CAQABADAHA SHARCI EE HORYAALA GARSOORKA JSL. By Garyaq. Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul.
(Previously published in September 19th, 2017) Hordhac : Marka aad joogto dal dimuqraadiya, Garsoorku waa ilaaliyaha koowaad ee xuquuqda iyo xorriyaadka asaasiga ee dadweynaha wadar ahaan iyo kali ahaanba. Doorkani muhiimka ahna waa kan garsoorka awood ahaan u siiyay in uu dib-u-eegis ku sameeyo go’aannada hey’adaha xukuumada, daristana sharci-ahaanshaha xeerarka ka soo baxa xeer-dajinta. Si ay Maxkamaduhu u hubiyaan una dheellitiraan (check and balance) awoodaha labada waaxood ee kale, waxa ay u-xilsaaranyihiin in ay hirgaliyaan sidii sharciyada u yaalla dalka loogu fulin lahaa si caddaalad ah oo isku mid ah (fairly and consistently) iyada oo la tixgalinayo xuquuqaha iyo xorriyaadka asaasiga ah ee uu dastuurku u dammaanad qaaday muwaadiniinta. Si aynu taasi u hubino, waxa aynu daraasaddani si guud-mar ah ku eegi doonaa Garsoorka JSL, iyo caqabadaha sharci ee dabarka ku ah in uu u guto awoodihiisaasi si wax-ku-ool ah, madaxbannaan oo la isku hallayn karo caddaaladda garnaqistiisa iyo g...