Friday, December 2, 2016

WARBIXINTII UGU DAMBEYSAY EE ABAARAHA; WAX MA KU QAADATAY XUKUUMADDA SOMALILAND ?





Warbixintii ugu dambaysay ee Haayada Akshan Aydh (Action Aid) ka samaysay xaaladda abaaraha ee Somaliland, waxay ahayd bishii January 2016. Waxaanay warbixintani sheegaysay sidan;

"Somaliland waxa soo foodsaartay xaalad abaareed oo aad u daran. Waxaana lagu qiyaasay in ka badan  240.000 qof inay saamayn doonto xaalad cimileedka qallafsan, ee EL-Nino. Gobollada ay aad u saamaysay waxa kamida Maroodijeex, Gabilay, oo iskugu jira Xoolo-dhaqato-beeralay, iyo xoolodhaqato reer guraa ah. Gobolladani oo sida caadiga ah loo tixgaliyay inay yihiin halka ay ka jirto quud-beerashadu dalku (Food basket)

Hadaba roob la'aantani oo xidhiidh ahayd labadii sannadood ee u dambeeyay. ayaa hoos u dhigtay wax soosaarkii beeraha iyo xoolihii la dhaqanayay, ee ay nolosha qoysasku  ku tiirsanayd.

Jamhuuriyadda Somaliland waxay si rasmiya u iclaamisay xaalada abaartan, 8-deedii Aug, 2015. Waxaanay Dawladaha Qaadhaanka bixiya iyo Ururrada Caalamiga ah ee ka shaqeeya Gurmadka aadamaha ka dalbatay in lala soo gaadho cunno, biyo iyo gar-gaar caafimaadba.

Haayadda Akshan Aydh, ayaa samaysay warbixin lagu qiimaynayo xaaladda abaaraha bishii December, 2015. Ujeeddada laga lahaa qiimayntani waxay ahayd in xog ururin dhab ah lagu sameeyo xaaladda dhabta ah ee ay ku suganyihiin bulshadii ay saamayeen abaaruhu, si loo ogaado heerka ay gaadhsiisantahay baahiyaha aadminimo ee jira waqtigan iyo kuwa kale ee kusoo foolka leh mustaqbalka fog.

Waxaana daraasaddan qiimaynta ah kasoo baxay:

  • 12,300 qof oo ah 5% qoysaskii, 2015 ( 5% kamida Tirada Guud) ee dadweynaha ee ku sugan tuulooyinka gar-gaarku gaadhay, ayay aaad u saamaysay xaaladdu, 108133 qof oo kamida 18021 qoys ( oo ka noqonaysa 40 % tiradaasi) ayay xaaladdoodu halis tahay. 
  • 35%-40% ayay soo foodsaartay biyo la'aani iyo xoolihiina ka dhammaadeen. In ka badan 50% ayaan biyo ka heli doonin meelihii deegaankooda ahaa ee ay awalba biyaha ka heli jireen. 
  • Biyaha yar ee kusii hadhay ilihii amma meelihii biyuhu ku kaydsanaan jireenna waa kuwa aan caafimaad ahaan, aadamuhu isticmaali karin 
  • Xaaladda cunno yaraantu, amma cunno-helidda la aaminsanyahay (Food security) waxay maraysaa halkii ugu hoosaysay.  89 %  qoys ayaan haysan keyd cunto. Qoysasku sii haysta kayd cunneedna, waxay 74 % kamid ahi ay kasoo iibsadeen cunnada ay haystaan suuqyada, halka in kalana ay xoogaa gar-gaar ah ay ka heleen bulshada. Intooda bdan qoysaskaasi ma haystaan dakhli amma xoolo ay kusoo iibsadaan cunto, halka qiimaha joonyadduna uu u dhawyahay in uu libinlaabmo. 
  • Qoyasaska danyarta ahi waxay yareeyeen xaddigii cunto ee ay karsan jireen, halka ay qadaan waqtiyada qaar amaba aanay helin nooc kamida cuntooyinkii ay qaadan jireen ( sida hilib, caano iyo khudaartii ay markoogii hore isticmaali jireen). 10% kamida qoysasku waxay ku sugnaayeen macaluul todobaadkii lagu gudo jiray Qiimaynta. 
  • 35% qoysaskaasi waa kuwo hal waqti wax cuna, halka 55% ay laba waqti isku dayayeen waxaan ku fillayn. Xaaladdaasi oo aad u taabatay caruurta, dumarka iyo dadka da'da ah, nafaqo darrona ku keentay. 
  • Macalluushu iyo nafaqo-darradu waxay saamaysay in ka badan 50% caruurta, dumarka iyo dadka da'da ah. 
  • 35%-45% xoolihii la dhaqanayay waxay la le'deen biyo iyo baad la'aan. Sidoo kale waxa xoolaha soo foodsaaray xanuuno ka dhashay geshi-xumada abaaraha. 
  • Waxa la miciinsaday caruurtii, oo loo diray hawlo ka badan intoodii hore, halka 48% ay lasoo daristay nafaqo-yaraani, 46% kalana ay u nugulyihiin caafimaad xumo ku timaadda. 
  • Xukuumadda uma diyaarsanna, mana hayso imkaaniyaadkii ay ku waajihi lahayd waxyeellooyinkan ay sababeen musiibooyinka abaaruhu, awoodna uma laha ay ku samayso dhaqaalo ururin. 
  • Haddii la waayo gu'gan amm roob xilliyeedkii sannadkan 2016-ka, amma aanay noqon roobabku kuwo ku filan deegaannada oo ay kaga soo kaban karaan abaarihii xidhiidhka ahaa ee Dhacdada ELnino; xaaladdu intan way kasii darnaan doontaa.

By Abdirahman Muse; Communication Officer (Somaliland Team)
(oo baahiyay warbixintan oo ku qoran afka Ingiriisiga, Khamiis, 14-kii, Jeenawari, 2016).
Waxaana tarjumay Garyaqaan Maxamed Axmed Abdi Bacaluul. 

TUSAALAHA GODKA (ALLEGORY OF CAVE)

R   TUSAALAHA GODKA(The Allegory of Cave)    S heekadani Godku waa tusaale uu keenay Plato oo ahaa Filasoof Giriig ah ( 514a–520a) ama qarni...