Thursday, July 26, 2018

QARANKAAB; WAXAY ISTUSTAY DADWEYNIHII IYO MADAXDII U ADEEGAYSAYE,MA JIRO WAX KALE OO LAGU HAYSTO




Inkastoonan anaan farsamo ahaan difaacayn Qaabka uu barnaamijka la magac baxay 'Qarankaab' u shaqeynayay, maadaamo oo aanan tafaasiil badan ka haysan nidaamka (methodology) uu u maray xog ururintiisa amaba uu xogahaasi u lafaguray marka ay samaynayeen qiimaynta ay inoo sheegeen. Waayo illaa imika maan fahmin miqyaaska ama halbeegga ay adeegsadaan waxa uu yahay, ee u suurtogaliyay inay si sax ah u qiimeeyaan hay'ado maamul oon isku imkaaniyaad ahay, hadday tahay miisaaniyad iyo farsamaba (shaqaale iyo qalab), waliba kale ujeeddo ah. 
Markaa waan qabaa marka aynu u raacno kalmadda 'qiimayn' in ay jiri karaan farsamo ahaan qaladaad, ama waxyaabo ka dhiman oo ceeb ku noqon kara natiijada qiimayneed ee lagu kala sarraysiiyay hay'adaha.

Haddii uu baranaamijku se leeyahay ceebo ama mad-madaw farsamo, ma qabo inay ujeeddadiisu xuntahay marka dhanka fiican laga eego. Cidda se ina leh ujeeddooyin gaar ah ayaa laga leeyahay, xujadu iyaday saantahay oo laga rabaa inay dadka u caddayso xaqiiqadaasi qarsoon. In badan ayaynu aragnay masuul xukuumadeed oo saxaafadda ku leh "igu soo caddeeya waxaad iga sheegteen", Taas teedii ayaa haysata Wasiirka Warfaafinta Guribarwaaqo waayo muu dhaliilin barnaamijka oo qudha, balse wuxuu wax ka sheegay daacadnimada cidda hawshani wadda. Sharci ahaan, ma jiro qof xaq u leh (darajaduu doono ha lahaadee) in uu ku eedeeyo qof kale waxaanu caddayn karin.
Taas haddaan intaas ku dhaafo, waxaan qabaa inuu barnaamijkani ujeedadii doonoba halaga lahaadee, uu kor u qaaday wacyigii bulshada oo ay dadku ogaadeen muhimadda ay leedahay inay la socdaan waxa ay hay'adaha dawladda ee kala duwani ay u qabtaan, isla markaana uu barnaamijkani uu noqday arrin ku kallifay inay qaar madaxda kamid ahi ka hadlaan waxqabadkooga. 
Haddii ay dadku ay xog ka waayeen dhankii haya'adaha, oo ay yartahay in aad hesho hay'ad leh websayd ay kaga warbixiso waxqabadyadeeda iyo barnaamijyadeeda, inta lehna aanay dib-u-cusboonaysiin joogta ah ku samayn wararkooga. Sidoo kalana aanu jirin hab cad oo u dammaanad qaadaya ciddii xog-raadinaysa (access to information), inay xogtaasi ka hesho hay'ada ay rabto inay adeeggeega wax ka ogaato, miyaanay dadweynaha u furnayn inay si kasta oo ay xog ku heli karto u rux-ruxdo meeshaasi degamsan?

Waxa dhacda inay madax badani inoo sheegaan warbixino ay xaqiiqadeeda buun-buuniyeen, iyo waxyaabo ay ku andacoonayaan inay qabteen oo aynaan si uga wada garaabin, maadaamo oo aanay ku salayn warkooda xaqiiqooyin sugan oo tirkoob ku dhisan (facts and figures) oo tilmaamaya runnimada sheekadooda, amaba aanu masuulku inoo caddayn halbeegga uu isku qiimeey marka uu ina leeyahay "waxbarashadii waan horumariyay",isagoo Dugsi dhawr qol ah furaya, ama uu ku kale leeyahay "caafimaadkii meel fiicanbuu marayaa intaan xilka hayay' isagoon sheegin adeeg la taaban karo oo inaga furtay culays hore oo jiray. Ma akaadamibaa taasi? kkk. Markaas madaxdu guud ahaan ma fasaxbay u haystaan inay waxay doonaan inoo sheegaan, run iyo been? Qof shicibana haddii ay ka maqlaan weedh uu ku saluugsanyahay adeeg-fulintoodana, ama uu soo gudbiyo in gaar ah oon ku qanacsanayn waxay madaxdu sheegto, ma waxa lagu aamusiinayaa "ma diiwaangashanid? ama ruqsad uma haystid in aad been shigtid sida madaxda ( waa haddii been u arkaan hadalkiisa)? Misa marka la deedafaynayo tiisa waxa lagu odhanayaa ma tihid qof akaadamiya, oo ma garanaysida waxaad ku hadlayso? Amaba umaad hadlin si akaadamik ah? iyo bla bla? Yaa inagu yidhi Akaadamik uunbaa wax sheegi kara?
Waxaan ku odhan lahaa madaxda, Iska dhagaysta wixii aad u aragtaan inayna akaadamik ahayn, annaguba wax badan oon akaadami ahayn ama cilmibaadhis ku dhisnaynbaanu idinka dhagaysannaaye, Xaqna waad u leedihiin inaad wax diiddaane, ama dareentaan in aragti qaldan la idinka fidiyay, amaba laga qaaday xafiisyada aad madaxda ka tahay, ama barnaamij kamid barnaamijyada uu wado, markaas xaq uma lihidin inaad awood wax-ku-saxdaane, waa inaad si macquul ah oo wax-qancin ah (persuasive means) kaga jawaab-celisaan.
Tallaabada uu qaaday Wasiir Guribarwaaqo ee ku lidk ah kooxda qaran kaab, waa falcelin caadifadaysan iyo cago-jugleyn awoodeed oon ku salaynayn nuxur iyo ujeeddo fog. in aanay nuxur lahaynna ama ujeeddo maamul oo cad,  waxa marag kuugu filan inay arrimaha la taaban karo ee uu qoraalkiisu ku eedaynayo Qarankaab ay yihiin kuwo aan dhaafanayn "Nidaam-maris la'aan" (procedural issue not a substantive issue) tusaale ahaan "fasax looma haysan"  hawshan la qabtay, iyo looma marin nidaam cilmiyeed qaabka  wax loo qaabtay.

Su'aashe la isweydiinayaa waxa weeyi, si la idiin qiimeeyo haddaad tihiin xukuumadii ama masuuliyiinteediiba, ma ruqsadbaa la idinka qaadanayaa? ma se la aamini karaa kuwaad dadka ka dhex doorataan ee aad ruqsadda u siisaan qiimeyntiinna ? ma se laga yaabaa, inay cid idin qiimeyn kartaa oo leh awooddeedii farsamo ay idinka heli lahayd ruqsaddaasi marka la eego siday maanta falcelintiinnu tahay?
Su'aalahaas haddaan u dhaafo dadweynaha, tan akaadami la'aanta ee ku duray nidaamka farsamo ee barnaamijkani ku shaqeynayo, oo ah doodda ugu dhaw een anba ku raaci karo Wasiirka, sidan xagga sare ku soo sheegayna anba aan u arkay in aanu habraaciisu caddayn (Methodology). Wuxuu se wasiirku isba ogyahay in marka indho cilmiyeed wax ku lafagurayo aanay sida uu uga falceliyay arrintani anaay ahayn hab akaadamiya. Qoraalka wasaaraddu inama siinin xog-cilmiyeed cusub oo si xeeldheer u naqdinaysa farsamada Qarankaabtu adeegsatay, sidoo kalana qoraalku ma soo-jeedin tallooyin sheegaya sidii ay sax ay wax ku ahaan lahaayeen marka la doonayo in la sameeyo qiimayn wax-qabad oo natiijadeeda lagu qancin karo,
Wasiir Guribarwaaqo waxay ahayd in uu ka aqoon-yahan ahaan saxo innamada iyo barnaamijkooda, una iftiimiyo waxyaabaha ka dhiman ee hagaajin kara kalsoonida ay tahay in lagu qabo qiimayntooda. Balse may ahayn in Akaadiminnimada iyo Ruqsad-bixinta Maamul ay noqdaan wax la isku cabsigaliyo, ama la isku halawsado marka aynu u aragno in waxa la wadaa ay saamayn ku yeelan karto masuuliyaddeena. 
Barnaamijkani iyo kuwo lamida ahiba  bar-bilaw fiican u noqon karaan kuwa kale oo farsamo ahaan iyo baaxad ahaanba ka heersarreeya oo wax lagu ogaado halka ay dadweynaha iyo adeeg-bixiyayaasha dadweynuhu kala taaganyihiin, Waxaanay horseed u noqon lahaayeen bisayl bulsho iyo dadka oo uu garaadkoogu ka koro ardaayada reeraha, oo u guntada sidii ay wax ula qabsan lahaayeen cidda wax u qabanaysa ee ay arkaan in aanay taagteeda waxba kala hadhin.  Kuwa aan wax-tarka lahayn ee kuraasta buuxiyayna, aan loogu xilqariyeen amaba aan laga ogolaadeen in aanu ku dhex-dhuuman guuxa kuwa kale ee aanu waxba ku lahayn,
Markaas waxaan soo jeedin lahaa, in aan aragti kooban oo siyaasadeed iyo dano-gaar ahaaneed lagu horistaagin hal-abuurka cusub ee ay ka dhalan karto ujeeddooyin fog-fog wax-badali kara. Tan iyo kuwa kale oo lamida oo kor-uqaadaya kala-warhelista shacabka iyo cidda u adeegaysaa waa arrimo u baahan in la taageero, wixii nidaam ahaan ka qaldan ama awood ahaan ka qabyo ahna la saxo.  
Garyaqaan Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul 

No comments:

Post a Comment

TUSAALAHA GODKA (ALLEGORY OF CAVE)

R   TUSAALAHA GODKA(The Allegory of Cave)    S heekadani Godku waa tusaale uu keenay Plato oo ahaa Filasoof Giriig ah ( 514a–520a) ama qarni...