Waxa aynu hore u soo arki jirnay hey'ad aan asaas sharci oo hore lahayn (legal entity) oo jiritaankeeda iyo madaxda loo magacaabo ay hal mar wareegto madaxeeyne ku soo wada baxaan. Kadibna iyaga lagu odhan jiray xeerka aad ku asaasmaysaan soo dhiraandhiriya mashruuciisa (is-soo-asaasa). Waxa aynu ka bilaabi jirnay halkii ay ku dhammaan lahayd (maqluub).
Marka ay xeerdajintu sharci ahaan u asaasayso hey'ad dawladeed, ujeedkoogu waxa weeyi in ay horta ka dooddaan hey'addaasi la hindisayo dabeecaddeeda maamul (nature), baahida qaran ee loo qabo, awoodaha iyo waajibaadka laga rabo in ay fuliso iyo miisaaniyadda (maaliyadda) looga qoondaynayo kiishadda qaranka ee la rabo in ay hawlaheedaas ku gudato.
Dhibta jirta waxa ay tahay Golaha Wakiilada ee leh awoodda dastuuriga ee curinta xeerarka, oo aan mawduucan faham ka haysan, amaba iyaga oo fahamsan ka badheedha ka gaabinta xilkoogan. Sababta uu dastuurku Golaha Wakiilada u siiyay awooddooda jaangoynta Miisaaniyadda Qaranka ama sharciyaynta qoondada ay hey'ad kasta oo dawladeed ku yeelan doonto khasnada qaranka (power of the purse) ayaa ah in ay isku eegaan dhaqaalaha la hayo iyo kala mudnaan-siinta jiritaanka haya'adaha dawladeed iyada oo loo eegayo baahida uu qaranku u qabo borogaraamada ay fulinayaan. Halka aynu aragno iyaga oo miisaaniyad (qoondo maaliyadeed) u sharciyeeya (ansixiya) hey'ad aanay jiritaankeeda marka hore sharciyaynin (ku asaasin xeer) oo aanay qeexin masuuliyadaheega iyo hawlaheeda.
Si taas la mida ahna waxa kale oo aad aragtaa Golaha Wakiilada oo ansixiya madax lasoo magaabay oo aanay hey'adda loo magacaabayaa aanay sharci ahaan u jirin (without legal entity). Taas macnaheedu waxa weeyi waxa ay iska ansixiyaan masuuliyiin aanay wax faham ah ka haysan waxa ay qaban doonaan iyo awoodahooga fulineed inta ay gaadhsiisanyihiin iyo sida ay awoodahaasi aan sharci ahaan u qeexnayni ay u saamayn karaan xuquuqaha sharci iyo danaha muwaadiniinta ay u adeegi doonaan.
Haddii ay xeerdajintu asaasidda la asaasayo hey'ad maamul oo cusub ay shuruud uga dhigi lahaayeen in aanat miisaaniyadda qaranka ku yeellan illaa iyo inta uu baarlamaanku ka doodayo baahida loo qabo barnaamijyada loo igmanayo. Taas,oo haddii ay u arkaan mid loo baahanyahay ay sharci ku asaasaan haddii ay kalana ay sidaa ku laalaan miisaaniyadda ay waaxda fulintu u soo jeediso in loo sharciyeeyo(defunding) iyaga oo u raraya qoondadaasi meelo kale oo ay u arkaan in baahi ahaan ka mudanyihiin. Runtii waa arrin dooddeeda iyo loollankaeeda ku dhexyeelan karta gole kala qeybsan, balse waa arrin muhimad u leh is-dheellitirka awoodaha qaranka iyo tashiilista ama si wanaagsan u qorshaynta dakhliga ummadda (public fund). Waxa ay keeni lahayd in yaraadaan komishanada iyo hey'adaha kale ee magac u yaalka ah (bloated bureaucracy) ee aan adeegyo la taaban karo u qaban cashuurbixiyayaasha.
Marka aan ku leeyahay waa in ay G/wakiiladu curiyaan xeerarkan macnahaygu ma aha waaxda fulintu ma soo unki karto hindisayaal sharci, balse way leeyihiin awooddaasi. Xeerarka se ay hey'adaha fulintu ama golaha xukuumaddu ay hindisayaashooda soo unkaan ma aha kuwa ay ku asaasmayaan bal se waa siyaasadaha ay ku shaqeyaan (Substantive administrative policies) sida xeerarka ay ku fulin doonaan hawlaha ay sharci ahaan u igmanyihiin.

No comments:
Post a Comment