Saturday, August 11, 2018

GO'AANKA MADAXWEYNAHA EE DIB-U-SOO-CELINAYA MAAMULLIDA HANTIDA QARANKU WAA MID DIB-U-NOOLAYNAYA MILGIHII DAWLADNIMADA



Garyaqaan Bacaluul. 
Marka hore Waxa guul ah in Madaxweynuhu dib gacanta ugu soo celiyo Hantida Qaranka (Public Assets) oo ay Haamaha Shidaalku iyo Maamulka Guud ee Madaarku ugu muhiimsanayeen.

Haamahaasi waxay ahaayeen halku-dhaggii Ololaha Kulmiye Waqtigii ay talada doonayeen inay kala Wareegaan Xisbigii Udub. Manay ahayn ujeeddadu in shirkad Macaash-doon ah (profit-making) inta laga qaado, in lagu wareejiyo kuwo kale oo macaash doon ah. ama in loo kaliyeeyo (Monopolization) wax dadka ka dhexeeya in gaar ah.

Shirkadahan dikreetadu sheegtay, ayaanan run ahaantii arag meelay xafiisyo Rasmiya ku leeyihiin, iyo cid u shaqaysa toona (ghost companies). Ma wax haamaha iyo Madaarka loo samaystay uunbay ahaayeen? illeen cashuuro badan ayaabu qaranku hantidooda iyo adeegyadoodaba ku lahaan laahaaye.

Waa tan labaade, waxaan soo dhaweynaya Goldaloolada sharci ee Dikreetadu ku qirtay in aanu jirin Xeer Guud oo Nidaamiya Qaabka ay Dawladda iyo maalgaliyayaasha gaarka ahi ay Wax-u-wada yeelanayaan (Publi-Private Partnership Act). Waayo, xeerkani waa sharciga meesha ka saara in Dano is-khilaafsan laga dhex helo heshiisyada noocan ah (i,e; In Hantida Qaran lagu wareejiyo Cid gaar ah oo saami qarsoon, ama dano gaar ah lala leeyahay, sida in Masuuliyiinta wareejinaysaa, ay iyagu isku wareejiyaan hantida ummadda iyagoo shaadhkale soo xidhay), Taasi oo keenaysa in la isweydiiyo waxay dadweynuhu ka helayaan Shuraakadaasi ama gaar-u-bixintaasi (privatization).

Xeerkaasi waa asaasi waana kii qeexi lahaa qaabka adeeg/hanti umadeed loogu wareejinayo gooni-u-macaashayaal maalgashan kara, ama qaabka ay wax-u-wadaagi lahaayeen ummad-iyo hantiilay gaar ahi. Waa kii nidaamin lahaa, heerka adeeg ee tayo ahaan, tiro/xaddi ahaan, iyo qiimo ahaanba dadweynaha loogu adeegayo iyadoo adeeggaasi si gaar ahna looga faa'idaysanayo. Waxaanu asaasaa hay'ad rasmiya (Regulating Agency), isagaa nidaaminaya qaabka loola soconayo, korkana looga ilaalinayo si loo dhawro xuquuqda loo-adeegayaasha, isla markaana looga hortagi laaha ama loo maarayn lahaa caqabadkasta oo si lama filaana ah (risk management) uga hor timaadda ujeeddooyinkii guud iyo kuwii gaarka ahaa ee lagu heshiiyay.

Lamana arag dawlad masuuliyaddii iyo adeeggii xaqa loogu lahaa inta ay ku wareejiso dad gaar ah, haddana faraha ka qaadda, oo u kala baxda gooni-umacaashtadii iyo dadkii (adeeg-sugayaasha) uu xilku ka saarnaa.

By Garyaq. Maxamed Axmed Cabdi (Administrative Law lecturer)



Xigasho; Dikreetada Madexweynaha ka eeg halkan


Madaxweyne Muuse Biixi Oo Gacanta Dawladda Kusoo celiyay Maamulka Haamaha Berbera, Amniga & Baarkinka Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal.
Akhri Wareegto uu Madaxweynuhu soo saaray maanta oo u dhigan sidan;
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-178/082018, uu maanta ku shaaciyey in xukuumaddu La-wareegidda Hantida Dawladda ee Haamaha Berbera, Amniga iyo Baarkinka Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Markaan Arkay:                  Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markaan Arkay:                  Qodobka 14aad xubintiisa 1aad iyo Qodobka 54aad xubintiisa 1aad ee Dastuurka;
Markaan Arkay:                 Qodobka 3aad (2) (kh), 32 (2) (g), iyo 33 (2) (b) ee            Xeerka Hay’adda Duulista Madaniga ah ee Xeer        Lr.70/2017;
Markaan Arkay:                 Qodobka 6aad ee Xeerka Takaalifta Amniga Madaarada                      ee Xeer Lr. 61/2013;
Markaan Garwaaqsaday:In daryeelka iyo ilaalinta hantida guud ay tahay             waajib saaran xukuumadda, hantidaas oo hadii loo baahdo lagu wareejin karo kali ah, si sharciga waafaqsan, sida ku cad qodobka 12aad ee Dastuurka            dalka;
Markaan Xaqiiqsaday:     Mihiimadda ay leedahay la soo noqoshada hantida dawladda, oo il-duuf sharci ku jiro habka loo wareejiyay, maadaama aanu jirin Xeerka Iskaashiga Dawladda iyo Ganacsiga Gaarka ah (PPP Act);
Markaan Arkay:                 Mihiimadda ay leedahay in dawladdu la soo noqoto hanti-ahaan iyo maamul ahaanba Haamaha Shidaalka Berbera,  Adeegga Amniga Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal, iyo Baarkinka Madaarka Cigaal, sababo amni iyo dhaqaale awgeed;
Markaan Xaqiiqsaday:     In sii wadidda heshiisyadii lagu wareejiyey adeegyada bulshada ee ay xukuumaddu ka masuulka ahayd aanay ku jirin danta guud ee qaranka, isla markaana ay ka hor imanayso waajibka xukuumadda ka saaran ilaalinta hantida Qaranka iyo uga faa’iidaynta dant guud;
Markaan Helay:              Talo soo jeedinta guddida dhaqaalaha iyo horumarinta ee Heer Qaran iyo talo bixintii sharci ee heshiisyadii dhex-maray Xukuumadda iyo Shirkadahah BOG, SRM iyo EPASS;
Waxaan Go’aamiyey;
·         In la buriyay heshiisyadii lagu wareejiyay adeegyada: Haamaha Shidaalka (BOG), Adeegga Amniga Madaarada (SRM), iyo Adeega Baarkinka Madaarka Cigaal (EPASS).
·         In xukuumaddu ay gabi ahaanba ula soo noqotay si sharciga waafaqsan maamulkii, gacan-ku-hayntii, Adeegii iyo Qalabkii Haamaha shidaalka ee Berbera, Amniga Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal, iyo Adeegga Baarkinka Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal ee ay hayeen shirkadaha kala ah; BOG, SRM iyo EPASS.
·         In Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha Iyo Dalxiiska, Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka iyo Hay’adda Duulista Hawadu ay keenaan qiimaynta dhabta ah ee dhaqaalaha ay Shirkadaha BOG, SRM iyo EPASS ku maalgaliyeen Haamaha Shidaalka Berbera, Amniga Madaarkada Caalamiga ah ee Cigaal iyo Baarkinka Madaarka, soona xaqiijiyaan dhaqaalaha ay ka heleen.
·         In Wasaaradaha iyo Hay’adaha ay khusaysaa ka gutaan waajibkooda sharci ee fulinta qodobbadan kor ku xusan.
·         In Shaqaalihii ka hawl-galayey adeegyadani ay shaqadooda u sii wadanayaan si caadi ah.

Allaa Mahad Leh
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalil




No comments:

Post a Comment

TUSAALAHA GODKA (ALLEGORY OF CAVE)

R   TUSAALAHA GODKA(The Allegory of Cave)    S heekadani Godku waa tusaale uu keenay Plato oo ahaa Filasoof Giriig ah ( 514a–520a) ama qarni...