Garyaqaan Bacaluul |
Ceebteenna maaha, ee waa cadadeen!
In marka ay xilli-doorasheedyadu
kaabiga ina soo saaraan, muddo xileedyaduna, ay gabaabsi soo noqdaan, inay inta
kuraasta haysataa ay qiil aan jirin raadsadaan, aqalka Guurtiduna uu waha
bku ka kaco, oo ay sheekadoodu iyo shir-hoosaadyadooduba bataan.
bku ka kaco, oo ay sheekadoodu iyo shir-hoosaadyadooduba bataan.
Maantana waa gaddeedii iyo gab-gabteedii !
May ahayn markii koowaad ee saami-qaybsigu la is-weydiiyo xilli aan suurtogal ku ahayn in la gudo galo
dooddeeda iyo hawlaha ballaadhan ee ay salka ku hayso. Waxa ka hadhsanaa 3
bilood oo kaliya, muddadii doorashada, markii ay Golihii hore ee wakiiladu
ansixiyeen in la sameeyo tiro-koob qaran, oo lagu saleeyo, saamiga kuraasida ay
Gobolladu ku kala yeelanayaan Aqalka hoose. Waxaanay qabyada farsamo ee hab-xeereedka Doorashada, iyo Xil-gudasho la'antoodii, ay hore ugu heleen xil-kordhin. Markaasi oo ahayd sannadkii 2001-dii.
Markii
la fahmay inay ka cago-jiidayeen qabyo-tirka qodobka doorashada eek u saabsan
saamiga, ayay Maxkamaddu Dastuurigu soo saartay go’aan ay ku laalayso
qodobaddii xeerka ee waajibinayay tirakoobka, lana soo saaray go’aan soo
afjaray caqabadii xiligaasi hortaagnayd geeddi-socodkii nidaam doorasheedka.
Go'aanka Maxkamaddu umuu jeedin tiro-koobka, balse wuxuu
u jeeday xil-dhammaystayaashii Aqalka dhaafi la'aa. Waxaanay arrintu kusoo
ururtay, sidii xilka looga fujin lahaa, loona samayn lahaa xeer ku-meel gaadha
oo lagu keeno, xildhibaanno dhaama oo si dhab ah uga wakiila shacabka,
kuna yimaadda codkooga.
Golihii cusbaa ee hadaba la doortay,
qodobkii saamiqaybsiga halkii ma ka dhaqaajiyeen? maya.
Maantana sidiibuu saami-qaybsigii kuraasidu, u yahay caqabad farsamo oo hortaagan nidaam doorasheedka. Wuxuu golahani, fadhiyay shan sannadood oo la doortay, iyo shan kale oo loo gartay, oo ah muddo ku filan oo lasoo ban-dhigi karayay, si ballaadhan, oo furanna looga doodi kariyay arrinta Saami-qaybsiga Kuraasida iyo sidii lagu waajihii lahaa, balse may dhicin.
Maantana sidiibuu saami-qaybsigii kuraasidu, u yahay caqabad farsamo oo hortaagan nidaam doorasheedka. Wuxuu golahani, fadhiyay shan sannadood oo la doortay, iyo shan kale oo loo gartay, oo ah muddo ku filan oo lasoo ban-dhigi karayay, si ballaadhan, oo furanna looga doodi kariyay arrinta Saami-qaybsiga Kuraasida iyo sidii lagu waajihii lahaa, balse may dhicin.
Shirkii Axsaabta ee Saamiqaybsiga G/wakiilada. |
Masuuliyaddu xeer-dajintu maaha mid saaran Muuse
Biixi iyo Faysal Cali Waraabe. Mana aha mid Guddoomiyaha Wakiilada kaligiis
saaran oo cidduu doono kale sheekaysan karo. Mana aha mid aan khusayn Saleebaan
Nuurka Guurtida ee mar-mar la arko iyo guurtidaba. Balse waa waajib
Dastuuriya oo saaran labada aqal ee Baarlamaanka inay dejiyaan, xeerarka
laga maarmaanka u ah, talada iyo hoggaaminta dalka
May ahayn, in uu Guddoomiye Cirro, kaligiis uu Madaxweynaha ku yidhaahdo; saami-qaybsigaas Si uun madaxweyne ka yeel. Isagoon Golihiisii ku odhan sidaynu ka yeelnaa, inaggay hawshu ina sugaysaaye.
Goddoomiye Cirro, hadduu musharax yahay,
yaanu hilmaamin inuu sidoo kale ahaa, wakiil kamida wakiiladii lasoo
doortay. Isaga iyo xildhibaannada kale ee la midka ahina, ay ballan iyo
dhaar u qaadeen, shacabkan miskiinka ah, inay gudan doonaan waajibaadka
Dastuurku ku qaybiyo. Waxay ahayd inay isaga iyo aqalkiisuba uga hadlaan
Saami-qaybsiga mar hore, sidii cajiibka ahayd ee ay uga doodeen heshiiskii
DP-WORLD oo kale. Inay isugu habar-wacdaan dibad iyo gudaba, sida ay
mooshinnada kale een ajandaha ugu jirinba, ay yeelaan markay wax ka dhex
arkaan.
May ahayn, in uu Guddoomiye Cirro, kaligiis uu Madaxweynaha ku yidhaahdo; saami-qaybsigaas Si uun madaxweyne ka yeel. Isagoon Golihiisii ku odhan sidaynu ka yeelnaa, inaggay hawshu ina sugaysaaye.
Maxkamadda Sare ee JSL. |
Maxkamaddii Distooriga ahayd, hadday awal ahayd meel aan lagu dhiirran,
oo la yidhaahdo kii Sharci ahaabaa miiskeeda yaalla, ay Xisbiyaduna
aanay xafiiltankooga iyo dacaayadahooga siyaasiaga ee warbaahinta ka socota
aanay la hortagi jirin, maanta waxay ogaadeen, inay Maxkamadda lafteeduba
kaftanka ka badiso. Waxay ogaadeen, inay ka sheekayso Doorashada, ishana
ay ku hayso halka ay ciyaaruhu marayaan
Maxkamaddu
iyadaaba muddo-kor-dhinta jidaysa oo tidhaahda kuwii horeba waa
loo kordhin jiray, iyadoonnay balaayo jirinna, qodobadii balaayooyinka wax ku
kordhisa. Qodobada 42 (3) iyo 83 (5) ee Dastuurka. Maxkamaddu waxay
malaha , ina leedahay, doorashooinka oo la haleeli waayaa,
oo Dawladda ku hawl-bataaba kama dhacaan waxay qodobadu sheegayeen. Si
kastooy ahaataba fasiraaddeedu waa kama dambays, waana sidaas ku liq.
Ma Qodobadaan Qodobadii ahayn, misa afkay
ku qoranyihiinbaa, afkeennii ahayn ?
Qasriga Madaxtooyada JSL. |
Madaxweynaha laftiisa
ayaaba qaba in doorashada wakiilada lasii durkiyo,
Wuxuu maantana Maxkamaddii Dastuuriga ahayd ka codsamayaa inay siduu doonayo u yeesho, oo ay go’aankeedii hore u buriso.
Maxkamaddu waxay fasiraad sharci samaysaa Marka uu jiro;1. Qodob Dastuuriya, ama xeer oo la isku hayaa,
2. Qodobkaasi oo ay isku hayaan dhinacyo kale duwan,
3. Dhinacyadaasina ay qabaan doodo kale duwan oo ku waajahan qaabka loo dabaqayo qodobkaasi.
Markaasi, fasiraadda sharci waxay soo bixi kartaa, marka ay Maxkamaddu doodahaasi dhagaysato, taasi oo awood u leh inay dhagaysigaasi kadib, soo saarto go'aan fasiraadeed oo ay ku ayidayso mid kamid doodihii dhinacyada. Waxaana sidoo kale, u furan inay deeddafayso doodahaasi, soona saarto fasiraad cusub oo jidaysa mabadi'i sharciyeed.
Hadaba, Xaqiiqo ahaan saami-qaysigu maaha qodob sharciyeed oo fasiraaddiisa la isku hayo. Markaas waxaad iswaydiinaysaa, waxa uu madaxweynuhu doorkan ka rabo, Maxkamadda Dastuuriga ah: Maxay tahay dib-u-eegista laga rabo Maxkamaddu? Taas jawaabteeda waxa
kuu haya Xeerka Nidaamka Garsoorka , Qodobkiisa 6-aad ee ka hadlaya Awoodaha iyo
Dhismaha Maxkamadda Dastuuriga ah
Madaxweynuhu
wuxuu inoo sheegay, sida uu, uga xunyahay dadka wax tabanaya ee
dalkuna tabayo. Wuxuu ka hadlay, Sool iyo Awdal, Sanaag
barigeeda, dumarkii codka badnaa iyo in aanay Beelihii la
haybsoocayay ka muuqan Golaha Wakiilada.
Dastoorka
halkay kaga jirtaa in tabashooyin iyo saamiqaybsi toban sannadoodba laga hadli
waayay, xil lagu kordhiyo?
Misa
anaaba Dastuur hadal haya, oo waa laga baxay !
Mudane
Madaxweyne, markaad ahayd Guddoomiyihii Kulmiye, waxaad samaysay liis ka kooban
82 Musharrax oo ka socday Xisbigaad Guddoominaysay. Waxaad lahayd
awooddii ugu sarraysay, markay noqoto soo xulistii iyo kala reebistii
musharixiintaasi xisbiga u safanayay . Hadaba inteebay ka ahaayeen
dadkaasi aad tilmaantay, 82-kaasi Musharrax ?
Haddii
aad markaasi Siilaanyo ahayd oo aanad Madaxweyne ahayn. Maantaba
sidii madaxweyneyaasha wax ma u qaybisay? inteebaad
dadkaasi aad gaarka u tilmaantay, ay ka yihiin Golahaaga
Wasiirada iyo masuuliyiinta kale eed dikreetadaada ku magacawdo?]
Haddii
ay dadku aamuseen, mid wax arkayay, iyo mid iskasii jeedayba, Aamusnaantaasi, sharci-darrada
kama dhigayso sharci. beenta kama dhigayso run. Xaqa iyo baadilkuna siday
kala ahaayeen uunbay kala yihiin maanta iyo berriba, waana sunnahuu
Ilaahay u dhigay nolashan iyo tu ka dambaysaba.
By
Garyaqaan Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul (waddi12@gmail.com)
________________________________________
________________________________________
Xigasho; .Further Steps to Democracy-Progressio.
No comments:
Post a Comment