Garyq, Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul. |
Sannadkii galbaday, wuxuu sidoo kale ahaa, sannad la galbaday dhallinyarbadan oo reer Somaliland ah, Kuwaasi oo bishiisii Abril, la inoo soo weriyay, inay tiro boqol gaadhaysa, oo da'yarteenii dalkani ahayd, ay dooni kula rogmatay bada Masar iyo udhaxaysa iyo Yurub. Sannad ay bulshada ay kala goosteen ma-gafe, iyo abaaro daba-dheeraaday oo saddex-jirsaday. Isla markaana ay xaaladda dhaqaale, ee reer magaalku u noqotay mid ay tahriibtu saamaysay. Tahriibtaasi caruurteenii guryaha kala baxday, ayaa ahayd mid nidaamsan, oo ka timid shabakado shisheeye. Kooxahaasi oo duulaan ku ahaa, dhaqaalaheena taagta-daran.
Sannadkii tagay, wuxuu ahaa sannad uu xawliga siyaasadeed kala fur-furay xisbi kasta, oo la waayay xisbi qudha oo sidiisii u wada jira. Kala-qaybsanaanta Xisbiga talada hayay ayaa xataa saamaysay nidaamkii xukuumadeed ee dalka, Waxaynu aragnay, garabyo ka cadhaysan guddoomiyahoodii, oo u kala sun-sumaya saddexda xisbi. Walaw, uu saaxad kastaba joogo, guddoomiye isba laga soo duday, marka laga tago xisbiga UCID oo aan illaa imika helin cid u soo dudday oo u timaadda.

Wuxuu ahaa, sannad aynu ognahay, isagoo gil-gilay dhismihii axsaabta, inuu haddana siyaasad ahaan dhinac ka qaboobaa. Muu lahayn xallad iyo xamaasaddii mucaarid iyo muxaafid u dhaxeyn jiray. Muu lahayn warbaahintii diir-diirranayd ee doorkeeda ka qaadan jirtay, marka uu xafiiltanka xilliyadan oo kale marayo.
Dadweynaha laftiisa, ayaan la garanayn inay ku qanacsanyihiin sida ay wax u socdaan, iyo inay quus la aamuseen. Goobihii diiwaangalinta codbixinta, ayaan sidii hore loogu bartay, aan la isa sii hortubin hiirta waabari. Waxaan arkaysay, innamadii iyo hablihii diiwaangalinta oo ku caajisay miisaska dushooda, xataa askartii ilaalada oo meelaha qaarkood iskaga hor qayilaya ayaad ku dhaafaysay. Maxaa is badalay?
Wuxuu ahaa sannad aan u kala soocin bahda siyaasadda mucaarid iyo muxaafid. Sannad aad is odhanayso malaha bulshadaaba, loo tashaday. Waayo fikirka iyo dareenka bulshada rayidka (Civil society), waxay ahayd in laga dhex helo bulshada siyaasadeed (Political Society) ee ku gadaaman. In la helo saaxad siyaasadeed oo kulmisa, doodo kala duwan, oo ka tarjumaya xaaladaha dhaqaale, bulsho iyo siyaasadeed ee dalka ka jira.
Waxay ahayd in dhaq-dhaqaaqa loollan ee jira, laga dhex arko, Golayaasha Qaranka, Warbaahinta iyo Fagaraayaasha laga dooddo, Waxa la yaab ah, inaad aragto, Guddoomiyayaashii xisbiyada oo aan kala wadan aragtiyo iyo mawqifyo kala duwan. Waxaana ugu dambaysay arrintii ku saabsanayd; waxa laga yeeli doono saami-qeybinta Kuraasta ee Aqalka dambe ee Wakiilada. Kaasi oo ay intuba isku raaceen in Madaxweynuhu go'aamiyo ! Ma madaxweynahaan Kulmiye ahayn, Misa Wadani iyo Ucidbaan mucaarid ahayn? Maxaas laga yeelay arrinkaasi illaa imika?

Walaw aan odhan, karo sannadkan 2017-kii, wuxuu ku waabiriistay waayo siyaasadeed oo aan hore usoo marin. Maynaan arag madaxweyne ka tanaasula tar-tanka siyaasadeed iyo mucaarid aan wax badan ka duwanayn oo markastaba la mawqif ah xukuumada talada haysa, Waxa iyana seexday Guddidii Doorashooyinka Qaranka, oo aan mudaba laga warhayn sida ay wax u waddo. Waxa kale oo taas ka daran in iyadana Guddidii Diiwaangalinta Ururada oo markastaba laxanka ay xukuumaddu u garaacdo, luuqdeeda saarta. .
Tusaale ahaan, waxaad aragtay Ina Ciyaale oo go'aan, uu ku hor-istaagayo hirarkii ay Garabyadii Ucid ee is hayay, soo saaray, Hadana maalin ka dib hambalyaynaya Faysal Cali Waraabe, markuu ka hortagi kari waayay Maayaddii socotay.

Sannadkan 2017-kii, wuxuu inoo soo galay inagoo batar iyo baryaba wadna. Qayladhaanta abaaraha ee shaashadaha ka socda, iyo Qaadhaanka loo gurayo reer miyigeena tabaalaysan markaad daawato, tabinta ku xigta eed sugtaana, waxay ahayd olol siyaasadeed oo oo dadkaasi baahan sacab ku doonaya, oo isna u kala gudbaya degmooyinka.
Sannadkan oo ay midabaddii siyaasadeed isku fasaqmeen,Walaw, aanu si rasmiya u bilaabmin olalayaashii loogu diyaargaroobayay tar-tanka doorashooyinku, waxaad arkaysa in uu loolanku ka baxay majarihii lagu yaqaanay. Ma hayno illa imika aragtiyihii siyaasadeed ee ay tala-haystayaashu ku doodi jireen waxqabad, kuwa kalana waxqabad la'an ku dhaliili jireen.
Waxa loo baahanyahay in midabadii siyaasadda iyo xadaaradda ku dhisnaa lasoo saaro, oo laga maydho uskaga iyo siigada qabyaaladda ku reebtay. In la iska dhaafo, jifooyinka iyo ardaayada loo kala dabqaadayo, iyo shir-habeennada, oo si nadiif ah lala yimaado fagaarayaasha lala yimaaddo, hindisayaasha dhabta ee la kala wato, lana soo celiyo ruuxdii wadaniyadeed ee dal-jeceylka iyo rajada ku dhisnayd, oo aan bulshadan tabaalaysan niyadda lagaga sii kaajin.
Ugu dambeyn, waxaan odhan lahaa hala iskula soo noqdo xeyndaabkii sharciga iyo dawladnimada. Waayo kaasaa ina wada deeqi kara, kaasbaynu inagoo ku kala badinnay, aynu, hadana waxku qaybsan karnaa, Haddii aan sidaas la samayna, waxaynu arki doonna inagoo isku haysanna oon waxba kala haysan.

No comments:
Post a Comment