Wednesday, May 3, 2017

GEEDISOCODKII DIMUQRAADIYADEED MA LAGASII AMBAQAADAY HALKUU CIGAAL KAGA TAGAY, MISE DIBAABA LOOGASII NOQDAY? by Garyq, Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul.



Maanto kale waxay shacabka reer Somaliland waxay ka midaysnaayeen, geeridii asiibtay Madaxweyne Maxamed X. Ibraahim Cigaal. Waxa ay isaga intii la shaqaysayba dadkan kasoo saareen marxalado taariikhiya, oo mid-midda kale ka adkayd, Marxaladdii abaabul-kasaarka (Hubka kadhigista), Nabadayntii, iyo marxalladdii ugu dambeysayee Qaran-dhiska oo ka bilaabmaysay Shirweynihii dib-u-heshiisiinta ee 1997-kii. Marxaladdaasi oo ay geeridu kasoo gaadhay, isagoon dhammeystirin, balse wajigeegii hore dhaqaajiyay (Aftidi, dhaqan-galintii Dastuurka, iyo ku dhawaaqistii Xisbigii ugu horreeyay).
Su'aashu waxa weeyi mala dhaafay marxaladdii nidaam beeleedka ooma lasii ambaqaaday nidaamka xisbiyada badnaa? anigu ma qabo, waayo xataa xibigii ugu horreeyay ee uu asaasayba, maanta ma jiro. Doorashooyinku maaha wax-qabad, balse waa hab loo maro horumarka bulshada, ciddii isbaddal nololeed ummada u horseedi waydana lagaga takhalluso.
Waxaan la yaabaa kuwa qaba daahir Riyaale inuu ambaqaaday marxalladii Qarandhiska, ee ku sababeeya doorashooyinkii uu qabtay. Doorashooyinkaasi, Kuwa taasi qabaa, waxay caayayaan caqliga bulshada reer Somaliland. Haddii uu Daahir Riyaale kaas yahay, bulshada kamay biyo-diiddeen sidii uu wax u waday, iyagoo doorashadaasi tii ka horreeyay, rajo ay ka qabeen darteed codkii uu dalka ku xukumayay siiyay.
Illaa maatana, xisbinnimadii iyo doorashooyinkiiba, malaha wax nuxura, ama hindiso lagu hirto oo ku dhisan mabada' la hubo in daacad laga yahay. Xisbiyada dhexdoodiiba mar haddaanay dimuqraadiyaddu ka jirin, sideebuu xisbi uga hirgalin karaa, dalka wuxuu isaguba diiddanaa?
Haddii aad qabto dood taasi kasoo horjeeda, waxaan ku odhan lahaa, in aanay ka jirin waxa kaaga marag ah Guddoomiyannimada iyo musharraxnimada Faysal Cali Waraabe ee hadhi la, iyo Guddoomiyanniamadii UDUB ee Daahir Riyaale ee ku eekayd uun ayaamuhu talada hayay.
Mar haddii uu guddoomiyaha xisbi, uu xisbinnimada, u yaqaanno meel kulmisa dad uu badawsan karo, oon la tar-tami karin, dood u celin karin, amaba ku dan qaba dabasocodnimadiisa, Waxaan odhan lahaa xisbiyo-ku-sheeggeenu waa xool ay kusoo bar-baarayaan kalitaliyayaal aanay kursi-doonistooda mooyee, jirin xikmad kale oo uga dambaysaa. 
Bal eeg, waxa ku dhacay kuwa badan, oo ka horyimid ama isku dayayba inay la tartamaan guddoomiyaashii xisbiyadooda. Kuwaasi ku-dhaca la yimid oo uu, ugu horreeyay Dr, Cabdi Aw Daahir, (shirweynihii Golaha Dhexe ee Udub dibadda loogu tuuray 26-kii, December, 2002), xaggay ku dambeeyaan marka dambe?
Waxay dhacda inay kuwaasi hanka yeesha ee diida dabasocdnimadu, inay kasoo dullaamaan xisbigii ay ka tirsanaayeen, oo iyagoo maqiiqan isku shubaan xisbi kale, Su'aashu se waxay tahay;  Miyay haddaba ka diidaan guddoomiyahaasi cusub, waxay koogii horaba ka diideen?

Jawaabtu maaha mid sidaas usii ridan, mar haddii aan lagu kala tagin aragti iyo mabaadi'i danteenna ah . Waxa Ina Muumin Seed ka keenay xisbigii uu asaasay, waa waxa Xirsi iyo saaxiibadiina ka kexeeyay xisbigii iyo xukuumaddii uu kusoo shaacbaxay. Waxay isla dhaaf-dhaafayaana, wa hal shay oo qudha; oo ah ficil iyo aargudasho siyaasadeed. Taasina  run ahaantii, waa arrin iyo dareen shaqsiya oo aan dhaafsiisnayn hirdankii iyaga iyo asxaabtoodii hore dhex maray dharaarahaasi, 

Haddii ay Guddoomiyaashii xisbiyadu tartan diid noqdeen, xeerarkii xisbiga ee heshiiska lagu ahaana, ay kolba sida dantooda ah u dhigteen, waxay ahayd inay ugu yaraan kooxda laga adkaadaa, ay ku dadaasho sidii aan xisbigooga looga adkaadeen; mar hadday halkay tagaanba orgome kale oo taladiid ahi ka horreeyo,  Haddii se, aanay jirin aragti iyo mabda' balse lagu wadajoogay uun danayaal la kala watay, miyaanay ahayn inay kuwii danahooda waayay,  ay isku dano noqdaan ? amaba ay abuurtaan urur cusub  oo ku dhisan waayo-aragnimadoodii siyaasadeed. Urur isbadal iyo itijaaha cusub wata, kana fayow waxyaabihii hore u kala jabiyay urruradii hore.
Dimuqraadiyadda aynu sheeganaynaa, maaha wax dhaafsiisan maalmaha ay laydha doorashooyinku ina hayaan. Xisbinnimaduna maaha, mid ku dhisan qaadhaanka taageerayaasha uu xisbigu dalkoo dhan ku leeyahay (heer degmo illaa gobol). Kuwaasi oo guddomiyayaashooda heer degmo illaa gobol ay kusoo baxeen tar-tan xisbiyeed hoose oo dhexmaray xubnihiisa degmadaas/gobolkaasi. Halka ay maanta  xafiisyada iyo ergooyinkuba ka yihiin, magacyo uu guddoomiyuhu sameeyo iyo qolol uu mafaatiixdooda bixiyo maalmaha ololaha. Waliba kaaga sii darane ay inta ka qab-qablaysa xarumaha xisbiguna, ee isku haysta inay hormood u yihiin xisbi qaranna, waa shaqsiyaad kooban oo magacyadooda iyo muuqoogaba aanu dhaafin xaafadaha caasimadda.

Akhriste, hadaba adigaan su'aal kuu celiyay, geeddisocodki dimuqraadiyeed ee lagu taamayay, ma halkaasuu kuu socday? 

Garyaq, Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul.

TUSAALAHA GODKA (ALLEGORY OF CAVE)

R   TUSAALAHA GODKA(The Allegory of Cave)    S heekadani Godku waa tusaale uu keenay Plato oo ahaa Filasoof Giriig ah ( 514a–520a) ama qarni...