Thursday, August 31, 2017

10 ARRIMOOD OO UU MAANTOO KALE NABIGU (SCW) KULA DAR-DAARMAY UMMADDA ISLAAMKA.



Maalinta carafadu ma aha inay inoogu suntanaato soomka iyo shacaairta cibaado ee ay sameeyaan xujaajtu sannad walba, balse waa in la isxusuusiyo waxyaabii maalintani Carrafo la ina faray, een isla maalintaas ku koobnayn, ee ku saabsanaa maalmaha faraha badan ee nolasheenna kamidka ah. Farriintaasi oo ahayd dar-daarankii igi dambeeyay ee Nabigu inagaga tagay. Waa inay aynu dib-u-eegnaa nolosheenna guud iyo teena gaarka ahba, inagoo eegayna sida aynu qof ahaan iyo bulsho ahaan, iyo dawlad ahaanba u ajiibnay waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee la innagu dar-daaray
1. QUR'AANKU WAA SALDHIGA SHARCIYEED EE NOLOSHIINA HORREYSO IYO DAMBEYSABA:
Ku dhegsanaanta Quraanka, oo ah manhajka nololeed ee midaynaya ujeedada jiritaan ee bulshada. Waana miqyaaska ugu sareeya ee lagu miisaamayo habdhaqanka, danaha isdhaafsan iyo xidhiidhyada kala duwan ee ay ku dhisantahay bulshadu. Qur'aankuna waa kan midaynaya ruuxda, qalbiga, iyo dhaqanka xubnaha ay ka koobantahay bulshadu. Waana marjaca kama dambeysta ee la iskula noqonayo, markasta oo uu yimaaddo jaahwareer iyo ismaandhaaf aragtiyeed oo gilgili kara qaabdhismeedkii loo wada jiray. 
"وَقَدْ تَرَكْتُ فِيكُمْ مَا إِنِ اعْتَصَمْتُمْ بِهِ فَلَنْ تَضِلُّوا بَعْدِي أَبَدًا، كِتَابَ اللَّهِ وَسُنَّةَ نَبِيِّهِ"

2.MIDNIMADA IYO SINNAANTA UMADDA; Marka ay muslimiintu ku dhaqmaan Qur'aanka oo ah manhajka dhaqan iyo siyaasad ahaanba ka dhexeeya, shaki kuma jiro inay noqon doowaan ku aragti mideysan ka yeesha nolosha guud ahaan, oo aan ku kala qeybsamin kala duwanaanshahooda duleed, juqraafiyeed, iyo isireed. Waxaanu maalintaasi Rasuulku (SCW) inoo sheegay inay muslimiintu walaalo yihiin, karaamada ay isdheeryihiin ay tahay tan ay Ilaahay agtiisa ku kala leeyihiin, karaamadaasi ay tahay mid la kasbanayo oon ku xidhnayn dhalasho, midab iyo meeltoona.               

3. CADDAALADA OO LAGU DHAQMO; Waxa uu Nabigu inagu dar-daaray in aynaan isku xadgudbin, oo aanu qofna ula dhaqmin walaalkiis, si aanu isaguba jecleysan in loola dhaqmo "In aad dhiigiina daadisaan, ama aad si xaqdarro ah hantidiina ukala qaadaan, waa idinka xaaraam". Dhiigga oo ah noloshii iyo jiritaankii nafeed iyo jidheed ee qofka, iyo Hantida oo ah wixii ay noloshiisu ku tiirsanayd ayay shareecadu dammaanad qaadaysaa xurmayntooda. Hantida ayaa noqonaysa mid gaar loo leeyahay iyo mid ummada ka dhaxeysa ayaa la inaga reebnay in aynu si baadil ah u kala qaadno, oo ku salaysan khiyaano, boob iyo sadbursi. Hababkaasi weecsan ayaa inta badan dhacda in loo sameysto qiilal aan sal lahayn, magacyo been ah, iyo qaabab kale oo xeeladaysan amaba xilleysan.     

4.KA DIGTOONAANTA DAMBIYADA; Waa inay umadda islaamka ahi maanka ku hayso cadawga qudhaata ee ay leedahay, kaaso oon ahayn dadka kale een islaamka ahayn, sida ay qaar badan oo islaam ahi u haystaan, balse cadawgaasi waa Sheydaanka oo ka xun liibaanteena adduun iyo aakhiraba.  Waxaanu Rasuulku yidhi "Sheydaanku wuu quustaa marka uu arko dhulkiinan oo ay Cibaado ka jirto, laakiin wixii cibaadadaas dheer ee lagu raaco wey raaligaliyaan, xataa ha noqdo fal (dambiya) oo kamid falalka aan idinla cusleyn"                                                                                        
 "قَدْ يَئِسَ مِنْ أَنْ يُعْبَدَ بِأَرْضِكُمْ هَذِهِ أَبَدًا، وَلَكِنَّهُ إِنْ يُطَعْ فِيمَا سِوَى ذَلِكَ، فَقَدْ رَضِيَ بِهِ مِمَّا تَحْتَقِرُونَ مِنْ أَعْمَالِكُمْ، فَاحْذَرُوهُ عَلَى دِينِكُم"                                                                                                                              

5.DHAQAALEYSI XALAAL AH: waxauu nabigu (scw) maalintan carrabka ku adkeeyay, xaaraannimada Ribada (ka faa’ideysiga deynta saaran qofka”. Waxaanad arkaysaa maanta ribadii oo aynu ula baxnay magacyo badan oo lagu xaalaashanayo, iyo sawirro kale oo ay qaar inaga mid ahi u samaysteen, balse aan ujeeddo ahaan iyo habdhaqan ahaan markaad eegto, aad arkayso inay yihiin Ribadii oo shaadh kale loo xidhay. Ummada Ribadaasi ku kacdana, waa ummad u badheedhay inay dagaal la gasho Ilaahay. Dagaalkaasi oo aanay xaqiiqo ahaan, u-taag hayn.

6. IS GAADHSIINTA FARRIINTA WANAAGSAN; Waxa uu nabigu (SCW) ku cel-celiyay “ Ilaahaw markhaatibaad ka tahay in aan gaadhsiiyay(farriintaadii) “. Waxaanu sheegay in qofkastoo halkaasi taagnaa maalintaasi, uu xambaaro farriintaasi una gudbiyo qofka kale ee maqan". Waana in aanay iskugudbinta kheyrka go’in oo uu jiilba jiil u gudbiyo, meelina meelkale gaadhsiiso. Isgaadhsiinta kheyrku, waa mid ku imanaysa manhajka waxbarasho, iyo habdhaqanka bulsho een ku xidhnayn fac iyo casri gaar ah.
"فَلْيُبْلِغِ الشَّاهِدُ الْغَائِبَ، فَرُبَّ مُبَلَّغٍ أَوْعَى مِنْ سَامِعٍ"
"أَلا قَدْ بَلَّغْتُ، اللَّهُمَّ فَاشْهَدْ"

7. IN AAN DIINTA LA ISKU ADKAYN; 
Waxa dar-daarankaasi ku jiray in aan diinta laga dhigin, wax adag oo inyar oo kooban u xidhan, balse dadka loogu sheego sida ugu fudud ee ay u sameyn karaan waajibaadkooga diineed, Iyadoo qof walba loogu sheegayo, qaabka iyo hannaanka uu u fahmayo ee ay garashadiisu taagantahay. Diintu maaha falsafad iyo aragtiyo kakan oo loogu talogalay inay fahamto, akhrido, ku shaqeysato amaba ay maamuus ku raadsato koox gaar ahi, balse waa noloshii umadda oo dhan, Ilaahayna wuu u fududeeyay dadkiisa, oo kumuu addoonsan waxaanay garan karin amaba aanay samayn karin.

8. U HOGGAANSANAANTA MADAXDA
Waxa la faray ummadda islaamka ah inay lahaato nidaam nololeed, oo ku dhisan rabitaanka Ilaahay, Nidaamkaasina cidda ay ummaddu u xilsartay ilaalintiisa iyo Fulintiisana ayay tahay inay xubnaheedu u hoggaansamaan amarradiisa iyo waajibaadka guud ee uu ku qaybiyo inay kasoo baxaan. Haddii aan la xaqdhawrin, oon lala shaqeyn cidda awoodda-la siiyay waxa dhaceysa inay kala fur-furanto bulshado, isdhexyaacdo, oo ay waxba iska dhegaysan weydo,
"اسْمَعُوا وَأَطِيعُوا، وَإِنْ أُمِّرَ عَلَيْكُمْ عَبْدٌ حَبَشِيٌّ مَا أَقَامَ فِيكُمْ كِتَابَ اللَّهِ"

9. SARREYNTA SHARCIGA IYO U-SINNAANTIISA; 
Waxa dar-daaranka kamid ahayd in aan ku dhaqanka sharciga lagu raaligalin qof ama cid gaar ah, balse lagu wada raaligaliyo Ilaahay, oo ah awoodda dadka oo dhan kawada sarreysa een laga baxsan Karin. Nidaamka ismaamul ama dawladeed waa in aanu noqon mid ka adag inta taagta daran, ama ka war-wareega kuwa loo tuhmayo awood xileed, dhalasho, ama dhaqaale. Waayo, tani waxay keenaysaa inay bulshadu ka aamin baxdo nidaamkii guud, una aragto in uu u shaqeynayo in gaar ah, amaba uu ka leexday ujeeddooyinkii guud ee bulshada u wada adeegayay. Aragtidaasina waxay keentaa,in lagu dhaqaaqo sidii looga hor iman lahaa, loona bur-burin lahaa nidaamkaasi xukun ee kooxda gaarka ahi ku dheefayso.


"إِنَّمَا أَهْلَكَ الَّذِينَ قَبْلَكُمْ أَنَّهُمْ كَانُوا إِذَا سَرَقَ فِيهُمُ الشَّرِيفُ تَرَكُوهُ، وَإِذَا سَرَقَ فِيهُمُ الضَّعِيفُ أَقَامُوا عَلَيْهِ الْحَدَّ"

10. MAANKA OO LAGU HAYO AAKHIRO IYO QOFKOO DIB-U-EEGA HABDHAQNKIISA;
Ujeedada kama dambeysta ah ee ay umaddu u nooshahay, ama ay dawladdu u jirtaa maaha inay fududayso qaabka nololeed, u kala xaq-qaaddo dadka amaba ay ilaaliso wada noolaashahooga oo keliya, balse waa inay sidoo kale hagaajiso aakhiradooda. Looma baahna in la abuuro bulsho ka baqata Awoodda fulineed ee Nidaamku leeyahay sida Bileyska, Maxkamadaha iyo Jeelasha, waxase la rabaa in la helo bulsho u baqata aakhiradeeda. Waa in uu qof kastaba u gutaa waajibaadkiisa shaqsiga ah, ee naftiisa, ehelkiisa iyo bulshadaba ka saaran, isagoo naftiisa u meel dayaya, ogna inay ka dambeyso dhimasho aan laga celin Karin, iyo xisaab u gooniya oon cid uga gar-gaari Karin.


"إِنِّي مُمْسِكٌ بِحُجَزِكُمْ عَنِ النَّارِ، وتَقَاحِمُونَ فِيهَا تَقَاحُمَ الْفَرَاشِ وَالْجَنَادِبِ، وَيُوشِكُ أَنْ أُرِسَلَ حُجَزَكُمْ، وَأَنَا فَرَطٌ لَكُمْ عَلَى الْحَوْضِ، فَتَرِدُونَ عَلَيَّ مَعًا وَأَشْتَاتًا، فَأَعْرِفُكُمْ بِأَسْمَائِكُمْ وَبِسِيمَاكُمْ كَمَا يَعْرِفُ الرَّجُلُ الْغَرِيبَ مِنَ الإِبِلِ فِي إِبِلِهِ، فَيُذْهَبُ بِكُمْ ذَاتَ الشِّمَالِ، وَأُنَاشِدُ فِيكُمْ رَبَّ الْعَالَمِينَ، فَأَقُولُ: يَا رَبِّ، أُمَّتِي. فيقال: إِنَّكَ لا تَدْرِي مَا أَحْدَثُوا بَعْدَكَ، إِنَّهُمْ كَانُوا يَمْشُونَ الْقَهْقَرَى بَعْدَكَ. فَلا أَعْرِفَنَّ أَحَدَكُمْ يَأْتِي يَوْمَ الْقِيَامَةِ يَحْمِلُ شَاةً لَهَا ثُغَاءٌ يُنَادِي: يَا مُحَمَّدُ. فَأَقُولَ: لا أَمْلِكُ لَكَ مِنَ اللَّهِ شَيْئًا، قَدْ بَلَّغْتُ. ولا أَعْرِفَنَّ أَحَدَكُمْ يَأْتِي يَوْمَ الْقِيَامَةِ يَحْمِلُ بَعِيرًا لَهُ رُغَاءٌ يُنَادِي: يَا مُحَمَّدُ، يَا مُحَمَّدٌ. فَأَقُولُ: لا أَمْلِكُ لَكَ مِنَ اللَّهِ شَيْئًا، قَدْ بَلَّغْتُ".
By Muxamed Axmed Cabdi Bacaluul.

Monday, August 14, 2017

QARAARKA MAXKAMADDA DASTUURIGA; MA WUXUU AHAA NINKII ROONI AQALKA HA U HADHO? by Garyaq, Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul.




Garyaqaan Bacaluul. 
Qaabka uu u dhignaa Go'aankii ugu dambeeyay Maxkamadda Dastuurga ahaa, wuxuu u muuqday mid ku salaysan hab-dacwadeedka, oo aan shaqo ku lahayn nuxurkii khilaaf ee u dhexeeyay dhinacyada (merit). Waxay maxkamadu hareer iskaga weecisay ka garnaqista dacwaddii uu Talyanleh uu kaga codsanayay in dib-u-eegis garsoor (judicial review) loogu sameeyo go'aankii Golaha ee lagu doortay Guddoomiyaha cusub ee Golaha 6-dii bishan, Iyadoo Maxkamadu tilmaantay in aanay arrinta loosoo gudbiyay ahayn mid dastuuriya, balse ay la xidhiidho xeer hoosaadka G/wakiilada.  Sidaasi darteedna ayna u gudogali dooddeeda. Waxaanay kusoo gabo-gabaysay in arrintaasi dib loo gula noqdo Golaha, iyadoo loo eegayo xeer-hoosaadka Goluhu sida uu dhigayo. 

Maxkamaddu halkaasi kagamay hadhine, haddana waxaad arkaysaa iyadoo hab-dacwadeedkii ka gudubtay oo hoos ugu dhaadhacday nuxurkii khilaaf ee ay cabashadu ka taagnayd oo ahaa qaabkii uu, u dhacay fadhigii G/wakiiladu ee la isku qabtay natiijadii cod-bixintiisa.  Maxkamaddu waxay ku tillmaanatay fadhigaasi su'aashu ka taagnayd natiijadiisa, mid loo maray sidii xeer-hoosaadku dhigayay (procedural rules). Iyadoo waliba aamusnaantii xildhibaan Talyanleh saaxiibadiisa ka dhigatay inay caddayn u tahay inay wax waliba sidii loo baahnaa u socdeen, balse ay sheekadan danbe keeneen markii ay dhammaadeen ee la isla qaatay ciddii ku guulaysatay loollankii loogu jiray afhayeenka aqalka. Miyaanay taasi ahayn dooddii laga  filayay dhinaca kale?
 Maxkamaddu ma iyadaa la garnaqsatay Cabdiraxmaan Talyanleh? 
Sidee ayay Maxkamadu u qaraarisay nuxur khilaaf oo aanay dhinacyadii isku hayay horteeda kaga doodin? 
Haddayna Dastuuri ahayn arrintani gabi ahaanba, oo aanay dacwaddani ka furmi karin Maxkamadda, maxay haddaas ku keentay inay wixii ka dhacay Golaha 6-dii August, ku tilmaanto tallaabooyin waafaqsanaa xeer-hoosaadka aqalka? 
Miyaanay ahayn inay ku ekaato Dastuuri ma ahadaas?

Haddiiba ay ka hadashay dulucda arrinta (point of issue), may ahayn inay Maxkamadu ag mar-marto. Waxay ahayd inay si buuxda u go'aamiso wixii looga dheg-taagayay, oo ay si xeel-dheer u daristo waxa la isku hayo, oo kusoo biyo shubanayaysa su'aasha ah "Go'aanka golaha ee lagu caddeeyay musharraxa ku guulaystay guddoomiyannimada goluhu, ma yahay mid sharciya oon mad-madaw ku jirin misa maaha? " Jawaabta su'aashaasi, waxay ahaan lahayd mid la xidhiidha arjigii dib-u-eegista go'aan ee maxkamadda loosoo gudbistay. Waxaana soo bixi lahaa go'aan dastuuriya maadaama oo waxa laga garnaqayaa uu yahay xil kamida xilalka dastuuriga ah sidii lagu buuxin lahaa. Go'aankaasina wuxuu noqon lahaa mid ku salaysan nuxurkii khilaafka (Decision on merit). kaasi oo noqon lahaa sidan qodob midkood uun; 

  1.  inay ayiddoo natiijadii shirgudoonkii ku meelgaadhka ahaa ku dhawaaqay oo ay Baashe u aqoonsato guddoomiyaha Aqalka, deeddafaysana doodii dacwoodaha. 
  2. inay laasho natiijadii cod-bixinta, haddii ay ku qanacdo inuu mad-madaw ku jiro natiijada, oo la horkeeno caddaymo lagu kalsoonaan karo, Kadibna ay amarto in mar kale lagu celiyo codbixinta sida uu dhigayo xeer-hoosaadka aqalku marka uu mad-madaw galo tirada codbixinta (iyadoo waliba qaabka ka hufan qaabkii hore loo codaynayo).
Haddii aynu ka eegno dhinaca habraac eed mooddo inay Maxkamadu ka jawaabtay su'aasha ahayd 'Cabashada loosoo gudbiyay, ma tahay mid la dhageysan karo oo ku salaysan xaqiiqo iyo sharciba?' Waxay Maxkamadu kaga jawaabtay "ma aha", iyadoo ku salaysay inayna doodda loo soo gudbiyay aanay waafaqsanayn Qodobka 98(1) ee dastuurka. Maadaamo oo ay maxkamadani tahay, maxkamad fasiraadeed, waxa la gudboonnaa, inay asbaabteeda qaraar inoogu qeexdo, waxa ay tahay 'dacwad dastuuriya' ama shuruudaha laga rabo dacwad dastuuriya ee aanay buuxin cabashadani. Taasi oo aanay Maxkamadu samaynin.

Waxaanay fasiraaddaasi sharciyeed, ahaan lahayd mid buuxiso qebyada xeer la'aaneed ee dacwadaha Dastuuriga ahi haysata. Fasiraaddaasi ayaa cabashooyinka dambe dastuuriga ah amaba idaariga ah, u noqon lahayd hab-raac lagaga qiyaas qaato. Sidoo kalana waxaynu fahmi lahayn, sababta ay dacwaddan Talyanle u noqn weyday  mid dastuuriya, ee ay Dastuuri u noqotay, dacwaddii Baashe Faarax, ee uu kasoo baxay go'aankii (MS/GMS/G-7/282/2013) ee ay Maxkamadda Dastuuriga ahi ku hakisay magacaabista guddi-hoosaadyadii Aqalka? 

Muxuu yahay Faraqa labada dacwadood u dhexeeya, waayo labaduba waxay xidhiidh la lahaayeen Xeer-hoosaadka G/Wakiilada? Labaduba waxay khuseeyeen go'aanno uu lahaa Aqalku Wakiilladu ? 

Labadaasi arrimoodba waxay soo afjari lahaayeen khilafkii Golaha, waxay Maxkamadu noqon lahayd mid gudatay xilkeedii Dastuuriga ahaa oo aan ka baxsanin. Waayo Garsoorka waxaynu u samaysannay inuu noqdo bar-dhammaadka khilaafkasta oo lagala maarmi waayo xalk ka gaadhistiisa. Waana laga qurux badnaa inay Maxkamadu waji kale u yeesho khilaafkii soo gaadhay, iyadoo waliba aaminsan inuu khilaafkii wali taaganyahay marka ay soo jeedinayso inay mudanayaashu khilaafkooga ku dhammeystaan aqalkooda. Hadday ku dhammeysan karaan, maxaa keenay Maxkamadda? Haddayse ku dhammaysan kari waayaan, miyaannay ahayn kii roon Golaha ha usoo hadho marka ay labada qoloba, tiro ahaan isku dhigmaan, qolo walibana shirguddoon gaar ah wadato, oo aanu jirin mid la isla wada aqoonsanyahay, tiradooduna ayna waxba isdheerayn?

Haddii aad eegto asbaabta ay maxkamaddu u cuskatay qaraarka ee ay ku sheegtay "in aanay jirin cid durtay habkii loo raacay codaynta", Waa dhab oo may jirin codaynta ka hor iyo marka codoyntu socotayba wax buuq ah amma duris oo ka dhex dhacday Fadhigii Golaha, Xildhibaannadu si deggan ayay u fadhiyeen, wax walibana waxa uu udhacay si qurux badan, tar-tamayaashuna raalibay ka ahaayeen qaabkii loo guddoominayay fadhiga. Waana halka aad mar is odhan karto Maxkamadu markay leedahay fadhigu wuxuu dhacay si waafaqsan nidaamkiisii caadiga ahaa, wey saxsantahay. Balse markaad dhuuxdo doodda dacwoodaha, waxaad arkaysaa inuu leeyahay ismalaha cod-tirintii iyo natiijadii lagu dhawaaqay. Taasi oo noqon lahayd  mid uu ku saxsanyahay amma uu ku qaldanyahay haddii la siin lahaa fursad lagula darso, oo lagula eego wuxuu cuskaynayo.  Halkan se waxay Maxkamadu kaga hadlaysaa uun xilliga ay tabashadani timid inay tahay xilli ay xeedho iyo fandhaal kala dhaceen, oo ay markii hore ahayd inuu dacwdooduhu duro natiijada, taasi ood u fahmi kartid in la lagu leeyahay 'waxaad ku deg-degtay hambalysada'. Dooddaasi maxkamadeedna waa mid uun ka hadlaysa waqtiga ay cabashadu timid, ee maaha mid ka hadlaysa waxay cabashadu ka timid. 

Mana jiro qodob-sharci oo waqtiyaynaya saacadaha ay tahay in la duro amma laga cawdo go'aan sidan oo kale oo u dhacay.  Haddii aad wax qalad ismoodsiiso inuu saxyahay,(Mistake of Fact) hadhawto  xaq uma lihid inaad codsato dib-u-sixiddeeda? Sharciga wax loo samaysato in aanay cidina u qatalmin cid kale, oo si cad loogu maareeyo danaha iyo xidhiidhka dadka dhexmara. Ha noqdo xidhiidhkaasi mid bulsho, dhaqaale iyo siyaasadeedba. Sidaasi darteed ayaanay sax ahayn in lagu yidhaahdo "waa lagula gaadhaye iska qaado", balse wuxuu Sharcigu jidaynayaa in aanu qofna ku ladin wax uu si weecsan ku kasbaday (negative gain): ha noqoto adduun, kursi, magac iwm.

Maxkamaddu waxay qaraarkeeda ku sheegtay in aanay dacwaddani ahayn mid dastuuriya, sidaa darteedana aanay ka garnaqisteedu u bannaanayn. Dooddaasi oo aanan anigu qabin inay sax tahay (haddii waxa la isku hayaa uu yahay go'aankii golaha ee lagu iclaamiyay Shirgudoonka Cusub ee Golaha Wakiilada). Go'aankaasi oo ay tahay in sharci ahaan la aaminsanaado (Presumption to be valid) illaa inta ay caddaymo liddi ku ah lagu burinayo ansaxnimadaasi.  Waxaanay dacwaddani dastuuri ku tahay sababahan;
  1. Marka laga yimaaddo Qodob sharciyeed oo la isku hayo fasiraaddiisa, waxa sidoo kale noqon kara dacwad dastuuriya;
  2. Go'aan kasoo baxa gole dastuuriya oo la isku qabtay dastuurinnamadiisa, ama ansaxnimadiisa. Ku dhawaaqista Guddoomiyannimada Baashe Maxamed Faarax, waxay ahayd go'aan gole oo uu shirguddoonku ku dhawaaqey. Sidaa darteed dib-u-eegista Garsoor ee maxkamadda laga codsaday waa mid noqon dastuuri ahaan looga garnaqi karo;
  3. Go'aanka Dib-u-eegista garsoor la marinayona waa inuu noqdaa mid ay kasoo cabatay cid/hay'ad uu go'aankaasi saameeyay awood ama xaq uu lahaa. Cabdiraxmaan Talyanle xaqbuu u lahaa (locus standi) inuu dib-u-eegistaasi dalbado maadamao oo go'aankaasi saameeyay xaq siyaasadeed oo uu lahaa ;
  4. Doorashada Shirguddoonka G/wakiiladu waa arrin dastuuriya (Qod; 44/3 Dastuurka). Shirguddoonku waa ciddii ku hadlaysay awoodda Golaha ee meelwalba ku matalaysay magaca wakiilada. Waana arrin dastuuriya inuu Goluhu lahaado Shirguddoon uu isku raacsanyahay si uu, u ahaado Gole gudan kara waajibaadkiisa, Sidaa darteedna Xilka guddoomiyaha aqalku lama mid aha magacaabista Guddi-hoosaadyada aqalka, iwm;
  5. Cabashada Maxkamada loo soo gudbiyay maaha mooshin dib loo dhig-dhigi karo oo la mid ah arrimaha caadiga aha een xidhiidhka la lahayn mansabka shirguddoonka, amaba uu Guddoomiyuhu kala simanyahay xildhibaannada kale, Balse arrintani waa mid saamaynaysa dhismihii iyo wadajirkii golaha. Waayo waxa la isku hayaa, ciddii fadhiga soo socda guddoomin lahayd Golaha wakiilada. 
Waxa sidoo kale jirta dood sharciyeed oo gabi ahaanba kasoo horjeedda doorka garnaqiseed ee Maxkamadda Dastuuriga ku leedahay arrimaha kuwan oo kale ah ee Gole Dastuuriya uu isku qabto. Sharciyaqaannada aragtidaasi qaba ayaa ku doodaya inuu Golaha wakiiladu yahay aqal ismaamula oo ka madaxbaannaan Waaxda Garsoorka, arrimihiisana ay tahay inuu isagu dhammaysto isagoo u maraya xeer-hoosaadyadiisa. Waxayna qabaan in go'aan kasta oo garsoor oo la xidhiidha arimaha nidaam ee xeerdajinta, uu yahay farogalin Waaxeed.

Kala-madax-bannaanaanta Saddexda Waaxood (Separation of powers) ee dawladdu maaha aragti koox gaar ahi wadato, balse waa mabda' dastuuriya. Waxa se jira, garyaqaano marka ay hadlayaan, kala madax-bannaanta awoodaha, indhaha ka lalinaya, mabda'a kale isna ku lammaan ee 'isxisaabinta waaxaha qaranka' (Check and Balance). Waa run oo Maxkamada Dastuuriga ahi, ma farogalin karto arrimo waaxaha kale, haddii aanay iyagu buuqooga lasoo doonan. Marka se,  looga soo cawdo amaba ay iyagu soo kala cawdaan, waxa Maxkamadda ku waajiba inay ciddaas/hay'addaasi caddaaladda soo bidday u jawaabto.


 Khilaafkasta oo laba dhinac u dhexeeyaa, wuxuu ku dhammaan karaa, saddex qaab mid uun 1); iyadoo dhinacyada is-hayaa ay iskood uga heshiiyaan, 2) Iyadoo mid muquuniyo midka kale, oo dhinaca la muquuniyaa isdhiibista xal mooddo , 3) iyadoo dhinacyada is khilaafsani ay iskula tagaan dhinac saddexaad oo iyaga ka madax bannaan, kaasi oo laga filayo go'aan dhex-dhexaada. Markaas Garyaqaannada diiddan awoodda gar-qaadiseed ee Maxkamadu bal waa kaase ha sheegaan wajiga afraad ee uu ku dhamman karo khilaafka Aqalka Wakiilada ka aloosan iyo midkasta oo lamid ahiba, marka ay labada waji ee hore fashilmaan ee xal lagu gaadhi waayo?

Guntii iyo gobo-gabadii, khilaafyada dastuuriga ahi ama kuwa maamul (ee u dhexeeya dawlada iyo dawlada, ama dadka iyo dawladdu)  maaha wax la sharaysto, balse waxay tilmaamayaan koritaanka aragtida iyo Fahamka sharci ee bulshada. Waxaanay dhinac kale tusaale u yihiin, inaynu nahay bulsho siyaasadeed oo uu ku-dhaqanka sharcigu (rule of law) xaggooga ka jiro. Taasina suurto gali mayso, haddii aanu fikirka Maxkamadaheenu halkiisaasi ka korin, oo aanay ragga shaadirka madaw u qaatay ee miiska saarani, aanay ku dadaalin sidii ay u curin lahaayeen mabadi' sharci oo dhaafsiisan xalalka ku meelgaadhka ah ee galalka horyaalla. Waxaana yoolkaasi, ka midho dhalin kara, Garsoor dhiirran iyo sharciyqaano daah-furleh, oo si xeel dheer uga baaraandaga doodaha dastuuriga ah ee ka dhasha goldaloolooyinka sharciyeed ee jira. Markaas ayuu noqon karaa, dastuurka iyo nidaamka siyaasiga ahi mid kora, oo ina siiya faham ballaadhan oo ku saabsan xuquuqda iyo waajibaadka guud/gaarka ah ee nidaamka bulsho-siyaasadeed dimuqraadiya ku dhisanyahay. 

Sidoo kale, waxa loo baahanyahay in la sameeyo, xeerkii Maxkamadda Dastuuriga ahaa (Constitutional and Administrative Court Act), kaasi oo nidaamiya, hab-dacwadeedka la xidhiidha arrimaha maamul iyo kuwa dastuuriga ah, si ay  ilaalinta xuquuqda dastuuriga ah ee muwaadinku u noqoto waajib-sharciyeed oo dhaqangala,  oo hayadihii u xilka saarnaa lagala xisaabtami karo. Haddii xeerkaasi sidaasi usii maqnaadana, xuquuqda iyo xorriyaadka muwaadinku waxay ahaan doonaan, siday imikaba yihiin: khad-madaw oo ku xardhan baal cad.

(Updated 19th Aug, 2017)
 

 Garyaqaan Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul (waddi 12@gmail.com)




Lifaaq:



Qod 37-aad Xeer hoosaadka G/Wakiilada, Xeer Lr 1/2006.

TUSAALAHA GODKA (ALLEGORY OF CAVE)

R   TUSAALAHA GODKA(The Allegory of Cave)    S heekadani Godku waa tusaale uu keenay Plato oo ahaa Filasoof Giriig ah ( 514a–520a) ama qarni...