By Mary Harper, BBC News, Hargeisa, Somaliland.
Translated by Mohamed Ahmed Abdi Ba'alul.
8th Jan, 2017.
Markasta oo aan booqasho ku imaaddo Somaliland, waxaan arkaa waxyaabo cusub oo iga dambeeyey. Wakhtigan waxa aad usoo kordhay oo aan arkay dhismayaasha dhawrka dabaq ah ee laga furtay macdarrada waa weyn, hudheellada iyo fillooyinka loogu talo galay in lagu raaxaysto oo laga hirgaliyay Caasimadda Hargeysa.
Labaataneeyo sanno ka hore, Hargeysa waxa loo yaqaanay
Dresdentii Afrika, Gebi ahaanba, magaalada waxa dhulka la simay duqeyn xooggan oo cir iyo dhulba lahayd, waxaanay dadkii ku noolaa (Hargeysa) noqdeen kuwo ku qudhbaxay iyo in kale oo qaxoonti ku noqday dalal shisheeye.
Waxaad arkaysaa calaamadda guduudka iyo hurdiga ah ee lagu xeyeysiinayo hilibka digaagga laga keeno dalka Sucuudiga, oo lagu soo raacinayo waxyaalo kala jaad-jaad ah oo aan caafimaadka u rooneyn.
Haddii aad gaadho Magaalada durugsan ee Burco oo ku taala dhulka Hawdka ee ay abaaruhu dhawaan saameeyeen xoolo-dhaqatadii ku noolayd, waxay indhahaagu qabanayaaan boodhadh ay ku xardhanyihiin sawirro tilmaamaya dhibaatooyinka ilko xumaantu ay ku hayso dadka.
Waxaan xusid mudan, in dad ay kasoo jeedaan ilko raaran, kuwa dhalan doorsoomay, iyo cirriddo madhan, ay markale kasoo horbaxaan, iyagoo loo sameeyay ilko cad-cad, oo aan dhalaalka iyo quruxdaba ka dhicin kuwa aynu uga barannay jilayaasha (Filimada) ee Hollywood.
Sawirradaasi dushooda waxa ku daabacan erayda (Syrian Dentist) oo macnaheedu yahay Dhakhtarka Ilkaha ee Suuriyaanka ah.
Markaan Hargeysa kusoo noqday ee aan ka imid Burco, waxay ahayd xilli salaadda ku beegnayd, markii aan galay albaabka ku xigay masaajidka oo ahayd goob lagu hagaajiyo ikaha oo uu furtay dhakhtar Suuriyaan ahi. Markii aan galay waxa fadhiday gabadh yar oo reer Somaliland ah oo uu kasoo sokeeyay miis muraayad ahi, Miiska waxa ku dhexjiray burushyada lagu cadaydo, iyo dhiiqooyinka kala duwan oo ah, kuwo afka lagu nadiifiyo. Aqoon umaan lahayn magacyada alaabahaasi lahaayeen, waxaan se shaki ku jirin inay xidhiidh la lahaayeen caafimaadka Ilkaha.
Waxay yartii igu tidhi "Fadhiiso"
Markii salaaddii laga soo baxay ayaa nin Suuriyaan ah, oo weji furan, xidhanna garan cagaarani igu soo dhaweeyay qolka uu dadka kula taliyo. Waxa halkaasi yaallay kursi casri ah, oo ahaa noocda dadka lagu dul daweeyo. waxa saarnaa kursiga birkimooyin cad-cad oo cudbi ah. Waxa kale oo aan arkayay kabadh wajahaddiisu muraayad tahay, oo ay kasoo muuqdaan, dusmiysayda wax lagu dalooliyo, maqasyo afdhaadheer, kalbada iyo madiillo, ku war-wagalinaya. Gidaaradda qolkiisa, waxa ku dhegsanaa sawirro muujinaya Cirriddo iyo ilko siyaabo kale duwan kamaradu u qabatay. Dhinac kale haddii aan jalleecayna, waxaan isha ku dhuftay miis almuuniyam ah oo uu dulsaaranyahay, Fareem laga dhigay afkii bini'aadamka oo ilkihiisii wata.
"Magacaygu waa Xusaam, waxaan ka imid Xaleb" ayuu igu yidhi ayuu igu yidhi ninkii dhakhtarka ilkaha ahaa, ee goobtiisa igu soo dhaweeyay. Waa yaab eh, waxaan weydiiyay sida uu kusoo gaadhay, Somaliland, Wuxuuna igu yidhi "Macno malaha inaad tagto, Turki, Lubnaan iyo Yurub, waxaan galay internetka, oo waxaan googalka ka baadhay meelaha ay ka jirto baahiyaha dhakhtarrada Ilkuhu. Tii ugu horraysay, ee iga soo horbaxday waxay ahayd Caasimadda dalka Soomaaliye ee Muqdisho. Kadibna halkaasi ayaan tagay, aniga oo ay ila socoto xaaskayga oo lammaani. Ruux qudha kamaan aqoon markii aan meeshaasi tagay".
Intaas wuxuu ku daray "Waxaan ogaaday inay Muqdishaduba tahay Xaleb kale, Kadib ayaan dadkii waraystay, oo ay ii sheegeen inay jirto, meel kale oo ka duwan Muqdisho, oo uu waliba dakhligayaygu saddex laabmayo, haddii aan ka shaqeysto. Halkaasi meel kale maahee, waa Hargaysa, oo aan maqlay inay jirto nabadgalyo buuxda. Sidoo kalana ay ku noolyihiin Suuriyan kale. Sidaasi ayaanan ku imid Hargaysa, waxaanan halkan ku joognaa Jaaliyad kooban oo dhakhaatiir iyo Injineero iskugu jira."
Waxaan la kulmay dhakhtar Ilkeed kale oo Suuriyaan ah, isagoo murugaysa ayuu igu yidhi " Waxaan xusuustay sarkaal UN-ta ka tirsan oo igu yidhi Suuriya waxay noqotay Soomaaliya oo kale"
Dhakhtarkaasi, intuu igu soo jeestay isagoo indhaha igu gubaya ayuu yidhi "Waxaad tahay British, soo maaha? dadkiinu nama rabaan, balse reer Somaliland wey nasoo dhaweeyeen"
Runtii, maan arag Soomaali qudha oo deganaa Suuriya ama Yeman oo jecel inuu dalkaasi ka baxo, waxaanay ii sheegi jireen inay halkaasi nolol ku heleen, markii ay Soomaaliya dagaalladu ka qarxeen, immikana sheekadu dhan kale ayay isku rogtay oo Yemanidii iyo Suuriyaankii ayaaba Soomaliland jooga, oo waliba ka mahad-sheeganaya dadkeedii
"Dagaalka Suuriya iyo Yemen, waa ayaan darro " ayuu igu yidhi saaxiib Soomaliya oo aanu markaasi socdaal ku wada jirnay, annagoo marayna jidka laamida ah ee isku xidha Magaalada Hargeysa iyo Xeebta oo dhawaan daamur cusub la dhigay. "Laakiin markaad si u eegto colaaddaasi waxa la odhan karaa Somaliland sibay ugu fiicantahay, waxa noo yimid dad badan oo leh xirfado kala duwan oo naga maqnaa, laamidan sida la yaabka leh ee siman loo dhigay, waxa farsameeda keenay Qaxoontiga Suuriya ka yimid, sidoo kale haddii aad rabto inaad hesho cunto macaan, waxaad tagtaa meelaha Yementa ee laga cunteeyo" ayuu iigu daray.
Hadaba waxyaabaha kale ee kusoo kordhay, intaan ka maqnaa Somaliland waxa kamida makhaayadaha cuntada ee ay Yemanidu ka furatay magaalada Hargeysa.
Ma jiraan waxaad indhaha la sii raacdo, oo aan ahayn miisas lagu shaqlay haraaqo dufan leh, iyo darbiyo uu qiiq madoobeeyay. Balse biiniska shiilan, ee laguugu keenay sinxi jaandiya oo diis-diisani, waa mid aan adduunkan lagaga sheekayn karin dhadhankiisa.
Sidoo kale, waxaan isha ku dhuftay, fadiirad goobo ah , oo lagu dul dubayo daawe ballaadhan oo wareegsan. Fadiiradu waxa lagu dul farashayaa, khudaar cagaaran oo daray ah, xawaashyo kale duwan, iyo ukun. Intaas wixii ka dambeeyana, waan in fadiiradii faraqkasta laga soo laabo oo sida waraaqda loogu duubo khudaartii.
"Waxa makhaayadan la yidhaahdaa Happy Yemen" ayuu igu yidhi Faa'iz, oo markuu Yemen joogay ahaa macallin afka Ingiriisiga dhiga " Balse maanta laguma sheegi karo, Yemen meel ay farxadi ka jirto" ayuu ii raaciyay hadalkiisii.
Mid kamida shaqaalaha makhaayaddaasi ayaa ii sheegay in aanay jirin wax dhibaato ah oo ay kala kulmeen Somaliland, markii ay ka furanayeen hudheelkan iyo imikuu shaqaynayaba.
"Meel kale hadday tahay, waxaanu ku qasbanaan lahayn in aanu shuraako la noqono nin u dhashay dalka, laakiin shacabka reer Somaliland martigalin iyo soo dhaweyn ayaanu ka helnay. Waa dad soo maray dhibaatooyinka ay dagaalladu leeyihiin, markaas kaala bakhayli maayaan inaad la wadaagto nabadda ay haystaan".