Garyaq. Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul. |
Iyadoon wasiiradii Hore xilka laga Qaadin, ayuu Madaxweynaha cusubi magacaabay Liis cusub oo wasiiro ah. Waxay ahayd in uu Madaxweynihii hore ama kan cusub uu dikreeto Guud oo Madaxweyne uu ku kala diro Golihii Wasiiradda ee Hore (Dissolution of Cabinet), kadibna cidduu dib usoo magacaabayo, usoo magacaabo. Wasiiradu waxay wasiiro u ahaayeen Qaranka, oo loo magacaabay (Gole Dastuuriya),ee may ahayn Shaqaale gaar ah oo qasriga la socday, oo raacaya xil-wareejinta Madaxtooyada.
Xilka wasiiraduna ma ah mid xilliyaysan (Fixed term),balse waa mid ku xidhan rabitaanka Madaxweynaha markaasi talada haya. Kaasi oo noqon kara kii soo magacaabay ama mid kale oo talada kala wareegay, Xilkaqaadistaasina, waa tan qudha ee soo raaci karta asbaabaha kale ee alaaba xilka lagu waayo,
Asbaabahaasi kale een ahayn xilka-qaadista bilaa shuruudda ah (dismissal at pleasure), ee xilka lagu waayi karo sharci ahaan waa kuwo ku yimaadda xaalad ka baxsan xil-hayaha (e.g. Dhimasho, xanuuno maskaxeed/jidheed). kuwo iskiis uga yimaadda xil-hayaha (eg. Is-casilaad), iyo kuwo sababaysan oo ka yimaadda cid kale oo awood ahaan ka sarraysa xil-hayaha (sida, Eryid anshax-marin ah ama maamuus ka xayuubin).
Hadaba sidaan hore u xusay ma jiro xeer baarlamaan oo nidaaminaya qaabka loo marayo hannaanka xilwareejinta awoodda, doorashooyinka kadib. Sidoo kale ma hayno Qodob Dastuuriya oo si cad u qeexaya inay Xil-wareejinta Madaxweynuhu soo afjarayso Golihiisii wasiirada. Wuxuu se Qodobka 94(2) ee Dastuurku inoo sheegayaa in xilka wasiirnimo lagu iman karo magacaabis madaxweyne oo Golaha wakiiladu ansixiyay laguna waayi kara uun Xilka-qaadista Madaxweynaha. Haddii ay jiraan kuwo qaba doodda ah in xilka Golaha Wasiiradu uu ku xidhanyahay kan Madaxweynaha, oo marka uu xilka wareejiyo ayuu xilkoogu wasiirnimana dhammaanayaa, ha keenaan waxay sharci ahaan taas u cuskanayaan.
Haddiise xataa toodaba loo raaco, oo lala qaato inay Xilalkii wasiiradu ku xidhanyihiin xilka Madaxweynaha ay xukuumaddiisa ka tirsanyihiin, miyayna taasi ka dhignayn Iscasillaadda Madaxweynahana mid si autumatik ah meesha uga saaraysaa xilalkii wasiirada?
Taasina waa sababta aan dooddaasi isku xidhaysa xilka madaxweynaha iyo kan Golihiisa wasiirada uga soo horjeedo. Waxaanan qabaa inuu Golaha Wasiiradu yahay hay'ad dastuuriya oo iskeed u jirta (Qodobka 94/1 ee Distoorka JSL). Madexweynahaana awood u leh sida loo qaabaynayo Wasaaradaha(restructuring) iyo Magacaabista wasiiradoodaba, Balse Hay'ad ahaan Wasaaraddu waa Waax gacan ka siinaysa hawlaha kala duwan ee Madaxweynuhu Qaranka u hayo. Taasi oo xataa haddii isagu xilka ka tago, aan shaqadii ay qaranka u haysay meesha ka saarayn. Waana sababta uu Wasiirku, wasiir usii ahaanayo illaa inta xilka sidii loogu magacaabay looga qaadayo, ee aanu, u ahayn Shaqaale gaar ah oo Madaxweynaha shanadadaha usii qaadaya, albaabkana kala baxaya marka uu ka dhammado xilka madaxweynanimo.