Thursday, September 24, 2015

KHUDBADII 18, May,1997-kii: HAMIGII CIGAAL IYO ARAGTIDIISII KU WAAJAHNAYD DHISMAHA QARANKA.



Madaxweyne Muxammed X.Ibraahim Cigaal. 
"Allahu Akbar !
Allahu Akbar !
Waxaan idiin leeyahay Kulligiin, yar iyo weyn asalaamu calaykum !
Alxamdu lillaahi Rabil Caalamiin… waxa I dhaqaajiyay, halkan baabuurtii inagga dhaaftay waxa ku jiray baabuur la odhan jiray Sahra Tuugo. Habeenna kuma seexan, Sahra ayaa halkan Salaantaada usoo mari doonta. Wax Ilaahay loogu shukri naqaa weeyi, iyaduna iyo kuwa wadaana, maantay sharaf leeyihiin. Inagguna lib weyn, ayay maanta inoo tahay, in, aynu inagoon kala adkaanine walaalo ah, aynu isugu nimid kulligeen  sannad guuradeenii lixaad inagoo is beer-xaadhanay, oo walaalo ah, oo aan buqdi iyo cadho iyo ciil isku qabin,  inaynu maanta halkan ku wada fantisiyaynayno, waxay ila tahay lib weynbay inoo tahay,  dadka in yarbay ka suurogashaa, Qaramada in yarbay, ka suurogashaa. Kuwa xabadda isla dhacayaa, waxay kala haystaan ma jiro. Wixii ina kala gaadhay, wax ka yarbaa kala gaadhay. Caqli iyo Cilmi iyo aqoon ay ku yidhaahdaan, waar maxaynu isku dilaynaa?, Maxaynu kala haysanaa ?
Intaynu is nidhi, ayuunbaa Ilaahay ku ilhaamin waayay mooyaane, waxa ay ku kala maqanyihiin ma ay jirto. Waa mid Ilaahay loogu shukriyo.

 Alxamdu lillaahi Rabil Caalamin !

 
Sawir; Gaadhigii loo yaqaanay Sahra Tuugo
Waxaan leeyahay maanta, tan maanta idinku wada taagan ee aad xogtiisa wada xiisanaysaan ayaa, ay guurtidu ii keentay liistadii labadii gole,aniguna waxaan ku amray xog-hayntaa, inay  labada gole iskugu yeedheen fadhigoodii ugu horreeyay maalinta arbacada, oo aynu ku dhaarin doono, wixii dambe sida uu distoorku kolba u qoro ayaa tallaabooyinkii loo kala qaadayaa.
waxaynu maanta galnay axdi cusub, aaniguna waxaan leeyahay, wixii aan  kasii taab-taabtay mooyee wixii aad iga sugayseen, in aanay sabtida amma axadda igu dhaafin oo aan soo dhammeyn doono. Horta waxaynu hadda galnay cahdi cusub, oo u baahan in aynu ku baraarugno, oo shaydaankaa,  kool-kooliya xumaantee, sidii aynu ficilkii hore ugu dadaali jirnay, ee aynu ugu fir-fircoonayn, waa mid maanta inooga baahan inaynu isna u fir-fircoonaano oo, danteenniiya, oo horumarkeeniiya, oo dal-dhiskiiya, oo dad-dhiskiiya.

In dawladnimadii la taago oo doorashadii dhacday bishii dhawayd bilaw u tahay, shantaas sanno ee arrinkaasi dhisnaanayo, waxa weeyaan sidii aynu asaaska Somaliland ugu dhigi lahayn. wuxuu yidhi nabigu calayhi Salaati wa salaam nin waliba ragannimaddii uu lahaa jaahilayadii, ayuunbuu Islaamkan lasoo galay ayuu yidhi...nin la badalay ma jiro. Raggiinii waxaan markaas filayaa, in intii fir-fircoonaan loo lahaa ficilkii dhexdeenna ahaa ee xumaa, ee khasaare uu keenay mooyee, wax faaido ah oo ka yimid aanu jirin, in fir-fircoonidii mid leeg loogu  socdo, oo loogu hawlgalo dhismaha iyo asaaska aynu u dhigayno caruurteena, mustaqbalkeena, iyo taariikhdeenna.

Waxaan anigu had iyo jeer jecelahay, in nin wax dhisa, oo qawmiyad iyo qaran abuura, nabigeennii suubanna ayaa ugu qiimo waynaa uguna qaayo waynaa, waa in aynu kaga dayanno sidii uu wax u dhisay. Cahdigiiaynu soo dhaafnay, waxaan ku tilmaami jiray  cahdigii uu Nabigu odhan jiray "Al mu'allafatu beyna quluubihim".
Dhawr jeerbuu Ilaahay ku canaantay.......qofba, ninkii fudud iyo inta cadhoonaysa iyo inta aan  wali diintii qaadan ayuu soo dhawayn jiray.

 Dhawr jeer ayuu Ilaahay ku canaantay nabigiisa, oo uu ku yidhi suuratul  Kahf  "asbir nafsaka macalladiina...yadcuuna rabbahum bil Qhadati wal cashiyi. walaa tacdu caynaaka canhum, turiidu ziinatul xayaati dunyaa....kuwa cadhoonaya,  waxba isha ha ku gubine, kuwan aad isha ka lalinayso ee ilaahay caabdudaya habeen iyo maalin, kuwaas la fadhi oo ku dhex sabir ayuu Ilaahay yidhi...waana kii markale isagoo Ilaahay cannaanaya ku laha "cabasa wa tawallaa, in jaa'ahul acmaa,..."

Cahdigaasi wuxuu ahaa cahdigii duugoobay, ee la lahaa cadhatira amma cadho biiya,wuxuu dhammaaday cahdigaasi maalintii Maka la furay ee dagaalkii Sokkeeye ee dhex joogay Carab iyo Quraysh uu dhammaaday, ee kabcada la furay ee la iskugu yimid kabcada, ee Bilaal fuulay ee,  uu ka addimay, ayaa cahdigaasi dhammaaday.

Shirwaynahaasi markii uu dhammaaday, iyo Sahra tuugo soo xaroodkeedii ayuu cahdigaasi inaggana ku dhammaaday. Waxaa aynu markan dambe galnay, cahdiga dambe ee Qaran-dhiskii iyo Qoomiyad dhiskii, iyo asaaskii loo taagi lahaa Jamhuuriyadda Somaliland wax weeyi taasi markaas in laga jeesto maqaayad laga sheekeeyo oo dawladdii maxay qabatay la yidhaahdo Somaliland ku dhismi mayso.. Jamhuuriyaddani waxay ku dhismaysaa marka uu dadkeedu u dhiidhiyo, Kanadi ninka la yidhaahdo ayuu Maraykan doortay, Maraykanna maanta waa dawladdii caalamka, uguKarti  weynayd ugu hanti badnayd, maalintii ugu horraysay ee uu xilka la wareegay ayuu yidhi, waxaan idinka doonayaa reer Maraykanaw, inaydaan odhan maxaa maraykan ii qabatay, ee aad ku fakirtaan,  maxaan Maraykan u qabtaa..maanta cahdigan aynu galnay waxa weeyaan cahdi dhismo,

Dhismana !

 waxa isagu dhismi kara, ninkii isagu,  is-dhisa, maxaa la i siiyaa iyo maxaan cunaa waxba ku hagaagi maayaan. Wax la cunayna dal dhisi maayaan. Nimanka aan Madaxda idiinka dhigay ee aan dawladda u dhiibayana waxaanu ku balannay,..inta dambe ee meel ii taallana aanu ku ballamaynaa, makhaayad dambe ma jirto, Makhaayad ma jidho ! waxa weeyi ninkii madaxda ahaa ee meel loo dhiibay, xilka loo dhiibay in uu kasoo baxo oo ay dhaqso u muuqato, oo shacabka uu xilka u hayo ay dhaqso ugu muuqato waxa uu u qabtay iyo waxa u fulay iyo waxa u dhiman.Laakiin ma muuqanayso haddaydaan idinku la heyn. Haddii aad idinku maqaayaddii haysaan oo barrito waxa loola tagaa, ay noqoto, maxaad reer hebel u tartay, maxaad aniga isiisay, dhiilkan maxaad ku shubtay, dherigan maxaad ku riday,..intaa haddii waxa la waydiiya tahay…

Inan (gabadh) ayaa la waydiiyay ayaa la yidhi, oo la weydiiyay naa maxaad buuqan usoo gashay,..waxay tidhi toban nin ayaan isha kaga hayay dadkii aan la noolaa, oon Ilaahay odhan jiray, Ilaahaw tobankaa nin, mid uun calafkayga iiga dhig. Tobankiiba way ii yimaadeen oo waxay yidhaahdeen bay tidhi, naa marada dhigo. xaaraanbay iila yimaadeen bay tidhaahdeen.
Dee yaa  hadhaybay tidhi, yaan sugaa?
 Dee raggani, dadka ay sugayaan ee ay magac iyo maamuus ka doonayaan, idinka weeyi, idinkuna waxaad ku maamusaysaan, waxaad ku qadarinaysaan, hadday tahay dhiilka maxaad ku ridaysaan, ree hebel maxaad tartay, haddii aad leedihiin qaydhin ku qaybi wixii laguu dhiibay oo aad barrito, yaa markaas ! yaa markaas !....

Dee maxaan anigu ku yidhaahdaa?, muxuu se  isagu isku yidhaadaa?..waa inantaas oo kale !

waa tobankii aan lahaa, doorasho, haddii aad barrito isku taagto, magac iyo maamuus ka hel. Doorashaa la galayaa, nin reer hebelnimo markaas meel ku tagayaa ma jiro. Haddii tobankii nin ee uu lahaa kuwaasaa ku dhisi, kuwaas ayaad magac iyo maamuus ka doonaysaa, xiniinyo kuwa kugu jira maahee, kuwa lagula garab taaganyahay weeyi,  tobankiiba hadday yimaadeen oo ay yidhaahdaan , reer hebel iigu soo dhiib,  xagguu wax ka qaban?

waxa weeyi gacantiinnay ku jirtaa !

Aniga laga bilaabo, illaa dabi-kaatiyaasha barri la dhaarin doono, illaa wasiirka aan anigu cayimi doono, illaa Sheekh Ibraahim, mid waliba gacantiinnay ku jirtaa,  waxaad nagu kalliftaan, ma diidi karno. Waxaad doonaysaan, hadday tahay keena, waa keena uun. Xeerkeenu waa kaas. Waxaad naga doonaysaan hadday tahay: maxaad qabateen?,  maxaad kordhiseen?, iskuulkeed dhisteen?, cusbitaalkii maxaa yaalla?, wadadani maxay u bur-bursantahay?. Taas waxaad nagula xisaabtamaysaan hadday tahay, wallaahi barraan kasoo baxaynaa, oo iskuulkii dhisaynaa, oo cusbitaalkii dhisaynaa, oo wadadii hagaajinaynaa, oo idinka halkiina ay mid waliba nimcadu kusoo gaadhaysaa.

Ma sugaysaan hadaba?, Maxaa inoo ballama?
ma dharigaan idiinku ridnaa?,  Misa dhulkaanu galinnaa?
ka jawaaba hadaba…………" 

Qeyb kamida Khudbaddii Madaxweyne Cigaal, 18-kii May, 1997-kii uu khayriyada ka jeediyay.

Transcribed and posted by Garyaqaan Mohamed Ahmed Abdi Bacaluul. 




No comments:

Post a Comment

TUSAALAHA GODKA (ALLEGORY OF CAVE)

R   TUSAALAHA GODKA(The Allegory of Cave)    S heekadani Godku waa tusaale uu keenay Plato oo ahaa Filasoof Giriig ah ( 514a–520a) ama qarni...