Posts

GARSOORKA IYO XEERARKA SHARCI AHAANSHAHOODU LA ISKU KHILAAFO

Image
  Marka aad eegto Maxkamada Dastuuriga ah Qaraaradeeda ku saabsan xeerarka la isku qabto, waxa ay u muuqataa in la iska aqbalay in uu garsoorku ka dhigi karo xeerarka sida uu rabo ama uu cid gooniyaba la rabo. Mana aha markii u horeysay ee ay tani dhacdo, waxa jira xeerkii Nidaamka Garsoorka (xeer Lr. 24/2020) ee wax-ka-badalkiisu dhaqangalay in garsoorku iskood u diideen, Maxkamaduna ay qoraal soo saartay ay ku sheegtay in ay laashay Xeerkiiba gabi ahaan. Ku darsoo, ma ay jirin waliba dhinacyo dacwad dastuuri ka furtay oo cabasho xuquuqeed ka qabay xeeekaasi.     Waxa ay Maxkamadu sheegtay in uu xeer ahaanayo Xeerkii Nidaamkii Garsoorka 2013. Xeerkaasi hore oo uu laalay Wax-ka-badalkii ka dambeeyay ee xeerdajintu ku sameeysay 2020-kii ee dhaqangalkiisa madaxtooyadu saxeexday. Wax-ka-badalkaasi oo madaxbanaanta garsoorayaasha maxkamada sare xoojiyay oo ka dhigay qaar aan rabitaanka madaxweynaha oo kaliya aan xilkooga ku haysan.    Waxa aad ogeyd Xeer Lr.14/...

SOMALILAND; MAXAA HADDA DHAN WALBA LA GUDBOON? By Garyaq. Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul

Image
  MAXAA HADDA DHAN WALBA LA GUDBOON? -------------------------- Wuxuu ahaa Xeer kale oo la qoray, uma arko anigu waxani in uu ahaa wax-kabadal iyo kaabis la sameeyay. Xeer Lr 14, waxa lagu daray in kale oo leeg xeerkii hore, haddii aanay ka badnayn inta lagu daray intiisii hore. Markaas ayaa haddana Golaha Wakiiladu ka la orday in la galiyo dood iyo falanqayn iyaga oo hawsha intaas gudo galay. Isla fadhigii lagu soo jeediyay ayaa markiiba lagu ansixiyay iyada oo aan waxba la iska isweydiin wixii meesha la keenay.    Haddana markii uu Golaha guurtidu ay ku soo celiyeen xeerarkaasi ee ay soo jeediyeen in wax-laga badalo waxyaabihii ay Golaha wakiiladu ku soo dareen in meelo ka mid ah wax laga badalo, si miyir ku jiro loolama eegin Guurtida. Si la mida sidii ay markii hore ay Wakiiladu u boobsiiyeen ayay sare jooga ku qaadaceen soo-jeedintii Golaha guurtida, kuna qoonsadeen Odayaasha in ay duuduub ku liqi waayeen wixii loo soo gudbiyay.  Waxaan odhan lahaa qolooyinkii k...

SOMALILAND: EPISTEMOLAJIGA & SHARCIGA (Legal Epistemology). By Garyaq. Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul.

Image
EPISTEMOLAJIGA & SHARCIGA (Legal Epistemology).  Aragtida qeexda waxa uu yahay Ogaalku, waxa afka qalaad lagu yidhaahdaa Ipistamoolaji "Epistemology". Aragtidu waxa ay ku leedahay qofku waxa uu sheeganayo inuu ogyahay, ma oga haddii aanu kuu sheegi karin siyaabaha uu ku ogaaday. Siyaabahaasi oo aan ahayn— malayn, faal, mucjisooyin iyo manaam, bal se ah qaar maangal ah oo uu qofka caadiga ahi wax ku ogaan karo ama ku qanci karo. Waxa ay Ipistamoolajiyadu kala saartaa waxyaabaha la iska aamino (belief) ee aan la ogaan iyo waxyaabaha uu qofku ogyahay (yaqiinsaday) ee aanu xaqiiqadooda shaki ka qabin (justified knowledge).      Sharciga waxa ku jirta qeyb loo yaqaan Ogaal Sharciyeed (Legal epistimology). Waxa ay ka hadashaa qaabka uu Garsoorku uu xukunkiisa ugu sheego waxa uu ogaaday, tusaale ahaan in uu eedaysane (D) yahay dambilaawe ama dambiile. Waligaa ha moodin in uu wax kasta oo uu garsoore xukunkiisa ku sheego oo uu leeyahay; waxa ay maxkamadu ogaatay ama isku...

DADKAYGOOW YAAN NIN DAN LEHI IDINKU HARAWSAN DIINTA

Image
        DADKAYGOOW YAAN NIN DAN LEHI IDINKU HARAWSAN DIINTA ----------------------------------- Waddaada ka shakisan Iskaashi ay Somaliland iyo Itoobiya wada yeeshaan waa dhawr kooxood. Wadaaddadii ka mid ahaan jiray X-itixaad, iyo kuwii beryihii dambe ka soo baxsaday oo aan u dhalan JSL, waxa ay si shaqsiya uga sii qadh-qadhayaan magaca Itoobiya. Waxaanay miciinsadeen in ay Umadda Itoobiya oo dhan ku xukumaan gaalnimo, oo ay abuuraan dareen bulsho oo ku lid ah dadkaa aynu jaarka nahay. Qaarkoodna nimankaas waa qandaraaslayaal ku shaqeysta cumaamadaha carabta iyo af-carabiga. Waxa ay ku shaqeystaan xoogaaga sakooyinka ah ee ka yimaadda sheekhyadaas carabta iyo mashaariicda bilaa xisaabcelinta ee dhismayaasha masaajiddada iyo madsrsadaha is huwan (Mosque and Madrasa Construction Projects) ee lagasoo qaato. Kama hadlayo kuwa ay bulsheedeenu iska kaashato. Nimankaas oo barigii ay darta-darta bilaabayeen uu Madaxweyne Cigaal sagaashameedyadii u iftiimiyay bulshadeenna. ...

HANTI-MASKAXEEDKA IYO FANKA: FAHAMKA SHARCI EE XAQA HAL-ABUURKA IYO XUQUUQAHA KALE EE KA FARCAMA

Image
 HANTI-MASKAXEEDKA IYO FANKA: FAHAMKA SHARCI EE XAQA HAL-ABUURKA IYO XUQUUQAHA KALEl W/Q Garyaq. Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul. Fannaanka luuqda lehi ma laha asalka heesta.Sharci ahaan cidda hal-abuurka leh midhaha ama erayada ayaa leh hanti-maskaxeedka koowaad (intellectual property right). Abwaanka leh asalka shayga, oo ah midhaha la macaaneeyay ee luuqda, laxanka iyo muusika lagu ladhay ayaa iska leh hal-abuurka heesta iyo dheefta ugu badan, xaqna u leh cidda uu wax ka siinayo munaafacaadsigeega.     Qolada kale ee macaaneeya erayadu waxay ku leeyihiin xuquuqo ka dheegma (derivative rights) lahaanshiyahaas asalka, sida qofka kireysta dhulku aanu u lahayn dhulka uu kireystay ayaanay kooxfani u yeelan karin heeska, se waxa ay ku leeyihiin xuquuqo lagu heshiiyay (contractual rights).    Waa se laga iibsan karaa abwaanka midhaha. Iibkaas oo meesha ka saari kara kiradii abwaanka uga u socon isticmaalka heeskiisa (royalties). Ku darsoo abwaanku isaga oo iibiyay...

SIDEE AYAY DADWEYNAHU UGA WAR HELAAN HAWLAHA HEY'ADAHA MAAMUL?

Image
SIDEE AYAY DADKU UGA WAR HELAAN HAWLAHA MAAMUL EE DAWLADDA? Garyaq. Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul Dadweynuhu waxa ay xaq u leeyihiin in ay ogaadaan hawlaha loo hayo. Waa in ay ogaadaan hawlaha kala duwan ee ay hay'adaha maamul ee dawladdu u xilsaaranyihiin; ha noqdaan kuwa la qabtay, qaar socda ama qorshaysanba. Mar haddii ay xaqaasi bulshadu leedahay, dhanka kale oo ah maamulkana waajib ayay ku tahay in ay suurtogaliyaan xog heliddaas.     Waxaana qeyb ka ah suurtogalintaasi in la hirgaliyo Xeerka Xaqa Xog-ka-helidda Maamulka Dawladda (Right to information Act). Xeerkaasi ayay dawladaha maamul wanaagga lagu majeertaa ay intooda badani leeyihiin. Waxa uu xeerku waajibiya in la faafiyo xogaha ay ka midka yihiin:    Xogaha ku saabsan adeegyada hay'addu u xilsaarantahay iyo waaxaheeda u qeybsan;              Habraacyada iyo foomamka (loo codsado adeegyada hay'adaha maamul);    Wargalinaha la xidhiidha adeegyada ay bixiso;...

SIDEE AYAY ALAABAHA/WAXYAABAHA LAGU SOO EEDEEYO IN QOFKA OO HEYSTA LAGU SOO QABTAY, AY MARAG-MUUJIN (EXHIBIT) U NOQDAAN?

Image
  SIDEE AYAY ALAABAHA/WAXYAABAHA LAGU SOO EEDEEYO IN QOFKA OO HEYSTA LAGU SOO QABTAY, AY MARAG-MUUJIN (EXHIBIT) U NOQDAAN? by Garyaq. Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul Waxa dhacda marar badan in ay bilaysku Maxkamadaha hor keenaan shay ama alaab la leeyahay eedaysanaha ayaa lagu qabtay ama hoygiisa/gaadhigiisa ayaa laga soo helay. Shaygaasi marag-muujin ahaan loo adeegsanayaa ee la leeyahay eedaysanaha ayaa haystay waxa uu noqon karaa mid sharcigu mamnuucay (xaaraan ah) oo ay haysashadiisu dambi tahay sida maandooriye ama mid lagu doodayo in uu eedaysanuhu u adeegsaday fal-dambiyeedka loo haysto. Waxa dhici karta in uu eedaysanuhu dood ka keeno heysashadaasi oo uu maxkamada ka hor diido waxa loo nisbeynayo in uu heystay. Haddii ay taasi dhacdana sheyga laftiisa ayay su'aali garsoori ka imanaysaa (point in issue) oo ay tahay in laga jawaabo xaqiiqadiisa — in uu yahay marag-gal iyo in kale? Waayo! inta badan ma arkeysid shay lagu doodayo in uu heystay eedaysanuhu oo ay la socoto wa...