Wednesday, September 17, 2025

SIYAASADDEENA LA-DAGAALANKA MAANDOORRIYUHU DIB-U-EEGISBAY U BAAHANTAHAY


   Waxa ay bilaysku culayska saari jireen qab-qabashada yar-yarka iyo shaqsiyaadka isticmaala maandooriyayaasha oo jeelasha buux-dhaafiyay. Waxa ka muhiimsana in loo soo jeedsado oo dadaalka u badan lugu bixiyo sidii dagaal loola gali lahaa cidda ka ganacsanaysa ee keenta isla markaana qeybiyayaasha ah  (suppliers and distributors). Kuwaas dhaqaalaha ka sameynaysa mustaqbal-baabiinta ubadkeena, ayaa ah sababta koowaad ee mushkiladdani, ee ma aha kuwa la aafeeyay ee isticmaalkeeda lagu qabto. Suuqyada madaw ee waxani ku lugta lehi waxa ay ku shaqeeyaan shabakado isku xidhan illaa kuwa soo-saara ee soo-dhoofinaya,  kuwa xadadka ka soo tallaabinaya,  illaa baraha u dambeeya ee hadhaw magaalooyinkeena ku sii qaybiya. 

     Waa in barnaamij cad iyo siyaasad dhammeystiran (Comprehensive Policy) oo lagula dagaalamo laga yeesho. Taasi oo wadata miisaaniyadii, wacyigalinteedii, ciidamo iyo sirdoon u gaar ah oo lagu bartilmaameedsado kuwa macaash-doonka ah ee daaha dabadiisa ku jira. Waa lala yimaado tabo kasta oo lagu ogaan karo suuqyadan madaw ee daroogada, iyadoo oo aan kuwa isticmaala lagu qabto lagu soo afmeerin baadhista, bal se laga sii tixraacayo ceelka ay u arooraan. Iyada oo haddii laga maarmi waayo la siinayo dhawrsanaan amni (witness protection) oo ay kula shaqeeyaan laamaha u xilsaaran dambi-baadhista iyo oogistaba.

   Waxa aynu aragnaa in aanu waxba ka qaban xeerka la dagaalanka maandooriyaha ee dhawaan la kordhiyay ciqaabtiisa iyo xabsiga dheer ee da'yarta isticmaasha lagu xukumo, inta ay dibadda joogto cidda dhaqaalaha ka sameynaysa waxani ee kolba in kaloo hor leh baraysa. 

   Sidoo kale dhiig-bax ayuu cashuurbixiyaha ku yahay kharashka ku baxaya maxaabiistan muddada dheer xabsiyada ku noolaanaya, taasi oo aanay inta kale ee hadhsani ku waantoobaynin (public deterrance). Waxa lacagtaasi wax loogu qaban lahaa muwaadiniinta hagaagsan ee ay adeegyada dawladeed suququlka ku yihiin.

Tuesday, September 2, 2025

QORISTA QARMAQALLADU WAA XIRFAD LA BARTO

Sida loo qoro garmaqallada fadhiyada maxkamadu waa xirfad iyo aqoon lagu toobabaro kaaliyayaasha Maxkamadaha. Maadaamo oo ay yihiin diiwaan-ilaaliyaha maxkamadda ee qoraya wax kasta oo fadhiga maxkamadda ka dhex dhaca. Hawshoodaasi ayaa asaas u ah hadhawto caddaaladda dib-u-eegiseed (Judicial Review) ee laga rabo Garsooraha Rafcaanka ee aan hore ula socon wixii maxkamaddii ka horeysay ka hor dhacayay.

 Maxkamadaheena lagama yaqaanno xirfadda Istenograafiyada la yidhaahdo (stenography) ee kaaliyayaasha maxkamadaha usoo gaabsadaan weedhaha hadal-qorista iyaga oo aan waxba ka tageyn wixii laga dhex yidhi fadhiga. Waxaanay taasi sare u qaadaa xawaaraha ay kula soconayaan dooda iyo marag-furka oo si aan hakad lahayn iskood ugu socda. Halka ay imika u dhacaan sidii cashar yeedhis ah oo kaaliyaha lala sugayo qalinkiisa. Kaasi oo waqti badan ku lumo, dishana isku xidhnaantii iyo nuxurkii doodda dhinacyada. Waxa kale oo hadalkaasi la kala googoynayaa uu caajis galiyaa dadweynaha ka soo qeybgala dhegaysiga.

  Marka uu gar-dhegeysigu dhammaado ayaa istenogaafiyadii loo rogaa qoraalka saxda ah ee la akhrin karo (court transcript). Waxaana rogistaa dambe loo adeegsadaa qalab gaar ah oo akhriya calaamadahaasi (steno converter), haddii aan la hayn qalabkaasina waxa lagu sameeyaa akhris caadiya oo dib ayaa gacanta loogu garaacaa (manual method).

  Haddaba wali maan arag iyada oo hawlahan culays la iska saarayo oo tababorro la siinayo kaaliyaasha maxkamadda (court reporters) ku saabsan hannaanka xirfadeed ee ay tahay in loo rekoordh-gareeyo hadalka iyo ficillada ka dhex dhaca fadhiyada Maxkamadda. Waa in la dhiso xirfaddooda -dhegeysiga (exceptional listening skills), la-socoshada hadalka (strong concentration), xawaaraha qoraalka iyo sax-sanaantiisa (speed & accuracy), sir-ahaanshaha garmaqalka (confidentiality) iwm. 

  Waa in la isla dajiyo, lana baro kaaliyaha hanaanka loo rikoodh-gareeyo tilmaamaha jidheed (sign language) ee marag-furka ku jira, sida in uu gacanta ku fiiqo maraggu qof fadhiya maxkamada, ama uu aamusnaado cabaar intaanu jawaabta bixin, madaxa ruxo, ama uu bixiyo tilmaan jidheed oo la xidhiidha marag-furka. Sababtoo ah, ficilladaasi waxa ay qayb ka yihiin siyaabaha wax la iskugu gudbinayo ee looga wada xidhiidhayo (communication) fadhiga dhexdiisa. Waana waxyaabaha uu tabi karo garsooraha dambe ee ka maqan meesha oo haddii uu warbixinahaas heli lahaa ay sawir buuxa ka siin lahaa dhegeysigii dhacay iyo sida uu dhacayba. 

   Waxa kale oo jiraa waxyaabo kale oo ka maqan qoraalka garmaqalladeena. Waxaana ka mid ah su'aalaha ay dhinacyadu waydiiyaan maragyada; ha ahaadaan kuwa tooska ah (direct examination) ee ay waydiiyaan maragyadooda ama kuwa talantaalliga ah (cross examination) ee ay weydiiyaan maragyada kasoo horjeeda. Waxa inta badan la qoraa jawaabaha ay maragyadu bixiyaan oo kaliya oo aanay la socon su'aalahoogii. Walaw ay ku kala xariifsanyihiin kaaliyaashu oo ay jiraan qaar u qora jawaabta si aad aad ka fahmi karto su'aasheeda, haddana rikoodh-galinta su'aashu waa qodob asaasi u ah garmaqalka oo aan laga tagi karin. 

  Su'aalahaasi laga hawl yaraysto qoraalkoogu  waxa ay caqabad ku noqdaan garsooraha iyo dhincyadaba marka uu galku uu u gudbo marxaladda dib-u-eegista. Tusaale ahaan, waxa ay keentaa mararka qaar in aad garanweydo su'aasha laga jawaabay: gaar ahaan su'aalaha xidhan (closed questions) ee lagaga jawaabo "haa ama maya". Marka aad garmaqalka ugu tagto jawaab ah "Haa" ama "maya" oo cidlo taagan, adna aad tahay qareen rafcaan ama garsoore rafcaan oon hore u la socon dhegeysiyadaas, macno ay leedahay garan maysid jawaabtaasi iyo su'aadha ay dabasocoto toona. 

   Guntii iyo gebogabadii, waxyaabahaasi waa arrimo aynu sixi karno mustaqbalka haddii ay Maxkamadda Sare soo saarto go'aan garsoor   (Judicial Decree) oo jidaynaya habraac dhigan oo rasmiyeeya hannaanka ugu haboon ee laga rabo in uu yeesho dokumantiga kama dambeysta ah ee garmaqalka maxkamaduhu (court transcript). Taasi oo qorista garmaqalka (court reporting) ka dhigi lahayd xirfad iyo waayo-aragnimo xushmaddeeda leh oo si cilmiyaysan loo barto la iskguna gudbiyo, kana saari lahayd in qofkasta oo yeedhiska afsoomaaliga qori kara la yidhaahdo hawshaasi qabo.

WAA MAXAY MADAXBANAANIDA GARSOORKU

 WAA MAXAY MADAXBANAANIDA GARSOORKU?? Madaxbannaanaanta Garsoorku waxa ay u qeybsantaa laba:    1) Madaxbanaani gudaha ah (internal indepen...