Saturday, January 6, 2018

LABBISKII CUSBAA EE IMBARAADOORKA. Qalinkii Hans Christian Andersen, tarjumiddii Garyq. Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul

Garyaqaan Bacaluul
Bari hore waxa jiri jiray nin Imbaradoor ahaa oo labbiska cusub aad u jeclaan jiray, Dan kamuu lahaan jirin arrimaha taagan ee hadba lasoo darsa Imbaradooriyada uu xukumo, dagaallada lagu jiro, tirada ciidamadee kaga dhinta, iyo duruufaha nololeed ee ay la noolyihiin dadka uu u taliyo. Wuxuu dadka usoo bixi jiray uun maalinta uu xidho dhar cusub oo loo soo tolay. Waxa la sheegaa inay maalin walba dawaarlayaashu saf usoo gali jireen, si ay ugu soo bandhigaan hadba labbisyada ay faraha ka qaadaan. 

Maalin maalmaha ka mid ah waxa soo baxay oo imbaraadooriyada yimid laba nin oo u sheegtay inay yihiin dhartolayaashii ugu farsamada fiicnaa adduunyada, kuwaasi oo u yimid sidii ay Imbaradoorka ugu samayn lahaayeen labbis aan wali loo tolin boqor kale oo adduunyada ku nool.

Haddii ay u yimaadeen Imbaradoorkii, waxay u sheegeen inay u samayn doonaan dhar mucjiso ah, oo aanay harqadda laga tolayo oollin geyiga. Waa harqad aanay arki karin Maangaabka iyo cidkasta oo  imbaraadooriyadda ka haya xil  aanu u qalmin.

“Dharkani waaba mid la yaableh” ayuu ku yidhi imbaraadoorkii inta uu jalleecay halkii ay soo tubnaayeen Madaxyo-weyntiisii. Waxa uu Imbaraadoorku markaas ku fadhiyay Kursigii wuxuuna si fiican dhegta ugu raaricinayaa sheekada labada dawaarleh. 

 “Oo markaan sidaas u xidhaba waxaan ogaan doona raga ka tirsan Imbardooriyaddayda een u qalmin xilalka ay hayaan, maantaaban kala saari doonaa kooga caqliga badan iyo kooga doqonka ah, wax badanbay I halawsadeen oo ay qaar badan iskaga kay dhigeen talo-ruug ”
Imbaraadoorkii lacag ciiddaas leeg ayuu ku tisay labadii nin, si ay markiiba ay shaqada u bilaabaan. Iyaguna markiiba hawshii gale. Mid kamida oo iska dhigayay inuu harqaddii mucjisada ahayd sido, ayaa iska dhigay inuu miiskii ku kala fidinayo, kii kalana waxaabu mitirinayaa miiskii madhnaa, kadibna miiskii lalahaa haraaqbaa saaran ayuu qalin kolba dhan u dulmarinayaa isagoon taabsiinayn, hadana maqas ayuu hawada raacinaya, isagoo iska yeel-yeelay sidii nin kolba dacal soo qabanaya marad, oo hadana isku laabaya. kadibna wuxuu ula dhaqaaqayaa kii kale oo makiinaddii dawaarka dul fadhiyay. Waxay iska dhigeen kuwa mashquulsan.
 "dahabkii mee aan ku tolee,"
"waa tanee hoo",
"meeday xariirtii ugu qaalisanayd aan ku taxee", iyo waa kanee hoo.
Waxay  labadan xariif isku fid-fidinayaan waa faro madhan. Waxay se matalayaan dhaq-dhaqaaqii iyo wadashaqayntii ay lahaan jirtay, hawlkasta oo dhartolid ahi. 

Boqorkii oo doonayay inuu soo ogaado halka ay hawshu marayso ayuu hadana xasuustay sheekadii ahayd “Waxa labbiskan arki karaa uun kuwa u qalma xilka ay hayaan” Waxaabu ka baqay inuu isaga laftiisu arki kari waayo labbiskaasi. Wuxuu ka war-waray labiskaasi la sheegayay, ee ay cid waliba hadal hayso, ee lawada doonayo in lasoo bandhigo. Xataa dadkii jaararka ahaaba, isku carinaya, oo leh , inta labbiskaasi Imbaradoorku soo baxayaaba ka hadhsan, inta la ogaanayo doqonniimadaada.

Imbaradoorkii ay talo ku ciirtay, oo goonidiisa iskula hadlaya,
 "Waxaan u diri doonaa ninka ugu daacadsan, ugu waayo-aragsan, uguna caqliga badan la taliyayaashayda". Hadana wuxuu isweydiiyay ninkaasi kuu yahay, waxaanu si hoose isku leeyahay "Waa kuma ninka ugu macquulsan, ee la isla wada qirayo in aanay jirin cid kaga haboon xilkiisa?”

Dadkii ka ag dhawaa ee uu xilalka muhiimka ahaa uu u dhiibay ayuu maskaxdiisa kawada xaadiriyay, waxaanu ka dhex xushay ninkii u u diri lahaa Labis-tolayaasha. Odaygii caqli wanaagga iyo waayo-aragnimada loo tirinayay haddii uu tagay halkii loo diray, oo uu galay hoolkii ay labada xariif ay labbiska beenta ah ku tolayeen. Wuxuu arki waayay wax maro-sheegta oo meesha ka muuqata.

 “Mee wixii la sheegayay, ee ay lahaayeen waanu tolaynaa, hal dun ah oo ii muqataaba meesha ma taallee” ayuu cod hoose isku yidhi, isagoo indhaha galka kasoo saaray. Labadii khaayin, markay odaygii arkeen, ayaabay salaam iyo baashiraad kala horyimaadeen, hadal darandoori ah ayay loo boobeen. Odaygii ayaabay gacanta qabteen, iyagoo leh naga eeg labiskaanu tolnay, waxay dul keeneen miis dheer oo aanay waxba ka muuqan dushiisa. Mid kamida ayaa ku yidhi sug aan kala bixiyo labiska eh, kadibna intuu sidii oo uu wax ka dul qaadayo miiska ku foorarsaday, ayuu hadana sidii oo uu kor u hayo labiskiia ayuu gacmihiisa kor u qaaday, kadibna kala bixiyay. Kii kale oo hareer taagan, ayaa odaygii ku yidhii  "Bal eeg dharkaan tolnay ! ma ku cajabiyay midabkoogu? Ka warran luulka aanu luqunta iyo garbaha kaga taxnay? Ka warran sidaanu xariirtaasi ugu  jeeniqaarno koodhka"
"Miyaanay dunta midabkaasi leh idhaha soo jiidanayn !" 

Huuhaadii darandooriga ahayd, ayuu odaygu kolba mid is yidhaahdaa bal tanna arag, oo uu indhaha mar-marba ka dambaysa ku caddeeyaa halka madhan ee ay faruhoogu marayaan. 

“Yaah, oo kaallay ma sidan baa iga dhab ah” ayuu isyidhi, “ oo ma anaaba doqonkii la sheegayay noqday? Oo haddaan anigu arki waayay, yaa kalee arki doono toloow? Xataa anigu haddaan is ogaan waayay, oo ay caqliyaraan iga ahayd taasi, maxaan u waayay cid kale oo ogaata xisgaabnidayda? Xataa Imbaraadoorkana dhahoo? Markaas ma maantaan isfashilaa oon yidhaahdaa waxaan arkii waayay labbiskii mucjisada ahaa, maya isa sheegi maayo, oo odhan maayo waan arki kari waayay.

Nimankii oo eegaya odaygii oo isku maqan, wax jawaab ahna aan wali u celin ayuu mid ka mida raggii sugi waayay oo ku yidhi “ Xaaji miyaad la ashqaraartay labbiska, maxaa ku aamusiiyay, wali noomaad sheegin inaad la dhacday dharkan aanu Imbaradoorka u tolnay iyo in kale eh” isagoo dareenkiisa soo celinaya.
 “ Alla waa heer sare, waligayba maan arag kuwan oo kale” ayuu lasoo booday odaygii, isaga ood moodo inuu su'aasha ku ambabaray.
“Haa midabkaa aad sheegaysay ee sidaas ah ayaa Imbaradoorka maraya, Farshaxannimadiina waan hubaa inuu la dhici doono, markaan u sifeeyo. Bal iigu celi farshaxannimadii, aan isla sidaad u sharraxday ugu sharraxee”.

Haddiiba ay dib u bilaabeen, inay bandhigii ku celiyaan, wuxuu odaygii isku dayay inuu eray eray u xafido tilmaamihii ay ka bixinayeen Labiska ay diyaariyeen, Cabirradii, midabaddii, maryihii kale duwanaa ee ay ku kale taxeen, kuway ka luleen, liidadkay u samaynayeen iyo waxkastaba. Talooyinkii ay waydiinayeen, ee ay ku lahaayeen haddaanu halkaas sidaas ka dhigno ka warran, waabu ku raacay oo madaxuu u lulay.

Odaygii ku soo noqay Qasrigii Imbaradoorka, wax walbana ugu sheeg sidii loogu soo bandhigay. Imbaraadoorkii kumuu qancin sheekadii uu ka gurayay odaygii sahanka u ahaaye, wuxuu  hadana mid kale oo raggii uu garashada ku tuhmayay ka mid ah uu u diray, halkii labbisku ee ay hawshu socotay, si uu usoo hubiyo waxan uu odaygu ka warramay. Isna markii uu kusoo noqday, warkii odayga mid la mid ah ayuu u sheegay.

Imbaradoorkii oo is hayn kari la', doonayana inuu ka salgaadho warkan la siiyay, ayaa isasii daayay si uu usoo arko mucjisadan ay raggiisu isku raaceen. Wuxuu kaxaystay labadii nin ee u akiday inay soo arkeen labbiskii oo diyaarsan, iyo dhawr nin oo uu kaga kalsoonaa inta kale. Markay arkeen Nimankii dhartolayaasha ahaa Imbaradoorkii oo xaggooga usoo socda, ayay iska dhigeen kuwa mashquulsan oo laab-laabaya Labiskii beenta ahaa.

Miyaanay farsamadoodu cajiib ahayn ayuu yidhi” mid kamida raggii sahanka ahaa ee hore loosoo diray.  “Haddii aad Mudane aragtid, sida layaabka leh ee ay waliba kuugu qiyaaseen, una garteen dookhaaga, wax kale ka sheekayn maysid baryahan”.

Imbaradoorka laftiisiiba, ayaa wajiga isgaliyay oo is yidhi “Waa sidee !” “ Oo ma anigaaba noqday kii la sheegay een arki karayn labiska, een xilkiisa u qalmin.
 "Maya" inta uu dhoolla caddayn been ah muujiyay ayuu isagoo jaahwareersan ku dhawaaqay
"Alla, waar cajiibsanaa !
waligayba maan arag cid sidan wax u tosha, tolmihiinu waa heersare”

"Sidaasaaban ku aqbalay, oon idinkaga guddoomay” Ayuu raaciyay imbardoorkii, isagoo wali indhaha ku haya, halkii looga tilmaamay inuu Labiska ku diyaarsanyahay.  Midkastoo la socday wuxuu indhaha ku mudayaa halkii madhnayd, isagood moodo inuu  indhahiisa qasab kaga doonayo inay tusaan waxaan meeshaba oollin. Midbaaba mar-maranaya indhaha, oo haddana markuu ka war helo mid kale oo hoosta ka eegaya , isku naxaya oo odhanaya "Labbiska widh-widhkiisa ayaa indhaha iga qabtay".

Boqorkii ayay ku yidhaahdeen bal isku eeg, kadibna inta uu iska bixiyay maryihii uu xidhnaa, oo isku soo reebay intuu hoosta ka gashanaa, ayay labadii xariif iska dhigeen, kuwa u galinaya Labbiskii beenta ahaa, Wuxuu mid kamida labadan tuug iska dhigayaa mid kolba soo qabanaya waxa loo baahanyahay ee Imbaradoorka loo xidhayo, halka uu kan kalena uu iska yeel-yeelayo sidii mid kolba u galinaya shayga loo dhiibayo. oo waxaabu leeyahay kolba gacan keen, haddan lug keen. Haddii Koodhkii loo xidhay, iskaafkii oo u dambeeyayna luqunta uu ugu duubay, ayuu dib uga baxay oo iska dhigay mid eegaya sida uu ugu soo baxayImbaraadoorku labiska cusub.

“Cajabeey, bal hannaanka iyo haybadiisa eega” ayuu ku yidhi nimankii Imbaradoorka la socday. 

Wuxuu Imbaraadoorkii u soo kexeeyay qol ay darbiyadiisa ku xidhantahay Muraayad weyni oo la isku arki karo dul iyo hoos, oo sii jeed iyo soo jeedba iskaa tusaysa. Markii uu qolka soo galay ee uu isha qac ku siiyay humaagiisa, ayay naxdintii meeli go’day, wuxuu se dib usoo uririyay naftiisii ay ‘ku baahday’, kuna dadaalay sidii aan dareenkiisa iyo jaahwareerkiisa muraayadda looga dhex arki lahayn. Isaga oo isdiidsiinaya muuqalkiisa dhabta ah ee ka hormuuqda waxa uu bilaabay inuu kolba dhinac iskaga eego muraayadda, isaga oo wer-wekiisa ku qarinaya qosol aan ka tarjumayn xaaladdii uu saacaddaasi ku sugnaa. 

Ma jiro qof qudha oo intii meesha joogtay kamida, oo qiran kara in aanu arkayn Labiskan beenta ee la leeyahay Imbaradoorkaa loo xidhay, waayo waxay ka baqayeen inay xilkooga waayaan, ama ay halkaasi ceebi ka raacdo. 

Iyagoo oo wali meeshii jooga, ayuu dibadda uga baxay uugaan iyo sawaxan xooggani, waaba magaaladii oo oodaheedii wadata, Markii ay dadku maqleen in Imbaradoorkii uu labiskii mucjisada ahaa soo gashanayo, ayaabay sugi kari waayeen, una soo baratameen halkii dharka lagu diyaarinayay. 

Labdii khaayin, ayaa Imbaradoorkii kula taliyay inuu u soo baxo dadka, oo uu la dhexmaro Labiskan mucjisada ee ay u xidheen.

Naxdin weynaa !


Imbaraadoorkii ayay talo ku ciirtay. Waxaana loosii galbiyay xaggii dadku ku xoonsanaa, isagoo qaawan oo sidii uu ku soo dhashay ah balse lagu qanciyay inuu xidhanyahay Labbis aanay doqonniimadu arki karin. Wuxuu dhex lugaynayaa jidadka waaweyn ee Magaalada, isagoo raxan daawadayaal ah iyo ilaaladiisii daba guurayso oo luqunta taagaya oo aanay kaba qasnayn. Dadweynuhu - carruur iyo cirroolaba, rag iyo dumarba waa in daba ugaamaysa iyo in hareero tuban jidadka  Magaalada. Kolba inta uu hormarayo ee safka taagan waxa ay ku dhawaaqayaan "Qurux badanaa Labbiska Imbaradoorku” iyada  oo qof kastaaba isdaadraacinayo dhawaaqa baxaya, naftiisana hafraya. Kalmaddaasi oo ay labadii Xariif dadka afka ugu rideen judhii horaba markii ay boqorka u soo saareen dadweynaha.

 “Oo ma isagaa waxba xidhanba?" oo cod dheer ah, ayaa laga dhex maqlay dadka dhexdiisii. Waxa ay taasi ka soo yeedhay gabadh da'deedu aad u yartahay oo aabaheed gacanta hayo dareenkii dadka ayay weedhaasi soo wada jeedisay. Bal dhagaysta wuxuu sabigan yar een dambiba lahayni waxa uu ku dhawaaqay? ayuu yidhi Aabaheed isagoo ku faanaya yartiisa. Maxay tidhi? ayuu ku kale ku dhawaaqay, Dadkii ka ag dhawaa ee maqlayay oo u jawaabaya, ayaa hal mar ku wada dhawaaqay:

“Ma isagaa waxba xidhanba”
“Ma isagaa waxba xidhanba” 
"Ma isagaa waxba xidhanba"

Imbardoorkii ayaa isku yax-yaxay, oo naxdin iyo khajilaad la gariiray. Gartayna inay run tahay waxay dadku sheegayaan, oo uu Qaawanyahay. Balse wuxuu go'aansady in uu iska xamilo illaa inta lala soo gaadhayo Kursigii Qafilnaa ee qasriga lagu geyn jiray

               [  Dhammaad ]

..............................       ...........       .....................         ..................       ..................     .................   .................

Waa kuma Hans Christian Anderson?
Waa Qoraa dhaanish ah, oo noolaa Qarnigii 19-aad, waxa sheekadan mala’awaalka ah suugaan ahaan  loogu tarjumay in ka badan 100 af. Waxa la  daabacay, lana faafiyay 1837-kii. Walaw tarjume ahaan, aanan  sheekadan hab suugaaneed, oo farshaxaysan oo u dhaw-dhaw sida loogu tarjumay afka Engiriisiga ee aan ku akhriyay aanan u tarjumin, amaba aanan usoo bandhigin sida uu qoraagu ugu nuux-nuuxsaday humaagaynteeda, waxaan jeclaystay uun in aan inta afsoomaaliga wax ku akhrida la wadaago. Sidoo kale meeris-meeris umaan raacin qoraalka sheekada, waxaan se afsoomaali ahaan kusoo  koobay dhacdooyinka si nuxurkeeda hore loogu gaadho. Waxaanan ka cududr daaranayaa akhristaha in aanan waqti badan oo ay mudnayd tabinta  sheekadani aanan galin.. 
Tarjume: Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul.

Thursday, December 14, 2017

GOLAHII WASIIRADII HORE OON XILKA LAGA QAADIN, MIYAA LAGU DUL MAGACAABI KARAA WASIIRO CUSUB ? (FAALLO) BY GARYAQAAN MAXAMED AXMED CABDI (BACALUUL).

Garyaq. Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul. 

Iyadoon wasiiradii Hore xilka laga Qaadin, ayuu Madaxweynaha cusubi magacaabay Liis cusub oo wasiiro ah. Waxay ahayd in uu Madaxweynihii hore ama kan cusub uu  dikreeto Guud oo Madaxweyne uu ku kala diro Golihii Wasiiradda ee Hore (Dissolution of Cabinet),  kadibna cidduu  dib usoo magacaabayo, usoo magacaabo. Wasiiradu waxay wasiiro u ahaayeen Qaranka, oo loo magacaabay (Gole Dastuuriya),ee may ahayn Shaqaale gaar ah oo qasriga la socday, oo raacaya xil-wareejinta Madaxtooyada.

Xilka wasiiraduna ma ah mid xilliyaysan (Fixed term),balse waa mid ku xidhan rabitaanka Madaxweynaha markaasi talada haya. Kaasi oo noqon kara kii soo magacaabay ama mid kale oo talada kala wareegay, Xilkaqaadistaasina, waa tan qudha ee soo raaci karta asbaabaha kale ee alaaba xilka lagu waayo,

Asbaabahaasi kale een ahayn xilka-qaadista bilaa shuruudda ah (dismissal at pleasure), ee xilka lagu waayi karo sharci ahaan waa kuwo ku yimaadda xaalad ka baxsan xil-hayaha (e.g. Dhimasho, xanuuno maskaxeed/jidheed).  kuwo iskiis uga yimaadda xil-hayaha (eg. Is-casilaad), iyo kuwo sababaysan oo ka yimaadda cid kale oo awood ahaan ka sarraysa xil-hayaha (sida, Eryid anshax-marin ah ama maamuus ka xayuubin).  

Hadaba sidaan hore u xusay ma jiro xeer baarlamaan oo nidaaminaya qaabka loo marayo hannaanka xilwareejinta awoodda, doorashooyinka kadib. Sidoo kale ma hayno Qodob Dastuuriya oo si cad u qeexaya inay Xil-wareejinta Madaxweynuhu soo afjarayso Golihiisii wasiirada. Wuxuu se Qodobka 94(2) ee Dastuurku inoo sheegayaa in xilka wasiirnimo lagu iman karo magacaabis madaxweyne oo Golaha wakiiladu ansixiyay laguna waayi kara uun Xilka-qaadista Madaxweynaha. Haddii ay jiraan kuwo qaba doodda ah in xilka Golaha Wasiiradu uu ku xidhanyahay kan Madaxweynaha, oo marka uu xilka wareejiyo ayuu xilkoogu wasiirnimana dhammaanayaa, ha keenaan waxay sharci ahaan taas u cuskanayaan.

Haddiise xataa toodaba loo raaco, oo lala qaato inay Xilalkii wasiiradu ku xidhanyihiin xilka Madaxweynaha ay xukuumaddiisa ka tirsanyihiin, miyayna taasi ka dhignayn  Iscasillaadda Madaxweynahana mid si autumatik ah meesha uga saaraysaa xilalkii wasiirada?

Taasina waa sababta aan dooddaasi isku xidhaysa xilka madaxweynaha iyo kan Golihiisa wasiirada uga soo horjeedo. Waxaanan qabaa inuu Golaha Wasiiradu yahay hay'ad dastuuriya oo iskeed u jirta (Qodobka 94/1 ee Distoorka JSL). Madexweynahaana awood u leh sida loo qaabaynayo Wasaaradaha(restructuring) iyo Magacaabista wasiiradoodaba, Balse Hay'ad ahaan Wasaaraddu waa Waax gacan ka siinaysa hawlaha kala duwan ee Madaxweynuhu Qaranka u hayo. Taasi oo xataa haddii isagu xilka ka tago, aan shaqadii ay qaranka u haysay meesha ka saarayn. Waana sababta uu Wasiirku, wasiir usii ahaanayo illaa inta xilka sidii loogu magacaabay looga qaadayo, ee aanu, u ahayn Shaqaale gaar ah oo Madaxweynaha shanadadaha usii qaadaya, albaabkana kala baxaya marka uu ka dhammado xilka madaxweynanimo.

Monday, December 4, 2017

LA TALIYIHII HORE TRUMP EE AMNIGA QARANKA, MICHEAL FLYN OO QIRTAY XIDHIIDHO UU RUUSHKU LA SAMEEY. Lafagurkii Garyaqaan Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul

Muxuu Qiraalkani kusoo kordhin doonaa baadhistii uu waday Dalka Marykanku ee la xidhiidhay Farogalintii Ruushka iyo Doorashooyinkii Madaxtooyada?


Michael Flynn oo kasii baxaya Maxkamad Washington ku taala

Su’aasha ku saabsan In uu maamulka Trump amaba ay qaar kamid ahi xidhiidh hoose la sameeyeen Dawladdii Ruushka, ayaa ah arrinta uu Maraykanka baadhisteeda ku hawlannaa waayadan dambe. Su’aashaasi oo shaki iyo dareen kala galisay Shacabkii Maraykanka iyo Maamuulkii cusbaa ee ay doorteen, ayaan illaa maanta laga wada gungaadhin. Waxaan Qoraalkan ku lafaguri doono qiraalkii uu maalmahan u dambeeyay sameeyay Micheal Flynn oo hore wax looga weydiiyay arrimahaasi. Michael Flynn oo ahaa lataliyihii Amniga Qaranka ee Madaxweyne Trump, ayaa hore  loogu aanaynayay inuu xidhiidh la yeeshay Saraakiil matalayay dawladda Ruushka  intii aanu Trump Aqalka Cad ku wareegin. Walaw uu dafiray eedaymahaasi markii hore, wuxuu haddana gor-gortan uu la galay Xeer-ilaalinta kadib ogolaaday inuu Qirto Xidhiidhkaasi  maalmahan u dambeeyay. 

Qiraalka uu dhawaan sameeyay Micheal iyo wadashaqayntan uu maanta kula heshiiyay (Plea bargaining) in uu la yeelanayo Garyaqaanka gaarka ah, Rober Mueller iyo Kooxda uu hoggaaminayo ee loo xilsaaray Baadhitaanka ku saabsan inay jiraan Xi dhiidho dusmo ah oo ay wada yeesheen kooxdii la shaqaynaysay Trump iyo Ruushku, intii uu socday ololaha doorashooyinka ee Madaxtinnimadu sannadkii hore.  

Dokumantiyada Maxkamadda ayaa ku tusaya inuu baadhitaanka la wadaa aanu ku eekayn Mr Flynn, balse uu isha ku hayo meelo ka sarreeya.  Qiraal dambiyeedkaasi oo uu la sodo heshiiska gor-gortan ee Flynn iyo X/Ilaalintu wada galeen,  ayaa sheegaya, inay jiraan shaqsiyaad xilal-sare hayay oo kamida Guddidi Xilwareejinta ee Trump,  oo wax ka ogaa Xidhiidhkii dhexmaray Flynn Safiirka Ruushka, Sergey Kislyak. Xidhiidhadaasi oo uu Flynn kala hadlay Safiirka, Mooshinkii Golaha Ammaanka  horyaallay ee ay ujeedadiisu ahayd in Qaraar lagu Cambaaraynayo Deegaamaynta ay Yuhuuddu ka wado dhulka ay haysato ee Falastiin lasoo saaro. Qaraarkaasi oo ay cod-u-qaadistiisu ku muddaysnayd 23 December, 2016. 

Hadaba Qiraalkan uu bixiyay Flynn wuxuu noqonayaa mid ka hor imanaya warsaxaafadeedyadii Aqalka Cadi ku adkaysan jiray ee sheegi jiray in aanay jirin xidhiidho qarsoon oo ay madaxtooyadu ogtahay oo si qarsoodiya loola saameeyay Ruushka. 

Sidoo kale Su’aasha ka dhalanaysa qiraalkan Flynn  ayaa noqonaysaa, Illaa intee ayuu Donald Trump wax ka ogyahay xidhiidhka dhexmaray Lataliyihiisa Amniga Qaranka iyo Ambassador Kislyak. Haddii uu Trump wax ka ogaa xidhiidhyadaana, waxay tani sii iftiimin doontaa sababta uu Trump uu doonayay in baadhista ay FBI-du ku hayso Michael Flyn laga joojiyo. Taasi oo uu madaxweynuhu si toos ah ugala hadlay Agaasimihii FBI-da, David Comey una soo jeediyay inuu baadhistaasi soo afjaro.  Markii ay taasi dhici waydana uu markii dambe madaxweyne go’aansaday xilka-qaadista  Agaasimahaasi, iyo Sally Sates oo matalayay Xeerilaaliyaha Guud oo isna shaki badan Ka muujiyay arrimahaasi loo aanaynayo Flynn. 

Marka lagu soo noqdo Sida uu u yaallo Warbixin Qiraaleedka  uu sameeyay Flyn, kaasi oo uu ku sheegayo inuu Safiirka Ruushka kala hadlay codbixinta uu Golaha Ammaanku u qaadi doono, Qaraarka lagu Cambaarayndoono Deegaamaynta Israil. Waxaanu qiraalku sheegayaa “ a very senior Member” oo micnaheedu noqonayo “sarkaal Xubin sare ah” oo kamida Xubin ka ah Tiimka Xil-wareejinta  ayaa “ ku amray Flynn inuu la xidhiidho saraakiil ka matalaya Xukuumado shisheeye” si uu, ugu qanciyo inay ka codeeyaan Mooshinkaasi, ama ay dib u dhigaan  Cod u qaadistiisa. 

Hadaba markaasi uu socday wadahalka u dhexeeyay Flyn iyo Kislyak , Flyn wuxuu usii magacwanaa inuu noqdo Lataliyaha Ammaanka Qaranka ee Maamulka cusub. Waxaanay magacaabistaasi ka dhigaysaa inuu Flynn kamid noqonayo shaqsiyaadka haya  Xilalka ugu awoodda badan ee dalka Maraykanka, lana odhan karo in yar oo kooban ayaa ka sarrayn karta ama gaadhi karta heer ay amarro siiso.

Marka laga reebo Donald Trump, shaqsiyaadka goor hore magacawnaa ee awooddaasi lahaan karayay waxa kamida,  Jared Kushner (inanka uu soddoga Madaxweynuhu u yahay) oo isna ahaa Lataliye, isla markaana uu madaxweynuhu u doortay in uu kamid noqdo Kooxdii ka gacansiinayay Siyaasada Barriga Dhexe . Jaraaidka qaar oo ay kamid tahay Bloomberg iyo Washington Post ayaaba kusii sheegay in uu sarkaalkaasi sare een magiciisa la xusuni yahay Kushner. 

Kushner ayaa la ogyahay isna inuu door muhiima ka qaatay arrintaasi Deegaamaynta Israail ee Golaha Ammaanka hortaallay. Olalahaasi oo lagaga soo horjeeday in loo codeeyo Qaraarkaasi Cambaaraynaya Israaiil. Madaxweyne Obama, ayaa isagu go’aansaday in uu ka gaabsado Ololahaasi iyo Codayntaasi, kadib markii dhawr jeer oo uu isku dayay inuu Dawladda Israail ku qanciyo Joojinta Deegaamaynta ay ka wadday Dhulka Lagu muransanyahay ee Falastiin, uu ku guuldarraystay; Maamulka Israelna uu ka dhego-adaygay soojeedimihiisii. 

Guntii iyo gabo-gabadii Qiraalkan uu sameeyay Flyn , wuxuu tilmaamaya suurtogalnimada in la qaadi doono tallaabooyin sharci oo kale. Madax dhawr ah oo arrimahani oo FBI-du wax ka waydiisay  xaqiiqada xidhiidhadaasi hoose , ayaa ku cel-celiyay kuna adkaystay in aanay waxba kala socon. Amaba ku adkaystay in aanay ogayn wax xidhiidh ah oo ay habayaraatee wada sameeyeen kuwii u ololaynay Trump, ama kuwii  qaban-qaabinayay Xilwareejinta iyo saraakiil matalaya Dawladda Ruushku.  Hadddaba, haddii  su’aalaha la waydiinayo Flynn ay daaha ka rogaan magacyo kale , oo kamida kuwaasi hore FBI-da ugu sheegay in aanay waxba arrimahaasi Ruushka kala socon,  waxay kuwaasi noqon doonaan qaar aan  ka baxsan doonin  inay Xeerilaalintu kusoo oogto dacwado ciqaab ah oo ay kamid noqon doonaan faldambiyeedyada  Beenku-dhaarasho ama marag-fur been ah (Perjury) iyo Is-hortaag Caddaaladeed (obstruction of Justice).

Wednesday, November 29, 2017

MUSUQ-MAASUQA IYO DOORASHOOYINKA; HALKAY ISLA MARAYAAN AFRIKADA SAXAARAHA KA HOOSAYSA? by Garyaq Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul.

Garyaq. Bacaluul. 
Waxaynu qormadan kooban ku eegi doonaa, Kaalinta ay doorashooyinku ku leeyihin isbaddalada ay Doorashooyinku ku yeesheen Qaaradda Afrika, gaar ahaan dalalka Saxaaraha Afrika ka hooseeya. Qormadan, oo aan ka tixraacay Warbixintii ugu dambaysay ee ay Soo saartay hay'adda Caalamiga ah ee Qiimeysa Heerarka uu Maamulwanaagga iyo Madaw-madaw la'aanta Nidaamyada Xukuumadeed ee dawladaha adduunku ay kolba taaganyihiin.

Shucuubta dalalkan ayaa la dareemayaa inay Musuq-maasuqa u aqoonsadeen, in uu yahay halka ay ku arooraan dhibaatooyinka sababay dib-u-dhaca nololeed ee ay ku noolyihiin. 

Kahor intaynaan taas gudo galin, waxay eegi doonaa  sida uu u shaqeeyo Halbeeggan Caalamiga ah ee lagu Qiyaaso halka uu marayo musuq-maasuqa ka jira dawladuhu. 

Marka aynu Ka hadlaynu heerka uu musuq-maasuqa marayay sannadkii tagay, ma jiro la dal qudha oo adduunyada la odhan karo wuxuu gaadhay ama illaa xad u dhawaaday heerkii ama dhibicdiii ugu sarreeyay ee la doonayay inay dawladaha caalamka ka gaadhaan, Maamul-wanaagga iyo La-dagaalanka Musuq-maasuqa. In ka badan laba meeloodoow saddex 2/3 oo kamida 176 dal, ayaa hoos maray halka badhtamaha u ah halbeeggaasi la isla qaatay in lagu qiimeeyo sida ay dawladuhu ula tacaalaan Musuq-maasuqa.

Heer-qiyaaseedkaasi oo lagu qiimeynayo dadaalka ay dawladuhu ku xakameeyaan musuq-maasuqa ayaa ka bilaabmaya eber (0) oo u taagan dadaalka ugu yar (musuq-maasuqa ugu badan). Halka  uu boqolkuna (100) uu yahay darajada ugu sarraysa ee tilmaamysa dadaalka ugu badan ee musuq-maasaq la dagaalanka, amaba la odhan karo waa darajada Musuq-maasuq la'aanta (Nadiifnimadu) ee Qaran gaadho. Waxaan cel-celis ahaan la isla qaatay in aan laga hoosayni inuu yahay saddex iyo afartan (43). Heerkaasi oo tilmaamaya inuu musuq-maasuqu si baahsan oon qarsoodi ahayn uga jiro dhammaan hay'adaha iyo laamaha Maamul ee ay dawladi leedahay.  Waxaanad ku arkaysaa Jaantuska 1-aad inay  Wadamada ugu dhibcaha badan, ee nadiifnimada ama musuq-maasuq yaraanta gaadhay oo ah kuwa ku midabaysan huruud ay aad uga tiro yaryihiin, dalalka ku midabaysan liimiga (orange-coloured), oo tilmaamaya meelahay ay muwaadiniintu sida caadiga ah la kulmaan Saamaynta musuq-maasuqa. 

Dalalka Halbeegga qiimaynta meesha hoose kaga jira, waxay ku caan yihiin inay hay'adahooga u adeega bulshadu (eg. Bilayska iyo Garsoorku), ay yihiin kuwa aan daacadnimadooda la isku hallayn karin oo aan sidii la rabay shaqaynin. Xataa haddii ay dawladahani leeyihiin xeerar lagula tacaalo musuq-maasuqa, sharciyadoodaas maaha wax dhaafsiisan buugaagta ay ku qoranyihiin, oo lagu camal falo. Muwaadiniinta ku nooli dalalkaasina ee adeeg-sugayaasha ahina, waa kuwa aanay waxba u socon karin illaa ay laaluush bixiyaan (bribery), amaba baad (extortion). Waxaanay taasi ugu wacan, iyadoo dhaqaalihii loogu talogalay inay xafiisyadu ku adeegaan ay leexsadaaan madaxda sar-sare. Haddii xataa ay muwaadiniintu isku dayi lahaayeen, inay ka cawdaan laaluushkaasi ama baaddaasi, oo ay u gudbisan lahaayeen Hay'adaha Ku shaqada leh, waxay ogyihiin in ay cabashadaasi lafteedu ay ku tagayso kharash ka badan kii hore ee ay ka cabanayaan, amaba uu waqti badan kaga lumayo intay ka dhursugayaan.


Wadamada ay darajadoodu sarrayso (Highly-ranked), waxa astaan u ah oo lagu gartaa waa heerka ay saxaafaddoodu ay ka madax-bannaantahay saamaynta iyo cabsi kaga timaadda kuwa awoodda haysta amaba Dhaqaalaha iyo Illaa heerka ay hay'adaha Dawladdu ay daaha-ka-qaadi karaan sida ay u kharash-gareeyeen dakhli miisaaniyadeedkii loo qoondeeyay. Daahfurnaantaasi oo macnaheedu yahay in ay si iskooda oo waqtiyaysan ugu warceliyaan cashuurbixiyayaashii, iyo inay leeyihiin nidaam furan oo si sahlan u siin kara, muwaadiniinta xog-raadiska ah, sida Cilmi-baadhayaasha, Suxufiyiinta,  iyo cidkasta oo danaynaysaba.


Muwadiniinta dawladahani heerka-sare taagani, waxay sii ogyihiin shuruudaha ama waxyaabaha laga rabo markay rabaan adeeg-dawladeed. Sidaa darteed ayaa hadday buuxiyaan shuruudaha  uu nidaamku farayo, aanay ahayn kuwa ka war-wara in si sabab la'an ah loogu diido, ama lagu caansiiriyo adeeggay xaqa u lahaayeen. Sidoo kalana, Suurtagal ma aha inay Madaxda dawladahani ay hoos u galaan qandaraasyo sir ah, ama saamiyo qarsoon ku yeeshaan shirkado jira ama cusub, iyagoo ka faa'idaysanaya awooddii qaranku siiyay (Conflict of Interest). Waxa kale oo mustaxiil ah in uu Sarkaal Xukuumadeed uu si aan la fahmi karin uu ku helo una  keydsado lacago ka badan dakhligiisii caadiga ahaa (Illicit funding).


Transparency International 2016 report: Jaantuska 1-aad



Heerka ay dalalku kaga jiraan Xakamaynta Musuq-maasuqa Maamulkooga  (2012-2016kii)/ Source: Transparency international 2016




Rank

1
   Country

Denmark
2016 

90
2015 

91
2014 

92
2013 

91
2012 

90

  Region    

Europe and Central Asia
1
New Zealand
90
91
91
91
90
Asia Pacific
3
Finland
89
90
89
89
90
Europe and Central Asia
4
Sweden
88
89
87
89
88
Europe and Central Asia
5
Switzerland
86
86
86
85
86
Europe and Central Asia
6
Norway
85
88
86
86
85
Europe and Central Asia
7
Singapore
84
85
84
86
87
Asia Pacific
8
Netherlands
83
84
83
83
84
Europe and Central Asia
9
Canada
82
83
81
81
84
Americas
10
Germany
81
81
79
78
79
Europe and Central Asia
10
Luxembourg
81
85
82
80
80
Europe and Central Asia
10
United Kingdom
81
81
78
76
74
Europe and Central Asia
13
Australia
79
79
80
81
85
Asia Pacific
14
Iceland
78
79
79
78
82
Europe and Central Asia
15
Belgium
77
77
76
75
75
Europe and Central Asia
15
Hong Kong
77
75
74
75
77
Asia Pacific
17
Austria
75
76
72
69
69
Europe and Central Asia
18
United States
74
76
74
73
73
Americas
19
Ireland
73
75
74
72
69
Europe and Central Asia
20
Japan
72
75
76
74
74
Asia Pacific
21
Uruguay
71
74
73
73
72
Americas
22
Estonia
70
70
69
68
64
Europe and Central Asia
23
France
69
70
69
71
71
Europe and Central Asia
24
Bahamas
66
N/A
71
71
71
Americas
24
Chile
66
70
73
71
72
Americas
24
United Arab Emirates
66
70
70
69
68
Middle East and North Africa
27
Bhutan
65
65
65
63
63
Asia Pacific
28
Israel
64
61
60
61
60
Middle East and North Africa
29
Poland
62
63
61
60
58
Europe and Central Asia
29
Portugal
62
64
63
62
63
Europe and Central Asia
31
Barbados
61
N/A
74
75
76
Americas
31
Qatar
61
71
69
68
68
Middle East and North Africa
31
Slovenia
61
60
58
57
61
Europe and Central Asia
31
Taiwan
61
62
61
61
61
Asia Pacific
35
Botswana
60
63
63
64
65
Sub Saharan Africa
35
Saint Lucia
60
N/A
71
71
71
Americas
35
Saint Vincent and the Grenadines
60
N/A
62
62
62
Americas
38
Cape Verde
59
55
57
58
60
Sub Saharan Africa
38
Dominica
59
N/A
58
58
58
Americas
38
Lithuania
59
59
58
57
54
Europe and Central Asia
41
Brunei
58
N/A
N/A
60
55
Asia Pacific
41
Costa Rica
58
55
54
53
54
Americas
41
Spain
58
58
60
59
65
Europe and Central Asia
44
Georgia
57
52
52
49
52
Europe and Central Asia
44
Latvia
57
56
55
53
49
Europe and Central Asia
46
Grenada
56
N/A
N/A
N/A
N/A
Americas
47
Cyprus
55
61
63
63
66
Europe and Central Asia
47
Czech Republic
55
56
51
48
49
Europe and Central Asia
47
Malta
55
60
55
56
57
Europe and Central Asia
50
Mauritius
54
53
54
52
57
Sub Saharan Africa
50
Rwanda
54
54
49
53
53
Sub Saharan Africa
52
Korea (South)
53
54
55
55
56
Asia Pacific
53
Namibia
52
53
49
48
48
Sub Saharan Africa
54
Slovakia
51
51
50
47
46
Europe and Central Asia
55
Croatia
49
51
48
48
46
Europe and Central Asia
55
Malaysia
49
50
52
50
49
Asia Pacific
57
Hungary
48
51
54
54
55
Europe and Central Asia
57
Jordan
48
53
49
45
48
Middle East and North Africa
57
Romania
48
46
43
43
44
Europe and Central Asia
60
Cuba
47
47
46
46
48
Americas
60
Italy
47
44
43
43
42
Europe and Central Asia
62
Sao Tome and Principe
46
42
42
42
42
Sub Saharan Africa
62
Saudi Arabia
46
52
49
46
44
Middle East and North Africa
64
Montenegro
45
44
42
44
41
Europe and Central Asia
64
Oman
45
45
45
47
47
Middle East and North Africa
64
Senegal
45
44
43
41
36
Sub Saharan Africa
64
South Africa
45
44
44
42
43
Sub Saharan Africa
64
Suriname
45
36
36
36
37
Americas
69
Greece
44
46
43
40
36
Europe and Central Asia
70
Bahrain
43
51
49
48
51
Middle East and North Africa
70
Ghana
43
47
48
46
45
Sub Saharan Africa
72
Burkina Faso
42
38
38
38
38
Sub Saharan Africa
72
Serbia
42
40
41
42
39
Europe and Central Asia
72
Solomon Islands
42
N/A
N/A
N/A
N/A
Asia Pacific
75
Bulgaria
41
41
43
41
41
Europe and Central Asia
75
Kuwait
41
49
44
43
44
Middle East and North Africa
75
Tunisia
41
38
40
41
41
Middle East and North Africa
75
Turkey
41
42
45
50
49
Europe and Central Asia
79
Belarus
40
32
31
29
31
Europe and Central Asia
79
Brazil
40
38
43
42
43
Americas
79
China
40
37
36
40
39
Asia Pacific
79
India
40
38
38
36
36
Asia Pacific
83
Albania
39
36
33
31
33
Europe and Central Asia
83
Bosnia and Herzegovina
39
38
39
42
42
Europe and Central Asia
83
Jamaica
39
41
38
38
38
Americas
83
Lesotho
39
44
49
49
45
Sub Saharan Africa
87
Mongolia
38
39
39
38
36
Asia Pacific
87
Panama
38
39
37
35
38
Americas
87
Zambia
38
38
38
38
37
Sub Saharan Africa
90
Colombia
37
37
37
36
36
Americas
90
Indonesia
37
36
34
32
32
Asia Pacific
90
Liberia
37
37
37
38
41
Sub Saharan Africa
90
Morocco
37
36
39
37
37
Middle East and North Africa
90
The FYR of Macedonia
37
42
45
44
43
Europe and Central Asia
95
Argentina
36
32
34
34
35
Americas
95
Benin
36
37
39
36
36
Sub Saharan Africa
95
El Salvador
36
39
39
38
38
Americas
95
Kosovo
36
33
33
33
34
Europe and Central Asia
95
Maldives
36
N/A
N/A
N/A
N/A
Asia Pacific
95
Sri Lanka
36
37
38
37
40
Asia Pacific
101
Gabon
35
34
37
34
35
Sub Saharan Africa
101
Niger
35
34
35
34
33
Sub Saharan Africa
101
Peru
35
36
38
38
38
Americas
101
Philippines
35
35
38
36
34
Asia Pacific
101
Thailand
35
38
38
35
37
Asia Pacific
101
Timor-Leste
35
28
28
30
33
Asia Pacific
101
Trinidad and Tobago
35
39
38
38
39
Americas
108
Algeria
34
36
36
36
34
Middle East and North Africa
108
Côte d´Ivoire
34
32
32
27
29
Sub Saharan Africa
108
Egypt
34
36
37
32
32
Middle East and North Africa
108
Ethiopia
34
33
33
33
33
Sub Saharan Africa
108
Guyana
34
29
30
27
28
Americas
113
Armenia
33
35
37
36
34
Europe and Central Asia
113
Bolivia
33
34
35
34
34
Americas
113
Vietnam
33
31
31
31
31
Asia Pacific
116
Mali
32
35
32
28
34
Sub Saharan Africa
116
Pakistan
32
30
29
28
27
Asia Pacific
116
Tanzania
32
30
31
33
35
Sub Saharan Africa
116
Togo
32
32
29
29
30
Sub Saharan Africa
120
Dominican Republic
31
33
32
29
32
Americas
120
Ecuador
31
32
33
35
32
Americas
120
Malawi
31
31
33
37
37
Sub Saharan Africa
123
Azerbaijan
30
29
29
28
27
Europe and Central Asia
123
Djibouti
30
34
34
36
36
Sub Saharan Africa
123
Honduras
30
31
29
26
28
Americas
123
Laos
30
25
25
26
21
Asia Pacific
123
Mexico
30
31
35
34
34
Americas
123
Moldova
30
33
35
35
36
Europe and Central Asia
123
Paraguay
30
27
24
24
25
Americas
123
Sierra Leone
30
29
31
30
31
Sub Saharan Africa
131
Iran
29
27
27
25
28
Middle East and North Africa
131
Kazakhstan
29
28
29
26
28
Europe and Central Asia
131
Nepal
29
27
29
31
27
Asia Pacific
131
Russia
29
29
27
28
28
Europe and Central Asia
131
Ukraine
29
27
26
25
26
Europe and Central Asia
136
Guatemala
28
28
32
29
33
Americas
136
Kyrgyzstan
28
28
27
24
24
Europe and Central Asia
136
Lebanon
28
28
27
28
30
Middle East and North Africa
136
Myanmar
28
22
21
21
15
Asia Pacific
136
Nigeria
28
26
27
25
27
Sub Saharan Africa
136
Papua New Guinea
28
25
25
25
25
Asia Pacific
142
Guinea
27
25
25
24
24
Sub Saharan Africa
142
Mauritania
27
31
30
30
31
Middle East and North Africa
142
Mozambique
27
31
31
30
31
Sub Saharan Africa
145
Bangladesh
26
25
25
27
26
Asia Pacific
145
Cameroon
26
27
27
25
26
Sub Saharan Africa
145
Gambia
26
28
29
28
34
Sub Saharan Africa
145
Kenya
26
25
25
27
27
Sub Saharan Africa
145
Madagascar
26
28
28
28
32
Sub Saharan Africa
145
Nicaragua
26
27
28
28
29
Americas
151
Tajikistan
25
26
23
22
22
Europe and Central Asia
151
Uganda
25
25
26
26
29
Sub Saharan Africa
153
Comoros
24
26
26
28
28
Sub Saharan Africa
154
Turkmenistan
22
18
17
17
17
Europe and Central Asia
154
Zimbabwe
22
21
21
21
20
Sub Saharan Africa
156
Cambodia
21
21
21
20
22
Asia Pacific
156
Democratic Republic of Congo
21
22
22
22
21
Sub Saharan Africa
156
Uzbekistan
21
19
18
17
17
Europe and Central Asia
159
Burundi
20
21
20
21
19
Sub Saharan Africa
159
Central African Republic
20
24
24
25
26
Sub Saharan Africa
159
Chad
20
22
22
19
19
Sub Saharan Africa
159
Haiti
20
17
19
19
19
Americas
159
Republic of Congo
20
23
23
22
26
Sub Saharan Africa
164
Angola
18
15
19
23
22
Sub Saharan Africa
164
Eritrea
18
18
18
20
25
Sub Saharan Africa
166
Iraq
17
16
16
16
18
Middle East and North Africa
166
Venezuela
17
17
19
20
19
Americas
168
Guinea-Bissau
16
17
19
19
25
Sub Saharan Africa
169
Afghanistan
15
11
12
8
8
Asia Pacific
170
Libya
14
16
18
15
21
Middle East and North Africa
170
Sudan
14
12
11
11
13
Middle East and North Africa
170
Yemen
14
18
19
18
23
Middle East and North Africa
173
Syria
13
18
20
17
26
Middle East and North Africa
174
Korea (North)
12
8
8
8
8
Asia Pacific
175
South Sudan
11
15
15
14
N/A
Sub Saharan Africa
176
Somalia
10
8
8
8
8
Sub Saharan Africa
2016 Rank
Country
2016 Score
2015 Score
2014 Score
2013 Score
2012 Score
Region











DOORASHOOYINKA MADAXTINNIMADA IYO SIDAY U SAAMEEYEEN DALALKA AFRIKA EE SAXAARAHA KA HOOSEEYA (Sub-saharan Africa)

Mawduuca ugu weyn ee uu ololaha doorashooyinka Afrika ka midaysanyahay waa la dagaalanka Musuq-maasuqa. Sida ay shucuubta Afrika uga dharagsanyihiin, inuu Musuq-maasuqu yahay caqabadda laf dhabarta u ah faqriga baahsan, tayo-xumada adeegyada dawladeed, colaadaha iyo aqoondarrada hoos u dhigtay noloshooda.

Wadanka Ghana ayaa hoos uga dhacay kaalintii uu kaga jiray Xakamaynta Musuq-maasuqa sannadkii hore.Waxaana codbixintii doorashooyinka ee dalkaasi, laga arkayay sida ay dadweynaha dalkaasi ay khaatiga uga taaganyihiin, musuq-maasuqa ay madaxda dawladdooda caadaysteen, oo halkii ugu darnaa abid gaadhay. Wadamada Koonfur Afrika oo kobiciisa dhaqaale intan danbe taagnaa, ayaa isna kamida dalalka hoos uga dhacay heerkii ay kaga jireen La dagaalanka Musuq-maasuqa. Joseph Kabilaha Koongo, iyo Yahya Jamaca xukuma dalka Ghambiya, oo labadooduba sannadkii tagay ku guuldarreystay tar-tankii Madaxtannimada, ayaa ina tusaya sida uu nidaamka doorashooyinka ee Dimuqraadiyaddu uu u noqday caqabad ka hortimid xukuumadihii ku caanbaxay musuq-maasuqa.

WADAMA UGU WANAAGSAN


Dalalka Cape De Verde iyo Sao Tome and Pricipe, ayaa la sheegay inay yihiin wadamada hagaajiyay maamulkooga, ama la odhan karo tallaabooyin la dareemi karo ayay hore uga sii qaadeen sidii ay musuq-maasuqa u dhimi lahaayeen sannadkii hore ee 2016. Labada dalba waxay sannadkaasi galeen tar-tan doorasho oo madaxtooyo, Waxaanay xusid mudan inay kormeerayaashii caalamku ay Doorashadii Madaxtooyada ee ka dhacday Cape De Verde sannadkii hore ay ku tilmaameen mid tusaale wanaagsan u noqon karta qaaradda inteeda kale. Waxaana la sheegay in uu Madaxweynaha dalkaasi, Jorge Carlos Fonsenca uu ku mutaystay inay shacabkiisu dib-u-doortaan, iyagoo ku abaalmarinaya isbadallada uu dib-ugu-habeeyay qaabdhismeedka hayadaha maamul iyo Nidaamka ay ku hawlgalaanba guud ahaan.

Transparency International 2016 report: Jaantuska 3-aad.

Dalalka Sao Tome and Principe ayaa isaguna  qabsaday doorashadiisii madaxtooyada sannadkii hore, ayaa isna Maamulkii ka talinayay u taabogaliyay isbadal wanaagsan oo lagu sameeyay hannaankii xukuumadeed ee jiray. Isbaddalkaasi oo xujo ku noqonayaa Maamullada kale ee qaaradda ka jira. 

WADAMADA UGU DARAN. 


Walaw ay Ghani kamid tahay dalalka ay Qaaradda Afrika inteeda kale ku hirato, markay xagga dimuqraadiyadda noqoto, ayaa ay warbixinta ay soo saartay Hay'adda Caalamiga ah ee Daahfurnaanta Maamulada Dawladaha qiimeysa, ay sheegaysaa inay iyada 6 dal oo kale oo Afrikaan ahi ay kaalintii ay kaga jireen La dagaalanka Musuq-maasuqa, ay hoos uga dhaceen, Waxaanu Musuq-maasuqa dalka Gaani gaadhay, heer ay dadweynuhu ka adkeysan waayeen halkuu marayay, isla markaana ay cadhadoodii kula dhaceen Madaxweynihii talada hayay, kaasi oo markii ugu horreysay noqonaya madaxweynihii reer Ghana ee isagoo talada haya kuu guuldarraysta inuu hanto codka shacabkiisa. 

Dawladaha kale ee la filayay inay wax ka qabtaan musuq-maasuqa, ee ku guuldarreystay inay keenaan dhibcihii loogu talogalay, waxa kamida Dalka Koonfur Afrika, Nayjeeriya, Tanzaniya iyo Kiiniya.  Jakob Suma oo ah Madaxweynaha Koonfur Afrika ayay Dacwad Musuq-maasaqa la xidhiidhaa ay kaga socotaa dalkiisa, isla markaana ay warbaahintu qaadaa-dhigaysaa Fadeexadaha musuq-maasuq ee waayadan danbe dul-hoganaya.

Dalka Kiiniya oo isku dayay inuu qaado tallaabooyin uu xakameeyo musuq-maasuq baahsan ee aafeeyay xukuumaddiisa, sidoo kalana ansixiyay Xeer Dammaanad Qaadaya Xaqa ay Dadku u Leeyihiin inay ka war-helaan Waxqabadyada iyo Barnaamijyada Maaliyadeed ee Hay'adaha Dawladda (Right to Information Act), ayaan isna meel fog soo socda. Waxaanu musuq-maasuqu noqday jahwareerkii ugu weynaa ee lasoo darsay Madaxweyne Uhuru Kenyata, markii ay dib-u-qaabayntii Maamul ee uu sameeyay, ay wax natiija ka keeni weyday dadaalkii musuq-maasuq xakamaynta (2017). Jaahwarerkiisaasi oo aad looga dareemay, tar-tankii doorashooyinka ee uu sannadkan galay  oo uu musuq-maasuqu ahaa guuldarrooyinka ugu waaweyn ee loo tiriniyay hoggaankiisa. 

Waxaana Qiimeynta lagu sameeyay dalalka Afrika ee Saxaaraha ka hooseeya, qiimeynta lagu sameeyay kamida Dalka Somaliland, oo ay Isaga iyo Somaliyaba kaga jiraan Kaalinta ugu hoosaysa marka la eegayo, heerka Daahfurnaanta Nidaamka Xukuumadeed iyo Xakamaynta musuq-maasuqa.

MAXAA LOO BAAHANYAHAY IN LA SAMEEYO?

Waxa su'aashaasi sare ka jawaabaysa, daraasaddan ay diyaarisay 2016-kii, Hayadda U Ololoaysa Daahfurnaanta Nidaamyada Xukuumadeed ee Dawladaha ee loo yaqaan (Transparency International). Waxayna warbixintani talo ahaan usoo jeedinaysaa, inay Madaxweynayaasha ku ololeeyay La-dagaalanka Musuq-maasuq (Anti Corruption ticket) ee ballanqaadkoogaasi ay dadweynuhu kursiga ku geeyeen, inay ballanqaadkoogaasi u baddalaan ficil oo laga arko Nidaamka shaqo ee Xukuumadahooda. Taasi oo u uga baahan,  inay iyagoo raacaya mabadi'da Maamul-wanaagga, iyo Dimuqraadiyada  iyo Xuquuqda Aadamaha, ay dib-uqaabayn ku sameeyaan qaabdhismeedka sharciyeed ee haylkalka maamul ku dhisanyahay (Bureaucratic restructuring)   Waxaana tilmaamaya in ay ka dhab sheegayaan Ballanqaadyadii Musuq-maasuq Xakamaynta iyo  in kale, marka la qiimeeyo doorka iyo awoodaha ay siiyaan Haya'daha ku shaqada leh La-xisaabtanka iyo Dabagalka Waaxda fulinta (Institutions that hold governments accountable). Hay'adahaasi oo ay kamid yihiin: Bangiga Dhexe, Hantidhawarka iyo Xisaabaadka, Guddiyada Dabagala Musuq-maasuqa, Saxaafadda madaxbannaan, iwm.

Sidaa darteed waxa lagula taliyay inay madaxdaasi xoojiyaan, hayadahaasi Nidaamka Xukuumadeed ku ilaalinaya xeyndaabkooga, iyagoo hirgalinaya Nidaam Sharciyeed oo awood-u-siinaya inay si madaxbannaan, oo qaabaysan (systematic) u fuliyaan hawlahooga baadhiseed, Taasi oo ay kamid tahay inay Madaxda iyo hawl-wadeennada hay'adahaasi ay helaan dammaanad xileed oo muddaysan, isla markaana loo abuuro Nidaam Sharciyeed oo ku qasbaya hay'adaha kale inay la shaqeeyaan una hogaansamaan amaradooda iyo tilmaamaha (guidelines) ay kolba usoo jeediyaan laamaha fulinta.



Garyaqaan Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul (waddi12@gmail.com)



QORISTA QARMAQALLADU WAA XIRFAD LA BARTO

Sida loo qoro garmaqallada fadhiyada maxkamadu waa xirfad iyo aqoon lagu toobabaro kaaliyayaasha Maxkamadaha. Maadaamo oo ay yihiin diiwaan-...