Dagaalyahan u dhashay Qoomiyada Samburo oo kasoo baxay goob cobixineed (Credit Cyril Vilemain/Agence France-Press-Getty images). |
Ninkan waa Dagaalyahan kasoo jeeda Qabiilka Samburu, Kiiniya (Samburu Warrior) oo kasoo baxaya goob codbixineed. Ma yaqaanno Dawladnimo iyo Direyskaba, manaa aqoonsana awooddeeda, wxuu se garanayaa awoodda reerkiisa iyo warankiisa. Waxa usoo baxay waa inuu u hiiliyo musharrax ay isku beelyihiin, amaba ay beelahoogu isgaashaan buureystaan. Waxa meesha keenay ma aha waajib wadaninimo, mana aaminsana inay codbixintu tahay xaq uu leeyahay, balse wuxuu gudanayaa waajib dhaqan oo ah inuu u hiiliyo, cidday tahay markasta inuu u hiiliyo, xataa codbixinta lafteeda waxa loogu sheegay inay tahay hiilka ugu weyn, mar hadduu ka rabo ninkii hiilkaasi ku lahaa'
Ma garan karo qaabka codkan loo maamulayo iyo sida loo kala xisaabsan doono (biometric technology), amaba inuu sawir-indheedkii, amaba raad-fareedkii laga qaaday uu yahay waxa lagu aqoonsanayo kan uu yahay, ee aanay ahayn warankiisa iyo garaadooyinkan uu ku jeeniqaaranyahay.
Haddii la yidhaahdo codkiibaa la boobey, ma fahmi karo waxa la boobey, sida loo boobey iyo halka laga boobay toona, wuxuu se garan karaa uun, kuwa lagu yidhaahdo "wey boobeen". Ma rabo inuu dhugto sheekada dheer ee warbaahinta ka socota, probagandaha la isdhaafsanayo, iyo kombiyuutarada dafirey xogtii loo dhiibtey, Wuxuu se sugayaa uun, in loo sheego waxa isaga iyo warankiisa looga baahanyahay, si uu kaalintiisa u muujiyo una guto xilkii dhaqan ee lagu soo ababiyay. Haddii la yidhaahdo "codkii waxa boobey kuwii lo'da iyo geela inaga boobi jirey", wuu yaqaannaa wuxuu sameyn doono.
Haddii adhiga, fardaha iyo geela laga boobo lasoo dhicin jirey, ama kuwa u dhigma lagasoo dhici jirey kuwii wax dhacay, maanta ma odhanayo, maxaan soo dhiciyaa oo ay inaga haystaan? Balse jawaabtiisu waa 'Ma kuwiibaa inaga hadhi la'
Kuwaasi' colaaddooda diyaarbuu u ahaa illaa maalintuu dhashay. Ma se garan karo waxay ka haystaan, ama isaga iyo kan ay isku da'da yihiin ee kuwa kale ahi, ay kala haystaan. Waxa qudha ee uu kuu sheegi karaa, waa wixii lagu yidhi, oo ah 'reer hebel inama ogola'. Haddii laga tagi waayana, waa haddii uu ku yidhaahdo 'awowgay iyo awawgood ayaa islaayay'. Waa wixii lagu yidhi, oo aanu caqli ku darin. Waa cuqdad iyo cillada abtirsiintiisa la socota oo sida aayadaha loogu mariyay. Waa cabsi, jaahwareer, iyo godob aanu garanyn cid uu ka galay, waxan uu la noolyahay ee maankiisa ku wareegaya.
Waa kan iyo kuwo lamida, codbixiyayaasha Doorashadu. Waa kuwan kuwa la leeyahay Dimuqraadiyadbey qeyb ka yihiin. Waana tirada la isku dhaafi doono ee la doonayo in lagu xukumo dal u baahan waxbarasho, caafimaad iyo dhaqaale isbixiya. Codbixiye aan waxba baran, muxuu ka yaqaana waxbarashada dhiman ee la doonayo in la tayeeyo, muxuu ka yaqaan shaqo la'aan, adeegxumo caafimaad iyo waxyaabaha tirada badan ee uu cashuurbixiyuhu la il daranyahay?.
Dumar kasoo jeeda beesha Turkana ee Kiiniya, oo codkooda dhiibanaya (Goran Tomasevic/Reuters) |
Muuqaalka Dagaalyahankan feedhaha qaawani, waxay u baahantahay fasiraad ka badan inta ku qoran faalladaydan kooban. Waana ta igu kalliftay in aan is weydiiyo. Su'aalo badan, oo ku saabsan waaqaca iyo wacyiga ku gadaaman nolosheena bulsho iyo siyaasadeedba. Anoo isweydiinaya, codbixyayaasha uu garaadkoogu taaganyahay "awawgaybaa igu yidhi" iyo khuraafaad hore oo laga soo gudbay, kuwaasi codkooga wax ma kaga badali karaan noloshooda iyo tan ubadkooga? Bal isweydii illaa inta aad arkaysay bulshadaada iyo siyaasigeega oo muraayad-haadda eegaya (rearview mirror)? Illaa iyo goorma ayaa laga hadli doonaa uun waxa lasoo maray, een laga hadlayn wax la mudan doono hadday siday yihiin, wax sii ahaadaan?
By Garyaq, Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul.
(waddi12@gmail.com)
By Garyaq, Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul.
(waddi12@gmail.com)
No comments:
Post a Comment