Taariikh ahaan, Tigraygu waxay Minelikii labaad kala qeyb-qaateen duulaannadii uu ku qabsaday Koonfurta iyo Galbeedka Eithiopia qarnigii 19-aad horraantiisii. Waxaanay intii ka dambaysay dhul-ballaadhsigaasi, isku arkayeen kuwa laga maarmay oo Boqortooyadii Axmaaradu ee ay isku imbaraadooriyadda iyo diinta ahaayeen (Orthodox Christianity) aanay wax abaal ah u celin markii ay u guurtay Koonfurta. Waxaanay u arkeen Axmaaradii Showa kuwa isku koobay kheyraadkii iyo dhulalkii la qabsaday, isla markaana is-gaashaan buuraysi kale la samaystay dadyawgii reer miyiga ahaa ee ay qabsadeen.
Tigreyga—iyaga oo dhutinaya ayuu Dhergigu kusii joogsaday. Waxa uu Nidaamkii Hanti-wadaagga ee Dhergigu afgambiyay Boqortooyadii Haile Salase 1974-kii, una badalay hoggaamintii Itoobiya Nidaam Siyaasadeed Shuuciya oo ku dhisan hal-xisbi. Dhergiga laftiisu wuxu ahaa mid sii xoojiyay uun cududdii Militari iyo Siyaasadeed ee Axmaaradu lahayd. Waxaanu Nidaamkani ku shaqeynayay olole Shuuciyeed iyo Xamaasad Isireed is-huwan. Waxaana Tigreega oo ka soo jeeda xadaarad guun ah, siyaasad ahaana qeyb ka ahaan jiray Imbiradooriyadii Abisiiniya (ee ka dhaxaysa Tigreega iyo Amxaarada qarnigii 18-aad), sida qowmiyadaha kale la qarameeyay ilahoogii waxsoosaar, laguna Qasbay Afka Axmaariga—Luqada Rasmiga ee Maamulka dawladeed, Waxbarasho iyo Ganacsigaba.
Walaw duruufo dhaqaale loo nisbeeyo waxyaabihii dhaliyay kacdoonkii iyo jabhaydayntii ay shucuubta Tigreegu ay kaga horyimaaddeen taliskii Mingeste, haddana kamuu maqnayn dareen qoomiyadeed oo ay ku diidanayeen Amhaariyaynta dalka [amharization policy]. Waxa kale oo ay tan la wadaagayeen dhaq-dhaqaaqyadii gooni-u-goosasho ee ay bilaabeen qowmiyadihii kale ee Canfarta, Oromada iyo Somalidu.
Markii ay dhacday Dawladdii Kalitaliska ahayd ee Dhergigu 1991-kii, waxa talada la wareegay EPRDF oo ka kooban Isbahaysi Qoomiyeeddo hubaysan oo si wada jir ah u la wada dagaalamay Taliskaasi. Isbahaysiyadaasi guulaystay oo uu hoggaaminayay Tigreegu, ayaa Malez Zenawi u doortay Madexweynaha Xukuumaddii ku-meel-gaadhka ahayd intii u dhexaysay 1991–1995. Kaasi oo markii dambena noqday Raa’isal Wasaarihii labaad ee dalka 1995-2012. Waxaana dalku ku qaatay Siyaasad Fedaraalnimo oo ku dhisan Qoomiyad (Ethnic-based Federalism).
Xiisadda khilaaf ee u dhexeysa Maamulka Tigray iyo Amxaara, wuxuu kor u kacay 2018. Sida ay sheegayso ICG, Ismaamulka Axmaaraddu wuxuu laayay, barkiciyayna kumanaan ka tirsan qowmiyad Qimant oo dhex deggan gobolkooda. Qoomiyaddan ayaa bilawday dhaq-dhaqaaq ay ku doonayaan is-xukun-hoose (autonomy) oo ka madaxbanaan Maamulka Axmaarada. Halka uu Maamulka Axmaaradu isna ku eedeeyay Maamulka Tigray in uu ku lug leeyahay dhaq-dhaqaaqyadan.
Labada Ismaamul midkoodna uma muuqdo mid oggolaanaya wax tanaasula. Sidoo kale Tigreegu waxay ka biyo-diideen Guddida Xallinta khilaaf xadeedyada Federaalka ee la asaasay 2018-kii. Waxaanay ku doodayaan in aanay Guddidan lahayn sharciyad iyo dhex-dhexaadnimo ay ku dhexgasho khilaafka. Waxaanay ku andacoonayaan in aanay Guddidani ku salaysnayn Dastuurka dalka, isla markaana aanay lahayn awood ka madaxbannaan Maamulka Abby, maadaamo oo uu la xisaabtankooda leeyahay Xafiiska Raysal Wasaaruhu halkuu ka yeelan lahaa Baarlamaanka Federaalku.
Tigreegu kuma kalsoona Abby, marka ay noqoto Khilaafka iyaga iyo u dhexeeya Axmaarada. Maadaamo oo ay amhaaradu ay kamid ahaayeen is-bahaysigii kursiga Awoodda Saaray Abby. Waxaanay Tigreegu isku arkaan kuwo siyaasad ahaan Axmaarada iyo Oromadu go'doomiyeen, oo xataa siyaasiyiintii Oromada iyo Amxaarada ahaa ee ku jiray Xisbigooga ay uga yeedheen, qaarkoodna cadaadis lagu saaray inay iska casilaan. Sidoo kale isbadalladii uu ku tallaabsaday Raysal Wasaaraha Cusub, ayay u fasirteen Siyaasad Qoommiyad ahaan loogu bartilmaameedsanayo oo wax kasta oo laga tabanayay maamulkii hore iyaga dusha laga saarayo.
Xisbiga TPLF ee ka arrimiya imika Gobolka Tigray, wuxuu isku arkaa mucaaridka qudha ee dhex fadhiya Baarlamaanka Federaalka. Waxaanay Ismaamulka Tigreegu muddooyinkii dambe bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo ay ku xoojinayaan Ciidamadooda Nabadgalyada. Tallaabooyinkaas oo ay Federaalku isha ku hayeen, isla markaana u fahmeen isku-diyaarin dagaal oo ka badan Baahi amniyeed. In ay Tigreegu tab iyo taag ahaanba is-hubsadeenna, waxa tusaale kugu filan sida uu Maamulkoogu ugu joojin waayay Amarkii Xanuunka Koofidka la xidhiidhay ee dawladda dhexe ku joojisay doorashooyinka.
Xigashada Mapka; https://welkait.com/?page_id=121
Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul.