Monday, November 9, 2020

MAXAY TIGREEGU ISMAAMUL IYO QOOMIYAD AHAANBA DIIDDANYIHIIN ? Mohamed Ahmed Abdi Bacaluul.

Taariikh ahaan, Tigraygu waxay Minelikii labaad kala qeyb-qaateen duulaannadii uu ku qabsaday Koonfurta iyo Galbeedka Eithiopia qarnigii 19-aad horraantiisii. Waxaanay intii ka dambaysay dhul-ballaadhsigaasi,  isku arkayeen kuwa laga maarmay oo Boqortooyadii Axmaaradu ee ay isku imbaraadooriyadda iyo diinta ahaayeen (Orthodox Christianity) aanay wax abaal ah u celin markii ay u guurtay Koonfurta. Waxaanay u arkeen Axmaaradii Showa kuwa isku koobay kheyraadkii iyo dhulalkii la qabsaday, isla markaana is-gaashaan buuraysi kale la samaystay dadyawgii reer miyiga ahaa ee ay qabsadeen. 

Tigreyga—iyaga oo dhutinaya ayuu Dhergigu kusii joogsaday. Waxa uu Nidaamkii Hanti-wadaagga ee Dhergigu afgambiyay Boqortooyadii Haile Salase 1974-kii, una badalay hoggaamintii Itoobiya Nidaam Siyaasadeed Shuuciya oo ku dhisan hal-xisbi. Dhergiga laftiisu wuxu ahaa mid sii xoojiyay uun cududdii Militari iyo Siyaasadeed ee Axmaaradu lahayd. Waxaanu Nidaamkani ku shaqeynayay olole Shuuciyeed iyo Xamaasad Isireed is-huwan. Waxaana Tigreega oo ka soo jeeda xadaarad guun ah, siyaasad ahaana qeyb ka ahaan jiray Imbiradooriyadii Abisiiniya (ee ka dhaxaysa Tigreega iyo Amxaarada qarnigii 18-aad), sida qowmiyadaha kale la qarameeyay ilahoogii waxsoosaar, laguna Qasbay Afka Axmaariga—Luqada Rasmiga ee Maamulka dawladeed, Waxbarasho iyo Ganacsigaba. 

Walaw duruufo dhaqaale loo nisbeeyo waxyaabihii dhaliyay kacdoonkii iyo jabhaydayntii ay shucuubta Tigreegu ay kaga horyimaaddeen taliskii Mingeste, haddana kamuu maqnayn dareen qoomiyadeed oo ay ku diidanayeen Amhaariyaynta dalka [amharization policy]. Waxa kale oo ay tan la wadaagayeen dhaq-dhaqaaqyadii gooni-u-goosasho ee ay bilaabeen qowmiyadihii kale ee Canfarta, Oromada iyo Somalidu. 

Markii ay dhacday Dawladdii Kalitaliska ahayd ee Dhergigu 1991-kii, waxa talada la wareegay EPRDF oo ka kooban Isbahaysi Qoomiyeeddo hubaysan oo si wada jir ah u la wada dagaalamay Taliskaasi. Isbahaysiyadaasi guulaystay oo uu hoggaaminayay Tigreegu, ayaa Malez Zenawi u doortay Madexweynaha Xukuumaddii ku-meel-gaadhka ahayd intii u dhexaysay 1991–1995. Kaasi oo markii dambena noqday Raa’isal Wasaarihii labaad ee dalka 1995-2012. Waxaana dalku ku qaatay Siyaasad Fedaraalnimo oo ku dhisan Qoomiyad (Ethnic-based Federalism).

Hadaba khilaafka imika jiraa wuxuu salka ku hayaa khilaaf xadeed u dhexeeya Gobolka Tigray iyo Axmaarada. Waxaana dhulalka midabaysan ee ku jira maapka Gobolka Tigray, la sheegayaa in ay yihiin dhul-ballaadhsi ay Sameeyeen intii ka dambaysay 1991-kii,  iyaga kaashanay Awooddii TPLF ee Dawladda dhexe ee uu hoggaaminayay Males Zanawi. Meelaha xiisaddu ka taagantahay wax kamida Gonder iyo Wollo

Xiisadda khilaaf ee u dhexeysa Maamulka Tigray iyo Amxaara, wuxuu kor u kacay 2018. Sida ay sheegayso ICG, Ismaamulka Axmaaraddu wuxuu laayay, barkiciyayna kumanaan ka tirsan qowmiyad Qimant oo dhex deggan gobolkooda. Qoomiyaddan ayaa bilawday dhaq-dhaqaaq ay ku doonayaan is-xukun-hoose (autonomy) oo ka madaxbanaan Maamulka Axmaarada. Halka uu Maamulka Axmaaradu isna ku eedeeyay Maamulka Tigray in uu ku lug leeyahay dhaq-dhaqaaqyadan.

Labada Ismaamul midkoodna uma muuqdo mid oggolaanaya wax tanaasula. Sidoo kale Tigreegu waxay ka biyo-diideen Guddida Xallinta khilaaf xadeedyada Federaalka  ee la asaasay 2018-kii. Waxaanay ku doodayaan in aanay Guddidan lahayn sharciyad iyo dhex-dhexaadnimo ay ku dhexgasho khilaafka. Waxaanay ku andacoonayaan in aanay Guddidani ku salaysnayn Dastuurka dalka, isla markaana aanay lahayn awood ka madaxbannaan Maamulka Abby, maadaamo oo uu la xisaabtankooda leeyahay Xafiiska Raysal Wasaaruhu halkuu ka yeelan lahaa Baarlamaanka Federaalku.

Tigreegu kuma kalsoona Abby, marka ay noqoto Khilaafka iyaga iyo u dhexeeya Axmaarada. Maadaamo oo ay amhaaradu ay kamid ahaayeen is-bahaysigii kursiga Awoodda Saaray Abby. Waxaanay Tigreegu isku arkaan kuwo siyaasad ahaan Axmaarada iyo Oromadu go'doomiyeen, oo xataa siyaasiyiintii Oromada iyo Amxaarada ahaa ee ku jiray Xisbigooga ay uga yeedheen, qaarkoodna cadaadis lagu saaray inay iska casilaan. Sidoo kale isbadalladii uu ku tallaabsaday Raysal Wasaaraha Cusub, ayay u fasirteen Siyaasad Qoommiyad ahaan loogu bartilmaameedsanayo oo wax kasta oo laga tabanayay maamulkii hore iyaga dusha laga saarayo. 

Xisbiga TPLF ee ka arrimiya imika Gobolka Tigray, wuxuu isku arkaa mucaaridka qudha ee dhex fadhiya Baarlamaanka Federaalka. Waxaanay Ismaamulka Tigreegu muddooyinkii dambe bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo ay ku xoojinayaan Ciidamadooda Nabadgalyada. Tallaabooyinkaas oo ay Federaalku isha ku hayeen, isla markaana u fahmeen isku-diyaarin dagaal oo ka badan Baahi amniyeed. In ay Tigreegu tab iyo taag ahaanba is-hubsadeenna, waxa tusaale kugu filan sida uu Maamulkoogu ugu joojin waayay Amarkii Xanuunka Koofidka la xidhiidhay ee dawladda dhexe ku joojisay doorashooyinka.


Xigashada Mapka; https://welkait.com/?page_id=121


Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul.

Tuesday, September 1, 2020

HANNAANKA GARSOOR EE LOOGA GO'AAN GAADHO DASTUURNIMADA XEERARKA (Constitutionality of Laws)?: Falanqayn Sharci oo Ku saabsan sida ay Maxkamadda Dastuurigu u laashay Xeerka Nidaamka Garsoorka (lr 24/2020)by Garyaqaan Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul


Waxay Maxkamadi sideedaba go'aan kasoo saartaa waa Dacwad. Dacwad kastaana noocay doonto ha noqotee (ciqaab, madani, maamul amaba dastuuriba) waxa dacwadnimadeeda sal u ah inay lahaato  shuruudahan hoos ku xusan:

1. Laba dhinac; dacwoode iyo dacweysane, eed-ooge iyo eedaysane, rafcaanle iyo rafcaansane, loofuliye iyo lagu-fuliye. iwm.

2. Waa inuu jiraa Mawduuc ama Xaqiiqo la isku hayo (Point of issue); mawduucaasi oo ah mid sharci ahaan iyo xaqiiqo ahaan laga garnaqi-karo (Justiciability) oo la fahmi karo nidaamku lagu xaqiijin karo su'aashaasi jawaabteeda, isla markaana la garan karo waxa ay dhinacyadu kala doonayaan.

3. Dhegeysi dhinac saddexaad oo ka madax-bannaan dhinacyada is-haya iyo mawduuca la isku hayo, dhegeysigaasi oo ay shardi u tahay inuu Ka dhaco madal u furan dadweynaha iyo saxaafadda si loo arko in fursado isleeg la siiyay dhinacyadii is hayay iyo inkale.

 4. Go'aan ka dambeeya isku-dhegeysiga dhinacyada is haya, go'aankaasi oo sababaynaya jawaabtiisa, isla markaana faah-faahinayo sida loo miisaamay labada doodood iyo caddaymahooga.    

Hadaba marka aynu isla saxno Nidaamka Loo maray Go'aanka la sheegayo in lagu laalay XeerkA 24/2020, ayaynu u guda gali karnaa Asbaabta ay Maxkamadda Dastuuriga ahi u cuskatay go'aankeeda. Hadaba si aad uga jawaabto bal inay jirtay dacwad dastuuriya iyo inkale waxaad is weydiisaa saddexdaasi qodob ee sare ku xusan in ay Maxkamaddu Buuxisay si ay usoo saarto Go'aan Dastuuriya. Ma jireen dhinacyo dhab oo ka ashkatooday? Haddayse jireen ma sheegi kartaa labada dhinac ee ay u garnaqday Maxkamaddu? Marka taas la xaqiijiyo ayaa la isweydiin karaa bal inuu jiro wax cad oo la isku hayaa iyo inkale.

Kasoo gudub. Ma jiro dhinacyo dacwadeed, dood dacwadeed. Waayo dhinacyada dacwadda Dastuuriya soo gudbisan kara, waa dhinac uu xaq Dastuuriya oo uu lahaa uu saameeyay Qodob sharci oo ku soo baxay Xeer, amaba uu saameeyay Go'aan Maamul/Garsoor.

 Maxaa la yeelayaa haddii Xeer Baarlamaan loo arko inuu ku Xadgudbay Awoodihii Dastuuriga ahaa ee Waaxda Garsoorka

 Ma Garsoorka ayaa iskood  Xeerka iskugu fasiraya oo laalaya midkasta oo ay u arkaan in uu Lidku ku yahay Awoodahooda, misa jid kale ayaa loo marayaa?

 Intaa aan la gudo galin Su’aasha ku saabsan Dastuurnimada xeer, waxa haboon in la isla fahmo hannaanka iyo qaabka ay Su’aashaasi ku noqonayso Su’aal Garsooreed (Judicial Question). Marka aan leeyahay Su’aal Garsooreed waxan uga jeedaa sida arrintaasi loogu aqoonsan karo arrin Garsoor oo u baahan Garnaq iyo Go’aan Sharciyeed oo lagu furdaamiyo. Waayo Maxkamadda Dastuuriga ah ma aha shaqadeedu in ay Xeerkasta oo dhaqangala ay akhrido, si ay u hubiso in uu Dastuurka waafaqsanyahay iyo in kale. Lagama a filayo in ay samayso dedaal iyada ka yimaadda ay ku ilaaliso Dastuurnimada Xeerarkasta oo soo baxa. Sidaa darteed waa in ay jirtaa cid kale oo ka madaxbannaan garsoorka oo dedaalkaasi bilawda. Ciddasi oo ku baraarujisa una soo gudbisa Maxkamadda si ay mushkiladdaasi uga garnaqdo. Waana halka ay ka curanayso Su’aasha Garsoor. 

Waxa dhici karta in uu Baarlamaanku soo saaro Xeer Caqabad ku ah madaxbannaanidii ay Maxkamaddu ku Garsooraysay. Tusaale ahaan haddii uu soo baxo xeer ka maanacayo maxkamadda inay Qabato dacwad X, Ama dhegeysato arrin ka dhacday goobta Y, amaba  Xeer mamnuucaya in laga cabto cid gaar ah ama go’aanno kasoo baxa hay’ad gaar ah iwm.

Ma aha in ay maxkamaddu isku aragto dhibane marka uu soo baxo xeer farogalinaya awooddaheeda Garsoor. Mana aha in ay durbadiiba ka falceliso oo ay iskeed u qaaddo tallaabooyin ay is leedahay ku ilaasho awoodahaaga dastuuriga ah. Balse Waa in ay sugtaa inta Qof uu xuquuqdiisa saameeyay xeerkaasi u soo cabanayo (Hough, B. 1997). Cabashadaasi oo ah dacwad dastuuriya ayuu qofkaasi kaga codsan doonaa Maxkamadda in ay laasho qodobada   Xeerkaasi ee ka hortaagan xaqa uu u leeyahay inuu helo Garsoor dhex-dhexaad ah'. Waayo Xaqa qofka ee ‘in uu helo dhegeysi garsoor oo dhex-dhexaada ah’ ayaa ka horreeya Waajibka saaran maxkamadda ee ah ‘in ay bixiso adeeg garsoor oo dhex ah’.

Waxa uu dacwoodahaasi ku baraarujinayaa (taking full cognizance) Maxkamadda waajibkeedii Dastuuriga ah ee 'bixinta adeegga Garsoor'. Sidaas baanay Maxkamadu iyada oo ayidaysa xaqaasi dastuuriga ah ay ku laali kartaa Xeerka (qodobada gaarka u taabanaya xaqa). Taasina waxay uga baahantahay in ay marka hore fadhi furan ku dhegeysato cabashada dastuuriga ah ee loo soo gudbisto iyada fursad u siinaysa dhinaca kale oo ah xeerdajinta in ay ka jawaabaan cabashadaasi laga qabo go'aankooda xeerdajineed ama ay difaacaan ujeeddada sharci ee ay ka lahaayeen qodobadaasi ay dooddu ka taagantahay. Dhegaysiga labadaasi doodood ka dib ayay tahay Maxkamaddu in ay go'aan fasiraadeed u dirto qodobadii sharci ee ay dooddu ka taagnayd dastuurinimadooda (Garlici 2007). Waxaanay Maxkamaddu asbaabteeda isku bar-bar dhigaysaa fasiraaddii ay ku samaysay qodobadaasi iyo fasiraadda qodobada Dastuurka ee ay macno ahaan ka hor imanayaan. Kadib ayay sidaas ku laalaysaa, kuna ayidaysaa dooddii dacwoodaha, iyadoo go'aankeeda ku sheegaysa waajibkii dastuuriga ahaa ee Garsoor ahaan ka saarna fulinta xaqaasi.   

Baarlammaanku  Xeer ma ku Nidaamin karaa Hawlaha Garsoorka?

Jawaabtu waa haa. Waayo Baarlamaanku wuxuu markan Gudanyaa Waajibkiisa Xeerdajineed ee ay shacabku u doorteen. Waxaanu Golahu isaga oo ka duulaya Dastuurka, uu awood u leeyahay inuu dajiyo xeerkasta oo Nidaaminaya Hawlaha Qaranka iyo Hay’adaha u xilsaaran. Garsoorkuna wuxuu ka mid yahay hawlaha qaran ee ay dawladnimadu u xilsaarantahay. Marka ay xeerdajintu gudanayso xilkoodan distooriga ahna, waxa ay matalaan shacabka oo leh karaamada (siyaadada) dawladnimo ee ugu sarraysa, sidaa awgeed lama odhan karo waxa ay farogaliyeen arrimihii Maxkamadaha. Marka laga yimaaddo dastuurka, dhammaan xeerarka kale ee qeexa waajibka Garsooridda (Substantive laws) iyo habka loo marayo Garsooriddu (Procedural Laws) waa waajib xeerdajineed oo uu Baarlamaanku u xilsaaranyahay. 

Waana waajib saaran Baarlamaanka in ay dajiyaan Xeerarka Asaasiga ah ee loo yaqaan Awood-bixiyayaasha (Enabling Acts) ee Qeexa Qaabdhismeedka iyo waajibaadka haya’adaha Qaranka. Hay’ad Qaran markan leeyahay waxaan uga jeedaa Unug-wadareed kasta oo dawladeed (public institutions) oo ay Wakiiladu u oggaalaadeen in uu ku shaqeeyo Cashuurta ummadda (Public Fund). Garsoorkuna wuxuu ka mid yahay adeeg-bixiyaasha dawladeed ee ku shaqeeya Maalgalinta Ummadda. 

 Garsoorayaasha Maxkamadaha iyo Guddoomiyayaashooduna kuma diidi karaan Xeernimada uu Xeer leeyahay, sababtoo ah wuxu xadidday awood ama maamuus xileed oo ay ka naaloon jireen. Sidoo kale ha ogaadaan awoodda xeerdajintu in ay tahay awood shacab, oo uu Goluhu ku matalo shacabkii doortay. Sidaa darteed aanay xubno kooban oo aan la dooran, isla markaana dano-kooxeed ama shaqsiyeed ilaashanayaa aanay ka hor iman awooddii shacabka lagu matalayay. Si ay sarreynta sharcigu u noqota mid jirta, waxa uu Garsoorku uu ku qasbanyahay in uu sharciga sida uu yahay ugu dhaqmo (law as it is), oo aanu doorbidin in uu ka dhigto hadba sida uu jecelyahay. 

Xeerarkii Hore u jiray ma go’aamin Karaan ansaxnimada Xeer Cusub, ama ansaxnimada wax-kabadalid iyo kaabis xeerdajineed oo xeer noqotay?

Waxa kale oo ay Maxkamaddu Dastuuriga ah ay ku sheegtay in laashay Wax-kabadalka Xeerka Nidaamka Garsoorka Xeer Lr 24/2020, maadaama oo uu ka hor yimid Xeerarka Habka Ciqaabta iyo Madaniga ah. Fasiraaddani waa mid jaahwareerin ah oo aan gabi ahaanba wax xidhiidh ah la lahayn (irrelevant) ka go'aan-gaadhista ansaxnimada Kaabista iyo Wax-kabadalka Xeerka Nidaamka Garsoorka sababahan awgood;

  1.  Xeerarka Habka Ciqaabta iyo Madaniga kama sarreeyaan Xeerka Nidaamka Garsoorka, oo ma nasakhi karaan Qodobadiisa. Xeerarka Habka madaniga iyo Ciqaabtuba waa xeerar Baarlamaan oo la siman xeerka Nidaamka Garsoorka. Marka laga go’aan-gaadhaya Ansaxnimada Xeer Baarlamaan (Statutory Act) waxa ka sarreeya oo loo eegi karaa waa Dastuurka. Balse looma eegi karo xeer kale oo ay isku darajo yihiin. Waxa Xeer Baarlamaan loo eegi karaa uun Xeer-nidaamiyaha ka hoos dhasha
  2.    Waxay Qaacidada Kalasarraynta Nidaamka Xeerarku (Hierarchical rule of Legal order) dhigaysaa in haddii ay is-khilaafaan laba Xeer oo isku darajo ahi in ay isku baabiinayaan sida ay u kala dambeeyaan (Later law supersedes earliar laws). Waxaana tusaale kuugu filan, Sida Xeerka Ladagaalanka Mukhadaraadku (xeer lr 21/2002) uu meesha uga saaray Qodobadii Xeerka Ciqaabta Guud ee qeexayay Ciqaabta Sikhradda. Sidaa darteed Qodobada ku jira Xeerarka Habka Ciqaabtu iyo Madaniga ee ka horyimaadda Waxkabaddalka iyo Kaabista Xeerka Nidaamka Garsoorka (XNG) Xeer lr 24/2020 ayaa meesha ka baxaya, balse meesha ka bixi maayaan Kuwan ka dambeeyay ee XNG.
  3. Xeerarka Habka Ciqaabta iyo Madaniga ah waxay kasoo jeedaan Xeerarkii Dawladdii hore ee Somaliya, waxaanu Dastuurku oggalaaday in ku-meel-gaadh ahaan loosii adeegsado, inta la Samaynayo Xeerar Dastuurka iyo Dawladanimada Somaliland la jaanqaadaya. Haddaba xeerarkaasi duugga ahi sideebay caqabad ugu noqon karaan Xeerarka uu Baarlamaanka Somaliland Dajinayo?  Baarlamaanku ma wuxuu ku qasbanyahay inuu Xeerkasta oo Garsoor waafajiyo kuwii Dawladdii hore? Ma dastuurbaa xeerarkaasi? Maxkamaddu halkaas go’aankeeda kuma caddaynin, iyada ayay ceeb ku tahay maadaama oo ay tahay halkii ugu sarraysay ee Aqoonta Sharci loo tuhmayay, lagana filayay inay tallaabo kasta oo ay qaadayso ay ku sababayso Qodobo Sharci.

 

Maxkamadu Xeer Ama Qodobo Xeer oo Wax-kabadal Lagu Laalay Dib Xeer ma uga dhigi kartaa? Ma leedahay awoodda go’aaminta Waxa Xeer noqon doona?

 Maxkamadda Dastuuriga ahi awood u ma laha in ay Xeer-dajiso (positive legislator), balse xeer jira marka ay u eegto dastuurka way laali kartaa (negative legislator). Marka aynu ogsoonahay in Xeerkii hore Nidaamka Garsoor Xeer lr 24/2003 uu laalay qeybo kamida wax-kabadalkii uu ku sameeyay xeer lr 24/2020. Maxkamadu waxa ay wada laashay xeerkii oo dhan, intiisii hore, intii wax laga badalay iyo intii lagu daray, iyada oo go'aankeeda ku tidhi 'waxa dhaqangal ah xeerkii hore'.

Su’aashu waxa weeyi horta Xeer la yidhaahdo Xeer hore ma jiraa saacadda ay go'aankan ay soo saarayso? Ma laba xeer oo bar-baro ah ayaa wada jiray (mid hore iyo mid dambe)? Miyaanu kaa hore (xr lr 24/2003) laalmin marka uu dhaqangalay xeerkan dambe (xeer lr 24/2020)? sifuhuu ku jiraa wax xeer hore la yidhaahdo?

  Waxa nidaamka xeerdajintu dhigayaa in ay qodoban dambe ee Waxkabadlka iyo kaabista ee dhaqangalay ay mar horeba laaleen wajigii ama Versionki hore ee Xeerka Nidaamka Garsoorka. Markaa Maxkamaddu dib u ma  samaysan/noolayn karto xeer laga soo guuray oo sidaa kaga baxay diiwaanka xeerarka dalka. Dastuurkuna ma siinin awoodda ay Maxkamaddu ku go’aamin karto xeerka uu dalku yeelan doono.

 Ma furan karaan Maxkamaduhu Dacwado ay dhinac ka yihiin?

 Maxkamaduhu sida hay'adaha kale ma aha kuwa iyagu muran dacwadeed bilaaba oo ilaashada awoodo iyo dano hay'adeed. Balse waxay ka jawaabaan (responsive) cabasho ama eedaha uu usoosoo gudbisto dhinac labaad. Sababaha ugu muhiimsan ee ay noqdeen ‘Jawaab-bixiyayaal”  ee aanay u ahayn “dood curiyayaal”waa saddexdan arrimood;                      

1.      Maxkamaddu waa meel dhex-dhexaad ah (Politically non-partisan) oo aan la rabin inay hay'ad ama shaqsiyaad gaar ah ay la tirsato ama ay isbartilmaameedsadaan. Waayo haddii ay soo baxdo in ay is hayaan cid gaar ah waxay luminaysaa milgihii Garsoornimo iyo dhex-dhexaadnimadii laga filan lahaa, Mar haddii ay loollan awoodeed a qeyb ka noqotana waxay soo dhexgalaysaa Garoonkii iyo Ciyaarihii ay ka Garsooreysay. 

2.      Sidoo kale Garsoor ahaan Maxkamaduhu waa isku hal qof (entity) ama Waax Qudha (One Branch) oo waxay hoos yimaaddaan hal Guddoomiye Guud. Markaa haddii la keeno caqliyadda ah inay Maxkamadi  kiis furan karto,  halka ay ka furanaysaa waxay noqonaysaa uun isla Waaxdeedii Garsoorka. Taasina waxay u ekaanaysaa in ay Maxkamadihii ay qaadayaan kiis ay isla iyagii dhinac ka yihiin. Mar haddii aydaan isla tagayn Garsoor dalkale oo  si madaxbannaan idinku garnaqa. Waxaanay isku-garqaadistaasi ay maxkamada ay isku garqaadayaan ay ka hor imanaysaa mid kamida mabadi'da Caddaaladda ee ay adduunyadu isla aqoonsantahay. Mabda'aasi oo ah 'In aan Qofna Kiis uu dhinac ka yahay aanu ka garnaqi karin'. Maxkamadda Dastuuriga hadaba  dhegeysiga ay sheegtay ee ay ku tidhi waxaan ku dhagaysatay maxkamadihii kale ayaa gabi ahaanba xadgudub ah Qodobada Dastuurka ee Qeexaya Awooda Garsooridda ee Maxkamadahaha eeg  97.1 iyo 98.2.t.

3.      Awooddan ay maxkamadu isku siisay inay ku laali karto xeer qaran oo dhaqangal ah, oo ay isla qaateen labadii Waaxood ee kalsoonida iyo codka shacabka haystay (Baarlamaanka iyo Madaxtooyada), waa mid lidku ah Dastuurka iyo Dimuqraadiyaddaba. Waliba waxa ay Laalistan ay sheegayso ay gabi ahaanba  ka arradantahay hannaankii daahafurnanta Garssoorka ee ay dhigayeen habraacyada ay maxkamaduhu ku qarqaadaan. Tallaabada ay Maxkamadu qaaday ma aha fasiraad sharci,  balse waa xeer-diidis ay Maxkamaddu iskeed uga  badheedhay.  Marka ay sidan yeeshayna waxa ay si cad uga hor timid Mabada'ii Dastuuriga ahaa ee (Kala Soocnaanta Awoodaha); ee loogu talogalay in ay Saddexda  awoodood ee Qaranku ku wada shaqeeyaan. Mabada'aasi  oo dhigaya nidaamka is-dheellitirka iyo is-xisaabinta awoodaha (Checks and Balances). Waxaana Garsoorka laga filayay in uu noqdo tusaalaha koowaad u hoggaansanaanta Sharcigu, maadaamo oo ay shaqadiisuba tahay ilaalinta ku dhaqanka Dastuurka iyo Xeerarka Qaranka. 

Gabo-gabo:

In ay Maxkamaddu rabitaankeeda ku go'aansato Xeerka Qaran ee ay Fulinayso  iyo kan ay diidayso waxay noqonaysaa gef badheedh ah oo ay ku abuurayso Jaah-wareer sharci oo hor leh (Constitutional Crisis). In garsoorku qeyb ka noqdo buuq iyo muran siyaasadeed kasta iyo dano-kasta oo la kala jiidanayo wax ay u dhimaysaa karaamadiisi iyo kalsoonidii ay ummaddu ku qabi lahayd dhexdhexaadnimadiisa.  Haddii uu sidan ku sii socdana noqon maayo mid ay dadku ku imaanqabi doonaan garnaqiisa.

Man aha Garsoorku in uu ku shaqeeyo is-kooxaysi ‘groupthink’, oo ay isku arkaan dhinac kamida dhinacyada u ordaya dano iyo ujeeddooyin kooxeed. Garsoorku in aanu iskooxaysan waxay qeyb ka tahay tayada ay leedahay Garsoornimadu, waxaanay dammaanad u tahay dhawrsanaanta Xuquuqaha iyo Xorriyaadka muwaadiniinta. Haddii uu garsoorku noqdo mid ‘is-kooxaysta’, ma noqon karo mid yeesha darajooyin loo kala cabto oo isa-saxa. Iskooxaysigu Wuxuu xad-gudub ku yahay Xaqii Rafcaan-qaadashada (right to appeal/judicial review) waayo waxa aad noqonaysaa mid u kala rafcaan qaadanaya koox isku xidhan oo tallaabo kasta oo ay qaadeen isla sii ogaa.  Waxaad u kala cabanaysaa niman isku arka koox-qudha oo isku-xidhnaashahoogu kala weynyahay xaq kasta iyo dano kasta oo ay wadato cid aan la koox ahayni. Ciddii ay u arkaan in ay halis ku tahayna hadalkeedaba daa! 

 Waana ceeb in la ina maqashiiyo in ay guddoomiyayaashii rafcaanada dalkoo dhami iyo Guddoomiyahoodii Sare (chief of justice) ay goor aan la ogeyn inoo shireen, dabadeedna ay si aan la fahmi karin iskula qaateen in la soo saaro wax lagu sheegay go’aan fasiradeed. Kaasi oo ay ujeeddadiisa tahay in ay ku muujiyaan uun sida ay iskugu raacsanyihiin ku shaqayn la’aanta Xeer Qaran oo dhaqangalay. Iskooxaysigaasi aan sharciga ahayn ee ku dhisan dano xileedka shaqsiga ahi waa khatar cusub oo inagu soo fool leh shacab ahaan iyo qof ahaanba. Haddii aan la kala xoreyn Garsoorkana (internal independance of judiciary) waa loo wada joogi doonaa nooca caddaaladeed ee mustaqbalka dhow laga la kulmi doono Maxkamadaha



 Garyaqaan Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul.

Endnotes:

1.Xeer; waxa looga jeedaa, qodobo kamid ah xeer jira oo ay ka hor imanaya qodobada ama mabadi'ida nuxurka iyo asaaska u ah dastuurka. Maxkamadda Dastuuriga ahi awood uma laha in ay xeer dhan oo baarlamaan wada laasho, balse waxay awood u leedahay in ay laasho qodobada ay su'aasho ka taagantahay haddii ay ka hor imanayaan Dastuurka, amaba waafajiso dastuurka iyada oo u fasiraysa si nuxur ahaan waafaqsan dastuurka (interpretative judgement).

Hough, B,1997. re-examination of the case for locus standi rule in public law' Cambrian law review. p6 vol;28.pp 83-104.

Lech Garlici. Constitutional courts v Supreme courts, Oxford University Press 2007,p49, vol 5;44



 Lifaaq

Go'aanka Maxkamadda Dastuuriga ah ee Laalista Khilaafku ka taagnaa ee Xeerka Nidaamka Garsoorka Xeer lr 24/2020 (3 copy)










Tuesday, January 28, 2020

EVERY AGE HAS ITS OWN HEROES by Advocate Mohamed Ahmed Abdi Ba'alul


I think those who are repeating SNM for their political interest are doing nothing else but only revealing events just to personalize the whole episodes. They are making this rhetoric just to note certain names in bold fonts, or to tell they are the only heroes. We scratched this SNM card for Silanyo once, twice for Behi, can we do it thrice for Someone else?
Brothers, life is ongoing process, or unending struggles and episodes. As a post-war generation, i am fed up to hear the playbacks of Bobe Yousuf Du'ale. We are tired off to hear his Qaho fairy tales, because you could not get a plot out of them, just settings and charecters (personal names). There are no principles nor wisdom behind them, he is just telling us that he there at that times. who is willing to hear the damn old days, when he has no idea what lays down the end of the road.
We need SNM heroes, whether Bobe, or Behi, whether Mireh or another Mannehe to tell us that they are not just means of destruction, but also means of construction. We want to see them respect the liberties and freedoms of individuals, if they were fighting for that cause.
We want to them to show that they are not epic of the past but also the spirit of the future. If they have the thought that they did their part, they should leave the rest of the game for the post-war generation. Otherwise, we want their leadership to come up with another outlook, or to be the prophesy of the afterwards.

By Advocate Mohamed Ahmed Abdi Ba'alul (waddi12@gmail.com)

TUSAALAHA GODKA (ALLEGORY OF CAVE)

R   TUSAALAHA GODKA(The Allegory of Cave)    S heekadani Godku waa tusaale uu keenay Plato oo ahaa Filasoof Giriig ah ( 514a–520a) ama qarni...