Marka aad eegto Maxkamada Dastuuriga ah Qaraaradeeda ku saabsan xeerarka la isku qabto, waxa ay u muuqataa in la iska aqbalay in uu garsoorku ka dhigi karo xeerarka sida uu rabo ama uu cid gooniyaba la rabo. Mana aha markii u horeysay ee ay tani dhacdo, waxa jira xeerkii Nidaamka Garsoorka (xeer Lr. 24/2020) ee wax-ka-badalkiisu dhaqangalay in garsoorku iskood u diideen, Maxkamaduna ay qoraal soo saartay ay ku sheegtay in ay laashay Xeerkiiba gabi ahaan. Ku darsoo, ma ay jirin waliba dhinacyo dacwad dastuuri ka furtay oo cabasho xuquuqeed ka qabay xeeekaasi.
Waxa ay Maxkamadu sheegtay in uu xeer ahaanayo Xeerkii Nidaamkii Garsoorka 2013. Xeerkaasi hore oo uu laalay Wax-ka-badalkii ka dambeeyay ee xeerdajintu ku sameeysay 2020-kii ee dhaqangalkiisa madaxtooyadu saxeexday. Wax-ka-badalkaasi oo madaxbanaanta garsoorayaasha maxkamada sare xoojiyay oo ka dhigay qaar aan rabitaanka madaxweynaha oo kaliya aan xilkooga ku haysan.
Waxa aad ogeyd Xeer Lr.14/2011 in ay isna qodobo kamida ay tidhi waxaan ku daray "doorasho toos ah". Taas oo noqonaysa in ay wax-ka-badal ku samaysay xeer aanay dooddiba ka taagnayn oo aan ka mid ahayn wixii loola tagay. Waxa la yaab ah in xeerkaas ay sheegtay in ay wax ku darayso uu markaasi nasakhnaa. Waxa nasakhay xeer Lr.14/2020 oo sidiisa ku dhaqangalay markii uu dhameystay 21-kii maalmood ee uu Dastuurku M/weynaha siiyay.
Haddana mar kale waxa ay Maxkamadu farafaraysay qodobo ka mid ah wax-ka-badalkii u dambreyay ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka, xeer Lr. 91/2023, oo ày sheegatay in ay wax ka badashay sidii ay u dhignaayeen ee ay xeerdajintu ku ansixisay. Waxa aanay ku sheegtay qaraarkeeda MSD/DDL/01/2024 in ay ka saartay waxa ay ugu yeedhay "boqolley" oo nuxur ahaan ay doodo kale ka dhalanayaan
Tani kaliya ma macno tirayso mabda'ii dastuuriga ahaa ee kala qeybsanaanta awoodaha qaranka (Separation of Powers), bal se waa mid halisteeda leh haddii ay sidaa usii socoto. Jiri maayo Sharci sidii uu ahaa loogu soo hagaagi doonaa ama la isku hallayn karaa. Ujeeddadii Xeerdajinta laga lahaa ee ahayd in dadku yeesho nidaam sharciyeed la isla garan karo oo sida uu yahay loogu xisaabtami karaana (Predictibility principle), meesha ayay ka bixi doontaa. Waxaana xeer noqon doonta waxa ay hadba Maxkamadu xeer ku sheegto ee ay markaa is tidhaahdo ha noqdo qaraarkaagu.
Haddii ay Maxkamaduhu isa siiyaan awood xeerdajineed, maxay keeni kartaa?
Waxa iman doonta in ay sidan oo kale ay Maxkamadihu hadhaw xeerkarka wax uga badashaan si ay qofka waxa ay doonaan wax ugu xukumaan ama uga xukumaan, ama ugu xukumaan ciqaabta ay la doonaan ee aan ku sheegnayn xeerarka khuseeya.
Maxkamadda Dastuuriga ahi waxa ay awood u leedahay marka la isku hayo dastuurnimada xeerarka ee la iskula tago. (1) in ay laasho xeerkii ama qodobkii ay u aragto in uu ka hor imanayo Dastuurka. Tusaale ahaan sidii ay ka yeeshay faqraddii jideynaysay in uu baarlamaanku codkooga ku kala saaro Xisbiyada ama ururrada uu si walba codkoodu isku leekaado. Marka ay laashana, awood uma laha in ay keento ku kale oo ay leedahay ha lagu baddalo. (2) in ay ayiddo inuu dastuurka waafaqsanyahay nuxur ahaan iyo mabda' ahaanba oo ay sidiisaa xeerka ku dhaafto iyada oo aan isa siin karin awood ay qoraal kale ugu darto ama kaga reebto xeerka ay ka garnaqayso nuxurkiisa.
Sidoo kale Maxkamada Dastuuriga awood u malaha in ay Xeerdajinta ku amarto in ay xeerka ka dhigaan hadba sida ay rabto. Sida aanay iyaguba u amri karin Garsoorka in ay u go'aamiyaan sida ay xeerdajin ahaan doorbidayaan. Maxkamada Dastuuriga ahina iyadu dastuurkii ma aha, awood ahaana kama madax bannaana u dabranaanta dastuurka. Qodobka 97(2) ee Dastuurka JSL waxa uu leeyahay
"Waaxda Garsoorku waxay hawlaheeda u fulinaysaa si Dastuurka waafaqsan, iyada oo ka madax-bannaan waaxyaha kale ee Qaranka".
Hadaba Xilligan Siyaasiyiintu waxa ay Garsoorka ku haystaan arrimo kale oo sharciga ka baxsan. Dooddoodu waa— muxuu Garsoorku xeerarka (sidaa) uga dhigay oo ay (sidan) uga dhigi waayeen. Mid waliba waxa uu u socday in sida uu wax ku rabo looga dhigo. Se su'aasha muhiimka ahayd in la isweysiiyo waxa ay ahayd— horta Garsoorka ma ka dhigi karaan hab-qoraalka xeerka (text) si kale oo aan ahayn sidii uu ahaa? Garsoorku fasiraaddiisa: ma danaha dhinacyada ayuu u eegaa? misa waxa ay u eegaan in uu xeerku waafaqsanyahay dastuurka iyo in kale?
No comments:
Post a Comment