Monday, December 11, 2023

HANTI-MASKAXEEDKA IYO FANKA: FAHAMKA SHARCI EE XAQA HAL-ABUURKA IYO XUQUUQAHA KALE EE KA FARCAMA


 HANTI-MASKAXEEDKA IYO FANKA: FAHAMKA SHARCI EE XAQA HAL-ABUURKA IYO XUQUUQAHA KALEl

W/Q Garyaq. Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul.

Fannaanka luuqda lehi ma laha asalka heesta.Sharci ahaan cidda hal-abuurka leh midhaha ama erayada ayaa leh hanti-maskaxeedka koowaad (intellectual property right). Abwaanka leh asalka shayga, oo ah midhaha la macaaneeyay ee luuqda, laxanka iyo muusika lagu ladhay ayaa iska leh hal-abuurka heesta iyo dheefta ugu badan, xaqna u leh cidda uu wax ka siinayo munaafacaadsigeega. 

   Qolada kale ee macaaneeya erayadu waxay ku leeyihiin xuquuqo ka dheegma (derivative rights) lahaanshiyahaas asalka, sida qofka kireysta dhulku aanu u lahayn dhulka uu kireystay ayaanay kooxfani u yeelan karin heeska, se waxa ay ku leeyihiin xuquuqo lagu heshiiyay (contractual rights). 

  Waa se laga iibsan karaa abwaanka midhaha. Iibkaas oo meesha ka saari kara kiradii abwaanka uga u socon isticmaalka heeskiisa (royalties). Ku darsoo abwaanku isaga oo iibiyay hal-abuurkiisa, wali xaqa inu u leeyahay in magiciisa la xuso in uu lahaa hal-abuurista heeskiisa (citation). Waana inta ay hanti-maskaxeedku kaga duwantahay hantida muuqata. Qofka iibsaday ma sheegan karo hal-abuuristeeda, se waxa u gooni noqda xaqa dheefsigeeda, adeegsigeeda iyo tarminteeda. Waxa kale oo uu iibsadhani xaq u yeeshaa sii-iibinteeda haddii aanay taasi ka hor-imanayn heshiiskii isaga iyo abwaanka u dhaxeeyay.

   Sida loo wadaagayo dheefta heestuna waa heshiis ay ka gorgortami karaan abwaanka iyo kooxaha dambe illaa istudiyaha farsamadu. Waxa inta badan lagu heshiiyaa hab boqolley ah in loo qeybsado dheefta soo baxda marka la bixiyo wixii kharashaad ah ee ku baxa soo-saaristeeda. 

   Waagii hore ma ay jirin shirkadahan adeegsada tiknoolajiydan internetku ee otomatika u tiriya isticmaalka muusikada. Halkooda waxa ku jiray shirkado kale oo farsamo qalimeed adeegsada (Manual system) oo khidmad ka qaata adeega ay u qabtaan hal-abuurayaasha. Waxa ay si joogta ah ula socon jireen heesaha la baahiyay. Waxa ay goobjoogayaal ku lahaayeen oo ay la socon jireen barnaamijyada lagu qabto goobaha lagu xafladeeyo, oo isticmaalka heesta khidmadeeda lagu jaangoynayo tirada dhageystayaasha la martiqaaday. Waxa ay shirkaddu ku dhex lahayd goobjoogayaal xarumaha laga baahiyo idaacadaha maqal iyo muuqaalka leh oo iyagana la socon jireen baahintooda si looga qaado khidmada heesaha ay baahiyaan.

  Ka dib ayay shirkadahaasi ay si todobaadle ah u  soo saaraan heesaha la isticmaalay iyo wadarta waqtiyada ay mid waliba baxday. In badan ayaa laga yaabaa in aad ka daawatay Tv-yada caalamiga ee madadaallada oo sheegaya heesihii ugu daawashada badnaa todobaadka (top 20 or 50 songs of the week). Halka ay xogtani ka timaaddo waa shirkadahaa aan ku soo sheegay. 

  Qeybtaas hore waxa aan kaga hadlay marka uu fanka muusikada uu ka dhex jiro suuq furan oo karti iyo tartan lagaga macaashayo. Inta badan dalalka ay taasi ka jirtaa, xeerarkoodu waxay hantiilahan iyo dhaxlayaashiisa xaq u siiyaan in uu ka macaasho wax-soosaarkiisa muddo 70 sannadood oo ka bilaabanta marka hantidaasi la shaaciyo. Muddadaasna waxa sharci ahaan reeban in lasii tarmiyo (copyright limitation) iyada oo aan la weydiisan cidda hal-abuurkaasi iska leh. Wixii ka dambeeyana si rasmi ah ayaa loo fasaxaa, oo hantidaasi waxay noqotaa mid aan lacag ku joogin oo ay dadaweynuhu u simanyihiin (Public Domain). 

Taasi kama ay hirgalin Soomaalida, oo waxa uu hal-abuurkani waji kale yeeshay markii uu nidaamkii bulsho iyo siyaasadeed isu badalay hanti-wadaaga (socialism). Fanka muusikada ee Soomaalidu muu sii ahaan hanti maskaxeed gaar loo lahaado intii kacaanku talinayay. Wuxuu ka mid noqday hantiyihii loo hor qarameeyay. Waxaana iska yeeshay Dawladda, gaar ahaan hay'addihii u qaabilsanaa Warbaahinta iyo Hidaha iyo Fanka, iwm. 

     Tiyaataradu iyo guryaha dadka ay deganaayeen  dadka shaqeeya fanku iyo goobaha ay ku shaqeeyaan waxay ahaayeen hanti guud ama dawladeed. Halka ay dadka fanka ka shaqeeyaana ha ahaado abwaan, muusikeyste, laxan allife, matalaad sameeye, luuqeeye ay intuba ahaayeen shaqaale dawladeed oo mushahar iyo hoyba ka hela dawladda, haddii ay kooxo ahaayeen iyo haddii ay kali-kali ahaayeena.

  Markii uu nidaamkassi meesha ka baxay sagaashamaadkii, waxa ku yimid fanlaydii jaahwareer cusub iyo bililiqo dhan walba leh oo illaa imika ku socda hal-abuurkii iyo dadaal maskaxeedkoogii. 

   Waxaanay fanleydaas hore waajaheen duruufo bulsho iyo dhaqaale oo adag, iyada oo ay budhcad-faneedkaasi kala duwan ay biliqadaasi hantiyeed ka faa'idayaan hadh iyo habeenba. Waxaad arkaysaa kooxo leh bogagga interneetka ee you-tubes-ka oo sheeganaya xaqa baahinta, kana macaashaya heeso aanay hal-abuurkooda lahayn iyo Telefishano iyaguna baahinaya heeso hore loo qaaday oo ay ku luuqeynayaan fannaaniin dambe. Kuwaas oo iyaguna ka macaasha heesahaasi hore. Iyada oo ay u badantahay in aanay weydiisan ciddii hore u lahayd hal-abuurkooda (abwaankii iyo laxamaystihii) iyo kooxihii kale ee xuquuqda ku lahaa (fannaaniintii ku luuqeeyay, iyo muusiglaydii) ama cidda ay ka tageen ee dhaxalkooda leh.

 Kaliya waxa laga sheekeeyaa bililiqada ay nidaam la'aantu ay ku keentay hantid muuqata (corporeal property), se tan aan ka hadlayo oo illaa hadda socota cidi ma soo qaaddo.    Waxaana boobkani ka sii qeyb-qaatay tiknoolajiyadan casriga ah oo fududeysay baahinta, tarminta (copy right infringments) iyo wadaagistiisaba. 

    Waana ta keentay in ay dhibanayaashaasi ay heesahoogii ka baxaan guri kasta, gaadhi kasta, Tv kasta, you-tube-kasta  iyo moobilkasta, oo laga yaabo in aanay iibsan karinba kuwa iska leh hantidaasi lagu raaxaysanayo.

Sunday, December 10, 2023

SIDEE AYAY DADWEYNAHU UGA WAR HELAAN HAWLAHA HEY'ADAHA MAAMUL?

SIDEE AYAY DADKU UGA WAR HELAAN HAWLAHA MAAMUL EE DAWLADDA?

Garyaq. Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul

Dadweynuhu waxa ay xaq u leeyihiin in ay ogaadaan hawlaha loo hayo. Waa in ay ogaadaan hawlaha kala duwan ee ay hay'adaha maamul ee dawladdu u xilsaaranyihiin; ha noqdaan kuwa la qabtay, qaar socda ama qorshaysanba. Mar haddii ay xaqaasi bulshadu leedahay, dhanka kale oo ah maamulkana waajib ayay ku tahay in ay suurtogaliyaan xog heliddaas.

    Waxaana qeyb ka ah suurtogalintaasi in la hirgaliyo Xeerka Xaqa Xog-ka-helidda Maamulka Dawladda (Right to information Act). Xeerkaasi ayay dawladaha maamul wanaagga lagu majeertaa ay intooda badani leeyihiin. Waxa uu xeerku waajibiya in la faafiyo xogaha ay ka midka yihiin: 

  •   Xogaha ku saabsan adeegyada hay'addu u xilsaarantahay iyo waaxaheeda u qeybsan;          
  •    Habraacyada iyo foomamka (loo codsado adeegyada hay'adaha maamul);
  •    Wargalinaha la xidhiidha adeegyada ay bixiso; wixii hadba ku soo kordha;
  •  Wareegtooyinka maamul ee saamayn sharciyeed ku leh (quasi-legislative rules) xuquuqaha loo-aadeegayaasha;
  •  Naadinta qandaraasyada;
  • Wararka joogtada ah (news briefs) ee la xidhiidha halka ay marayaan waxqabadyada hay'adda: kuwa dhammaaday, kuwa socda iyo kuwa qorshaysan ee qeybta ka ah hiigsiga guud ee hay'adda.

  Waxa kale uu xeerku nidaamiyaa habka loo codsanayo xogo diiwaaneedka kaydsan (records or archives) ee aan kamid ahayn kuwa ay faafintoodu waajibka guud tahay. Kuwaas oo ah tafaasiisha dheeraadka ee ay dadka daraasadaha wadaa iyo saxaafaddu u baahan karaan. Sidoo kalana waxa uu qeexaa xogaha dhawrsan (secret informations) ee saamayn kara nabadgelyada shaqsiyeed/guud iyo danaha guud ee qaranka, isaga oo dhawrsanaantaasi u kala qaada heerar kale sarreeya oo ku salaysan sida ay xogahaasi saamayntoodu u kala darantahay.

    Waxa uu sidoo kale xeerkani awood u siiyaa shaqaalaha in ay kashifaan (whistle-blowing) wixii musuq ah ee ay madaxdoodu ku amarto in ay fuliyaan, ama ay shaqadooda ka dhex ogaadaan. Waxaanu xeerkani u dammaanad qaadaa qofkaasi shaqaalaha ah ee caroogga ku afuufa hawlaha leexsan ee hay'addiisa ka dhex socda, in aanay waxba kaga soo noqon gudashada waajibkaasi.

   Xeerkani guud ahaan waxa uu qeyb ka qaataa xidhiidhka xogeed ee dadweynahu ay la leeyihiin hay'adaha u qaabilsan adeegyada dawladeed, kor u qaadaa daah-furnaanta maamul ee la odhan karo waxa ay yarayn kartaa tuhunka, ku-tiri-ku-teenta iyo musuqa ay xog la'aantu sababto.

    Ma u malaynaysaa in aynu u baahanahay xeerkaasi (Right to Information Act)?

Wednesday, July 26, 2023

SIDEE AYAY ALAABAHA/WAXYAABAHA LAGU SOO EEDEEYO IN QOFKA OO HEYSTA LAGU SOO QABTAY, AY MARAG-MUUJIN (EXHIBIT) U NOQDAAN?

 


SIDEE AYAY ALAABAHA/WAXYAABAHA LAGU SOO EEDEEYO IN QOFKA OO HEYSTA LAGU SOO QABTAY, AY MARAG-MUUJIN (EXHIBIT) U NOQDAAN?
by Garyaq. Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul

Waxa dhacda marar badan in ay bilaysku Maxkamadaha hor keenaan shay ama alaab la leeyahay eedaysanaha ayaa lagu qabtay ama hoygiisa/gaadhigiisa ayaa laga soo helay. Shaygaasi marag-muujin ahaan loo adeegsanayaa ee la leeyahay eedaysanaha ayaa haystay waxa uu noqon karaa mid sharcigu mamnuucay (xaaraan ah) oo ay haysashadiisu dambi tahay sida maandooriye ama mid lagu doodayo in uu eedaysanuhu u adeegsaday fal-dambiyeedka loo haysto.
Waxa dhici karta in uu eedaysanuhu dood ka keeno heysashadaasi oo uu maxkamada ka hor diido waxa loo nisbeynayo in uu heystay. Haddii ay taasi dhacdana sheyga laftiisa ayay su'aali garsoori ka imanaysaa (point in issue) oo ay tahay in laga jawaabo xaqiiqadiisa — in uu yahay marag-gal iyo in kale?
Waayo! inta badan ma arkeysid shay lagu doodayo in uu heystay eedaysanuhu oo ay la socoto wax caddeynaya heysashadaasi, si ay maxkamaddu ugu qanci karto in uu waxaasi yahay marag-muujin marag gal ah.
Tusaale ahaan, looma soo gudbiyo garsooraha caddeyn cilmiyeed (forensic report) oo sheegta in sheygaasi laga baadhay raad-fareed (fingerprints), iyo in raad-fareed laga helay, kaasi oo la mid noqday raad-fareedka eedaysanaha. Sidaa awgeedna uu shaygu yahay marag-muujin cad oo sheegaya in uu sheygani haystay eedaysanuhu. Shay kasta oo lagu doodayo in uu heystay eedaysanuhu iskii uma aha caddayn haddii aan la caddayn in uu heystay eedaysanuhu. Waxa la yaab ah in shaygii marag-muujinta lagu sheegayay oo aan waxba ku dhex jirin (sida bac laga dhex arkayo), in ay cidda maxkamada usoo gudbinaysaa ay inta badan ugu soo gudbiso iyaga oo bilaa faragashi (gloves) ku sida. Sidoo kale cidda leh waan soo qabtayna laga heli karo farahoodii oo ay u keeneen alaabtaasi saldhiga iyaga oo bilaa faragashi ah, ama aan ugu yaran wax iskaga soo qaban.


Maxkamaddu ma waxa ay shay kasta u aqoonsanaysaa in uu yahay marag-muujin sababtoo ah askari bilays ayaa sidaa ugu sheegay, ama isaga oo daba-sida eedaysanaha u keenay? wax kasta oo askari u keenaa ma marag-muujinbaa xataa haddii uu doono ha noqdo sheygaasi mid uu meel kaleba ka soo qaaday? Maragga uu sheygu muujiyay muxuu se yahay, haddii aanu sheygu caddeyn karin xidhiidhka isaga iyo ka dhexeeya eedaysanaha loo tuhmayo?
Waxa hubaal ah in uu Sharcigu aad uga taxaddaray in si dhayal-dhayal ah la iskaga xukumo qof aan loo haynin caddaymo shaki la'aan ah (beyound reasonable doubt). Mabda' ahaan, sharcigu waxa uu qabaa— in la qaatay, qofka oo noqda dambiile bad-baaday inta uu noqon lahaa dambi-laawe la ciqaabay, mar haddiiba aan loo haynin caddaymo si shaki la'aan ah wax u iftiiminaya.
Caddaymaha miisaan ahaan lagu kalsoonaan karaa waa— caddaymaha cilmiyeed (forensic evidence), sida raad-fareedyada (fingerprints) aynu ka hadlaynay, xogta hidde-sidayaasha (DNA), muuqaalada iyo codadka ay kamaraduhu ama tiknoolajiyada kale duubaan, iwm. Sidoo kale waxa caddaymahaasi ka mid ah; maragga ay furaan maragyo goob-joog ah, dhex-dhexaad ah, oo ka madax-bannaan (bilayska ama dhibanaha ashkatoonaya).
Haddaba waxyaabo badan ayaa qaldan oo la sixi karo, haddii ay inaga go'an tahay in caddaalad la gaadho.
Inta sixitaankaasi ka horeysana garsooraha ku go'aan-qaadanaya waxyaabahaas ee asbaabta xukunkiisa ku salaynaya ayay masuuliyadda ugu badani ay if iyo aakhiraba saaran tahay.



Saturday, February 18, 2023

SOMALILAND: DOORKA WASAARADDU AY KU LEEDAHAY HIRGALINTA NIDAAMKA CADDAALADEED EE SHAQADA (SHAQAALAHA IYO LOO-SHAQEEYAHA)

 DOORKA WASAARADDU AY KU LEEDAHAY HIRGALINTA NIDAAMKA CADDAALADEED EE SHAQADA (SHAQAALAHA IYO LOO-SHAQEEYAHA)

Garyaqaan Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul


Xeerka Shaqaaluhu wuxuu jideeyaa xadka ugu sarreeya ee aan la dhafi karin. Waxa uu xaddiday ugu badnaan inta saacadood ee ay tahay in qofku si joogto ah u shaqeeyo maalintii. Sida loo xisaabinayo saacadaha shaqada iyo mushaharka. Cidda u xilsaaran xaadirinta iyo diiwaan ku haynta saacadaha uu qofkastaa shaqeeyo. Xeerku wuxuu go'aaminayaa Fasaxyada sannadka, kuwa bukaanka, munaasibadaha qaranka, shilalka shaqada, iwm. Waxa uu xaddidaa saacadaha nasashada ee shaqada gudaheeda [nusasaacaha] iyo nasashada u dhaxaysa labadii maalmood ee shaqo; ee bilaabanta marka la rawaxo. 

     Waxa uu xeerku qeexayaa masuuliyado iyo waajibaad saddex geesood ah oo ay kala leeyihiin: (1) Wasaaradda (maamul ahaan), (2) Loo-shaqeeyaha, iyo (3)Shaqaalaha. Waxaan ay Siyaasadda Qaranka ee Shaqada iyo Shaqaaluhu ay taabogal noqonaysaa marka ay saddexdaasi dhinac uu mid kastaaba kaalintiisa ciyaaro. Waxa cad in masuuliyadaha iyo waajibka dhinac saaran ay ka dhalanayaan xuquuqo sharci oo ay dhinacyada kale leeyihiin. Haddaba waxa aan qormadan ku iftiimin doonaa masuuliyadaha Maamul ee Wasaaradda saaran, si aad u fahamto dhinaca ay gudasho la'aanta masuuliyadahaasi ay saameynta ugu badan ee taban ay ku yeelanayso xuquuqihiisa (ku cad xeerka).

   Wasaaradda Arrimaha Bulshada iyo Shaqaaleynta ayaa leh kaalinta ugu muhiimsan. Waa hay'adda qaranka u qaabilsan fulinta Siyaasadda Shaqada iyo shaqaalaha. Doorkeedu kuma koobna dhex-dhexaadinta iyo ka go'aan-gaadhidda khilaafyada shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha. Waxa sidoo kale laga rabaa in ay ka hortagto xaalado kasta oo keeni kara in ay isku dhacaan shaqaalaha iyo loo-shaqeeyaha. 

    Sida aynu uga barannay, ma aha in ay Wasaaraddu sugto inta ay cabashooyinka iyo ooyinta shaqaaluhu ay barteeda ugu imanayso. Waxa se ku waajib ah in ay korka kala socoto xaaladaha shaqo ee ka jira goobaha kale duwan ee laga shaqeeyo. Waa In ay kormeerto goobaha shaqada iyada oo indho-indhayn guud ku sameynaysa xaaladaha muuqda ee ka jira goobaha shaqada (bedqabkooda guud, hadhkooda, hawadooda, biyohooda iyo fayo-dhawrka musqulahooda iwm). Sidoo kalana waa in ay ka wardoontaa arrimaha qarsoon ee aan ishu qaban karin, iyada oo ay tahay in ay gooni-gooni u wareysato shaqaalaha si kalsooni iyo fursad loo siiyo ay ku warrami karaan. Ka dibna waa in ay Wasaaradu warbixin kasoo saarto ay ku saxayso wixii tilmaan u baahan, wixii tallaabo u baahanna ay ka qaaddo ciddii ay khusayso.

   Cabashooyinka shaqaalaha ee ka yimaada goobaha shaqadu waxa ay daaha ka rogayaan sida ay wax u jiraan. Waa in ay cabshooyinka iyo dacwadaha soo gaadha wasaaradda ay masuuliyiinta wasaaradu u adeegsadaan xog hordhac ah (clue) oo laga ambaqaadi karo xaqiiqo-raadin hor leh. Waa masuuliyad saaran wasaaradda in ay hubiso in xaaladda loogu soo cabtay in ay tahay mid guud oo goobta shaqo ka jirta iyo in ay tahay mid u gooni ah qofkaasi u soo cabtay. Xaaladdu waxa ay tahay mid guud marka ay jiraan shaqaale kale oo xaaladdaasi la qaba cidda soo cabatay. Kuwaasi oo markoodii hore aamusnaa, balse marka la wareysto, xaqiijiya in ay jiraan waxyaabaha laga cabanayo.                  

   Xeerka shaqaaluhu looguma talo galin oo kaliya in loogu garnaqo shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha. Adeegsigiisu wuxuu koobsanayaa hawlo maamul oo intaas ka durugsan. Waxa uu jideynayaa masuuliyado maamul oo awood u siinaya wasaaradda in ay dusha kala-socota sida ay wax u socdaan. Waa In ay maamul ahaan u soo-dhexgasho (intervention) si ay u hagaajiso xaaladaha lagu shaqeeyo, u dhawrto u sinnaanta fursadaha shaqaaleynta, korna u qaado wacyiga shaqaalaha iyo loo-shaqeeyaha ee ku aaddan u hoggaansanaanta Siyaasadda Qaran ee Shaqada oo uu xeerku kaw ka yahay. 

    Diiwaangalinta heshiisyada shaqaduna waa bar bilowga ay wax kasta ka bilaabmaan. Heshiiska shaqadu waa dabarka koowaad ee ay shaqada iyo isku shaqeyntu ay ka bilaabmayso-- oo ah ta ay wasaaraddu nidaaminteeda u xilsaarantahay. Waa halka ay Wasaaraddu kala socon karto sida loo soo banshigayo ama loo qeybinayo fursadaha shaqaaleynta. Waa halka laga helayo dakhliga shaqada ee ay cashuurtu ku waajibayso. Sidoo kale diiwaanka wasaaraddu waa marjaca loo noqonayo marka ay loo-shaqeeyaha iyo shaqaaluhu isku qabtaan asal ahaanta heshiiska, ama laga shakiyo in la far-fareeyay qoraalkii lagu heshiiyay.

    Waxa sidoo kale muhiim ah in wax laga baddalo hanaanka diiwaangalinta iyo keydinta heshiisyada shaqada. Waa in diiwaangalinta heshiisyada laga hoos saaro waaxda ka garnaqista khilaafyada shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha oo ay noqoto Waax kale oo ka madaxbannaan. Waayo qeybta wax ka garnaqsaa ma aha in la weydiiyo in ay sii hayaan heshiiska la isku hayo xaqiiqadiisa iyo in kale, ama in ay heshiiska ay sii hayaan uu yahay sida uu hebel ku doodayo iyo in kale. Waayo cidda saddexaad ee dhinacyada u garnaysa, marka la weydiinayo inuu heshiiska la isku hayo xaqiiqadiisa uu sidaa u jiro iyo in kale waxa ay markaa qaadanaysaa doorkii maragga, oo waxa ay caddeynaysaa in ay u hayso heshiiskaa sida uu dhinac ku doodayo iyo in kale. 

      Mabad' ahaanna qofku marag kama noqon karo isla kiiska uu ka garnaqayo. Waxa ay taasi ka hor imanaysaa hannaanka caddaaladda dabiiciga ah. Cidda wax ka garsooraysa waa in ay warmooge ka sii ahaato waxa lala hor yimaaddo ee la isku hayo. Waana sababta ay waajib ugu tahay dhinacyadu in ay ka hor caddeystaan waxyaabaha ay isku sheeganayaan. Sidaa darteed caddaalad ma aha in la yidhaahdo xafiiska cabashad dhegeysanayaa idinkaa ayaa haya heshiiska aanu isku hayno. Wana ta dhacda ee marin habaabisa caddaaladdii la rabay in loo kala sameeyo shaqaalaha iyo loo-shaqeeyaha. 

   Marka ay noqoto gobollada iyo degmooyinka, daadajinta adeega diiwaangalinta heshiisyada shaqadu waa hawl wali ku dhiman wasaaradda. Waana muhiim in ay adeeggaasi si rasmi ah loo fidiyo. Sidoo kale Inta ka horeysa adeeg daadajintaas waa in ay wasaaraddu la timaaddo hannaan ku meelgaadh ah oo ay adeeggaasi xeerku waajibiyay uga sii fuliso gobollada iyo degmooyinka dalka. Sida in Nootaayooyinka sharciga ah loo adeegsado diiwaangalinta heshiiyada shaqo: iyada oo sidaana wareegto maamul lagu sii nidaaminayo.

TUSAALAHA GODKA (ALLEGORY OF CAVE)

R   TUSAALAHA GODKA(The Allegory of Cave)    S heekadani Godku waa tusaale uu keenay Plato oo ahaa Filasoof Giriig ah ( 514a–520a) ama qarni...