Garyaq. Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul. |
1. Hordhaca Xukumka
Ujeedada loo samaynayo warbixinta hordhaca ahi waa inay
Maxkamaddu kusoo dhawayso akhristaha, waxay ku saabsansantahay dacwaddan, ay ka
garnaqday, ka hor intaanay gudo-galin sababaynta go’aankeeda. Warbixintani waa
mid, u qoran si kooban, oon faah-faahin iyo sharraxaado dheeraad ahi, aanay la
socon. Waana in uu hordhaca xukunka laga helaa qodobadan;
A) Dhinacyada dacwada; waa in si dhammaystiran loo
caddeeyaa shaqsiyadda dhinacyada, haddii aan lagu xusin hordhacana, waa in lagu
xusaa qaybaha hore ee aragtida Garsooraha, iyada la sheegayo magacyadooda,
tiradooda iwm. Tilmaamaha lagu xuso ee lagu garanayo dhinac kasta, waa in si joogta ah loogu adeegsadaa gabi
ahaanba qoraalka, oo aan la bad-badalin.
Adeegsiga tilmaamaha sharci, sida "rafcaanleh" iyo
"rafcaansane" kuwaasi oo
aan, lagu jahwareero , gaar ahaan markay
dhincyada dacwaddu badanyihiin.
b) Awoodda ka garnaqiseed iyo habraaca-sharci ee la xidhiidha; Waa inay maxkamaddu sheegtaa, inay awood sharciyeed u lahayd ka garnaqista dacwadda (basis for jurisdiction) ka hor intaanay guda galin ka warbixinta habdhagaysiga iyo doodaha dhinacyada, sidoo kalana waa inay si hordhaca ugu warrantaa sifaha ay dacwadani ku timid Maxkamadda.
C)Arrinta ama arrimaha laga garnaqayo; Arrinta la isku hayo ee ay tahay inay Maxkamaddu ka go'aan gaadho, waa in iyadana la xaqiijiyaa waxay tahay, isla markaana si kooban loo qoraa. haddii aanay arrintaasi ama arrimahaasi aanay ahayn kuwa murugsan ama adag oo u baahan sharraxaad iyo faah-faahin dheeraada. Marka ay arrinta dooddu ka taagantahay ee ay dhinacyadu isku hayaan aanay ahayn kuwa fudud, waxa lagaga hadli karaa qayb-gaara.
b) Awoodda ka garnaqiseed iyo habraaca-sharci ee la xidhiidha; Waa inay maxkamaddu sheegtaa, inay awood sharciyeed u lahayd ka garnaqista dacwadda (basis for jurisdiction) ka hor intaanay guda galin ka warbixinta habdhagaysiga iyo doodaha dhinacyada, sidoo kalana waa inay si hordhaca ugu warrantaa sifaha ay dacwadani ku timid Maxkamadda.
C)Arrinta ama arrimaha laga garnaqayo; Arrinta la isku hayo ee ay tahay inay Maxkamaddu ka go'aan gaadho, waa in iyadana la xaqiijiyaa waxay tahay, isla markaana si kooban loo qoraa. haddii aanay arrintaasi ama arrimahaasi aanay ahayn kuwa murugsan ama adag oo u baahan sharraxaad iyo faah-faahin dheeraada. Marka ay arrinta dooddu ka taagantahay ee ay dhinacyadu isku hayaan aanay ahayn kuwa fudud, waxa lagaga hadli karaa qayb-gaara.
Hordhac kooban oo laga bixiyo dulucda dacwaddu, wuxuu waqtiga
u madhxinayaa akhristayaasha. Mararka qaar ayay Maxkamaddu si kooban uga
warbixisaa go'aan ka ay gaadhay, iyadoo xagga dambe ku faafinaysa asbaabta,
halka ay Garsoorayaasha qaarna, ay jeclaystaan, inay go'aankooda xagga dambe ku sheegaan.
2. Xusidda Dulucda Dacwada ama Arrinta la isku-hayo ee laga garnaqay (Statement of the fact in issue);
Xusidda ama ka warbixinta waxay ay tahay, dulucda dacwaddu , waxay u sahlaysaa
akhristaha in uu fahmo aragtida Garooraha.
Hadaba sida loo xaddidayo arrinta, ay dooddu ka taagantahay ee la isku hayo, waxa
ay ku imanaysaa iyada oo la iswaydiinayo waxay tahay xaqiiqada dhabta ama
dhacdada ugu muhiimsan ee la isku diidanyahay, iyo wuxuu yahay, mabadi'da sharciyeed ee lagu maaraynayaa ama
loo marayo ka garnaqisteeda (Substantive
Law)[1].
Waxa Dulucda Dacwadda ama arrinta ay dhinacyadu isku
diidanyihiin xaqiiqadeeda, loo soo dhigaa qaab su’aaleed, marka la qorayo
Xukunka Dacwadda. Tusaale ahaan;
Waxay
Maxkamaddu ka garnaqaysa bal inay jiro
heshiis wakaaladeed oo dhexmaray Mr X.
(dacwoodaha) iyo Mr Y (dacweysanaha) ?
|
Ama
Waxay
Maxkamaddu bal eegaysaa in uu jiro faldambiyeed budh-cadnimo ah iyo inkale?
Haddii uu faldambiyeedkaasi dhacayna, in uu Eedaysan Mr D, uu yahay kii
geystay iyo in kale?
|
Garsoorayaashu uma
afduubna soo-jeedimaha ama lafa-gurista ay soo jeediyaan Qareenada kala matala dhinacyada,
dacwad-oogayaasha ama bilayska, balse waxay sugaan nuxurka dacwadda sida ay
iyagu u arkaan, marka ay ka baaraandagaan ee ay wax uga baxaan xaqiiqooyinka/dhacdooyinka
iyo xaaladaha ku xeeran qoraal-dacwadeedyada (Pleadings), ay dhinacyadu
usoo gudbiyeen. Waxaana haboon, in
haddii ay jiraan Wakiilo sharciyeed, ay garsooraha ka caawiyaan sida, ay tahay xaqiiqada la isku diidanyahay, ee u
baahan in go’aan garsoor laga soo saaro.
Marka ay Maxkamaddu qaaddo, tallaabooyinka, ay ku xaddido mawduuca dacwaddu, waa marxaladda
ka horraysa Fadhiga Koowaad ee Dhagaysiga Dacwadda. Marxalladani, waa wakhtiga
ugu horreeya, ee ay Maxkamaddu yeedhmadeeda ku qaraariso inay dhinacyadu
horyimaadaan. Marka uu Mawduucu yahay Madani, Marxalada ka horraysa Dhagaysigu,
waa Marxaladda, is-horkeenidda dhinacyada iyo ka go’aan-gaadhista ansaxnimadda
waxa la isu-sheeganayo iyo inkale. Waxaana afka qalaad lagu yidhaahdaa (Periliminary Examination of Parties and the
Settlement of issues).
Qodobka 132aad, ee Xeerka Habka Madaniga, ayaa sheegaya marka uu galku heerkani marayo,
ee ay Maxkamaddu ka go’aangaadhayso inay cabashada horteeda taallaa tahay, mid
sharci ahaan iyo xaqiiqo ahaanba laga garnaqi karo iyo inkale. Haddii ay tahay
wax laga garnaqi karana, waxa uu yahay mawduuceedu, si ay, dhinacyada ugu
hagto, waxyaabaha looga baahanyahay, ee dib-u-isixid qoraal ah, ama caddaymo ah[2].
Ka warbixinta dulucda dacwaddu, waa in uu noqdaa mid kooban.
In kastoo arrinta ay dhinacyadu isku
diidanyihiin, loo kala jajabin karo mid
iyo laba, hadana waxa jiri kara dacwad murugsan oo koobsan karta arrimo badan
oo dhawra oo is huwan. Xaaladaasi dambana, waxay keensan kartaa in la kala guro
arrimahaasi oo lagu kale sheego duluco kala madaxbannaan (Separate issues in one case).
Hadaba ka warbixinta duluc-dacwadeedka, ama su'aasha taagan
ee laga garnaqayo waxay ka hordhici kartaa ama ka dab-dhici kartaa, ka warbixinta dhacda-xaqiiqeedka (statement of facts). In si gaar ah loo
sheego arrintay dooddu ka taagantahay ee laga garnaqayo, akhristaha macno-weyn
ayay u samaynaysaa, waxaanay ku hagaysaa in uu hoos ugu sii dhaadhaco dacwadda,
siina odoroso, heearka ay dacwaddu mari
doonto, waxyaabaha la gudboon dhinacyada iyo xaqiiqooyinka u baahnaan doona in
la caddeeyo.
Waxa se iman Kara, xaalado ka duwan sidaasi aynu hore ku
sheegnay. Waxa jiri kara dacwado ay adagtahay in la sheego uun waxa laga
garnaqayo, iyadoon marka hore akhristaha looga warramin ama wax fikrad ah laga
siin xaqiiqada dacwadda. Tusaale ahaan waxay tani iman kartaa marka uu waxa
laga garnaqo ee la isku diidanyahay uu yahay, hannaanka dacwad-qaadista (procedural), sidaa darteedna lama fahmi karo, iyadoon la sheegin
sidii, ay markeedii hore ku timid dooddu
(setting).
3. Ka Warbixinta Xaqiiqada/Dhacdada ay Dacwaddu ku saabsantahay (Statement of the Facts of the case):
Dacwadda ay dooddeedu iskugu biyo shubanayso hal
nuxur-dacwadeed, xaqiiqadeeda waxa meel hore lagaga sheegi karaa aragtida
Garsooraha. Balse marka ay soo baxaan
ama lasoo gudbiyo arrimo dhawr ah oo taxan, dhacdo-xaqiiqeedyadu waxa noqon
karaan kuwo midiba ay mid kale ku
xidhantahay . Dhacdooyin ama xaqiiqooyinka qaarna, waxay noqon karaan kuwa, usii kala dhaw-dhaw dulucda dacwadda. Xaaladdani waxay ku kallifaysaa garsooraha in
uu kala haadiyo xaqiiqooyinka hor daadsan, ugana baaraan-dago sidii xaqiiqooyin
ku filan uu , ugu bilaabi lahaa soo gudbinta warbixintiisa, si ay aragtidiisu u
noqoto mid si fudud loo fahmi karo.
Warbixintan hordhaca ahi, waxay hadhaw ka furataa, in uu kusoo cel-celiyo sharraxaaddo dheeri
ah, marka uu ka hadlayo qeybo hoos yimaadda dulucda dacwadda, oo si gaar ah, ugu sii baahan in loo sii fahmo. Xaaladahan oo kale, xaqiiqooyinka bar-bilawga ah, waxa lagu xaddidi karaa Hordhaca Xukunka,
iyadoo dhacdooyinka ama xaqiiqooyinka ay tahay in si gaar ah looga go’aanka
gaadhana, lala hadhi doono, si hadhawto loogu ladho lafa-gurka dulucda ama
nuxur-doodeedka ay xambaarsanyihiin.
Xaqiiqada lagama
maarmaanka[3] ah, ee
iftiiminaysa go’aanka Maxkamadda, oo qudhaata ayaa lasoo qaadanayaa, inkastoo
siday xaqiiqooyinku ugu kala mihiimsanyihiin go’aanka, ay noqon karto arrin ay akhristayaashu ku kala duwanaan
karaan. Qaraar maxkamadeedka lagu soo
af-meeray asbaabta xukunka, iyo qodobada lagu saleeyayna ma noqonayaan wax si
mug leh u tilmaamaya, daah-furnaanta
hanaanka ka garnaqiseed, ee la xidhiidha
dacwadda, haddii aan la sheegin jidkii loo soo maray, iyo asbaabihii lagu
keenay qaraarka xukun. Xaqiiqooyinka
Guud (Background facts) ee dacwaddu,
waxay noqon karaan kuwo waxka tari karaa soo-koobidda nuxurka go’aan ee
Maxkamadda iyo sharixidda asbaabta iyo macquulnimadda uu ku dhisanyahay
qaraarkeedu.
Faah-faahinta, ka bad-badiska ah[4], ee xaqiiqooyinka
lagu naax-naaxiyaa, waxay sababtaa marin-habaabin. Tusaale ahaan, taariikhda
dhacadadu (dates), waxay abuurtaa
jaah-wareerin, sidaa darteedna, waa in aan lagu cel-celin qoraalka, haddii
aanay lagama maarmaan u ahayn go’aanka,
ama aanu akhristaha fahamsiinayn asbaabtii go’aanka. Si kale haddii loo
sheegana, in loo diyaariyo qoraalka hab-weedheed fudud, oo koob-koobani (brevity and simplicity), waa qaab la doorbido. Waxa kale oo ay tahay,
in uu Garsooruhu siiyo mudnaanta, dhammaystirnaan
iyo dhex-dhexaadnimada afka uu ku qoranyahay Xukunku.
Garsoorayaasha qaar ayaa, adeegsada xaqiiqooyin, aan saamayn
ku lahayn ama muhiim u ahayn go’aanka, kuwaasi oo midabeeya, ama buun-buuniya
qoraalkooda. Sida Garsoore qoraalkiisa ku dara weedh sidan u taalla “Arrintaasi
aad ayay nooga yaabisay”, halka laga yaabo, inay Garsoorayaasha qaarna,
ay iska baadh-baadhaan farshaxannimo qoraaleed, si ay usoo jiitaan
akhristayaasha. Hadaba faallooyinkaasi dheeraadka ah, ama xaqiiqooyinkaasi
dul-socodka ahi, waa kuwo halis ah, oo abuuri kara, faham qaldan, sida
akhristaha, oo isku qanciya, inay waxyaabahaasi yihiin qaar ka mida asbaabta
laga soo dhiraan-dhiriyay xukunka Maxkamadda.
4. Lafa-gurka iyo Isku-Jaangoynta Xaqiiqada iyo Xeerka (Applying Rules to the Facts);
Xeerka iyo qodobka sharci waa halbeegga ama qalabka lagu
tijaabinayo bal inay jirto arrinta doodu ka taagantahay ee ay dhinacyadu isku
hayaan iyo in kale[5]. Waa inay
Maxkamaddu qodobka ka hadlisaa, isla
markaana u kala jajabisaa tiirarka uu ka koobanyahay si ay u lafa-gurto marka
ay ku gudo-jirta sababaynta Mawqifkeeda. Waana inay Maxkamaddu si fiican u
qeexdaa bal inay Qodobka sharci iyo isleeyihiin xaqiiqada dacwadda ee ay dooddu
ka taagantahay. Si aad taas u samaysana, waxa Maxkamadda looga baahanyahay inay
ka hadasho mabda’a guud ee Qodobku ku dhisanyahay, balse aanay durba kuu boodin
gaba-gabada. Tusaale ahaan;
“ Wakaaladdu waa xidhiidh sharci oo ka dhasha marka
uu jiro heshiis u dhexeeya wakiisha iyo muwakalka, kaasi oo dhigaya in uu
Muwakilku guto waajibaadka u igmado
wakiishuhu, una guto si ay faaido u leh wakiishaha, Sidoo kalana muwakilku
wuxuu xaq ugu yeelan doonaa wakiishaha abaalmarin-dhaqaale ama khidmad uu ku
fuliyo hawlahaasi, haddii aanay wakaaladdu ahayn mid bilaash ah……”
|
Waa sidaasi
lafa-gurka sharci, marka arrinta la isku hayaa ay tahay oo kale wakaalad. Waxaad
soo qaadanaysa Qodobka 607aad ee
Xeerka Madaniga ah. Oo dhigaya in uu meesha jiro;
|
Kala jajabinta Qodobku, waxay Garsooraha u sahlaysaa in uu ka
go’aan gaadho bal inay jirto iyo inkale, tusaale ahaan, haddii arrinta la isku hayaa ay tahay kasoo qaad, wakaalad, dhinacyada isku-hayaan, ayaa laga yaabaa in, uu dacweysanuhu ku andacooda, in wakiil u ahaa dacwoodaha markii uu heshiiska iib la galayay dhinac kale oo saddexaad, Halka, uu dacwooduhuna diidanyahay, kuna doodayo, in uu dacweysanuhu fuduushiisa ku galay hawlo aan loo igman.
Kolkay doodda dhinacyadu qaabkaasi u taallo, wuxuu Garsooruhu, dib ugu noqonayaa, dhacdadii ama xaqiiqadii dacwadda. Wuxuu soo qaadanayaa, xaqiiqada inta ay isla ogolyihiin ee dhacdada ku jirta, iyo inta loo helay maragyo/marag-muujin sheegaysa jiritaankeeda, kadibna wuxuu iswaydiinayaa inay xaqiiqooyinkaasi ay buuxiyaan saddexdaasi shuruudood ee Qodobku dhigayo. Amma inay Xaqiiqo kastaa ay tiirkeeda qabsanayo iyo in kale? Haddii ay iswaafaqaan, waxa uu sharraxayaa sida uu Garsooruhu uu isku aqbalsiiyay Xaqiiqooyinka iyo tiirarkii Qodobka ( Qodobkii halbeegga u ahaa ka qarnaqista xaqiiqada 607 XM). Xaqiiqooyinkaasi oo uu sheegayo sida uu ugu qanacsanyahay jiritaankooda[6].
Kolkay doodda dhinacyadu qaabkaasi u taallo, wuxuu Garsooruhu, dib ugu noqonayaa, dhacdadii ama xaqiiqadii dacwadda. Wuxuu soo qaadanayaa, xaqiiqada inta ay isla ogolyihiin ee dhacdada ku jirta, iyo inta loo helay maragyo/marag-muujin sheegaysa jiritaankeeda, kadibna wuxuu iswaydiinayaa inay xaqiiqooyinkaasi ay buuxiyaan saddexdaasi shuruudood ee Qodobku dhigayo. Amma inay Xaqiiqo kastaa ay tiirkeeda qabsanayo iyo in kale? Haddii ay iswaafaqaan, waxa uu sharraxayaa sida uu Garsooruhu uu isku aqbalsiiyay Xaqiiqooyinka iyo tiirarkii Qodobka ( Qodobkii halbeegga u ahaa ka qarnaqista xaqiiqada 607 XM). Xaqiiqooyinkaasi oo uu sheegayo sida uu ugu qanacsanyahay jiritaankooda[6].
Hadaba, Marka uu Garsooruhu uu ku gudo jiro Sharraxaadan uu
kaga waramayo habka uu isku bar-bardhigay Xaqiiqada iyo Xeerka (Qodobka) ayaynu
leenahay, Garsooruhu wuxuu sababeeyay
Go’aankiisa. Sharraxaadaasina, waa Qaybta ugu muhiimsan ee la rabo in uu ka
koobnaado 70% qoraalka Xukunku.
Inta uu Garsooruhu ku gudo jiro Sharraxaaddaasi, maaha in
uu ku boodo gaba-gabada oo tusaale ahaan Yidhaahdo “ Dacwooduhu wuxuu wakiil u ahaa
dacweysanaha”. Balse waa in uu si xeel-dheer oo hufan u qeexaa
mabaadi’da Sharciyeed ee bud-dhigga u ah Qodobka Sharci ee lagu garnaqay ,
isagoo ku dadaalaya in aanu sharraxaadiisa soo dhexgalin magacyada dhinacyada. Haddii aan tusaale labaad ka bixinno dacwad
ciqaab ah, oo faldambiyeedkeedu yahay dil, garsooruha waxa laga rabaa in uu, u dhigo sidan oo
kale;
“ Si aynu u
xaqiijinno in uu dhacay fal-dambiyeed dil ahi, waxa xeer-ilaalinta laga rabaa
inay caddeeyaan arrimaha;
|
Haddii aynu tusaale kale usoo qaadanno, dacwadda Dastuuriga
ah, ee a axsaabtu kaga cabanayeen Maxkamadda, waxa laga rabay inay Maxkamadda
lafa-gurtaa qodobka Dastuur ee la xidhiidha, Dacwaddii ay Axsaabta ee liddiga
ku ahaa Go’aankii ay Wasaaradda Arrimaha Guduhu ku maanacaysay inay Axsaabtu
shirar qabtaan. Kasoo qaad inay soo
qabsatay Qodobka 32 (2) ee Distoorka JSL,
waxay Maxkamaddu qeexi lahayd mabaadi’da sharci ee nuxurka u ah qodobka, oo noqon lahaa sidan;
“ Abaabulidda ama ka qayb-qaadashada
kulan nabadeed oo sharciga waafaqsani, waa xaq dastuuri ah oo muwaadinkastaa
leeyahay”
Sida
Qudha ee Xaqaasi, lagu hor-istaagi
karaana, waa inay cidda hor-istaagaysaa, ay caddayso in uu;
·
kulanku
yahay mid nabad-gelyada khatar galinaya, sidoo kalana,
·
aan waafaqsanay
sharciga ah ( i.e. tusaale ahaan jabinayaa xeerkaasi iyo qodobada noocaasi
ah)……..
|
Marka laleeyahay Qodob sharciyeed ha ku saleeyo Garsooruhu,
maaha macnaheedu, ha isdaba galiyo
Qodobo badan, oo iskugu jira, qodobo guud iyo qodobo aanu nuxurkoodu xidhiidh la lahayn dulucda dacwaddii uu ka
garnaqayay. Qodobka/Qodobadda lagu garnaqay (Substantive
Provision) ee halbeegga u ah dacwadda ayaa la rabaa in
Garsooruhu u cuskado xukunkiisa. Tusaale ahaan, markaynu ka garnaqayno bal inay
arrinta la isku hayaa, ay Dayn tahay iyo inkale, in uu jiro heshiis sharciye iyo in kale, in la gaystay faldambiyeed budhcadnimo iyo inkale, waxaan shaki ku
jirin inaynu adeegsanayno Qodobada asaasiga ah, ee mawduucaasi la xidhiidha ( Substantive Provisions). Balse maaha inay
Maxkamaddu go’aankeeda ku taxdo qodobada habraaca ah, ee lawada yaqaano, inay
dacwadahoo dhan maraan, sida Qodobada sheegaya dhegaysiga maragyada iyo
qabashada cadaymaha, ama qodobada sheegaya awoodda garsooraha ee
go’aan-gaadhista amaba qaabka xukunka.
Waxa jiri kara, xaalado gaar ah oo uu, garsooruhu u cuskan karo Qodabada Habraaca
ah, Xukunkiisa. Waana Marka waxa la isku mari laayahay, ay la xidhiidho habka loo qaadayo dacwadda,
ee aanu la xidhiidhin xaqiiqada dacwadda (the
merits of case). Haddii aan si kale u sheegana, waa marka, ay dhinacyadu isku qabtaan, habka dacwaddan
loo dhagaysanayo, amaba la isku qabto, in la furan karo amma, aan la furan Karin, amaba la isku qabto
awoodda Garsoor ee ka garnaqisteeda leh.
4. Sababaynta go'aanka iyo miisaamidda Cadaymaha.
Qeybtani Maxkamaddu waxay ku darsaysaa, sida ay Caddaymuhu
ula jaanqadayaan Xaqiiqadda/dhacdada ay dooddu ka taagantahay. Waxaynu ognahay
in uu waajibka caddayntu uu mar walba raaco dhinaca dacwadda bilaaba
(Xeer-ilaalinta, dacwoodaha), haddii aanu dhinac kale qiraal bixin. Iyadoo laga
duulayo Qodobka sharci, ee qeexaya inay
arrinta, ay dooddu ka taagantahay jirto
iyo in kale, waxay Maxkamadu
eegaysaa, bal inay, Caddaymaha lasoo gudbiyay si shaki la’aan u
buuxinayaan shuruudihii qeexayay jiritaanka arrintaasi, ee ay dhinacyadu isku
hayaan.
Sida inta badan dhacda, ee lagu arko xukunnada kasoo baxa Maxkamadaha,
sababaynta xukunku maaha, in dib loo soo
celiyo wixii ay Maragyadu fureen ee kuwada qornaa garmaqalkii dhagaysiyada, tusaale
ahaan inay tidhaahdo Maxkamadu;
“Markay
maxkamadu aragtay maragfurka xeer ilaalinta ee X. ee furay sidan….
Markay
aragtay doodda qareenka difaaca ee u dhignaa sidan…..
Markay
dhagaysatay maragyada Xeer Ilaalint eek ala ah …..
Markay
sidoo kale dhegaysatay Maragyada…….
waxay
go’aamisay sidan……”
|
Sababayntu waa Qeybta ay Maxkamadeedu ku soo gudbinayso wixii
uga baxay dacwadda. Sidaa darteed lagama rabo inay inoo sheegto inay wax
aragtay, ama dhagaysatay oo ay inagu dhaafto “Markay Maxkamaddu aragtay…. Markay Maxkamaddu dhagaysatay…”
dabadeedna go’aan aan meelnaba haysan oo ay iyadu aragtay ama garatay uun ay ku
dhawaaqdo. Mana aha inay Maxkamadu dadka u sheegto inay caddaymo la horkeenay
ay dhagaysatay, oo waynu ognahay waxay dhagaysatay, garmaqalkana wuu inoogu
jiraa, balse waxaynu ka rabnaa, inay, inoo sheegto,
hadday dhegaysatay maxaa uga
baxay, ee ay ka dhex-fahantay ?
Waxa la yidhaahdaa maaha,
Garsoorku in uu Dadka, u sheego inuu Caaalad Sameeyay, balse waa in
la arko cadaaladdu sameeyay waxay tahay “
Justice is not only done, but is to be seen done ”. Tanina waa
sababta, Dhagaysigu uu, u noqday mid
furan oo aan ku koobnayn dhinacyada is-haya iyo Garsooraha u garnaqaya oo
qudha. Sida kaliya, ee Maxkamaddu dadka u tusi kartaa dhex-dhexaadnimadeeda iyo
aqoonteeda sharciyeedna, waa iyadoo la
timaata dood sababaysan oo ay ku difaacayso Mawqifkeeda.
Maxay sababayntu u tartaa Xukunka ?
Siday hore u soo sheegnay Sababayntu waa Sharraxaadda uu
Garoosuhu sameeyo marka uu isbar-bardhigayo, Xaqiiqada iyo Xeerka.
Isbar-bardhigaasi oo la mid ah, Marxaladda Shaybaadhka ee dhiigga bukaanka la
mariyo ka hor intaan la go’aamin cudurka uu qabo iyo xumadda haysaa waxay tahay.
Halkanna, waxay Maxkamaddu sharraxaad ka bixinaysaa, qiimaha ay lahaayeen caddaymihii kale duwanaa
ee lasoo hordhigay. Waxay sababayntaasi, ku miisaamaysaa, culayska ay caddaymahaasi leeyihiin iyo sida
ay u xaqiijiyeen amaba aanay u xaqiijin wixii la isku hayay. Waxaanay
sheegaysaa caddaymaha ama maragyada ay Maxkamadu, u, aqoonsatay inay ka dhab-sheegayaan xaqiiqada
la isku-hayo iyo sababta ugu aqoonsatay. Halka ay sidoo kale sheegayso,
caddaymaha ay u aqoonsatay in aanay ku fillayn
iftiiminta Xaqiiqada la isku hayo iyo kuwa baalmarsan iyo meelaha ay ka
gaabiyeen inay muujiyaan. Intaasi waxa dheer, oo laga rabaa inay Maxkamaddu, sababaynteeda ku xusto, caddaymaha
been-abuurka ah, iyo kuwa
isburinaya, een lagu kalsoonaan karin.
Habkan ay Maxkamadu ku sababaynayso, waa mid ku xidhan
Suuraynta siyaabaha caqligalnimada ah (Reasoning
and logic) ee caddaymaha loogu xidhiidhin karo dhacdooyinka ay khuseeyaan.
Caddaymahaasi oo marka loo eego,
xaaladaha guud ee ku gadaaman mawduuca dacwadda, ama si macquula isku
xidho dhacdooyinka, laga dhex fahmi
karo, xaqiiqada dhabta ee qeexaysa jiritaanka dulucda dacwadda.
5. Gaba-gabada (Court Holding)[7];
Waxaad isku soo dheririsay ood isku soo beegtay, Qodobka
sharci iyo caddaymihii dhinacyada. Waxaa kusoo baxay caddaymo badan oo
waafaqsan xaqiiqadii ay furayeen, iyo kuwa kale oon xidhiidh la lahayn, kuwa uu
halbeegii sharci diiday oon lagu dhaqmi karin. Waxa laga yaabaa inay kuu soo
baxeen sidoo kale, caddaymo
tilmaamaya xaqiiqooyin aan jirin, kuwa is-burinaya, ama mala’awaal ah. Waxa kuu
soo baxaya, arrimo badan intii aad ku gudo jrtay lafa-gurka dacwadda. Arrimo
badan ayaana kaagaa soo dhex-baxay
hirdankii dhexmaray dhinacyada.
Waxaad soo gaadhay, markii adiga lagu waydiin lahaa, siday
kula tahay. Waxa lagaaga fadhiyaana waa jawaab; lagu kala calaf qaado. Jawaabta
ugu macquulsan, ee qof caddaymahaasi haysta, oo ka duulayaa awooddaada sharci
uu si dhex-dhexaada u keeni lahaa. Jawaabtii lagu soo afjari lahaa, su’aashii
uu ka bilaabmay dagaalku iyo doodihii sharci ee dhinacyada dhexmaray . Su’aashaasi oo qaabkeedu ahaa, miyay jirtaa sidaasi mise ma
jirto. Tusaale ahaan;
·
Miyuu dacwooduhu wakiil sharci u ahaa dacweysanaha mise umuu ahayn ?
·
Miyuu dhacay faldambiyeed dil ahi mise ma dhicin? Mana yahay eedaysanuhu
kii geystay mise maaha? Iwm.
Geba-gabada ama go’aanka (Holding), wuxuu dulucdaasi sare uga
jawaabayaa sidan oo kale;
…………Sababtaasi awgeed waxay
Maxkamaddu go’aaminaysaa in uu Mr X ahaa wakiil sharci oo lahaa dhammaan
awoodihii wakaaladeed markii uu…...
Amma
…… Sidaasi awgeed waxay Maxkamaddu
go’aamisay in aanu Mr X ahayn Wakiil sharciya oo uu ku xad-gudbay Mr Y, iskiina
isku siiyay awoodo, aan lagula heshiin, markii uu…. iwm
Isla Go’aanka, wuxuu
garsooruhu, ku sheegayaa dhinacay gartu
raacday, isagoo xagga hore kusoo caddeeyay sababaha kusoo hogaamiyay
go’aankaai. Wuxuuna sidoo kale go’aaankiisa, ku kala xaqsiiyaa dhinacyada (relief), isagoo ku qeexaya, waxa la
kala helay hadday madani tahay, hadday ciqaab tahayna, eedaysanaha ku hela ama
ku waaya faldambiyeedkii loo haystay (acquital
or conviction).
Endnotes:
[1] Markaad eegto xukunka Maxkamadda Sare ee
lagaga garnaqayay Cabashaddii ay
Xisbiyaddu mucaaridku ay kaga cabanayeen; Goa’aankii Maamul ee Wasaaradda Arrimaha Guduhu ka hor-istaagayay
inay qabtaan; Shir-Qaran. Maxkamaddu si ay taasi u go’aamiso, waa inay Qeexdo
mabaadi’da sharci ee la xidhiidha dacwadda, taasi oo noqon lahayd,
·
Ma jiraa Qodob sharci oo Qeexay wuxuu yahay Shir-qaran?
·
Haddiise uu
Qeexay, waa maxay cidda awood u leh inay Qabato Shirkaasi Qaran?
Balse
Maxkamaddu waxay raacday dooddii Xukuumadda ee dhigaysay inay aanay Axsaabtu
Qaban karin shir-qaran. Waxaanay Sidoo kale ka hor-istaagtay inay Axsaabtu, iyo
cid kale toona qabato waxa lagu tilmaamay SHIR
QARAN. Qodobadda Dastuuriga ah ee loo cuskaday Go’aankaasina kama hadlayaan
waxay ku sheegtay Shir-qaran, manay sababayn sidoo kale, sababta ay u qodobadan
ugu cuskatay, tusaale ahaan may bixin fassiraad sharci oo si dadban uga muuqata
nuxurka qodobadaasi dastuuriga ah, kuwaasi oo sheegaya inay Golayaasha
Dastuurig ah ( xukuumadda, Wakiilada, Guurtida ) ay yihiin kuwa qudha ee qaban
kara, waxa lagu tilmaamay SHIR-QARAN.
Eeg
faqradda labaad ee xukunka;
2. Dhinaca kel wixii ka dambeeyay aftidii Dastuurka
ee 2001, sida uu dhigayo Qodobada 9 (1)aad iyo 130(1) aad ee Dastuurka
Jamhuuriyada Somaliland waxa laga soo guuray nidaamkii Beelaha waxaana la soo
guuray nidaamka ku salaysan Dastuurka iyo Axsaabta badan, waxaana jira
Golayaal Qaran ( Xeer Dajinta, Fulin iyo Garsoor) oo dhaqan gal ah kana
jawaabay baahida Qaranka ee hadba taagan si waafaqsan Dastuurka. Waxa hadaba
Xaaraan ah isla markaana aan sharci ahayn in cidnaba ( haday tahay Qabiil,
ururo Siyaasadeed iyo cid kale toona) ku baaqdo “shir Qaran” ama “
Shir-aayo-ka-tash-Qaran” oo aanay Golayaasha Qaranka ee Dastuuriga ahi
hogaaminayn si waafaqsan Dastuurka iyo Xeerarka Dalka u yaala.
|
Eeg lifaaqa 3aad.
[2] Qodobka 132 Xeerka Habka Madanigu oo
cinwaankiisu yahay Xaqiijinta Ansaxnimada Dacwadda wuxuu u dhiganyahay sidan “Garsooruhu wuxuu iskiisa u xaqiiqsanayaa,
hagaagsanaanta dhismaha dacwadda, haddii loo
baahdana wuxuu
ka codsanayaa dhinacyadu inay hagaajiyaan, dhammaystiraana, dokumnetiyada
ay sugidda u
qaddimeen”.
[3] Qodobka 121 (c) Xeerka Habka Ciqaabta ayaa
sheegaya in uu Garsooraha Dacwadda dhagaysanayaa uu Xukunkiisa ku sheego
Xaqiiqada/dhacdada iyo xaaladaha ay ku dhisantahay ama ka koobsanayso dulucda
eeddu (Statement of the facts and circumstances which form the subject of the
charge).
Qodobka
91(4) ee Xeerka Habka Madaniga ayuu kusoo ururinaysaa waxyaabaha ay dhinacyadu
ka codsanayaan Maxkamadda. Ama waxyaabaha ay dooddda dhinacyadu ka koobantahay
ee la xidhiidha dulucda laga garnaqayo.
[4] Xaqiiqooyinka Dheeraadka een loo baahnayn si aad u fahamtid, u fiirso
isla go’aankaasi faqraddiisa 3aad. Maxkamaddu, waxay u gudubtay
tafaasiil dheeraad ah oo ka baxsan arrintii la isku hayay waxaanay faqradda
Saddexaad ee go’aankeeda raacisay, tafaasiil kale oo dheeraad ah, oo ka baxsan
dulucdii dacwadda ee ahayd; Xisbiyada Mucaaridku Xaq ma u leeyihiin inay
Qabtaan Shir-qaran iyo inkale?
Waxaanay gashay mawduuc kale oo ay sheegtay inay Maxkamaddu
ogtahay, balse aanay cid kale cabashadooda ugu sheegin. Waxaanay faqraddu u
taalay sidan;
3. Dhinace kale Maxkamada Dastuuriga ahi iyada oo og
in murankan taagani salka ku hayo qabashada doorashada soo socota, waxa ay
amraysaa dhamaan dhinacyada siyaasasda iyo Hay’adaha ay khusayso ee
Dastuuriga ah inay sida ugu dhakhsaha badan usoo afjaraan muranka ku saabsan
Doorashada soo socota isla markaana xal ka gaadhaan si loogu diyaargaroobo
Doorasho Xor iyo Xalaal ah.
|
Eeg lifaaqa 3aad.
[5] Qodobka 121 (d)
Xeerka Habka Ciqaabta ayaa ka hadlaya ka hadlayaa in Xukunka lagu Sheego Qodobada
sharci iyo Xaqiiqada/dhacdooyinka la
caddeeyay, ee sababay ay Maxkamaddu
ku go’aanka qaadatay. Sidoo kalana eeg qodobka 92(5) Xeerka Habka
Madaniga.
[6] In uu garsooruhu yidhaado “anaa ku qancay jiritaanka xaqiiqo
la isku hayay”, ama “Marka
ay Maxkamadu ku qanacday xaqiiqada caynkaasa ayay go’aamisay sidan iyo sidaasi”
maaha wax akhristaha ama dhagaystaha go’aankaasi uu iskala la qaadan karo amaba uu ku qasbanyahay in uu la qaato, , haddii aanu
sheegin, sababta uu ugu qancay inay Xaqiiqadaasi jirto, amaba aanay u jirin .
Sharciga ayaana sheega qaabka u ku xaqiijinayo jiritaankeeda/jiritaan la'aanteeda, Habka Qudha ee u sheegi karo sababta uu ugu qancayna, waa
1.
isagoo inoo sheega caddaymaha muujinaya jiritaanka
xaqiiqadaasi (Credible and Direct Evidence), iyo inay caddaymahaasi saxyihiin oon la hayn wax
lagaga shakiyi karo oo macquula.
2.
Habka kale ee uu
isna ku sababayn karaa waa isagoo Garsooruhu sheega, walaw aanu jiritaanka
Xaqiiqadaasi u haynin, caddaymo toos ah, balse ay tahay mid uu jiritaankeeda uu ka dhex fahmay habdhaqanka, iyo
duruufaha ku xeeran ee xidhiidhka la leh
dhacdada, ama wada-macaamilka dhinacyada is-haya (Inferential evidence).
Fahamkaasi oo qofkasta oo macquula oo dhex-dhexaad ahi, oo halkiisaasi taagani, qaadan lahaa,
[7] Holding
is a statement of law that is court’s
answer to the issue. If you have written the issue statement correctly, the
holding is often the positive or negative statement of the issue statement.
Eeg Xukumka Maxkamadda Sare ee lifaaqa
ah; Sideey u gaadhay Maxkamaddu gaba-gabadeeda? Ma ku sheegtay in maalintaas
laga bilaabo, ay laashay ama waxba kama
jiraan ka dhigtay go’aankii maamul ee laga codsaday inay dib-u-eegis Garsoor ku
samayso (Judicial Review)
Sharcinnimadiisa? Mise waxay u sheegtay uun Axsaabta Xuquuqdii Dastuuriga ahayd
ee ay lahaayeen? Sideebaanay Qodobada 22aad
iyo 23(1,2) ee Dastuurku ay xidhiidh ula leeyihiin dulucdii dacwadda ee ku
saabsanayd Go’aankii ay Wasaaraddu ku hor-istaagtay in Kulamo ay qabtaan
Xisbiyada iyo Siyaasiyiintii la baxay Madashay? Ma ka helnay Go’aankan Mabda’
sharciyeed oo Fasiraad ahaan loogu adeegsan karo xaaladaha la midka ah?
No comments:
Post a Comment