Posts

SOMALILAND: DOORKA WASAARADDU AY KU LEEDAHAY HIRGALINTA NIDAAMKA CADDAALADEED EE SHAQADA (SHAQAALAHA IYO LOO-SHAQEEYAHA)

Image
  DOORKA WASAARADDU AY KU LEEDAHAY HIRGALINTA NIDAAMKA CADDAALADEED EE SHAQADA (SHAQAALAHA IYO LOO-SHAQEEYAHA) Garyaqaan Maxamed Axmed Cabdi Bacaluu l Xeerka Shaqaaluhu wuxuu jideeyaa xadka ugu sarreeya ee aan la dhafi karin. Waxa uu xaddiday ugu badnaan inta saacadood ee ay tahay in qofku si joogto ah u shaqeeyo maalintii. Sida loo xisaabinayo saacadaha shaqada iyo mushaharka. Cidda u xilsaaran xaadirinta iyo diiwaan ku haynta saacadaha uu qofkastaa shaqeeyo. Xeerku wuxuu go'aaminayaa Fasaxyada sannadka, kuwa bukaanka, munaasibadaha qaranka, shilalka shaqada, iwm. Waxa uu xaddidaa saacadaha nasashada ee shaqada gudaheeda [nusasaacaha] iyo nasashada u dhaxaysa labadii maalmood ee shaqo; ee bilaabanta marka la rawaxo.       Waxa uu xeerku qeexayaa masuuliyado iyo waajibaad saddex geesood ah oo ay kala leeyihiin: (1) Wasaaradda (maamul ahaan), (2) Loo-shaqeeyaha , iyo (3)Shaqaalaha . Waxaan ay Siyaasadda Qaranka ee Shaqada iyo Shaqaaluhu ay taabogal noqonaysaa ma...

MIYAA LA WAAYAY XAL DHAAMA XABSIGEYNTA ARDEYGA? By Garyaq. Muxamed Axmed Cabdi Bacaluul

Image
Waxay ahayd Bishan oo kale labo sanno ka hor markii uu Guddomiyaha Maxkamadda Sare uu shirka jaraa’id ku difaacayay Xaqa uu Eedaysanuhu u leeyahay in Damaanad lagu sii daayo inta ay dacwaddiisu socoto. Waqtigaasi oo ay Maxkamaddu dammaanad ahaan ku sii deysay Masuuliyiin Dawladda u shaqeyn jiray oo xidhnaa, loona haystay Ku-tagrifal Hanti Qaran. Waxaanan xasuustaa waliba in X/ilaalinta Gobolku ka hadashay dammaanad ku sii deyntaasi kuna doodday in Xeerka ay ku eedaysnaayeen uu si cad u reebay dammaanad-siintooda. Maanta oo yar-yar loo haysto fal uu ka dhashay khasaare hantiyeed oo gaar ahi, iyada oo waalidkoodii la garanayo masuuliyaddooda waxbarasho iyo nololeed gacanta ku hayay miyaa loogu sii deyn laayahay dammaanad? Misa iyagaan Codsan wali? Xaqa Dammaaanadda miyaan loo sinneyn, misa intii la doonayo ayuunbaa la siiyaa? Sharcigu ha noqdo sida uu yahay, yuusan noqon sida la rabo. Arday loo haysto rabshadihii ka dhacay Dugsiga Sare ee Nuuradiin (Qeybta innamada) Go’aanka Eedaynta {Pr...

MAXAY TIGREEGU ISMAAMUL IYO QOOMIYAD AHAANBA DIIDDANYIHIIN ? Mohamed Ahmed Abdi Bacaluul.

Image
Taariikh ahaan, Tigraygu waxay Minelikii labaad kala qeyb-qaateen duulaannadii uu ku qabsaday Koonfurta iyo Galbeedka Eithiopia qarnigii 19-aad horraantiisii. Waxaanay intii ka dambaysay dhul-ballaadhsigaasi,  isku arkayeen kuwa laga maarmay oo Boqortooyadii Axmaaradu ee ay isku imbaraadooriyadda iyo diinta ahaayeen (Orthodox Christianity) aanay wax abaal ah u celin markii ay u guurtay Koonfurta. Waxaanay u arkeen Axmaaradii Showa kuwa isku koobay kheyraadkii iyo dhulalkii la qabsaday, isla markaana is-gaashaan buuraysi kale la samaystay dadyawgii reer miyiga ahaa ee ay qabsadeen.  Tigreyga—iyaga oo dhutinaya ayuu Dhergigu kusii joogsaday. Waxa uu Nidaamkii Hanti-wadaagga ee Dhergigu afgambiyay Boqortooyadii Haile Salase 1974-kii, una badalay hoggaamintii Itoobiya Nidaam Siyaasadeed Shuuciya oo ku dhisan hal-xisbi. Dhergiga laftiisu wuxu ahaa mid sii xoojiyay uun cududdii Militari iyo Siyaasadeed ee Axmaaradu lahayd. Waxaanu Nidaamkani ku shaqeynayay olole Shuuciyeed iyo Xa...

HANNAANKA GARSOOR EE LOOGA GO'AAN GAADHO DASTUURNIMADA XEERARKA (Constitutionality of Laws)?: Falanqayn Sharci oo Ku saabsan sida ay Maxkamadda Dastuurigu u laashay Xeerka Nidaamka Garsoorka (lr 24/2020)by Garyaqaan Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul

Image
Waxay Maxkamadi sideedaba go'aan kasoo saartaa waa Dacwad. Dacwad kastaana noocay doonto ha noqotee (ciqaab, madani, maamul amaba dastuuriba) waxa dacwadnimadeeda sal u ah inay lahaato  shuruudahan hoos ku xusan: 1.  Laba dhinac;  dacwoode iyo dacweysane, eed-ooge iyo eedaysane, rafcaanle iyo rafcaansane, loofuliye iyo lagu-fuliye. iwm. 2. Waa inuu jiraa Mawduuc ama Xaqiiqo la isku hayo  (Point of issue); mawduucaasi oo ah mid sharci ahaan iyo xaqiiqo ahaan laga garnaqi-karo (Justiciability ) oo la fahmi karo nidaamku lagu xaqiijin karo su'aashaasi jawaabteeda, isla markaana la garan karo waxa ay dhinacyadu kala doonayaan. 3.  Dhegeysi dhinac saddexaad  oo ka madax-bannaan dhinacyada is-haya iyo mawduuca la isku hayo, dhegeysigaasi oo ay shardi u tahay inuu Ka dhaco madal u furan dadweynaha iyo saxaafadda si loo arko in fursado isleeg la siiyay dhinacyadii is hayay iyo inkale.  4. Go'aan ka dambeeya   isku-dhegeysiga dhinacyada  is haya, go'...

EVERY AGE HAS ITS OWN HEROES by Advocate Mohamed Ahmed Abdi Ba'alul

Image
I think those who are repeating SNM for their political interest are doing nothing else but only revealing events just to personalize the whole episodes. They are making this rhetoric just to note certain names in bold fonts, or to tell they are the only heroes. We scratched this SNM card for Silanyo once, twice for Behi, can we do it thrice for Someone else? Brothers, life is ongoing process, or unending struggles and episodes. As a post-war generation, i am fed up to hear the playbacks of Bobe Yousuf Du'ale. We are tired off to hear his Qaho fairy tales, because you could not get a plot out of them, just settings and charecters (personal names). There are no principles nor wisdom behind them, he is just telling us that he there at that times. who is willing to hear the damn old days, when he has no idea what lays down the end of the road. We need SNM heroes, whether Bobe, or Behi, whether Mireh or another Mannehe to tell us that they are not just means of destruction...

GO'AANKA MADAXWEYNAHA EE DIB-U-SOO-CELINAYA MAAMULLIDA HANTIDA QARANKU WAA MID DIB-U-NOOLAYNAYA MILGIHII DAWLADNIMADA

Image
Garyaqaan Bacaluul.  Marka hore Waxa guul ah in Madaxweynuhu dib gacanta ugu soo celiyo Hantida Qaranka (Public Assets) oo ay Haamaha Shidaalku iyo Maamulka Guud ee Madaarku ugu muhiimsanayeen. Haamahaasi waxay ahaayeen halku-dhaggii Ololaha Kulmiye Waqtigii ay talada doonayeen inay kala Wareegaan Xisbigii Udub. Manay ahayn ujeeddadu in shirkad Macaash-doon ah (profit-making) inta laga qaado, in lagu wareejiyo kuwo kale oo macaash doon ah. ama in loo kaliyeeyo (Monopolization) wax dadka ka dhexeeya in gaar ah. Shirkadahan dikreetadu sheegtay, ayaanan run ahaantii arag meelay xafiisyo Rasmiya ku leeyihiin, iyo cid u shaqaysa toona (ghost companies). Ma wax haamaha iyo Madaarka loo samaystay uunbay ahaayeen? illeen cashuuro badan ayaabu qaranku hantidooda iyo adeegyadoodaba ku lahaan laahaaye. Waa tan labaade, waxaan soo dhaweynaya Goldaloolada sharci ee Dikreetadu ku qirtay in aanu jirin Xeer Guud oo Nidaamiya Qaabka ay Dawladda iyo maalgaliyayaasha gaarka ahi ay ...

Almost Dying for the Story: On Michael Scott Moore’s “The Desert and the Sea: 977 Days Captive on the Somali Pirate Coast” By Tristan McConnell

JULY 24, 2018 I MET A PIRATE once. It was the summer of 2009 in Somaliland, and I’d made the hot drive across a scrub of desert date, myrrh, and acacia trees to Mandheera, a no-stoplight town. A couple of miles off the road stood the most prominent building in the area and Farah Ismail Eid’s home — a whitewashed, colonial-era prison. Eid was something of a celebrity, being one of the only convicted Somali pirates who conceded his guilt and would agree to be interviewed. Later, at a prison in Berbera, one pirate declined my offer (“Fuck you,” he told me in surprisingly idiomatic English) while another simply spat at my feet before retreating into the sweaty dark of his cramped, shared cell. Back then, piracy off Somalia’s lawless coast was a big story that worked on a number of levels: it resonated broadly — thanks to Johnny Depp’s Hollywood adaptations of a theme park ride — had a direct impact on the global economy by disrupting one of the world’s busiest shipping lanes,...