Wednesday, April 21, 2021

MIYAA LA WAAYAY XAL DHAAMA XABSIGEYNTA ARDEYGA? By Garyaq. Muxamed Axmed Cabdi Bacaluul


Waxay ahayd Bishan oo kale labo sanno ka hor markii uu Guddomiyaha Maxkamadda Sare uu shirka jaraa’id ku difaacayay Xaqa uu Eedaysanuhu u leeyahay in Damaanad lagu sii daayo inta ay dacwaddiisu socoto. Waqtigaasi oo ay Maxkamaddu dammaanad ahaan ku sii deysay Masuuliyiin Dawladda u shaqeyn jiray oo xidhnaa, loona haystay Ku-tagrifal Hanti Qaran. Waxaanan xasuustaa waliba in X/ilaalinta Gobolku ka hadashay dammaanad ku sii deyntaasi kuna doodday in Xeerka ay ku eedaysnaayeen uu si cad u reebay dammaanad-siintooda.

Maanta oo yar-yar loo haysto fal uu ka dhashay khasaare hantiyeed oo gaar ahi, iyada oo waalidkoodii la garanayo masuuliyaddooda waxbarasho iyo nololeed gacanta ku hayay miyaa loogu sii deyn laayahay dammaanad? Misa iyagaan Codsan wali? Xaqa Dammaaanadda miyaan loo sinneyn, misa intii la doonayo ayuunbaa la siiyaa? Sharcigu ha noqdo sida uu yahay, yuusan noqon sida la rabo.


Arday loo haysto rabshadihii ka dhacay Dugsiga Sare ee Nuuradiin (Qeybta innamada)

Go’aanka Eedaynta {Prosecution Decision}: 

Xadhigga Caruurtan yaan laga dhigan Farriin dadban oo Maamulka Dugsigu ku Cabsigaliyo Da’yarta wax ka barata dugsiyadooda. Dugsina laguma Maamulo Waaran iyo Xukun Maxkamadeed ee Caqli iyo Kartibaa lagu Maamulaa. Go’aanka eed-oogiseed ee jideynaya in afar arday si gaar ah loo bartilmaameedsado oo lagu qaado kaligood Wixii dhacay ee la wada daawanayay ayaa ah mid Caddaaladda iyo Caqligaba ka fog. Waana mid aan qabo uun in lagu raaligalinayo Mulkiilaha Dugsiyadan oo Saameyntiisa leh. 

 Ma lihi innamadani wax door ah kuma ay lahayn eedda lagu oogayo, oo taasi ka doodista xaqiiqadeedu Maxkamadda ayay hortaallaa oo ka hor dhici maayo. Balse haddii aad kaba soo qaaddo in ay afartani ku leeyihiin doorka ugu weyn abaabulidda iyo kicinta asxaabtooda, miyay kaligood ku koobnaaneysaa eedda wixii dhacay, misa ciqaabtooda ayuunba heer kale noqon lahayd? Waxay se su’aashu tahay miyay kuwii kale ee faraha badnaa ee iyaguna rabshadda ka qeyb qaatay (active associates in the alleged offence/s) ay eed-laawayaal noqon karaan? Illeen afartani kaligood waxba may samayn kareene? 

Sidoo kale lama odhan karo eedaysanayaashan ayaa u wakiishay inta kale in ay falalkaasi rabshadda ku kacaan (qui facit per alium facit per se) si ay masuuliyadda dambiyeed u wada qaataan. Haddii aanay jirin faa’ido ama dano u gooniya oo la caddayn karo oo ay eedaysanayaashani ka helayeen wixii dhacay (Motive), kuwa kale ee rabshadaha maalintaas ku kacayna waxa ay noqonayaan ka-qayb-qaatayaal faldambiyeed (co-perpetrators), waa haddii aynu ku eegno arrintan indho Ciqaabeed (Criminal approach). Waayo ma ay ahayn inta kale ee aan la eedaynin, amar-qaatayaal laga awood badnaa, ama kuwa Caqli ahaan iyo da’ ahaanba ka hooseyay  eedaysanayaasha oo la odhan karo waa la duufsaday, balse waxay ahaayeen kuwa eedaysanayaasha u dhigma, oo iyagoo u xor ah rabitaankooda iyo garashadooda ka qeyb qaatay rabshadii dhacday, Markaa sideebaa la iskaga indhatiri karaa doorkooda kuwaas kale? Yaa yidhi la-abaabulayaasha caqligoogu dhanyahay waa eed-laawayaal, xataa haddii lagu doodo in lagu abaabulay waxay sameynayeen?

 Ma mulkiilaha ama maamulka dugsiga ayaa awood u lah in ay sharciga u tilmaamaan cidda eedaysane noqonaysa iyo cidda aan noqonayn? Misa gun-gaadh xaqiiqeed (objective process) oo ka madax bannaan doonistooda iyo dareenkooda shaqsiyeed (subjective process) ayay tahay in lagu ogaado qofka yeelanaya Eedda dhacdooyinkaasi? Taasi oo xataa soo gali karta Maamulka Dugsiga iyo cid kale oon meesha laga filaynba?    

Caddaaladda ha loo Sinnaado !

Isla maalintii ay rabshadu socotay dugsiga waxa soo gaadhay askar gurmad ah. Kuwaaso oo ay runtii ay ku adkaatay in ay  xoog wax kaga qabtaan qalalaasihii socday. Haddii ay ciddii wax wadday ay shaqsiyaad kooban ahaayeen Maalintaaba way qaban lahaayeen iyaga oo gacmaha falka kula jira, balse waxa ay arkeen in ay tahay dugsiga badidiisii oo kacsan. Kadib isku-dhacbay ka waaqsadeen dhimasho iyo dhaawac keena, maadaamo oo ay nafahaa ubadku ka qaalisanyihiin hantida bur-buraysa. 

Imikana in Laga yeelo ma aha in ay afar qof oo kaliya ay gaar ugu ashkateeyaan kacdoonkii baahsanaa ee ay bilayskuba dib uga joogsadeen. Miyay dajin karayeen afartan inan hawshaasi faraha ka baxday? Maxaa se illaa intaa ciyaalka ka cadhaysiiyay oo keenay in ay dugsigoogii bur-buriyaan, ma afartan inan oo kaliya, misa waxa jiray waxyaabo isasoo tarayay oo ay ardaydu diiddanayeen iyo tallaabooyin uu maamulku qaaday oo uu Markii dambana uu xallintoodi ku guuldarreystay? Ma kula tahay baadhitaanku inuu noqonayo baadhitaan dhammeystiran, ama yeelan kara gungaadh lagu kalsoonaan karo haddii la iska indho tiro sababta ay wax u dhaceen (cause and motive), oo lagu mashquulo uun wixii dhacay (Consequences) ?

X/ilaalinta iyo Bilaysku indho dhex-dhexaada ha ku eegaan oo yaanay ooyinta dhinac qudha ku go’aan qaadan. Arrintani, arrin Maamul ayay ahayd (Management issue) oo wax ay ahayd in dugsigu gudihiisa isa-saxo, ardaydiisa kasbado oo dhageysto waxay diiddanyihiin illeen da’dani ma aha Dugsi hoose. Ardayda markay da’doodu heerkan marayso (teenage age) habdhaqankooga laguma maareyn karo waalid loola heshiiyo iyo maxkamado toona. Marka lagu guuldarreysto in la fahmo dareenka iyo fikirka ardayga (educational psychology) ee lacag uun laga fakaro, ma aha in lagu meeraysto Garsoorka iyo Xabsiyada. Waxay se ku qumaneyd in iyada oo aan la colleysan ardayda loo caqli-celiyo iyada oo loo marayo tabaha waxbarasho ee wax lagu toosiyo. Waana in Maamulka Dugsiyadu ay si guud wax uga bartaan tijaabadani soo martay, oo aanay Ilmaha heerkan tacliimeed maraya (Secondary level) ula dhaqmin sida kuwa dugsiyada hoose (primary level).

TUSAALAHA GODKA (ALLEGORY OF CAVE)

R   TUSAALAHA GODKA(The Allegory of Cave)    S heekadani Godku waa tusaale uu keenay Plato oo ahaa Filasoof Giriig ah ( 514a–520a) ama qarni...