibrad iyo aqoon badan Maxkamadah Garnaqa leh (Trial
Court).
Waana in aanay Maxkamadda Rafcaanku ku ekaan burinta, ayiddida iyo dib-u-celinta go'aammada looga soo cabto uun, balse waxay ahayd:
- In ay lahaadaan
Nidaam daahfuran oo ay Rikoodhgaraynayaan Go'aamada ugu badan ee laga soo
cawdo mawduuca ay u badanyihiin, si loo xaqiijiyo iney cabashooyinkaasi ay
salka ku hayaan Goldaloolo sharciyeed oo ka jirta Xeerarka la xidhiidha
Mawduuca laga garnaqayo (substantive laws) ama kuwa
hannaan dacwadeedyada maamula (procedural laws).
- Tirokoobista
Garsooreyaasha iyo Dacwad-oogayaasha inta badan ay jiraan asbaabaha
go'aamadooda lagaga rafcaanqaato, amaba ay Maxkamada Rafcaanku ay u
garawdo Rafcaanlayaasha. Tani waxay fududayn lahayd in dib-u-qiimeyn lagu
sameeyo heerka aqooneed ee Garsooraha, oo laga yaabo in aanu Qeybtaasi
sharciyeed (Specific area/discipline) aqoon badan u
lehayn, balse uu kaga fiicnaan lahaa ka garnaqista Eeriya kale oo
sharciyeed, iyo inuu Garsooruhu ka badheedho waxyaabaha ay cabashooyinku
ka dhasheen.
- Waa in aaney noqon
uun Xilkaqaadista iyo hoos-u-celinta, badalidda Garsooruhu/Dacwad-ooguhu
mid ku timid cabasho gaar ah oo ka timid gal uu hayay oo dhinac danaynayaa
kasoo gudbistay. Waana in aanay tallaabo kasta oo ay Guddida Caddaaladu
Qaadaa noqon mid lagu baraarujiyay oo aanay cadho kula dhicin Garsooeyaal/
Dacwad-oogeyaal intay qabteen ay ka badantahay inta laga tirsanayo, iyadoo
tallaabooyinkaasi lagu raaligalinayo ciddaasi gaarka ah. Wuxuu se
Nidaamkaasi Dib-u-eegistu oo ah hawl si joogta ah u socota, uu abuuri lahaa
daaqad laga arko Waxqabadka Garsooraha ama dacwad-oogaha. Waxaana taasi
laga fahmi karaa asbaabta Go'aan ee ay Maxkamadda Rafcaanku ku naqdiday
go'aankii Garsoorihii garnaqa lahaa, ama go'aankii dacwad-ooguhu uu ku
ayiday jiritaanka eedda sharciyeed ee uu soo oogey. Go'aannada
Dib-u-eegistuna waxay u baahnaan doonaan Xeeldheerayaal Sharci oo
asbaabtooda si cilmeyaysan ugu lafagura una toosiya tarbiicooyinka
ka dhex muuqda go'aanada ka hooseeya.
12. Waa in la
joojiyo baahinta digniinaha shaqo ee ay Guddida Caddaaladdu soo saarto,
maaddaamo oo ay digniinta shaqo tahay arrin khuseysa cidda loo digayo oo qudha.