1. mushqaayadaha saacadaha dheeriga ah ee uu shaqeeyo (overtime)
2. Habeen-dhaxyada (per diem)
3. Xaqal ciideedyada
4. Xaq sannadeedka
5. Qorshaha hawlgabeedka (retirement plan).
6. Caymisyada: caymiska caafimaadka ama daaweynta, caymiska ka shaqo la'aanta (haddii uu jiro).
7. Lacagaysashada Fasaxyada (paid off leaves): fasaxyada uu qofka ka doorto inuu shaqeeyo.
Waxaas oo dhan marka la isku daro, waa inay ka yaraadaan heerka mushaharka uu joogo maadaamo oo uu yahay salkooga ama halbeegga laga qiyaas qaato marka la jaangoynayo gunnooyinkaasi. Marka ay u badanyihiina ay waxa ay wadartoodu noqotaa kala badh mushaharka (50%). Boqolkiiba kontonkaas ay uga dhigmaan mushaharka, ayaa xuquuqahaasi ka baxsan mushaharkii loosii kala jajibayaa.
Qoraalkan waxaan u qoray, si aan u iftiimiyo arrimahan oo la isku murgiyo. Waxaan arkay loo-shaqeeyayaal badan oo marka ay dacwado la xidhiidho xuquuqo shaqo caadaystay xeelado ay ku dafiraan xuquuqahaasi. Waxa dhacda in ay mushaharkii asalka ahaa ee ay shaqaalaha si joogto ah ay u siin jireen in ay u xisaabiyaan in ay xuquuqahaas/mushqaayadahaasi. Kuwaas oo mushaharkii caadiga u kala jajabiya gunnooyin, kuna dooda in uu lacagahaasi bilkasta lasiin jiray qofka shaqaalaha ah, uu mushaharka ka ahaa wax u dhigma 10% ama wax aan dhaamin. Taasina ma aha wax maangal ah haddii xataa ay sidaa ku qoraan heshiiska shaqaaleynta, sababahan awgood:
1. Mushaharka (salary) haddii uu yahay asalka laga duulayo ee lagu jaangooyo kuwan kale, in uu ka bato mooyee sina uguma yaraan karo.
2. Xuquuqahani marka laga reebo kuwa sannadlaha ah oo u dhigma hal bil mushaharkeed, kuwa kale waa qaar aan joogto ahayn oo aan raaci karin mushaharka bil walba, sida xaqal ciidyada oo sannadkii laba jeer ah.
3. Mushqaayadaha qaar waa ikhtiyaari ah waxa ay hadbq ku xidhanyihiin shaqaalaha rabitaanka qofka shaqaalaha sida in uu saacado dheeriya maalmaha qaar shaqeeyo isaga oo danaynaya mushqaayadda dheeriga ah (over-time pay) ama in uu oggolaado in uu maalmaha fasaxyada qaranka shaqeysto si uu mushqaayad u helo oo uu ka maarmo nasashada. Rabitaanka qofkuna waa wax is bad-badali kara sharciguna uu oggolyahay. Sharci ahaana laguma qasbi karo sida in aanu qofku fasaxyadaasi qaran qaadan karin ama fasax sannadeedyadiisa qaadan karin (annual leave) inta uu meel hablaayo u shaqeynayo,
4. Haddii loo shaqeeyuhu ku doodo in fasaxyadii sannadlaha ahaa iyo saacadaha dheeriga ah mushqaayaddooda uu bilwalba wax ka mid ah u raaciyo mushaharka shaqaalaha, taasi waxa ay caddeynaysaa in uu loo shaqeeyuhu mabda' ahaan kasoo hor jeedo fasax-siinta shaqaalaha iyo xaddidnaanta saacadaha shaqada ee maalintii--- oo ay fasax la'aanta sannadka oo dhami iyo in la shaqeeyo waqti ka badan siddeeddii saacadood maalin walba ay ka mid tahay shuruudaha iyo siyaasadaha loogu shaqeeyo.
Markaa waa in aad fahamto sharci ahaan in uu qofku fasax sannadeedkiisa shaqeystaa ama uu saacado dheeri ah ku darsado intii asalka ahayd ee hawl maalmeedku jideeyay, in ay tahay arrin ikhtiyaari ah oo aan ahaan karin waajib joogto ah. Waana xaalado marar kooban (non-routine situations) dhaca oo lagala heshiin karo shaqaalaha sida mararka ay jiraan hawlo aan ku dhammeystirmin jadwal waqtiyeedkoogii.
Waxaanay baahanyihiin hawlahani dheeriga ahi (irregular work assignments) in laga heshiiyo oo loo maro foomam gaar ah oo ay wada saxeexdaan madaxa shaqaalaha ee goobtaasi shaqo iyo qofka shaqaalaha ah ee raallida ka ah in uu ku darsado shaqdiisa (specific arrangements and records) isla xilligaasi ay taaganyihiin. Waxa kaloo oo ay leeyihiin hawlahani dheeraadka ahi hab loo bixiyo mushqaayadahooga oo u gaar ah maadaamo oo aanu shaqaalaha oo dhami ka wada sinnaan karin (specific payment process/reciepts), kaas oo la tixraaci karo (documented).
Dokumtiyadaasi ayay tahay in ay Waaxda xafiiska shaqaalaha (human resource office) iyo xisaabaadkuba (admin and finance) in ay fayl garaystaan, shaqaalaha sidaa yeelana isna in nuqulkiisa la siiyo caddaynaya xuquuqihiisi mushqaayadeed in uu qaatay ama leeyahay. Taasi waxa ay meesha ka saaraysaa in hadhaw lagu murmo xuquuqahaasi in la bixin jiray iyo in kale.

No comments:
Post a Comment