Friday, March 4, 2016

XORRIYADDA MUWAADINKA IYO XADHIGA KA HORREEYA EED-DHEGEYSIGA; Maxbuusku, ma Baadhis-sugaa mise waa Gar-suge? by Garyaqaan Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul(waddi12@gmail.com)


"Qofna xorriyaddiisa loogama qaadi karo, si aan Xeerka waafaqsanayn"  Qod 25(1) Dastuurka JSL.


Garyq. Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul. 
Qiimaha nololeed iyo karaamada qofka aadamiga ahiba ma jiri karaan, haddii aanu qofku haysan xorriyad jidheed iyo maskaxeedba. Haddii uu qofku noqdo mid la-haysto, la addoonsado, amaba wal-wal ka qabo sidii uu iskii ugu noolaan lahaa,  isagoon cid kale waxba u dhimin, waxa hubaal ah inay meesha ka bixi doonto xikmaddii iyo dhadhankii ay noloshu lahayd. Iyadoo taasi laga duulayana, waxa muhiim noqotay in la isla meel dhigo waxyaabaha uu qofku ku waayi karo, xorriyaddiisii shaqsiyeed, iyo habka xorriyad-qaadistiisa loo marayaba. 

Qormadani kooban waxaan ku yari eegi doonaa,  habka xorriyad-ka qaadista ee alaaba loo maro xadhigga muwaadiniinta iyo xeeladaha ay Saldhigyada iyo Xarumaha Dambi-baadhistu ay adeegsadaan. Sidoo kale ka madhnaan mayso, qaybta ay ku leedahay goldaloolooyinka ka jiraa nidaam hawleedka Garsoorka, iyo sida aanay xil-weyn iskaga saarin (Xeer-ilaalinta iyo Maxkamaduhu) dhawrista Xorriyadda Muwaadinka. Tanina waa ta keentay inay Saldhigyadu is-dul buuxsamaan, noqdaana meel ay ciddii wax isku sheeganaysaaba ku kala ciil-baxdo, oo qofba, qofkuu ka taag badanyahay saddex askari u soo kaxaysto.

Waxaad arkaysaa, khilaafyo caadiya oo u dhexeeya shaqsiyaad wada-macaamilay, ama isku haysta hanti ay wada/kala lahaayeen oo laga dhigay kiisas ciqaaba,  loona soo xidhay dad shicib ah, iyadoo loo adeegsanayo awood. Waxaad kala garan waayaysaa, mararka qaarkood dacwad-ooge iyo Qareen; dacwad-ooge iyo mukhalas. Nidaamkaaasi is-dhex yaaca ah,  ee aan kala xadaysnayni,  runtii waa mid aan odhan karo; wuxuu sahayday Xorriyaddii iyo Karaamadii Qofka, wuxuuna dadkii ka dhigay in dammaanad-ku-joog ah iyo Saldhig-dhex-joog ah.

Markaad eegto galalka  dacwad-ciqaabeedyada, waxaad arkaysaa inay Warbixin horraadka Bilayska ee eedda lagu dhisay aanay ahayn mid lagu soo helay dedaal baadhiseed, balse ay ahayd; Warbixin-Cabasheedkii ugu horreeyay ee uu Dhibanuhu usoo gudbiyay Saraakaalkii Bilays ee Xilligaasi heeganka ahaa; Ha noqdo Sarkaal Kormeer hawleed ku jira (Patrol Officer) ama mid ku sugnaa Saldhigaba (OP officer). Maragyada meesha ku qoran, badankoodu waa kuwa uu soo tilmaansaday Dhibanuhu, mana aha,  kuwo si madax bannaan lagu soo ogaaday




Waxa iswaydiin mudan, marka ay Xaqiiqada eeddu tahay, mid boqolkiiba sideetan ama Sagaashan,  ku timid, cabasho-saldhigeed oo laga qoray dhibanaha, maragyaduna ay yihiin, kuwii uu dhibanuhu sheegtay, maxuu yahay baadhitaanka la sameeyo ee subax walba muddo-kordhisteeda laga codsadaa Garsoorayaasha? Maxay tahay Xaqiiqo Dhacdeedka hadhsan, ee Xeer-ilaalinta loo sheego in Gun-gaadhkeedii la soo wado?

Waxa is waydiin mudan, waxa keenay,  inay maxaabiistu noqdaan, baadhis-sugayaal, mar haddii ay baadhayaashu u aqoonsadeen inuu yihiin, la-tuhunsanayaasha dhabta ah? Garsoorku ma wuxuu noqday, meel la yidhaahdo noo sii haya qofkasta, inta aanu soo baadhayno; in uu faldambiyeedka loo haysto galay iyo in kale eh? Miyaanay ahayn inay baadhistu ka horrayso xadhigga qofka, oo marka la helo xaqiiqo baadhitaan oo sugan, xaqiiqadaas hordhaceedana (First Information) lagu qanciyo Xeer-ilaalinta iyo Maxkamadda, si uu Garsooruhu, ugu fasaxo soo qabashada la-tuhunsanahaasi?  Waa su’aalo uu jawaabtooda, u baahanyahay muwaadin kasta,  oo usii xidhan, baadhis ku-sheeg aan waxba dambe ku darin ama ka duwin, wixii maalintii hore lagu soo xidhay. 

In la helo jawaabahaasi, waa kuwa, haddii aanad  xataa waxba ka qaban karin, uu damiirku kugu qasbayo, inaad ugu yaraan wax ka tidhaahdo. Sababtoo ah, jawaabahani kama qaalisana, xorriyadda Muwaadinka; xorriyadda maxbuuska bahdilan ee haddaan cidi daba-socon, aan hubno inay maalinwalba cadaaladda sii kala durkayaan. Waa su’aalo, inteenna sharci-yaqaannada isku taqaannaa, ay jawaabtooda ku ogyihiin Xeerka iyo xaashiyiihsa.

Xeerka ayaa ka jawaabaya, culayska iyo dhawrsanaanta ay leedahay Xorriyadda Muwaadinku. Mabda’iisa guudna, wuxuu sheegayaa inay tahay, wax lagu waayi karo uun Amar Garsoore. Marka laga reebo, xaalado kooban oo ay xorriyad-ka qaadista u baahantahay go’aan deg-deg ah mooyaane; sida qofka oo la qabto isagoo faldambiyeedka gacanta kula jira (in flagrante delicto), amma soo qabashada qof baxsad ah,  oo loo tuhmayo fal-geysasho ama maxbuus fakada  (hot pursuit).  Haddii ay haddaba dhacdo, si kastaba ha ku timaaddee in  qofka laga qaado,  xorriyadda dhaq-dhaqaaq ee uu xaqa u lahaa; waxa Maxkamadda laga rabaa inay baadho, sida ay qofkaasi looga qaaday xaqiisaasi, ka hor intaanay eegin  waxa qofkaasi lagu haysto.

 Waayo, Garsooraha, uma cadda wali waxa qofkan loo haysto, balse xadhigga maxbuuska ayaa horta u cad; markaas waxa la gudboon, in uu ogaado, habka loo maray xadhigiisa (wixii la doonaba ha lagu haystee). Waayo maaha in cidda wax eedaynaysaa, ay iyada lafteedu jabiso, xeerkay wax ku eedaynaysay. Haddii ay sidaasi dhacdana,  eedaysanaha laftiisa, ayaa dhibane noqonaya oo lagu xad-gudbay Xuquuqdiisii. Maxkamaddana, waxa u hor caddaan kara, waa Xeer-jabinta la sameeyay markii maxbuuskaasi laga qaadayay Xorriyadda. Sidaa darteed, waa in uu Garsoorahu, bartaasi ku go’aamiyaa Sii-daynta maxbuuska. mar haddii  dhankii lahaa, xeerbuu jabiyay uu isaga laftiisiiba jabiyay xeerkii. Mana jirto, cid ruqsad u haysata,  xataa Garsoorahana dhahoo inay jabiso Xeerka.

Mabda’a Garsoorka ayaa sheegaya, in aan,  eedaysanaha loo aqoonsan dambiile, sababtoo ah, waxa wada Bilays. Taasi oo si dadban kuu tusaysaa, in aanu qofkasta oo ku labisan dirays ama dacwad-ooge ahi, isna loo arkin Mala’iig aan waxba masabidin. Sidaa darteed, waa in aanu Garsooruhu isku arkin mid u  fadhiya, ka go’aan-gaadhista, xaashida eedda iyo codsiyada xadhig-kordhinta ah ee ka yimaadda, bilayska. Balse, waxa ka horreeya in uu tixgaliyo, Xuquuq laawahan, hortiisa jooga, sida lagu horkeenay, sida loo soo xidhay inay xeerka waafaqsanayd iyo in kale, sida loola dhaqmay intuu xidhnaa, dhex-dhexaadnimada ciddaa xadhay iwm.

Xeerka ayaa sheegay, inay Xorriyaddu ka qaalisantahay, in  la yidhaahdo, ha ii xidhnaado qofku, intaan baadhayo amma  aan usoo gacan-baxayo eedayntiisa.Waxaanu Xeerku diiday,  xil-fudaydsi iyo qiil la’aan badheedha awgeed, in ay baadhistu dib-ugu-dhacdo (Qodobka 26aad XHC). Haddii ay jiraan sababo macquulo oo ka baxsan awoodda baadhahana, kuwaasi oo keenay daahistaasi, waxa awaajib ku ah in uu warbixintiisa hore ku daro. Garsooraha ayayna tahay, in uu miisaamo xaaladaha ku gadaaman kiiskaasi, iyo waqtiga xorriyad laawahaasi la haystay amma la doonayo in la haysto iyadoon lala garnaqsan ( Qodobka 39/3, XHC ).  Maaha in qofka xorriyad laawaha ah, lala sugo inta ay dhacayaan 48 saacadood ee qofka lahaysan karo Maxkamad la’anta, iyadoo 3-da saacadood ee ugu horreeyaba la hor-gayn karo. Garsooruhuna maaha, in haddii ay askartu dhayalsato, 48 saacadood ee qofku xorriyad-laawaha ahaa, in uu isna dhayalsado oo uu arko, waxay xaq u lahaayeen inay sameeyeen. Balse waa in la eegaa, bal inay 48-ka saacadood, ay ahaayeen kuwo ku filan oo lagu dhammayn karayay, iyo in aanay ahayn.

Haddii aan 48-kaasi saacadood, ay la koobantahay cidda laydha joogta ee xorriyadoodii haysata, lama fududa qofka xorriyaddiisii iyo karaamadiisii laga qaaday. Sidaasi darteed, haddii aan si adag loo darsin, oo aan lagula xisaabtamin bilayska iyo dacwad-oogista, waxay qabanayeen labadaasi cisho ee, qofku xidhnaa, waxay abuuraysaa in uu xil-fudaydsigoogu noqdo habdhaqan joogto ah, oo aanay wal-wal ku hayn Maxkamadda iyo qofkan uu xorriyaddiisii ka qaadayba. Waxay keenaysaa, isku-hallayn laga qabo Maxkamadda daraadeed, in qofkasta oon caddaymo sugan loo haysan ama la wanjalayoba,  si fudud la iskaga xidho.

Waxa dhici karta, in la iska kaa xidho[i], iyadoo oo ay ujeedadubta tahay, inaad xidhnaato 48-kaasi saacadood; Tusaale ahaan, kaba soo qaad in xadhigaasi,  loo sameeyay si lagaaga carqaladeeyo, hawl-ku socoto,  shaqo,  ama ballan muddaysan ood lahayd.; Markaasi maxay ku taraysaa, 48-ka saacadood kadib,  haddii xorriyaddaadii laguu celiyo? Sii-daynta Maxkamaddu ma daw-marinbaa, Xorriyad-u-celintu ma magdhawbaa? Misa xorriyadu, waa Xaq aad lahayd, leedahay,  lahaanna doonto? Miyaanay Maxkamaddu lahayn awood, ay labada dhinacba tallaabo kaga qaadi karto, misa maxbuuska uunbay ka adagtahay?Hadii ayna sidaasi dhici karinna, maxay tahay Xikmadda gard-qaadista Maxkamaduhu?

Waxa suurtogal ah, in uu miisaanku, u ciiro, dhinaca wax soo xidhay. Maxkamaduna ay ka  garawdo, daraasad ay ku samaysay kadib, duruufaha ku xeeran dhacdo-dambiyeedka, iyadoo ka duulasa waqtiga la haystayna , ay is-waydiiso; waxa la qabtay, waxa qabyada, waxa ku waajib ah inay samayso qaraar Maxkamadeed oo sababaysan. Qaraarkaasi oo ay sii-haynta maxbuuskaasi ku sii fasaxayso, ayay tahay inay ku sheegto, waxyaabaha qabyado ah, ee laga rabo inay dambi-baadhista ama xeer-ilaalintu keento maalmahaasi uu qofku bilaa xorriyadda yahay (Qod. 46/b XHC)[ii].

Qaabka Horgaynta ee loo xalaalaysto sii-haynta maxbuusku, inta ka horraysa eed-dhagaysiga, maaha in uu noqdo qaab illaa xad dabacsan, oo ay Saldhigyadu isku-hallayn kasii qabaan. Mana aha, in markay muddadii hore dhacdo, iyadoon wax tallaabooyin ah oo dheeraad la qaadin, in subax-walba Garsoore kale oon ahayn kii maxbuus-haynta oggalaaday, laga samaysto muddo kordhin kale[iii]. Xorriyadda, maxbuuskuna, way ka qaalisan tahay, saxeex yar oo garsooruhu jaldigiisa dusha kaga duugo, oo qofka sii-haysashadiisa lagu bannaysto. Saxeexaasi,  sidoo kale, wuxuu meel-ka-dhac ku yahay Milgihii Garoorka, madaamo oo aanu wadan Sumaddii, shaambadii iyo faah-faahintii go’aankaasi (sababayntii ogolaanshaha muddo kordhinta, iyo amridda caddaymaha la keenayo).Sidoo kalena waxa uu meesha ka saarayaa, daah-furnaantii laga rabay qaraaradda Garsoorka, sababtoo, saxeexaasi kama tarjumayo qaraar maxkamadeed oo leh tixraac iyo diwaan-galin arkiifiyo oo hadhaw lagula xisaabtami karo ciddii soo saartay.

Mar aan Garsoore waydiiyay, sababta jaldi-ku-saxeexistu looga gudbi waayay, iyadoo maanta ay Maxkamadu leedahay xafiisyo qalabaysan oo daabici kara foomam rasmiya; jawaabtiisu waxay ahayd “lagama gaadhsiin karo in la sameeyo qaraar daabacan”.

“Lagama gaadhsiin karo”, waa jawaab u fudud, sida uu saxeexuba u fududyahay. Waxaanay ku tusaysaa, sida aan waligeedba, loogu hamiyin, in wax laga badalo qaabka, uu Nidaamka Garsoorku u hawl galo:  Ma dhawrka daqiiqadood ee la soo saarayo qaraar daabacan, ayaa ka culus maalmaha, aad  Garsoore go’aamin doonto,  xorriyad la’aanta maxbuus,  eed-suge ah? Miyaanu saxeexaas deg-degga ahi ahayn ee galka dushiisu, ka dhignayn igaga celi waxanoo maxaabiis ah saldhigoogii, oo hawada ii fura?Maxaad ku sababaysay, maxaase mudadii hore ee uu maxbuusku xidhnaa la sameeyay, misa halkiiba lagama dhaqaaqin? Ma sheegay saxeexaagu Garsoore? Waa Maya!

Maalin kasta oo qofku u xidhanyahay, oo laleeyahay baadhis ayaa la wadaa, waxa la rabaa in la ogaado tallaabooyinkii la qaaday oo si cad u xusan. Waayo maalin kasta, oo qofka maxbuuska ah, ay Xorriyaddiisu ka maqantahay, iyadoon waxba lagu caddaynin, waxay ku tahay xad-gudub.  Haddii aanay jirin hawl-baadhiseed,  oo la wadaana kaba sii daran. Si taas looga hortagana, waxa xeerku jideeynayaa Daah-furnaanta Nidaamka Dambi Baadhista. Qodobka 25aad, ee Xeerka Habka Ciqaabta ayaa dhigaya; inay hawlaha baadhistu, iyo tallaabooyinka la qaaday ay noqdaan, kuwa ku faah-faahsan, oo ka  muuqda Jadwal-maalmeedka Baadhista  (Diary of Investigation) laga bilaabo saacadda koowaad illaa saacadda ugu dambaysa ee baadhista lasoo afmeerayo.

 Jadwal-maalmeedkaasi, waa foorm rasmiya oo xambaarsan,  saxeexa taliyaha, iyo Shaambadda Saldhigga, iyo ciddii sida gaarka ah, ugu xilsaarnayd hawlaha baadhitaan. Waana kan, ay Maxkamaddu iyo Xeer-ilaalintuba ay kula socon karaa, kolba halka ay marayaan hawlaha baadhitaan, iyo waxyaabaha kusoo kordhiyay. Kana dheehan karaan, waxa uu ku maqnaa baadhuhu maalin kastoo oo uu maxbuuskani bilaa xorriyad ahaa.  Xil ma la iska saaray dhaqan-galinta Qodobkan? Jawaabtu waa maya;  Haddii aan lagu dhaqmin, yaa ka masuul ah, xil-dhayalsigaasi? Jawaabta waa la garanayaa, doqonna loo sheegi maayo !





Tixraac



[i] Eeg Qodobka 32aad XHC, oo dhigaya in Qodobada Xeerka Habka Ciqaabta ee ilaalinaya Xorriyadda Qofka, iyo Siyaabaha looga qaadi karo, ay tahay Waajib Saaran Maxkamadda guud ahaan, gaar ahaanna, Garsooraha la horkeenay.  Qodobkuna wuxuu u qoranyahay sidan “Provision relating to Arrest to be strictly Observed”. Faqrada 2aad ee Qodobku sidoo kale wuxuu sheegayaa, in uu Garsooruhu awood u leeyahay uu tallaabo kaga qaado, haddii ay cidda xorriyad-ka-qaadistaasi maxbuuska samaysay, ay ku xad-gudubtay ama iyadoon la haysan sababo macquula, waqtigii sharcigu dhigayay lagu keeni waayo hor-keenistaasi Maxkamadda.
[ii]  Qodobka 46aad, xarafkiisa (b) ayaa sheegaya in aanu noqon  amarka sii-haynta (maxbuuska) mid bilaa shuruudo ah oo aan sabab-lahayn. Balse waa in uu amarkaasi uu  dhinaca eedda wata ( Bilays, Xeer-ilaalin) faraa inay waqtigaasi la siiyay gudahood ku dhammaystaan wixii ka qabyo ah, haddii ay u hogaansami waayaana u sheegaa tallaabooyinka ay Maxkamaddu qaadi doonto.
[iii] Qodobka 47aad. Faqradiisa 3aad ayaa sheegaysa, in garsoorihii bixiyay amarka rumaan-garaynta (haynta la-tuhunsanaha inta  horraysa,  eed-dhagaysiga) ayaa la horkeenayaa maxbuuska,7-dii cishoba maalin, si uu u eego oo ula socda, waxa todobadaasi cisho lasoo qabtay, iyo wax wali qabyada ka ah, hawlahii baadhiseed ee qofkani loo sii haystay. Mana aha in kolba Garsoore kale oo aan ahayn kaasi , la horgeeyo la-tuhunsanaha, iyadoo loo dhigayo xadhig cusub amma arrin cusub. Afka ingiriisiga ee xeerkani laga soo tarjumayay wuxuu faqradda 3aad,  kalmada  (the) ka horraysiinaya, kalmada Garsoore (Judge); taasoo ku tusaysa in uu Garsoorahaasi yahay ka ku xusan faqradaha ka horeeyay , oo ah Garsoorihii bixiyay amarka sii-hayntaasi, waayo kaasi ayuunbaa og sababta uu amarkaasi u bixiyay, isla markaana ay tahay in uu la socdo halkay kolba wax marayaan. Marka ay weedha sharci tahay mid guud oo aanay sheegayn Garsoore gaar ah, waxay u taallaa qoraal ahaan ( a judge or a competent judge).

No comments:

Post a Comment

TUSAALAHA GODKA (ALLEGORY OF CAVE)

R   TUSAALAHA GODKA(The Allegory of Cave)    S heekadani Godku waa tusaale uu keenay Plato oo ahaa Filasoof Giriig ah ( 514a–520a) ama qarni...