Thursday, February 29, 2024

SOMALILAND: EPISTEMOLAJIGA & SHARCIGA (Legal Epistemology). By Garyaq. Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul.

EPISTEMOLAJIGA & SHARCIGA (Legal Epistemology). 

Aragtida qeexda waxa uu yahay Ogaalku, waxa afka qalaad lagu yidhaahdaa Ipistamoolaji "Epistemology". Aragtidu waxa ay ku leedahay qofku waxa uu sheeganayo inuu ogyahay, ma oga haddii aanu kuu sheegi karin siyaabaha uu ku ogaaday. Siyaabahaasi oo aan ahayn— malayn, faal, mucjisooyin iyo manaam, bal se ah qaar maangal ah oo uu qofka caadiga ahi wax ku ogaan karo ama ku qanci karo. Waxa ay Ipistamoolajiyadu kala saartaa waxyaabaha la iska aamino (belief) ee aan la ogaan iyo waxyaabaha uu qofku ogyahay (yaqiinsaday) ee aanu xaqiiqadooda shaki ka qabin (justified knowledge). 

    Sharciga waxa ku jirta qeyb loo yaqaan Ogaal Sharciyeed (Legal epistimology). Waxa ay ka hadashaa qaabka uu Garsoorku uu xukunkiisa ugu sheego waxa uu ogaaday, tusaale ahaan in uu eedaysane (D) yahay dambilaawe ama dambiile. Waligaa ha moodin in uu wax kasta oo uu garsoore xukunkiisa ku sheego oo uu leeyahay; waxa ay maxkamadu ogaatay ama isku qancisay— in ay (X) tahay (Y), in ay sheegistaasi oo kaliya ay ku noqonayso xaqiiqo jirta, haddii aanu xukunkiisa ku faah-faahin sida uu wax ku ogaaday-- sida uu, u qiimeeyay caddaymaha iyo dooddii dhinacyada iyo waxa uga soo baxay. Sababaha sharci ee caddaymaha qaarkood u tixgaliyay, qaar kalana u diiday ama uu amri waayay in la caddeeyo xaqiiqo ka mida xaqiiqooyinka la isku hayo, iwm.

   Haddii ay Maxkamadu (garsoore) ka hadli weydo sida ay wax u ogaatay, macnaheedu waa waxba ma oga. Xataa haddii ay aaminsantahay in ay ogtahay waxaan lala ogaan karin. Waxaana xukunkeedu loo qaadan karaa mid ay marka horaba iska sii aaminsanayd (prejudice) ama saameyno kale oo qarsoon ay ku riixeen, sidaana uu marwalba xukunkeedu ahaan lahaa dhegeysi iyo dhegaysi la'aanba. Waana sababta garsooraha wax dhegeysanaya loo yidhaa waa Xaqiiqo-raadiye (the fact-finder) raadinaya xaqiiqo aanu hore u ogayn. Si uu xilkaas u gutana waxa uu sharcigu siiyaa awoodo badan oo uu wax ku ogaado (eeg; qodobada 40-aad illaa 60-aad iyo 118-aad ee Xeerka Habka Ciqaabta).


TUSAALAHA GODKA (ALLEGORY OF CAVE)

R   TUSAALAHA GODKA(The Allegory of Cave)    S heekadani Godku waa tusaale uu keenay Plato oo ahaa Filasoof Giriig ah ( 514a–520a) ama qarni...