|
Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul. |
Waxaan ahaa tar-tame, kamid ah shan iyo labaatan sharciyaqaan oo ku guulaystay imtixaan ay wasaaradda Caddaaladdu ku qaadday Hoolkeeda, bishii 11aad, 2015. Imtixaankaas oo la yidhi ciddii soo baxda waxa loo qaadanayaa Garsoorka. Waxa igu maqaalo ah inay Guddida caddaaladu ahayd Idaacadda ka baahisay Fursaddan Xirfadeed ee u faran tartamayaasha. Ma garanayo imtixaanka cid soo diyaarisay, inay tahay wasaaradda lafteeda amaba Guddida Cadaaladda, balse waxa aan ogahay uun, in imtixaanka qaybtiisa afka ahayd (interview-ga ahayd) aan ugu galay qol yar oo ay soo fadhiyaan, Wasiirkii hore ee Caddaalada, Xusseen Caydiid, Maxamad Cumar Geelle oo ah Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare isla markaan xubin ka ah Guddida Caddaaladda Qaranka, iyo nin la yidhaahdo Cabdinaasir oo ah sarkaal ka tirsan hayadda UNDP.
Waxaa lasoo gaadhay natiijaddii, waxaan isku iminnay isla hoolkii aanu imtixaanka ku galnay oo si ka duwan sidii aanu imtixaanka ku galnay loo habeeyay. Waxa la sudhay boodh wayn oo sheegaya inay tahay Munaasibaddu Xafladi Furitaan oo loo Agaasimay Tobabar Xirfadeed oo loo qaban doono Garsoorayaal Cusub. Ma garan karo, in xataa hablaha laga dhigayay Garsoorayaal, balse waxaan sheegayaa uun wixii ku qornaa meesha.
Haddii aanu imannay, Ciddii Masraxa loo habeeyayna way timid, waa Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ( Aadan X, Cali). Waa Wasiirkii Caddaaladii ( Xuseen Caydiid), waa Sarkaalkii UNDP-da (Cabdinaasir…), waa Isku duba ridaha Mashruucan , Axmed Diiriye Qaalib oo isla subaxdii aanu imtixaanku galaynaya isna loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Sare, horana aanu shaqo-wadaag u ahayn mar aanu ka shaqayn jirnay Jaamacadda Hargaysa (waaxda Taakulaynta Sharci ee bilaashka ah siisa dadka laga Itaalka badanyahay). Waxaan dhagaysannay Khudbad inteeda badan aan ku sheegi karo inay haddidaad ahayd, oo ku saabsanayd, waxaanu la kulmi doonno, haddii aanu noqonno goo-gooys, haddii lana arko annagoo meel kale u shaqa tagayna, haddii aanu shaqo haynana, aanu isla maalintaas go’aansanno iska-casillaadeeda. Waliba wuxuu Wasiirku nagu amray inaanu gacanta taagno haddii uu jiro mid naga mida oo shaqo kale hayaa. Saddex aan kamid ahaa ayaa taagay. Waxaanay kala ahaayeen Siciid Nuux, Cabdalla Daahir iyo inan la yidhaahdo Muna… Kadibna wuxuu isla halkii nagu amray in aanu shaqooyinkii iska soo casilno, haddii aanu rabno in aanu tobabarkan galno. Sidiiina waanu yeelnay. .
Waxa madashaasi laga yidhi wixii laga yidhi, oo aanan halkan lagu soo koobi karin, waxaanse ka xusuusan karaa uun in Aadan Xaaji Cali, isna meeshaasi ka hadlay, sheegtayna inuu kamid ahaa, raggii tababarkan bixinayay, isla markaana nagu dar-daaray isna in aanaan lumin fursaddan qaaliga ah, waliba aanu noqonno kuwo ka duwan, kuwii naga horreeyay oo uu yidhi qaarkoodbaa khasaariyay tobabarkii la siiyay.
Madasha may joogin warbaahinta kala duwani ee dalka ka jirtaa, balse hal kamarad oo qudhaata ayaa lanala dhex wareegayay. Taasi oo ahayd tii Tv-ga Qaranka. Wax kasta oon halkan ka sheegayana iyadaa ka markhaatiya, marka laga yimaaddo asxaabtaydii kale ee hareeraha iga xigay.
Toddoba bilood ayaa lana siin jiray casharro, aan wax badan ka duwanayn kuwaan jaamacadda kusoo qaadannay. Marka laga reebo labadii bilood ee u dambeeyay oo la na siiyay tobabar ku saabsanaa qaabka ay Maxkamaddu Dacwadaha u dhegaysato, looga doodo, go’aankana ay u gaadho. 6-da bilood ee kale waxaan ku imanayay cago-jiid, waayo maan joogin xilli aniga la ii akhriyo kowdhadhka Ciqaabta iyo Madaniga ah. Waxay ahayd uun maskax daalis ama waxa afka qalaad lagu yidhaa (boringness). Waxaase, meesha nagu qasbayay, rajaddii aanu qabnay markay toddabadaas bilood dhammadaan, balse may ahayn ($ 200 ) ee basraaca iyo nusasaace ahaan, lanoo siin jiray.
Waxa dhammantayo lanaga xaraystay shahaadooyinkii Jaamacadda, oo aanan anigu waliba raalli ka ahayn. Iyadoo lagu doodayo inaanu ugu shaqo tagayno meelo kale. Aniga iyo inan kale oo la yidhaahdo Cabdalle Daahir ayaa ka dhiidhinnay taasi, balse waa lanaga batay, oo 23-kii kale ee tobabarte ayaa ogolaaday amarkaasi sharci-darrada ah, ee ay wasaaradda lafteedu ka xishootay inay qoraal ahaan nagu farto, balse ay usoo diratay innamada shaqaalaha u ah. Waxaan xasuustaa, shaqadaydii iyo fursadaha shaqo ee kale, ee la iisoo bandhigay, ee aan wallaahi lumiyay, intaan ku gudo jiray tobabarkan. Waayo, waxaan ku dhaafayay waxay ahayd, rajadaydii, ahayd in aan Garsoorka ka hawl-galo.
Maxaan Garsoorka uga doorbidayay, Shaqadaydii een u dhaafsaday tobabarkan?
Waxaan Garsoorka, u arkayay inay tahay meesha ugu habboon ee uu qofku ku tijaabin karo xirfaddiisa iyo kartidiisa aqooneed. Waxaanan aaminsanahay, haddii aad tahay sharciyqaan aan Garsoorka ka hawl galin, inaad tahay dhakhtar aan waligiis Cusbitaal ka xaadirin. Taasaana igu kalliftay inaan tago, meel ay ka muuqan karto xirfaddayda Sharciyeed oo aan uga doorbiday in aan dhex fadhiyo xafiis ku shaqeeya, mashruuc haayadeed oo aan si toosa ugu shaqayn Qarankan.
Maxaa isbadalay?
Markii mashruucii UNDP-du, ee marna tobabarka lagu sheegayay dhammaaday, wixii lagu cunayna lagu cunay, ayay runtii soo baxday. Waxa fashiliyay Guddoomiyaha laftiisa oo afkiisa igu yidhi mar aan xafiiskiisa ugu galay, qoladiinan iyadoon waxba loo ogaynbaa la iska kiin qaatay, kuma jirtaan Miisaaniyada 2016-ka. Waliba wuxu intaas ku daray, “Xataa kuma jiri doontaan miisaaniyadda dambana” : siduu isaga laftiisu dammaanad sii haysto in uu Guddoomiye si ahaan doono illaa 2017-ka iyo in kale. Weedhaasi lafteeda dhagaha ugamuu duwin kawa kale ee ila mid ka ah. Waxa sidoo kale isku meeraysatay Wasaaradda lafteedii, oo marna noo soo diraysay Maxkamadda Sare. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, oo ah nin hadallo cad-cad ayaa si saraaxiya ugu doodayay; inay iyaga shaqadoodu ahayd fulinta tobabarka, tobabarkiina ay siduu ahaa u fuliyeen oo aanu jirin wax iskugu kaaya hadhay.
Qoladayadii subax walba kaalaya la lahaa ee xaashida Xaadiriska la daba sitayna, waxaanu soo gaadhnay xilli la garan waayo waxa meesha na dhigay ee aanu ka qabanayno. Waxaanu soo gaadhnay, xilli la isku kaayo tuur-tuuro, oo aanu ku dhacno meel dhexe (in the middle of nowhere).
Maanta waxaan jeclaan lahaa, iyadoo oo u joogo wasiirkii hore ee Cadaalladu, waayo isagaa yidhi anigaa mashruucan saxeexay, madaxweynahaana ila saxeexay, haddiise uu mashruucani rumoobay intii uu wasiirka ahaa, halkay maanta wax si ka noqdeen? Ma kartidiisa shaqsiyeed ayuu ku meelmarin jiray kuwaas hore, oo mashruucan ayaa dhammaday xilli aanu wasiir ahayn? Mise ka dambe ayaan ku jirin Qorshahaba oo wuu sii ogaa, buuqa ka dambeyn doona?
Guddoomiyaha Maxkamadda laftiisa looga warrami maayo mashruucan, oo siduu sheegayba wuxuu ka ahaa tobabare. Wuu joogay xafladdii furitaanka, markii lanagu lahaa waxaad qayb ka noqonaysaan Garsoorka, isagaa xafladda noo furay, oo haddana noo xidhay isagoo sidii hore si ka duwan u hadlaya. Waxaanse garan waayay sababtoo markuu noo furayay xafladdan, ee uu nagu lahaa ha iska luminina fursaddan qaaliga ah, noogu sheegi waayay in lana luggooynayo, siduu markii dambe ee aannu dhammaysanay noogu sheegay. Ee aanu qofna dhagaha uga duwin. Angia markuu sidan igu lahaa waxa iga soo horjeeday oo dhinac fadhiyay, Garsoore, Maxamed Cumar Geelle , isna waxba kamuu odhan arrinkaasi, inkastooy ahayd in uu ka hadlo sida lanoo soo luggooyay, waayo wuxuu kamid ahaa kuwii imtixaanka naga qaadayay; aamunsnaantiisu tolow, ma waxay caddaynaysaa inuu isna luggooyadaasi qayb ka ahaa? Mooji wallaahi !
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare wuxuu ku dooday in aanu mashruucani Dib-u-habayntu Caddaaladdu ahayn mid ku kooban Garsoorka oo qudha. Taasi oo macnaheedu yahay in aan tobabartayaashan lagula soo meeraysan Garsoorka balse lagu kala baahiyo haayadaha kale duwan ee Dawladda. Wuxuu doonaba ha ahaado, mashruuca dib-u-habaynta Caddaaladdu, waxa se aniga iyo inta lamidka ah naga khuseeya intii naga khusaysay, oo ah heshiiskii la nala galay. Waxa lanaga wada saxeexay heshiis nuxurkiisu ahaa inaanu noqonayno tobabartayaal Garsoor (Judicial interns) kaasi oo xataa, noogu qornaa Kaadhadhkayagii aqoonsi ee aanu wax ku baranaynay. Waxa la noo sheegay inay na qaadatay Guddida Caddaaladdu, inay iyadu warbaahinta ka baahisay fursaddan bannaan, isla markaana Maxamed Cumar Geelle oo ah ku xigeenka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, isla markaana ah, xubinta ku xigta Guddoomiyaha, markay yihiin Guddida Caddaaladda, ayaa imtixaan-afkeedkii naga qaaday, isla markaana saxeexay liiska intayadii soo baxday.
Haddii ay arrintu sidaas tahay, goorma ayay Guddida Caddaaladdu iyo Guddoomiyuhuba awood sharci u yeesheen inay soo xulaan amaba ay Madaxweynaha usoo jeediyaan Lataliyayaal sharci oo ay yeelan doonaan haayadaha xukuumaddiisu?
Guddida Caddaaladda waynu naqaannaa doorkeeda (Constitutional mandate), haddii aanay magacaabistayadu u oollin Guddoomiyaha Maxkamadda Sare , miyaanay ahayn inuu hareer iskaga leexiyo dadkan lasoo hortubay ee laleeyahay waxa loo toobabaray inay Guddidu magacawdo?. Miyaanay ahayn inuu si rasmiya u caddeeyo, oo uu ka baxo waxbaan idin la day-dayayaadan uu leeyahay, mar haddii aanay taasi shaqadiisaba ahayn?
Marka laga reebo, UNDP, haddii uu Wasiir yahay, ama ay yihiin Guddoomiyayaal Maxkamad Sare amma Guddi Cadaaladeedba, waxay ku dhaarteen inay Qarankan Daacad u noqon doonaan, Daacadnimadaas oo ah in aanay Umadda Been u sheegin. Sidaa darteed, waxa maamul ahaan iyo sharafba u ah inay la yimaadaan mawqif cad, oo ay ka baxaan, is-daba wareegan iyo weedhahan isburinaya ee lanagu madadaalinayo. Waayo annaga waxa la noo qaatay, hab daahfuran, oo la mariyay baahin, tar-tan, waxaana shan iyo labaatankayaga lala galay heshiis qoran oo caddaynayay waxa lanaga rabo iyo waxaaanu ku dambayn doono haddii aaanu kasoo baxno waxyaabaha lanaga rabo, waxa lanoo diiday inaanu shaqo kale ka shaqayno intaanu tobabarkaaasi ku jirnay,
Sidaa darteed waxaan u arkaa meelkadhac inay nagu tahay, in maanta lana yidhaahdo halkii la idin kala gayn lahaabaan la garanayn. Miisaaniyaadda kuma jirtaantii langu lahaana waxa beenisay garsoorayaasha cusub, ee afar cisho ka hor la magacaabay, iyadoo liiskayagii horyaallo Guddoomiyaha. Taasaana dadweynaha jawaab ugu filan, isla markaana ku tusaysa sida uu Nidaamku u kala socdo, ee loogu jaahwareerayo.
Haddii uu mashruucani ahaa mid Qaranka dan u ahaa, oo ka ballaadhna shaqaalaysiintayada, maanta doodduba anagoo qudha may ahaateen. May ahaateen miisaaniyadda kuma jirtaan iyo meelahaasbaa wax la idiinka baadh-baadhayaa .
Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul.