Friday, June 17, 2016

MA QARAAR MAXKAMADEEDBAA MISE WAA QAR-QOOSH ? by Garyaqaan Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul (waddi 12@gmail.com).




Garyaq. Maxmed Axmed Cabdi Bacaluul. 
Halkan kagama hadlayo;  sax iyo qalad wuxuu ahaa Codsi-ku sheeggii wasiirku uu ku rabay in lagu laalo Rukhsadda Qareen Guuleed Dafac, oo aan odhan karo waxay ahayd uun arrimo siyaasadeed iyo arrimo kale oo hore uga dhexeeyay Wasaaradda Caddaaladda iyo Xarunta Xuquuqda Aadamaha ee uu Qareenku Guddoomiyaha ka yahay.  Waxaan ka hadlayaa, Qoraalka kasoo baxay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, iyo bal inuu waafaqsanyahay Habraacii Garsoor (Adjudicative Procedures) ee ku dhignaa Xeerarka. Tallaabo kasta oo ay Maxkamaddu raacdo ama Qaraarkasta oo ay soo saartaana, waa Qodob sharci oo si gaar ah arrin uga hadlaya. Waana sababta loo yidhi  Maxkamaddii Sharciga (Court of Law), een loo odhan Maxkamaddii Hebel (Court of Men).


Fadlan akhrista ila eeg, waxaan ku leeyahay intaanad akhrinna bal horta adiguba akhri qoraalka Maxkamadda ee sawirkiisu hoos ku lifaaqanyahay;



1. Marka hore waxa dhokumantigan ku yaal astaamihii uu lahaan lahaa Dhokumanti Maxkamadeed oo rasmiya.

2. Hadana Maxkamadi kama dhex hadlayso, ee shaqsibaa hadlaya, oo malaha Maxkamaddu waxay samaysay sidaas iyo sidaas,,,, balse wuxuu ku bilaabmayaa ( Aniga oo.....),
 eeg Sawirka Qoraal ee ku dhigan hoos. 

3. Maxkamadda waxa horyimaadda dhinacyo, ugu badnaan sita magacyadooda shaqsiga.  Taytallada xileed sida (taliye, mudane, wasiir iyo meeyor, iwm) laguma xuso qoraallada Maxkamadda, gudaheedana lagama yidhaado, Haddii la doonayo in la sifeeyo dhinacyadana, waxa loogu yeedhaa    (dacweysane iyo dacwoode) haddii ay  ciqaab tahayna ( eedaysane iyo dhibane). Halkana waxa ka muuqata (MUDANE WASIIR) taasi oo ku tusaysa, in aanay dhinacyada is-hayaa, aanay Maxkamadda horteeda ku sinnayn.

4.  Codisgan wasiirku sifahuu sito ma garan karo, ma dacwad maamulbaa, Haddii uu sidaas yahay codsi maaha waa inuu noqdaa Cabasho. Haayadaha maamulna inta badan go'aan ay leeyihiin ayaa laga cabtaa ee iyagu shicibka kama cabtaan,  waayo, iyaga ayaa awood fulineed leh oo saamayn ku yeelan kara xuquuqda shicibka.

5.  Haddii  se laga dhigo cabasho wasiirbaa, waxay ahayd in dhinaca kale ka jawaabo, oo aanay Maxkamaddu ka jawaabin, balse ay isku dhagaysato kadibna sidii nidaamku ahaa qoraal Summad Dacwadeed leh oo galkeedu diiwaangashanyahay laga soo saaro Qaraar. Bal imika maxay Maxkamaddu ku diiwaangalisay Qoraalkan rasmiga ah ee kasoo baxay illeen dacwad may furine? Ma dadkay la sheekaysataa Maxkamaddu?

6.  Mawduuca Qoraalka waxa ku taal JAWAAB, balse maxkamadi jawaabteeda kuma sheegto "jawaab", balse waxa uu noqdaa QARAAR amma GO'AAN.  Erayga Jawaab ama jawaab-celin waxa lagu suntaa qoraallo dhex mara dhincyo siman, sida Dacwoodaha iyo Dacweysanaha, amma Dambi-oogista iyo Dhibanaha.  Maxkamaddu se uma jawaabto ee way amartaa dhinacyada.

7.  Dulucda arrintu waxay ahaan lahayd Maxkamaddu miyay sidan uu wasiirku codsaday kaga qaadi kartaa Ruqsadda Qareenka? Hadday tidhaado HAA waa inay sababayso uun, oo aanay raacin haddalo kale oo ka baxsan dulucda oo mac-macaanayn ah. Hadday tidhaahdona MAYNA sidaas si leeg.  Eeg Faqradaha ama paragraphyada 4aad iyo 5aad  iyo weedhaha dheeraadka een meelnaba haysan ee ku jira qoraalka Maxkamadda. 

8. Haddii aad odhan lahayd Qoraalkani waa mid maamul oo ay laba haayadood iskaga jawaabayaan, maaha sidaasi, waayo, waxay arrintani khusaysaa Xuquuq Shaqsiyeed, oo la isku hayo, Liisanka ma laga qaadi karaa X ? waa su'aal la xidhiidha Xuquuq Xirfadeed oo laga go'aan gaadhayo, sidaa darteed ayay arrintu u tahay mid u taal qaab dacwadeed, Qoraalka Wasiirkuna intaanuu codsi noqon, waa ashkato ka dhan ah Qareenka uu rabo in ruqsadda laga qaado.  

9.   Imika sidan waxa uu Aadan Xaaji Cali ku bixiyay Liisan  abadiya, waayo wuxuu Faqradda ugu dambaysa ku yidhi " Wuu sii wadanayaa ku shaqaysiga Xirfadda Qarreenimo". Halka aanay marka horeba jirin meel ruqsad lagaga joojiyay,  oo ay taasi jawaab u tahay. Balse haddii aan sideeda u raaco, qareenkuba uma baahnaba ruqsad dambe, xataa haddii ay tani ka dhacdo, mar haddii aad qoraal maxkamadeed oo tii u sarraysay ah lagu yidhi wuu sii wadanayaa.... illaa goorma? ma cadda !  Cid kaloo, amarkaasi ka hor iman kartaa ma jirto, meel rafcaan looga qaato oo ka sarraysaana ma jiro.

10.  Maxkamadda Sare waa miis tashiya oo dhammaan wixii yimaadda lagu eego fadhi buuxa (5-7 Garsoore) amma fadhi aan buuxin oo ah (3 Garsoore), balse maaha xafiis Guddoomiye oo qudha oo wuxuu doona iska saxeexa. Meeshu maaha wasaarad iyo haayad fulin ah, ee waa Garsoor, waxay soo saartaana waa wax ku yimid Gar laba dhinac ah. Halkan hoosana waxa ku saxeexan Guddoomiyaha oo qudha.

11.  Marka dacwad amma arrin Garsoor laga soo saarayo Qaraar, maaha in la isticmaalo Taytal kale sida Professor iwm, waayo erayga Garsoore ayaa ah taytal oo ay ahayd inay ku filnaato Guddoomiyaha amma inuu isticmaalo taytalkii lagu magac caabay oo ah Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, haddiiba uu gartay in uu kaligiis waxan iska qor-qortoba.














No comments:

Post a Comment

TUSAALAHA GODKA (ALLEGORY OF CAVE)

R   TUSAALAHA GODKA(The Allegory of Cave)    S heekadani Godku waa tusaale uu keenay Plato oo ahaa Filasoof Giriig ah ( 514a–520a) ama qarni...