Wednesday, March 29, 2017

QAYB KAMIDA TARJUMAADDA; WARBIXINTA BANGIGA ADDUUNKU KA DIYAARIYAY 2016-KII DHAQAALE-SIYAADEEDKA SOMALILAND



Waxa tarjumayay Qoraalka Hoose; Garyq Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul. 


CUTUBKA 1AAD.

 
HORDHACA WARBIXINTA  (Page 7)


Ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo fursadaha maalgashi ee suuqa lagaga faaidaysanayo ayaa Somaliland dib usoo noolaaday tan iyo 1991-kii. Ganacsiga gaarka ah, oo isugu jira, xoolo-dhaqashada, beero-falasho, isgaadhsiinta, baayac-mushatariga iyo laamaha maaliyadda ee ay xawaaladuhu kamidka yihiin, ayaa la qirayaa inay door muhiim ah ka qaateen soo kabashada dhaqaalaha, ummad waagii Siyaad Barre uu dhaq-dhaqaaqeega ganacsi ahaa mid shakaalan, kuweegii raasamaalka haystayna lagu qasbay inay meelo kale, oon dhulkooga ahayn ula wareegaan. Caasimadda Hargaysa ayaa 70% dhulka lala simay, 5000 qof oo ku noolaana lagu dilay, halka ay 500,000 qof oo kalana ay ka barabaxeen hantidoodii iyo hoygoogii. 


Walaw ay ka horyimaaddeen caqabado kala duwan oo iskugu jira dib-u-dhac, dagaalo, barakac baahsan, iyo aqoonsi la'aan dibloomaasiyeed, hadana Somaliland waxay laga soo bilaabo, 1991-kii ahayd meel ay si layaab leh uga curanayeen dhaq-dhaqaaqyo dhaqaale oo hor lihi. Waxyaabaha ka qayb qaatay, kobacaasina waxa ugu muhiimsan oo lagu soo ururin karaa shan arrimood oo kala ah; 


(a) Awoodda iskaashi ee xukuumada iyo shacabka ee lagu ilaaliyay nabadgalyada iyo xasilloonida, (
b) Heshiiska bulsho ee dhigaya in loo wada dhannaado arrimaha siyaasidda, khilaaf-xallinta, wada-xaajoodka, iyo wada-qaybsiga kheyraadka iyo fursadaha shaqo, iyadoo loo marayo hab-beeleed,  (c) Kartida iyo hanaqaadka ganacsiga gaarka loo leeyahay oo tan iyo 1991-kii isasoo tarayay,  (d) Lacagaha ay Qurboojoogtu Dibadda kasoo xawilaan ee damaanad qaada dhaqaalaha bulshada wax-iibsata (consumer's economy), (e) Dhaqanka Bulshada ee ku dhisan is-aaminaadda, wax-isdhaafsiga, iyo isxilqaamka aan ku ekayn dhinacyada uu macaamilku ka dhexeeyo oo qudha, balse ku fidsan  qoysaskooda illaa jilibadooda. 

Waxay ahayd 2011-kii, markii ay xukuumadda JSL ay si cad u baahisay, bayaan  xambaarsan aragti-fog oo la magac baxay Somaliland; Halkay ku socoto 2030-ka ( Somaliland; the way forward 2030), iyo Qorshihii Horumarka Qaranka (SNDP) ee 2012-2016. Waxaanay bayaankaasi kusoo jeediyeen barnaamij ku salaysan shan qodob;


a) Horumarinta dhaqaalaha, (b) Horumarinta Kaabayaasha, (c) Horumarinta Maamulka iyo ku dhaqanka sharciga, (d) Horumarinta Arrimaha Bulshada, (e) Ilaalinta Deegaanka. 


Waxyaabo badan ayuu dhokumantigani xambaarsanyahay, Waxay ka hadleen in gacan la siiyo ganacsiyada gaarka ah, si ay abuuraan fursado shaqo, sidoo kale wuxuu soo jeedinayay inay xukuumaddu ka fududayso kharashyada laga rabo ganacsatada, una hawl yarayso kuwa doonaya inay suuqa soo galaan, ee  abuuraya shirkado cusub, iyadoo waliba la dhiirigalinayo koritaankooda. Waxay sidoo kale soo jeediyeen, sida loogu baahanyahay in la sameeyo habdhis sharciyeed oo leh Xeerar kala nidaamiya Ganacsiga iyo Suuqa (Legislative and Regulatory frameworks).


Hadaba aad buu u yaryahay horumarka laga sameeyay, arrimahaasi aynu sare ku xusnay ee la higsanayay, iyadoo imika lagu jiro labadii sannadood ee u dumbeeyay Qorshaha Horumarinta Qaranka. Doorashooyinkuna ay ku muddaysanyihiin 2017-ka. Xukuumadda hadda joogtaan ma hayso waqti ku filan oo ay kaga midho dhaliso, Siyaasaddii u qorshaysnayd, ka hor intaanu badalin Talis siyaasadeed oo cusub. Arrimahaasi hore, ee uu Qorshahan siyaasadeed mudnaanta koowaad siiyay, ayaa loo arkayay kuwii ugu saxsanaa ee dar-dargalin lahaa koritaanka Ganacsiyada Gaarka ah sida ay ciyaarta dhaqaale u socotona itijaaheeda wax ka badali lahaa (game changers). In tallaabo deg-deg ah la qaado, waxa kale oo dheer, oo ay warbixintani soo kordhinaysaa, waa iyadoo taabanaysa dhacdooyinka la filayo marxaladda uu jiro kala-guurka dhaqaale ee lagu sii odorosay Hiraalka 2030-ka. 

Baaxadda iyo Qaabdhismeedka Ganacsiga Gaarka loo leeyahay ee Somaliland

Saamiga ay Ganacsiyadu ee Waxsoosaarka Guud ee Gudaha; Muhiimadda joogtada ah ee gaacsiyada Gaarka ahi u leeyihiin dhaqaalaha, waxay aad uga muuqataa, markaad eegto saamiyada ay ku kala leeyihiin waxsoosaarka guud ee Dalka ( GDP). Walaw aanay ka jirin Somaliland, qaab-xogeed lagu kalsoonaan karo, hadana sida ay Wasaaradda Qorshaynta iyo xog-ururin uu Bangiga Addduunku iskii u sameeyay ay ku qiyaasayso, Waxsoosaarka Gudaha ee sannadkii 2012, waxay ku dhawdahay  $1.390 bilyan, marka laga reebo Deeqaha Caalamiga ah ee sida Rasmiga ah usoo gaadha (ODA). Waaxda ugu weyn waa Xoolaha nool oo waxsoosaarka Gudaha ku leh, 29.3%, Ganacsiga Jumladlaha iyo Tafaariiqduna waa (19.5%),  Dalaggu waa (8.2%), Dhulka (6.4%), Dhirta (5.4%), Isgaadhsiinta iyo Xogtabinta (2.2%), Dhismaha (3.7%), Cashuuraha iyo Kababka maaliyadeed  ee waxsoosaarku waxay gaadhayaan (6.7%) sannadki 2013. Waaxda Biyaha iyo tamartu waa ( 0.8% iyo 0.2%). Xogahaasi aad aragtay, waliba waa waaxaha loo arko inay caqabad ku yihiin in la horumariyo Ganacsiga Gaarka loo leeyahay 

Tirada iyo Baaxadda; Ganacsiyada Gaarka loo leeyahay ee kala duwan markaad adigoon kala qaad-qaadin, aad dusha kawada qiyaasto, waxaad arkaysaa inay ka koobanyahay Ganacsiyo Waawayn, kuwa dhex-dhexaada iyo Ganacsiga yar-yar. Waxa kamida shirkadaha Isgaadhsiinta ee waaweyn sida Telesom, Sometel, Africa online, Nation Link iyo Soltelco iyo Qaybta xawaaladaha oo ku dhaw 20 shirkadood, oo ay suuqooga hoggaaminayaan, Dahabshiil, Salaama Bank, Amal Express, Kaah Express iyo Qaran Express iyo Shirkadaha Ganacsiga ee hormoodka ah sida, Omaar Group. Walaw uu ganacsigu ka bilaabmay meel aad u hoosaysa, waa mid si xoog ah u koraya.  Walaw aanay jirin tiro qeexan oo la hayaa, sida muuqaalka guud ee sannadka 2012-ka ee ay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshaduhu soo bandhigtay muujinayo, waxaad arkaysaa inay Waaxda Gaarka loo leeyahay (Private Sector) ay si dhaqso u kordhay intii u dhaxaysay 2004-2010-kii.  Hawlaha ugu badani waxay ahaayeen Ganacsi (Shirkadaha Jumladlayaasha ah ee wax soo dajiya/dhoofiya), Dhismaha iyo tiro muhiim, balse aad u yar oo ah Shirkadaha adeeg-bixiyayaasha ah. Korodhka Ruqsadlayaasha waxaad ku arkaysaa Jaantuska 2.1.

Meheradaha oo dhami mabda' ahaan waxay u baahanyihiin inay helaan Ruqsad ama ogolaanshi Ganacsiyeed inay ka helaan Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha. Hasa ahaatee, markaad eegto sida jirta ee ay wax u socdaan, shirkadaha ka diiwaangashan Wasaaraddu aadbay u yaryihiin; si lamida tiro kooban ayaa shahaadadii shirkadnimo ka qaatay Xafiiska X/Ilaalinta Guud sida uu dhigaya Xeerka Shirkaduhu. Sidaa darteed, ma helaysid il-xogeed qudha oo matali karta Ganacsiyada jira. Xogta Guud ee koobsanaysa Tirada Guud ee ganacsiyada heerkay doonaanba ha kala lahaadaane, waxa laga helayaa Liiska Ruqsadaha ay Dawladaha Hoose bixiyaan. Meherad kasta oo meel ka daggan magaalo kasta waxay Dawladda Hoose ee magaaladaasi uga baahantahay Ruqsad (macnaheedu yahay in la oggolyahay goobta-ay deggantahay). Meheradaha ugu badan ee ruqsadaha la siiyayna waa Tafaariiqlayaasha. Kuwa kale ee liiskan soo raacaa, waa kuwa Dhismaha, Hoteelada, adeeg-bixiyayaasha. Xogta ku saabsan Ruqsadaha ay lixda magaalo ee ugu waaweyni bixiyaan waxaad ka helaysaa  shaxda 2.1.  















.....La soco 

No comments:

Post a Comment

TUSAALAHA GODKA (ALLEGORY OF CAVE)

R   TUSAALAHA GODKA(The Allegory of Cave)    S heekadani Godku waa tusaale uu keenay Plato oo ahaa Filasoof Giriig ah ( 514a–520a) ama qarni...