Waxa ay bilaysku culayska saari jireen qab-qabashada yar-yarka iyo shaqsiyaadka isticmaala maandooriyayaasha oo jeelasha buux-dhaafiyay. Waxa ka muhiimsana in loo soo jeedsado oo dadaalka u badan lugu bixiyo sidii dagaal loola gali lahaa cidda ka ganacsanaysa ee keenta isla markaana qeybiyayaasha ah (suppliers and distributors). Kuwaas dhaqaalaha ka sameynaysa mustaqbal-baabiinta ubadkeena, ayaa ah sababta koowaad ee mushkiladdani, ee ma aha kuwa la aafeeyay ee isticmaalkeeda lagu qabto. Suuqyada madaw ee waxani ku lugta lehi waxa ay ku shaqeeyaan shabakado isku xidhan illaa kuwa soo-saara ee soo-dhoofinaya, kuwa xadadka ka soo tallaabinaya, illaa baraha u dambeeya ee hadhaw magaalooyinkeena ku sii qaybiya.
Waa in barnaamij cad iyo siyaasad dhammeystiran (Comprehensive Policy) oo lagula dagaalamo laga yeesho. Taasi oo wadata miisaaniyadii, wacyigalinteedii, ciidamo iyo sirdoon u gaar ah oo lagu bartilmaameedsado kuwa macaash-doonka ah ee daaha dabadiisa ku jira. Waa lala yimaado tabo kasta oo lagu ogaan karo suuqyadan madaw ee daroogada, iyadoo oo aan kuwa isticmaala lagu qabto lagu soo afmeerin baadhista, bal se laga sii tixraacayo ceelka ay u arooraan. Iyada oo haddii laga maarmi waayo la siinayo dhawrsanaan amni (witness protection) oo ay kula shaqeeyaan laamaha u xilsaaran dambi-baadhista iyo oogistaba.
Waxa aynu aragnaa in aanu waxba ka qaban xeerka la dagaalanka maandooriyaha ee dhawaan la kordhiyay ciqaabtiisa iyo xabsiga dheer ee da'yarta isticmaasha lagu xukumo, inta ay dibadda joogto cidda dhaqaalaha ka sameynaysa waxani ee kolba in kaloo hor leh baraysa.
Sidoo kale dhiig-bax ayuu cashuurbixiyaha ku yahay kharashka ku baxaya maxaabiistan muddada dheer xabsiyada ku noolaanaya, taasi oo aanay inta kale ee hadhsani ku waantoobaynin (public deterrance). Waxa lacagtaasi wax loogu qaban lahaa muwaadiniinta hagaagsan ee ay adeegyada dawladeed suququlka ku yihiin.
No comments:
Post a Comment