Sunday, March 10, 2024

GARSOORKA IYO XEERARKA SHARCI AHAANSHAHOODU LA ISKU KHILAAFO

 

Marka aad eegto Maxkamada Dastuuriga ah Qaraaradeeda ku saabsan xeerarka la isku qabto, waxa ay u muuqataa in la iska aqbalay in uu garsoorku ka dhigi karo xeerarka sida uu rabo ama uu cid gooniyaba la rabo. Mana aha markii u horeysay ee ay tani dhacdo, waxa jira xeerkii Nidaamka Garsoorka (xeer Lr. 24/2020) ee wax-ka-badalkiisu dhaqangalay in garsoorku iskood u diideen, Maxkamaduna ay qoraal soo saartay ay ku sheegtay in ay laashay Xeerkiiba gabi ahaan. Ku darsoo, ma ay jirin waliba dhinacyo dacwad dastuuri ka furtay oo cabasho xuquuqeed ka qabay xeeekaasi. 
   Waxa ay Maxkamadu sheegtay in uu xeer ahaanayo Xeerkii Nidaamkii Garsoorka 2013. Xeerkaasi hore oo uu laalay Wax-ka-badalkii ka dambeeyay ee xeerdajintu ku sameeysay 2020-kii ee dhaqangalkiisa madaxtooyadu saxeexday. Wax-ka-badalkaasi oo madaxbanaanta garsoorayaasha maxkamada sare xoojiyay oo ka dhigay qaar aan rabitaanka madaxweynaha oo kaliya aan xilkooga ku haysan.
   Waxa aad ogeyd Xeer Lr.14/2011 in ay isna qodobo kamida ay tidhi waxaan ku daray "doorasho toos ah". Taas oo noqonaysa in ay wax-ka-badal ku samaysay xeer aanay dooddiba ka taagnayn oo aan ka mid ahayn wixii loola tagay. Waxa la yaab ah in xeerkaas ay sheegtay in ay wax ku darayso uu markaasi nasakhnaa. Waxa nasakhay xeer Lr.14/2020 oo sidiisa ku dhaqangalay markii uu dhameystay 21-kii maalmood ee uu Dastuurku M/weynaha siiyay.
    Haddana mar kale  waxa ay Maxkamadu farafaraysay qodobo ka mid ah wax-ka-badalkii u dambreyay ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka, xeer Lr. 91/2023, oo ày sheegatay in ay wax ka badashay sidii ay u dhignaayeen ee ay xeerdajintu ku ansixisay. Waxa aanay ku sheegtay qaraarkeeda MSD/DDL/01/2024 in ay ka saartay waxa ay ugu yeedhay "boqolley" oo nuxur ahaan ay doodo kale ka dhalanayaan
   Tani kaliya ma macno tirayso mabda'ii dastuuriga ahaa ee kala qeybsanaanta awoodaha qaranka (Separation of Powers), bal se waa mid halisteeda leh haddii ay sidaa usii socoto. Jiri maayo Sharci sidii uu ahaa loogu soo hagaagi doonaa ama la isku hallayn karaa. Ujeeddadii Xeerdajinta laga lahaa ee ahayd in dadku yeesho nidaam sharciyeed la isla garan karo oo sida uu yahay loogu xisaabtami karaana (Predictibility principle), meesha ayay ka bixi doontaa. Waxaana xeer noqon doonta waxa ay hadba Maxkamadu xeer ku sheegto ee ay markaa is tidhaahdo ha noqdo qaraarkaagu.

     Haddii ay Maxkamaduhu isa siiyaan awood xeerdajineed, maxay keeni kartaa?
 
    Waxa iman doonta in ay sidan oo kale ay Maxkamadihu hadhaw xeerkarka wax uga badashaan si ay qofka waxa ay doonaan wax ugu xukumaan ama uga xukumaan, ama ugu xukumaan ciqaabta ay la doonaan ee aan ku sheegnayn xeerarka khuseeya. 
    Maxkamadda Dastuuriga ahi waxa ay awood u leedahay marka la isku hayo dastuurnimada xeerarka ee la iskula tago. (1) in ay laasho xeerkii ama qodobkii ay u aragto in uu ka hor imanayo Dastuurka. Tusaale ahaan sidii ay ka yeeshay faqraddii jideynaysay in uu baarlamaanku codkooga ku kala saaro Xisbiyada ama ururrada uu si walba codkoodu isku leekaado. Marka ay laashana, awood uma laha in ay keento ku kale oo ay leedahay ha lagu baddalo. (2) in ay ayiddo inuu dastuurka waafaqsanyahay nuxur ahaan iyo mabda' ahaanba oo ay sidiisaa xeerka ku dhaafto iyada oo aan isa siin karin awood ay qoraal kale ugu darto ama kaga reebto xeerka ay ka garnaqayso nuxurkiisa.
        Sidoo kale Maxkamada Dastuuriga awood u malaha in ay Xeerdajinta ku amarto in ay xeerka ka dhigaan hadba sida ay rabto. Sida aanay iyaguba u amri karin Garsoorka in ay u go'aamiyaan sida ay xeerdajin ahaan doorbidayaan. Maxkamada Dastuuriga ahina iyadu dastuurkii ma aha, awood ahaana kama madax bannaana u dabranaanta dastuurka. Qodobka 97(2) ee Dastuurka JSL waxa uu leeyahay

 "Waaxda Garsoorku waxay hawlaheeda u fulinaysaa si Dastuurka waafaqsan,  iyada oo ka madax-bannaan waaxyaha kale ee Qaranka".
      Hadaba Xilligan Siyaasiyiintu waxa ay Garsoorka ku haystaan arrimo kale oo sharciga ka baxsan. Dooddoodu waa— muxuu Garsoorku xeerarka (sidaa) uga dhigay oo ay (sidan) uga dhigi waayeen. Mid waliba waxa uu u socday in sida uu wax ku rabo looga dhigo. Se su'aasha muhiimka ahayd in la isweysiiyo waxa ay ahayd— horta Garsoorka ma ka dhigi karaan hab-qoraalka xeerka (text) si kale oo aan ahayn sidii uu ahaa? Garsoorku fasiraaddiisa: ma danaha dhinacyada ayuu u eegaa? misa waxa ay u eegaan in uu xeerku waafaqsanyahay dastuurka iyo in kale?

Sunday, March 3, 2024

SOMALILAND; MAXAA HADDA DHAN WALBA LA GUDBOON? By Garyaq. Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul

 

MAXAA HADDA DHAN WALBA LA GUDBOON?

--------------------------

Wuxuu ahaa Xeer kale oo la qoray, uma arko anigu waxani in uu ahaa wax-kabadal iyo kaabis la sameeyay. Xeer Lr 14, waxa lagu daray in kale oo leeg xeerkii hore, haddii aanay ka badnayn inta lagu daray intiisii hore. Markaas ayaa haddana Golaha Wakiiladu ka la orday in la galiyo dood iyo falanqayn iyaga oo hawsha intaas gudo galay. Isla fadhigii lagu soo jeediyay ayaa markiiba lagu ansixiyay iyada oo aan waxba la iska isweydiin wixii meesha la keenay.

   Haddana markii uu Golaha guurtidu ay ku soo celiyeen xeerarkaasi ee ay soo jeediyeen in wax-laga badalo waxyaabihii ay Golaha wakiiladu ku soo dareen in meelo ka mid ah wax laga badalo, si miyir ku jiro loolama eegin Guurtida. Si la mida sidii ay markii hore ay Wakiiladu u boobsiiyeen ayay sare jooga ku qaadaceen soo-jeedintii Golaha guurtida, kuna qoonsadeen Odayaasha in ay duuduub ku liqi waayeen wixii loo soo gudbiyay. 

Waxaan odhan lahaa qolooyinkii ka midka ahaa ururrada ee goor dambe ku baraarugay oo mooshinadaas la xeereeyay, imika xeerkaas Lr 14, ha u dirsadaan garyaqaano kasoo akhriya inta aanay haddana Maxkamadda dastuuriga go'aankeeda ku toosin. Hana u soo dhexgalaan wixii ay u arkaan in xuquuqdooda sigaasadeed xadgudub ku ah, iyaga oo isku duuban. Cabasho sharci oo rasmi ah oo loo dhageystana ha gudbistaan. Haddii kale saxaafadda uun ha ka ooyaan sidoodii.

 Golaha wakiilada iyaguna waxay xaq u leeyihiin in haddii ay dood ka qabaan asbaabta ay Madaxtooyada cuskatay iyo cabashada ururrada kasoo horjeedaba, waa in ay Maxkamadda ka hor difaacdaan go'aankooda, oo aanay sidoodii dadka warbaahinta ka jaahwareerin. Maxkamaduna fadhi ha u qabato la baahiyo oo lala wada socon karo, maadaamo oo ay arrintu tahay xaq siyaasadeed oo ay codbixiyayaashu gobollada dalka oo dhami ay yihiin daneeyaha ugu weyn ee ku codayn doona xeerarkaas.

   Waa intaas talada aan ku darsan lahaa sidii xal dastuuri noqda looga gaadhi lahaa khilaafyadan sharci ee soo noq-noqon jiray tan iyo markii uu hanaqaaday nidaam doorasheedka dalku. Looma baahna xal garsoor oo xummad jabin ah oo aan ku salaysnayn mabaadi'da dastuuriga ah ee inoo dhigan. Haddii kale sidan uun aynu isu dabawareegno xilli doorasheed kasta.

TUSAALAHA GODKA (ALLEGORY OF CAVE)

R   TUSAALAHA GODKA(The Allegory of Cave)    S heekadani Godku waa tusaale uu keenay Plato oo ahaa Filasoof Giriig ah ( 514a–520a) ama qarni...