Monday, October 20, 2025

WAA MAXAY MADAXBANAANIDA GARSOORKU

 WAA MAXAY MADAXBANAANIDA GARSOORKU??

Madaxbannaanaanta Garsoorku waxa ay u qeybsantaa laba: 

  1) Madaxbanaani gudaha ah (internal independence).

2) Madaxbannaani Dibadda ah (external independence).


1) Madaxbanaani gudaha ah: 

Waa kala-madaxbannaanaanta Garsoorka gudihiisa. waxaanay usii kale baxdaa laba: 


  a) Maxbanaani hay'adeed (institutional independence): waa kala-madaxbannaanta ay Maxkamaduhu iyaga oo kala sarreeya, ay haddana ay mid walba u madaxbannaantahay awoodaheeda sharci (jurisdiction) iyo maamulista kiisaskeeda iyo kharashaadkeeda, iyada oo aan ka cabsi qabin in ay Maxkamadda ka sarraysaa si baalmarsan habraaca dacwadaha ugu soo farogaliso hawlaheeda.  


b) Madaxbannaani Shaqsiyeed/xileed (Personal independence): oo ah in uu Garsoore kastaa uu si madaxbannaan uga go'aan-gaadho kiiska uu hayo, isaga oo maamulka maxkamadda uu ka tirsanyahay aanu si baalmarsan habraac dacwadaha (procedural rules) ugu farogalin karin gardhageysigiisa, sidoo kalana aanu ka cabsi qabin in maamul ahaan si gaar ah  loogu colaadsado (victimization) go'aannada garsoor ee uu ka soo saaro kiisaska laga yaabo in ay madaxdiisa ka sarraysaa ay danaynayso. Amaba aanu ku go'aan-qaadan ballanqaad uu guddoomiyaha maxkamada uu ka tirsanyahay  ama mxkamad kale oo ka sarreysaa uu u sameeyay si uu ugu abaalmariyo u dhago-nuglaanta farogalintiisa. 


 Si loo ilaaliyo madaxbannaanidan hawleed ee garsooraha waxa loo dajiyay habraac dacwadeedyada (Procedural rules of the Criminal/Civil laws). Kuwaas ayaa rasmiya u qeexa tallaabo kasta oo u dhexeeya maamulka maxkamadda iyo garsooraha kiiska haya, ama u dhaxeeya garsooraha iyo dhinacyada uu u garqaadayo. Waxaana tallaabooyinkaasi oo loo yaqaan (court procedings and pleadings) ay xeerarkani waajibiyaan in la iskugu gudbiyo qoraal ahaan iyagoo sababaysan oo qodobadii sharci ee loo cuskanayay wata. Waxaana ay soo-jidinshaasi, codsiyadaiyada iyo qaraarada gar-toosinta ee garsooruhu ay iyaga oo qoraal ah galaan galdacwadeedka, iyada oo lagu caddaynayo fayl-galintooda (filed/recieved stamp). Waxa ay taasi meesha ka saartaaa in maamulka maxkamaddu uu hab aan rasmi ahayn (informal) sida, taleefan ama af ahaan ula xidhiidho garsooraha galka haya si uu ugala hadlo arrinta uu ka garnaqayo.


2) Madaxbannaani Dibadeed (external independence):

Waa madaxbannaani uu Garsoorku ka madaxbannaan yahay saameyn siyaasadeed oo dibadda kaga timaadda, gaar ahaan Labada Waaxood ee kale ee dawladda (Fulinta iyo Xeerdajinta) ama mid kaga timaadda Shirkadaha Waaweyn ama bulshada qeybo ka mid ah oo si taban oo ku lid ah garsoorka u abaabulan.  Waa in uu Garsoorku Waax ahaan awood u leeyahay in uu khilaafyada xasaasiga ah ee loola yimaaddo uga go'aan-gaadho si aan cabsi iyo abaal-doonistoona ahayn (without fear or favour).


   Marka uu Garsoorku labadaas qaab u Madaxbannaanyahay gude ahaan iyo dibad ahaan, ayaa la odhan karaa waa Garsoor Madaxbaannaan. Dadka in badanbaa u fahamsan uun marka madaxbannaani garsoor laga hadlayo, in loo jeedo uun tan Waaxeed ee ah in uu Garsoorku labada Waaxood ee kale ka madaxbannaanyahay, oo hilmaansan Madaxbaannaanida Gudaha oo haddii la waayo, ay farogalinta maamulka maxkamadeed uu si joogto ah u saamaynayo hawl maalmeedka Garsooraha

No comments:

Post a Comment

WAA MAXAY MADAXBANAANIDA GARSOORKU

 WAA MAXAY MADAXBANAANIDA GARSOORKU?? Madaxbannaanaanta Garsoorku waxa ay u qeybsantaa laba:    1) Madaxbanaani gudaha ah (internal indepen...