Tuesday, July 9, 2024

Somaliland: Kulmiye Party Wants To Tell That It Is Not Over Yet! By:Garyaqan Mohamed Ahmed Abdi Ba’alul



Somaliland: Kulmiye Party Wants To Tell That It Is Not Over Yet!
By: Garyaqan Mohamed Ahmed Abdi Ba’alul
Previously published on Feberuary 11th, 2014.
It is not a long time since their deeds turned out to be different from their words. It was not even a political drama, where whips of the ruling and opposition parties were showcasing their controversial positions over the newly-introduced changes to road taxation. But, it was manipulative pretension designed to squeeze the government into a narrow corner, forcing it to extend its hand under the table. As Somalis say, you cannot do massaging with dry palms, so the government was too smart to read the signs without words. Sorting things out with the defying members, it succeeded in getting this tax-increasing bill to go through parliament.

    To see the shifting positions of the MPs, or hardline critics thumping up later to the government, is not a surprise to public, though it could be a political suicide to Wadani Party when its Mps found themselves melted in the lines of Kulmiye party. When there is no fundamental ideological division, and sense of conscience, political chameleons are common. That is why the spectrum colours of the representatives is bound to match the dominant paint of the background.

      Following that approval, the credibility of the representatives turned out nothing more than a fading perception. When their hot debate and critics on the increasing rate of road tax, proved to be a hollow drama.

     It is the dhameel time; when the Yes-of parliamentary members has a dollar value. It is what the noise and quarrel raging in the representative house is all about. I do not know whether Abdirahman Irro got jealous of the men who used to share the stage with him, or whether, putting the deputies in the audience floor is intended to be first maneuvers of his political experiment. If that is that, he made a big mistake, because only fools start the action at their homes.

     If the whole thing depends on changing the rules of the house, others can do it too. It is too early for Irro to celebrate. While Bashe and his friend want to tell the boss that game is not over yet, as defeated members are struggling to get in to their feet again. Nothing will satisfy them, till the badge is being stripped off from the chairman. In this regard, Kulmiye party should help their colleagues step up to the podium of the house.

    If you look the other side, Wadani Party has voiced their apprehension on the prospects of the game. Their big fish is struggling for his political life as the water level is getting down, when out-letting taps of the pool are switched to the hands of government-backed members. Responding to that threat, Mr. Buba, who thinks himself as one of the most active figures in the orange shirts, is now pleading to Silanyo. With soft tone, Mr Buba has chosen the right words to persuade Kulmiye’s Khomeini in to stopping the backfire of his party.His message was direct,as he singled out Hirsi as the source of the trouble.

    I am not sure whether Guurti got fed up with the noisy neighborhood, or afraid of being the victim of this epidemic. They did not show up when Irro was doing what he did to his assisting fellows. So they had better stay away from this pointless hassle, and let the other side finish what Irro had started. They should let the rules decide the results, instead of attempting to make compromises outside the formal system.

We, the people, have nothing to fear. Because we have nothing to do with the ongoing squabbles. No one is fighting for us or speaking about the problems we share as a society. With one voice, we should tell them to keep their troubles away from the streets.

By:Garyaqan Mohamed Ahmed Abdi Ba’alul

( waddi12@hotmail.com)

Monday, June 24, 2024

WAA MAXAY GARSOOREYNTA SIYAASADDU (JUDICIALIZATION OF POLITICS)?


  WAA MAXAY GARSOOREYNTA SIYAASADDU?

Ma maqashay habdhaqanka hoggaamineed ee loogu yeedho "Garsooreynta Siyaasadda (Judicialization of Politics)? 

Waa habdhaqan maamul oo taban (negative) oo beryahan dambe ku soo biiray saaxadda siyaasadda iyo arrimaha maamul ee la isku hayo. Waxa ay hoggaamiyayaasha fulintu—  madaxweynayaal ama Ra'isal-wasaarayaasha qaarkood ay u adeegsadaan Maxkamadaha arrimaha siyaasadeed ee ay rabaan in ay ka gabadaan go'aan-ka-gaadhistooda. Arrimahaasi siyaasadeed ayay doorbidaan in ay kala caraaraan in lagaga go'aan-qaato habka Aqlabiyadda ee bulshada lagu matalo (Majority rule). Meelahaasi oo ay ka midyihiin Golayaasha Siyaasadeed ee Xeerdajinta, Wasiirada ama ay kala maagaan in lasoo dhigo fagaare wadatashi oo ay qeyb ka yihiin bulshada ay kolba arrintaasi ay sida gaarka ah u saameyso danahooda tusaale ahaan, Xisbiyada Mucaaridka ama Ururrada Bulshada.

  Garsooreynta la garsooreeyo arrimo siyaasadeed oo u baahan go'aan-qaadasho fulineed ama xeerdajineed (executive/legislative decision-making), waxa ay hoos u dhigtaa milgihii iyo dhex-dhexaadnimadii laga filan lahaa Maxkamadaha. Waxaanu Garsoorku ku dhex milmaa doodaha siyaasadeed, iyada oo lagu dhaliilo in ay noqdeen shaambad loo adeegsado xalaalaynta hadba rabitaanka cidda leh awooda fulineed ee u dambaysa.

   Marka ay doorkan taban qaadato Maxkamaddu, waa hubaal in ay hilmaanto doorkeedii una dhurato sidii la-taliyayaal sharci oo ka tirsan hawl wadeennada Madaxtooyada. Go'aanadaasi kasoo baxay dhawr iyo tobanka garsoore (ee aan la dooran), ayuu hoggaanka fulintu hadhaw ka dhigtaa qiil sharci oo uu kaga horyimaaddo rabitaankii shacabka, kuna muquuniyo doodaha golayaasha siyaasadeed ee ay ahayd in ay dastuur ahaan shacabka ku matalaan hawlaha la xidhiidha siyaasadda.

   Sidaa darteed ayay Maxkamadaha Dastuuriga ahi ay inta badan si taxaddar ah iskaga eegaan arrimaha loola tago iyaga oo darsa doodaha ay salka ku hayaan. Haddii ay nuxurkooda ka dhex waayaan khilaaf fasiraadeed oo qodobo sharci toos ugu sal leh, waxa ay iskaga oodaan go'aan sharci (dismiss) oo faah-faahsan, iyaga oo ku sababeeya in ay arrintaasi tahay su'aal siyaasadeed (political question) oo aanay ahayn su'aal garsoor (not a judicial question).

  Inaga Somaaliland ahaan: imisa jeer ayaa la garsooreeyay arrimo siyaasadeed oo go'aan-qaadasho baahsan u baahnaa? Akhriste adiga ayaan kaa tagay su'aashaasi.

Sunday, March 10, 2024

GARSOORKA IYO XEERARKA SHARCI AHAANSHAHOODU LA ISKU KHILAAFO

 

Marka aad eegto Maxkamada Dastuuriga ah Qaraaradeeda ku saabsan xeerarka la isku qabto, waxa ay u muuqataa in la iska aqbalay in uu garsoorku ka dhigi karo xeerarka sida uu rabo ama uu cid gooniyaba la rabo. Mana aha markii u horeysay ee ay tani dhacdo, waxa jira xeerkii Nidaamka Garsoorka (xeer Lr. 24/2020) ee wax-ka-badalkiisu dhaqangalay in garsoorku iskood u diideen, Maxkamaduna ay qoraal soo saartay ay ku sheegtay in ay laashay Xeerkiiba gabi ahaan. Ku darsoo, ma ay jirin waliba dhinacyo dacwad dastuuri ka furtay oo cabasho xuquuqeed ka qabay xeeekaasi. 
   Waxa ay Maxkamadu sheegtay in uu xeer ahaanayo Xeerkii Nidaamkii Garsoorka 2013. Xeerkaasi hore oo uu laalay Wax-ka-badalkii ka dambeeyay ee xeerdajintu ku sameeysay 2020-kii ee dhaqangalkiisa madaxtooyadu saxeexday. Wax-ka-badalkaasi oo madaxbanaanta garsoorayaasha maxkamada sare xoojiyay oo ka dhigay qaar aan rabitaanka madaxweynaha oo kaliya aan xilkooga ku haysan.
   Waxa aad ogeyd Xeer Lr.14/2011 in ay isna qodobo kamida ay tidhi waxaan ku daray "doorasho toos ah". Taas oo noqonaysa in ay wax-ka-badal ku samaysay xeer aanay dooddiba ka taagnayn oo aan ka mid ahayn wixii loola tagay. Waxa la yaab ah in xeerkaas ay sheegtay in ay wax ku darayso uu markaasi nasakhnaa. Waxa nasakhay xeer Lr.14/2020 oo sidiisa ku dhaqangalay markii uu dhameystay 21-kii maalmood ee uu Dastuurku M/weynaha siiyay.
    Haddana mar kale  waxa ay Maxkamadu farafaraysay qodobo ka mid ah wax-ka-badalkii u dambreyay ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka, xeer Lr. 91/2023, oo ày sheegatay in ay wax ka badashay sidii ay u dhignaayeen ee ay xeerdajintu ku ansixisay. Waxa aanay ku sheegtay qaraarkeeda MSD/DDL/01/2024 in ay ka saartay waxa ay ugu yeedhay "boqolley" oo nuxur ahaan ay doodo kale ka dhalanayaan
   Tani kaliya ma macno tirayso mabda'ii dastuuriga ahaa ee kala qeybsanaanta awoodaha qaranka (Separation of Powers), bal se waa mid halisteeda leh haddii ay sidaa usii socoto. Jiri maayo Sharci sidii uu ahaa loogu soo hagaagi doonaa ama la isku hallayn karaa. Ujeeddadii Xeerdajinta laga lahaa ee ahayd in dadku yeesho nidaam sharciyeed la isla garan karo oo sida uu yahay loogu xisaabtami karaana (Predictibility principle), meesha ayay ka bixi doontaa. Waxaana xeer noqon doonta waxa ay hadba Maxkamadu xeer ku sheegto ee ay markaa is tidhaahdo ha noqdo qaraarkaagu.

     Haddii ay Maxkamaduhu isa siiyaan awood xeerdajineed, maxay keeni kartaa?
 
    Waxa iman doonta in ay sidan oo kale ay Maxkamadihu hadhaw xeerkarka wax uga badashaan si ay qofka waxa ay doonaan wax ugu xukumaan ama uga xukumaan, ama ugu xukumaan ciqaabta ay la doonaan ee aan ku sheegnayn xeerarka khuseeya. 
    Maxkamadda Dastuuriga ahi waxa ay awood u leedahay marka la isku hayo dastuurnimada xeerarka ee la iskula tago. (1) in ay laasho xeerkii ama qodobkii ay u aragto in uu ka hor imanayo Dastuurka. Tusaale ahaan sidii ay ka yeeshay faqraddii jideynaysay in uu baarlamaanku codkooga ku kala saaro Xisbiyada ama ururrada uu si walba codkoodu isku leekaado. Marka ay laashana, awood uma laha in ay keento ku kale oo ay leedahay ha lagu baddalo. (2) in ay ayiddo inuu dastuurka waafaqsanyahay nuxur ahaan iyo mabda' ahaanba oo ay sidiisaa xeerka ku dhaafto iyada oo aan isa siin karin awood ay qoraal kale ugu darto ama kaga reebto xeerka ay ka garnaqayso nuxurkiisa.
        Sidoo kale Maxkamada Dastuuriga awood u malaha in ay Xeerdajinta ku amarto in ay xeerka ka dhigaan hadba sida ay rabto. Sida aanay iyaguba u amri karin Garsoorka in ay u go'aamiyaan sida ay xeerdajin ahaan doorbidayaan. Maxkamada Dastuuriga ahina iyadu dastuurkii ma aha, awood ahaana kama madax bannaana u dabranaanta dastuurka. Qodobka 97(2) ee Dastuurka JSL waxa uu leeyahay

 "Waaxda Garsoorku waxay hawlaheeda u fulinaysaa si Dastuurka waafaqsan,  iyada oo ka madax-bannaan waaxyaha kale ee Qaranka".
      Hadaba Xilligan Siyaasiyiintu waxa ay Garsoorka ku haystaan arrimo kale oo sharciga ka baxsan. Dooddoodu waa— muxuu Garsoorku xeerarka (sidaa) uga dhigay oo ay (sidan) uga dhigi waayeen. Mid waliba waxa uu u socday in sida uu wax ku rabo looga dhigo. Se su'aasha muhiimka ahayd in la isweysiiyo waxa ay ahayd— horta Garsoorka ma ka dhigi karaan hab-qoraalka xeerka (text) si kale oo aan ahayn sidii uu ahaa? Garsoorku fasiraaddiisa: ma danaha dhinacyada ayuu u eegaa? misa waxa ay u eegaan in uu xeerku waafaqsanyahay dastuurka iyo in kale?

Sunday, March 3, 2024

SOMALILAND; MAXAA HADDA DHAN WALBA LA GUDBOON? By Garyaq. Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul

 

MAXAA HADDA DHAN WALBA LA GUDBOON?

--------------------------

Wuxuu ahaa Xeer kale oo la qoray, uma arko anigu waxani in uu ahaa wax-kabadal iyo kaabis la sameeyay. Xeer Lr 14, waxa lagu daray in kale oo leeg xeerkii hore, haddii aanay ka badnayn inta lagu daray intiisii hore. Markaas ayaa haddana Golaha Wakiiladu ka la orday in la galiyo dood iyo falanqayn iyaga oo hawsha intaas gudo galay. Isla fadhigii lagu soo jeediyay ayaa markiiba lagu ansixiyay iyada oo aan waxba la iska isweydiin wixii meesha la keenay.

   Haddana markii uu Golaha guurtidu ay ku soo celiyeen xeerarkaasi ee ay soo jeediyeen in wax-laga badalo waxyaabihii ay Golaha wakiiladu ku soo dareen in meelo ka mid ah wax laga badalo, si miyir ku jiro loolama eegin Guurtida. Si la mida sidii ay markii hore ay Wakiiladu u boobsiiyeen ayay sare jooga ku qaadaceen soo-jeedintii Golaha guurtida, kuna qoonsadeen Odayaasha in ay duuduub ku liqi waayeen wixii loo soo gudbiyay. 

Waxaan odhan lahaa qolooyinkii ka midka ahaa ururrada ee goor dambe ku baraarugay oo mooshinadaas la xeereeyay, imika xeerkaas Lr 14, ha u dirsadaan garyaqaano kasoo akhriya inta aanay haddana Maxkamadda dastuuriga go'aankeeda ku toosin. Hana u soo dhexgalaan wixii ay u arkaan in xuquuqdooda sigaasadeed xadgudub ku ah, iyaga oo isku duuban. Cabasho sharci oo rasmi ah oo loo dhageystana ha gudbistaan. Haddii kale saxaafadda uun ha ka ooyaan sidoodii.

 Golaha wakiilada iyaguna waxay xaq u leeyihiin in haddii ay dood ka qabaan asbaabta ay Madaxtooyada cuskatay iyo cabashada ururrada kasoo horjeedaba, waa in ay Maxkamadda ka hor difaacdaan go'aankooda, oo aanay sidoodii dadka warbaahinta ka jaahwareerin. Maxkamaduna fadhi ha u qabato la baahiyo oo lala wada socon karo, maadaamo oo ay arrintu tahay xaq siyaasadeed oo ay codbixiyayaashu gobollada dalka oo dhami ay yihiin daneeyaha ugu weyn ee ku codayn doona xeerarkaas.

   Waa intaas talada aan ku darsan lahaa sidii xal dastuuri noqda looga gaadhi lahaa khilaafyadan sharci ee soo noq-noqon jiray tan iyo markii uu hanaqaaday nidaam doorasheedka dalku. Looma baahna xal garsoor oo xummad jabin ah oo aan ku salaysnayn mabaadi'da dastuuriga ah ee inoo dhigan. Haddii kale sidan uun aynu isu dabawareegno xilli doorasheed kasta.

Thursday, February 29, 2024

SOMALILAND: EPISTEMOLAJIGA & SHARCIGA (Legal Epistemology). By Garyaq. Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul.

EPISTEMOLAJIGA & SHARCIGA (Legal Epistemology). 

Aragtida qeexda waxa uu yahay Ogaalku, waxa afka qalaad lagu yidhaahdaa Ipistamoolaji "Epistemology". Aragtidu waxa ay ku leedahay qofku waxa uu sheeganayo inuu ogyahay, ma oga haddii aanu kuu sheegi karin siyaabaha uu ku ogaaday. Siyaabahaasi oo aan ahayn— malayn, faal, mucjisooyin iyo manaam, bal se ah qaar maangal ah oo uu qofka caadiga ahi wax ku ogaan karo ama ku qanci karo. Waxa ay Ipistamoolajiyadu kala saartaa waxyaabaha la iska aamino (belief) ee aan la ogaan iyo waxyaabaha uu qofku ogyahay (yaqiinsaday) ee aanu xaqiiqadooda shaki ka qabin (justified knowledge). 

    Sharciga waxa ku jirta qeyb loo yaqaan Ogaal Sharciyeed (Legal epistimology). Waxa ay ka hadashaa qaabka uu Garsoorku uu xukunkiisa ugu sheego waxa uu ogaaday, tusaale ahaan in uu eedaysane (D) yahay dambilaawe ama dambiile. Waligaa ha moodin in uu wax kasta oo uu garsoore xukunkiisa ku sheego oo uu leeyahay; waxa ay maxkamadu ogaatay ama isku qancisay— in ay (X) tahay (Y), in ay sheegistaasi oo kaliya ay ku noqonayso xaqiiqo jirta, haddii aanu xukunkiisa ku faah-faahin sida uu wax ku ogaaday-- sida uu, u qiimeeyay caddaymaha iyo dooddii dhinacyada iyo waxa uga soo baxay. Sababaha sharci ee caddaymaha qaarkood u tixgaliyay, qaar kalana u diiday ama uu amri waayay in la caddeeyo xaqiiqo ka mida xaqiiqooyinka la isku hayo, iwm.

   Haddii ay Maxkamadu (garsoore) ka hadli weydo sida ay wax u ogaatay, macnaheedu waa waxba ma oga. Xataa haddii ay aaminsantahay in ay ogtahay waxaan lala ogaan karin. Waxaana xukunkeedu loo qaadan karaa mid ay marka horaba iska sii aaminsanayd (prejudice) ama saameyno kale oo qarsoon ay ku riixeen, sidaana uu marwalba xukunkeedu ahaan lahaa dhegeysi iyo dhegaysi la'aanba. Waana sababta garsooraha wax dhegeysanaya loo yidhaa waa Xaqiiqo-raadiye (the fact-finder) raadinaya xaqiiqo aanu hore u ogayn. Si uu xilkaas u gutana waxa uu sharcigu siiyaa awoodo badan oo uu wax ku ogaado (eeg; qodobada 40-aad illaa 60-aad iyo 118-aad ee Xeerka Habka Ciqaabta).


Friday, January 19, 2024

DADKAYGOOW YAAN NIN DAN LEHI IDINKU HARAWSAN DIINTA



     
DADKAYGOOW YAAN NIN DAN LEHI IDINKU HARAWSAN DIINTA
-----------------------------------
Waddaada ka shakisan Iskaashi ay Somaliland iyo Itoobiya wada yeeshaan waa dhawr kooxood. Wadaaddadii ka mid ahaan jiray X-itixaad, iyo kuwii beryihii dambe ka soo baxsaday oo aan u dhalan JSL, waxa ay si shaqsiya uga sii qadh-qadhayaan magaca Itoobiya. Waxaanay miciinsadeen in ay Umadda Itoobiya oo dhan ku xukumaan gaalnimo, oo ay abuuraan dareen bulsho oo ku lid ah dadkaa aynu jaarka nahay.

Qaarkoodna nimankaas waa qandaraaslayaal ku shaqeysta cumaamadaha carabta iyo af-carabiga. Waxa ay ku shaqeystaan xoogaaga sakooyinka ah ee ka yimaadda sheekhyadaas carabta iyo mashaariicda bilaa xisaabcelinta ee dhismayaasha masaajiddada iyo madsrsadaha is huwan (Mosque and Madrasa Construction Projects) ee lagasoo qaato. Kama hadlayo kuwa ay bulsheedeenu iska kaashato. Nimankaas oo barigii ay darta-darta bilaabayeen uu Madaxweyne Cigaal sagaashameedyadii u iftiimiyay bulshadeenna.
 
  Waxa jira qaar badan oo iyagu ardaydooda ah oo niyad wanaagsan. Yaryarkaas in cilmi ah iyo cuqdadba waa la baraa. Waxaanay huuhaada ay ku akhriyaan mucallimiintoodaas danleyda ahi ay u haystaan run. Kuwaasi iyagu eed malaha oo marka ay 40 jirsadaan ayay wax fahmaan oo ay usoo noqdaan bulshadooda oo ay qaadhaanka reerkooga oggolaadaan, dhaqankoogana ku xidhmaan, marka laga reebo in yar oo kooxahaas danleyda ah u dallacda mooyaane. Haddaba waxba yaan lala murmin innamadaas, hala daayo wixii cilmiya ha ka bartaan, wixii cuqdad ahna waaqaca iyo garaadkooga oo kobca ayaa ka saari doona.

  Waa in uu qofku si miyir ah isku weydiiyo haddii ay ummad badan oo islaam ahi, ay maamusho arrimahooga in yar oo diin kale haysataa, gabigoogaba ma gaalnimo ayaa lagu wada xukumayaa? Maxay se Kiristaanka Itoobiya kaga duwanyihiin kuwa Masar? Ma ka hadleen se wadaaddani iskaashiga dibloomaasiyadeed ee Sucuudigu beyahan danbe la yeeshay Yuhuudda Israa'il? Xalqad ama khudbad qudha ma ka haysaa oo ay nimankaasi ku durayaan Dhaxalsugaha Sucuudiga iyo Siyaasaddiisa Israa'iil u janjeedha?
 
  Dadkaygoow ha ku dhex ambanina weerarrada dibloomasiyadeed ee gudaheenna laga wado.

Monday, December 11, 2023

HANTI-MASKAXEEDKA IYO FANKA: FAHAMKA SHARCI EE XAQA HAL-ABUURKA IYO XUQUUQAHA KALE EE KA FARCAMA


 HANTI-MASKAXEEDKA IYO FANKA: FAHAMKA SHARCI EE XAQA HAL-ABUURKA IYO XUQUUQAHA KALEl

W/Q Garyaq. Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul.

Fannaanka luuqda lehi ma laha asalka heesta.Sharci ahaan cidda hal-abuurka leh midhaha ama erayada ayaa leh hanti-maskaxeedka koowaad (intellectual property right). Abwaanka leh asalka shayga, oo ah midhaha la macaaneeyay ee luuqda, laxanka iyo muusika lagu ladhay ayaa iska leh hal-abuurka heesta iyo dheefta ugu badan, xaqna u leh cidda uu wax ka siinayo munaafacaadsigeega. 

   Qolada kale ee macaaneeya erayadu waxay ku leeyihiin xuquuqo ka dheegma (derivative rights) lahaanshiyahaas asalka, sida qofka kireysta dhulku aanu u lahayn dhulka uu kireystay ayaanay kooxfani u yeelan karin heeska, se waxa ay ku leeyihiin xuquuqo lagu heshiiyay (contractual rights). 

  Waa se laga iibsan karaa abwaanka midhaha. Iibkaas oo meesha ka saari kara kiradii abwaanka uga u socon isticmaalka heeskiisa (royalties). Ku darsoo abwaanku isaga oo iibiyay hal-abuurkiisa, wali xaqa inu u leeyahay in magiciisa la xuso in uu lahaa hal-abuurista heeskiisa (citation). Waana inta ay hanti-maskaxeedku kaga duwantahay hantida muuqata. Qofka iibsaday ma sheegan karo hal-abuuristeeda, se waxa u gooni noqda xaqa dheefsigeeda, adeegsigeeda iyo tarminteeda. Waxa kale oo uu iibsadhani xaq u yeeshaa sii-iibinteeda haddii aanay taasi ka hor-imanayn heshiiskii isaga iyo abwaanka u dhaxeeyay.

   Sida loo wadaagayo dheefta heestuna waa heshiis ay ka gorgortami karaan abwaanka iyo kooxaha dambe illaa istudiyaha farsamadu. Waxa inta badan lagu heshiiyaa hab boqolley ah in loo qeybsado dheefta soo baxda marka la bixiyo wixii kharashaad ah ee ku baxa soo-saaristeeda. 

   Waagii hore ma ay jirin shirkadahan adeegsada tiknoolajiydan internetku ee otomatika u tiriya isticmaalka muusikada. Halkooda waxa ku jiray shirkado kale oo farsamo qalimeed adeegsada (Manual system) oo khidmad ka qaata adeega ay u qabtaan hal-abuurayaasha. Waxa ay si joogta ah ula socon jireen heesaha la baahiyay. Waxa ay goobjoogayaal ku lahaayeen oo ay la socon jireen barnaamijyada lagu qabto goobaha lagu xafladeeyo, oo isticmaalka heesta khidmadeeda lagu jaangoynayo tirada dhageystayaasha la martiqaaday. Waxa ay shirkaddu ku dhex lahayd goobjoogayaal xarumaha laga baahiyo idaacadaha maqal iyo muuqaalka leh oo iyagana la socon jireen baahintooda si looga qaado khidmada heesaha ay baahiyaan.

  Ka dib ayay shirkadahaasi ay si todobaadle ah u  soo saaraan heesaha la isticmaalay iyo wadarta waqtiyada ay mid waliba baxday. In badan ayaa laga yaabaa in aad ka daawatay Tv-yada caalamiga ee madadaallada oo sheegaya heesihii ugu daawashada badnaa todobaadka (top 20 or 50 songs of the week). Halka ay xogtani ka timaaddo waa shirkadahaa aan ku soo sheegay. 

  Qeybtaas hore waxa aan kaga hadlay marka uu fanka muusikada uu ka dhex jiro suuq furan oo karti iyo tartan lagaga macaashayo. Inta badan dalalka ay taasi ka jirtaa, xeerarkoodu waxay hantiilahan iyo dhaxlayaashiisa xaq u siiyaan in uu ka macaasho wax-soosaarkiisa muddo 70 sannadood oo ka bilaabanta marka hantidaasi la shaaciyo. Muddadaasna waxa sharci ahaan reeban in lasii tarmiyo (copyright limitation) iyada oo aan la weydiisan cidda hal-abuurkaasi iska leh. Wixii ka dambeeyana si rasmi ah ayaa loo fasaxaa, oo hantidaasi waxay noqotaa mid aan lacag ku joogin oo ay dadaweynuhu u simanyihiin (Public Domain). 

Taasi kama ay hirgalin Soomaalida, oo waxa uu hal-abuurkani waji kale yeeshay markii uu nidaamkii bulsho iyo siyaasadeed isu badalay hanti-wadaaga (socialism). Fanka muusikada ee Soomaalidu muu sii ahaan hanti maskaxeed gaar loo lahaado intii kacaanku talinayay. Wuxuu ka mid noqday hantiyihii loo hor qarameeyay. Waxaana iska yeeshay Dawladda, gaar ahaan hay'addihii u qaabilsanaa Warbaahinta iyo Hidaha iyo Fanka, iwm. 

     Tiyaataradu iyo guryaha dadka ay deganaayeen  dadka shaqeeya fanku iyo goobaha ay ku shaqeeyaan waxay ahaayeen hanti guud ama dawladeed. Halka ay dadka fanka ka shaqeeyaana ha ahaado abwaan, muusikeyste, laxan allife, matalaad sameeye, luuqeeye ay intuba ahaayeen shaqaale dawladeed oo mushahar iyo hoyba ka hela dawladda, haddii ay kooxo ahaayeen iyo haddii ay kali-kali ahaayeena.

  Markii uu nidaamkassi meesha ka baxay sagaashamaadkii, waxa ku yimid fanlaydii jaahwareer cusub iyo bililiqo dhan walba leh oo illaa imika ku socda hal-abuurkii iyo dadaal maskaxeedkoogii. 

   Waxaanay fanleydaas hore waajaheen duruufo bulsho iyo dhaqaale oo adag, iyada oo ay budhcad-faneedkaasi kala duwan ay biliqadaasi hantiyeed ka faa'idayaan hadh iyo habeenba. Waxaad arkaysaa kooxo leh bogagga interneetka ee you-tubes-ka oo sheeganaya xaqa baahinta, kana macaashaya heeso aanay hal-abuurkooda lahayn iyo Telefishano iyaguna baahinaya heeso hore loo qaaday oo ay ku luuqeynayaan fannaaniin dambe. Kuwaas oo iyaguna ka macaasha heesahaasi hore. Iyada oo ay u badantahay in aanay weydiisan ciddii hore u lahayd hal-abuurkooda (abwaankii iyo laxamaystihii) iyo kooxihii kale ee xuquuqda ku lahaa (fannaaniintii ku luuqeeyay, iyo muusiglaydii) ama cidda ay ka tageen ee dhaxalkooda leh.

 Kaliya waxa laga sheekeeyaa bililiqada ay nidaam la'aantu ay ku keentay hantid muuqata (corporeal property), se tan aan ka hadlayo oo illaa hadda socota cidi ma soo qaaddo.    Waxaana boobkani ka sii qeyb-qaatay tiknoolajiyadan casriga ah oo fududeysay baahinta, tarminta (copy right infringments) iyo wadaagistiisaba. 

    Waana ta keentay in ay dhibanayaashaasi ay heesahoogii ka baxaan guri kasta, gaadhi kasta, Tv kasta, you-tube-kasta  iyo moobilkasta, oo laga yaabo in aanay iibsan karinba kuwa iska leh hantidaasi lagu raaxaysanayo.

THE THREE DRIVERS. BY MOHANED AHMED ABDI BA'ALUL

  THE THREE DRIVERS ​The sun hung directly overhead, casting a harsh white glare across the compound. The air at the Central Station was th...