Garyaq, Bacaluul. |
Hadalka kasoo yeedhaya Donald Trump, ee sheegaya in aanu ku qanacsanayn Faragolinta Ruushka lagu eedaynayo ee la xidhiidha Doorashadii Madaxtooyada. Arrintaasi ayaa keenaysa in illaa imika su’aalo badan la iska weydiiyo waxa uu Aqalka Cad ka yeeli doono, markay soo gaadho ansixinta cunaqabataynta cusub ee ay Golayaasha Xeer-dajintu kusoo rogayaan Ruushka.
Anthony Iskaramusi oo ah Agaasimaha Xidhiidhka ee Aqalka Cad, ayaa sheegay inuu Madaxweynuhu aaminsanyahay, inay Sirdoonka Ruushku ku “kalsoon yihiin xirfaddooda iyo xeeladdooda ay ku basaaseen Kombiyuutarrada”, sidaa darteed aanu qabin in aanay ka tagi doonin wax raad ah oo la arko, haddiiba ay basaaseen kombiyuutarada Xisbiga Dimuqraadiga.
“Haddiiba ay Ruushku jabsadeen Kombiyuutaradan oo ay abuureen xaalladdaasi, e-mayladaasna ay faafiyeen, maydaan aragteen, waligoodna kamay tageen wax caddayn ah oo lagala daba yimaado’’ ayuu sheegay Skaramusi inuu Madaxweyne Trump yidhi.
Iskaramusi oo ah xoghayaha Xidhiidhka ee Aqalka Cad ayaa sheegay inuu Madaxweynuhu dalbaday in sharci ahaan lagala taliyo awooddiisa Cafis-u-fidinta Dambiilayaasha, wallaw markii ay dambe qaar ka mid ah La-taliyayaasha Sharci ee Trump, arrintaasi diideen inay dhacday.
Sirdoonka Maraykanka ayaa sheegay bishii Jeenawari inay basaasiin u adeegaya Dawladda Ruushku, ay jabsadeen Xogihii Olalaha ee Xisbiga Dimuqraadiga, si ay gacan uga siiyaan Donald Trump inuu ku guulaysto Doorashada.
Dambi-baadhista Federaalka iyo labada guddi oo ka tirsan Golayaasha Koongarayska iyo Senatka ee u badan Xisbiga talada haya, ayaa ku gudo jira hawlaha lagu baadhayo inay Olaleeyaashii Trump ee Xilliga Doorashooyinkii ay ku lug lahaayeen basaasnimadaasi iyo in kale.
Wiilka Donald Trump, ee la magaca ah, ayaa shalay arrimahaasi wax laga weydiinayay, kadib markii ay soo baxday inay isaga iyo qaar ka mida kuwii u ololaynayay Donald Trump inay la kulmeen Qareen Ruush ah oo sida la sheegayo Maraykanka u timid inay difaacdo shirkado Ruush ah, oo lagu xidhiidhinayay inay gacan-saar la leeyihiin Sirdoonka Ruushka.
Haddaba, iyadoo 6 bilood laga joogo, markii uu talada Maraykanka la wareegay, ayaanu Donald Trump u muuqan mid ku qanacsan xogtaasi sirdoon ee Maraykanku ogaadeen, waxaanu yidhi Iskaramusi isagoo soo tabinaya hadalkii Madaxweynaha ee uu arrintaasi ka yidhi “Wey dhici kartaas inay Sidaasi Sameeyeen (Ruushku) iyo in aanay samaynba”.
Donald Trump ayaa la sheegayay inuu, u olalaynay maalmahanba sidii u diciifin lahaa, dadaalka ay Aqallada Koongarasku ku jireen ee ay ku doonayaan, inay Cuno-qabatayn cusub kusoo rogaan Dalka uu Ruushka, maadaamo uu farogaliyay arrimihii Doorashooyinka ee Dalkooda.
WAA TUMA QAREENKA RUUSHKA EE MARAYKANKU ISKU EEDAYNAYO LA KULANKEEDA?
Natalia Vaselnitiskaya (Qareen Ruush ah) |
Nataliya Vasalentiskaya, may ahayn qof magaceedu shaashadaha iyo warbaahinta kasoo bixi jiray, oo xataa lagama yaqaano Magaalada Moosko ee ay ka timid, sida ay sheegtay jarriiddada Los Enjalis taymis. Markii la ogaaday inay Huteelka Trump Tower, kula kulantay Wiilka Madaxweynaha (Trump Juuniyar) iyo Rinata Akhmetkin oo sirdoon hore oo Ruusha ahaan jiray, ayay noqotay qof aad looga hadal hayo warbaahinta caalamka.
Falentiskaya, oo ay da’deedu tahay 42 jir, ayaa hore dacwad-ooge uga noqotay Gobolka Moosko, oo ay garsoorkeeda hoos tagaan xaafado baahsan oo ay dadweynuhu deggan yihiin kana shaqaystaan iyo xaafado millatari ba. Dadka gobolkaasi deggan oo ah kuwo dhaqaale badan haysta, kuna ceesha musuq-maasuq iyo la-shaqaysiga Siyaasiyiinta.
Waxaana la sheegayay in aanay dalka Maraykanka kusoo galin wax fiise ah, balse ay kusoo gashay ogolaanshe gaaban (parole), oo aalaaba la siiyo dadka aan muddo badan sii joogayn ee hawlo kooban ku immanaya Maraykanka.
Sannadkii 2015 iyo 2016, oo ahayd intaanay la kulmin Wiilkan Trump, ayay qoraaladeeda ay Maxkamadaha Maraykanka u gudbisay kaga cabatay Xukuumada Maraykanka, oo ay ku sheegtay in lagu dhibayo joogitaankeeda ay joogto Maraykanka, lana rabo inay ka baxdo dalkaasi, taasi oo siday ku doodaysay wax u dhimaysa danaha ciddii ay difaacaysay.
Bishii Jeenawari, 2016 ayay ka dhammaatay muddadii ogolaanshaha ahayd ee ay Maraykanka ku joogtay, waxaana laga diidday codsigii ay ku doonayso in joogitaanka loogu kordhiyo, sida ay ku caddaysay cabashooyinkii ay usoo gudbisay mid ka mida Maxkamadaha Rafcaanka ee Maraykanka.
Preet Bhrara (Dacwad-ooge ka tirsan South District NY). |
“Waxa la igu qasbay in aan ka baxo dalka, waanan ka baxayaa, taasina waxay noqon doontaa mid ka go’an xuquuqdii dhinacyadaan difaacayay”
Kama dambaystii ayaa la ogolaaday in loo kordhiyo muddadii joogitaankeeda, intii waqtigaasi ka dambaysayna lama arag iyadoo mar kale ka cabanaysa hay’adaha Socdaalka ee Maraykanka, sida uu jariidada Los Enjalis Taaymis u sheegay mid kamida saaxibadii ka ag-dhawaa Falentiskaya. Waxaanay illaa imika su’aali ka taagantahay sida cabashooyinkii Faselnitiskaya loo maareeyay, iyo cidda arrintaasi gacan ka geysatay?
Bishii Septembar ayaa qoraal uu soo gudbiyay Xafiiska Xeer-ilaalinta ee Degmo ka mida degmooyinka New York (South District New York), ay ku dalbadeen inuu Maxkamadda hor yimaado nin la yidhaahdo Anderei Pavlov, si ay Maxkamadda horteeda wax looga weydiiyo. Waxaana Yeedhmadaasi ku lifaaqnaa dalab, ninkaasi lagaga rabay inuu Maxkamadda usoo gudbiyo dhokumantiyo ka mida qoraaladda isaga iyo dhex maray lix qof oo ay ku jirto Falentiskaya.
Haddaba, Xeer-ilaaliyihii arrintaasi dambe baadhitaankeeda dusha ka wadday oo la odhan jiray, Preet Phrara ayuu bishii Jeenawari Xilka ka qaaday Trump. Taasina lafteedu waa arrin kale oo ay su'aali ka dhalan karto.
No comments:
Post a Comment