Sunday, December 14, 2025

Baarlamaanku miyay awood sharci u leeyihiin in ay laalaan go'aan maamul?

 

Baarlamaanku miyay awood sharci u leeyihiin in ay laalaan go'aan maamul?

Walaw aanan qoraal ahaan arag go'aanka la sheegay in ay G/wakiiladu ku laaleen go'aan kasoo baxay Guddida Tacliinta Sare oo la xidhiidha muddooyinka lagu qaadanayo heerarka tacliimeed ee jaamacadaha dalka.

   Haddiiba u jiro go'aankaasi;  waxan is weydiiyay qodobada sharci ee ay u cuskadeen go'aankooga, gaar ahaan kuwa awood u siinaya in ay laali karaan go'aan kasoo baxay hey'ad fulineed sababta ay doonaan ha u cuskadaane. Waxa aynu ognahay in ay waaxda xeerdajintu la xisaabtan ku leedahay hey'adaha fulinta. La-xisaabtanka xeerdajinta (parliamentary oversight) oo inta badan waxa uu u dhacaa laba qaab oo kala ah: (1) mid warbixin muddaysan ah oo lagaga rabo hey'adda maamul in ay ku soo celiso xeerdajinta. War-bixintaas qoraalka ah oo uu xeer baarlamaanku ku waajibiyay, tusaale ahaan warbixinta sannadlaha ah ee Hantidhawraha Qaranka ama Guddida Xuquuqda Aadamaha ee Qaranka; ; (2) in ay xeerdajintu u yeedho madaxda hey'adaha fulinta (legislative subpoena) si ay su'aalo toos ah ugu weydiinayaan kulan furan (la baahiyo). Kulankaasi oo noqon kara mid heer guddiyeed ah ama mid golaha weynahu u dhanyahay. Waxaana ay si guud wax uga weydiiyaan hawlaha ay hey'addaasi u xilsaarantahay ama ay si gaar ah wax uga weydiiyaan hawl gooni ah oo ay cabasho ka taagantahay. Sidoo kale waxa ay wax ka weydiin karaan xeer-hoosadyada (delegated legislations) ay ka gaabiyaan ee uu baarlamaanku ugu igmado xeer guud.

   Ujeedada wax loo weydiinayaa waa si ay baarlamaanku ay shacabka iyo xukuumadda uu masuulkaasi ka tirsanyahayba u tusaan waxyaabaha ay qabaan in ay hey'addaasi ka gaabiyay. La-xisaabtankani dambe waa mid leh waji siyaasadeed oo loogu talo galay in uu masuulkastaa oo hey'ad fulineed ka sii fajignaado oo uu ka baxsado wax kasta oo waji-gabax (embarrasment) ku noqon kara isaga iyo maamulka uu ka tirsanyahayba.

  Hadaba marka ay su'aashu ay ka taagantahay sharci ahaanta go'aan maamul; habka qudha ee loo mari karaa waa Garsoorka. Waxa kaliya ee lagu laali karaa waa go'aan garsoor oo ka dhalan kara dacwad maamul oo cidda uu go'aankaasi uu danaheeda saamaynayo ay ka furato maxkamadda awoodda u leh. 

  Baarlamaanka laftiisa mararka qaar ayay u bannaantahay in ay ay dacwad dastuuri ah ka furtaan Maxkamadda Dastuuriga ah, haddii ay u arkaan in ay waaxda fulintu ku xadgudubtay awooddoodii xeer-dajineed; sida in ay hay'ad maamul isa siiso awood xeer-dajineed oo ay iskeed u soo saarto xeer hoosaad, siyaasad ama wareegto aanu u fasixin xeer guud oo baarlamaan. Taas oo marka ay wax ka weydiiyaan ama ay usoo jeediyaan in ay ka noqoto, ku sii adkaysata sharci-ahaanta tallaabadaasi maamul ee ay su'aashu ka taagantahay.

No comments:

Post a Comment

Baarlamaanku miyay awood sharci u leeyihiin in ay laalaan go'aan maamul?

  Baarlamaanku miyay awood sharci u leeyihiin in ay laalaan go'aan maamul? Walaw aanan qoraal ahaan arag go'aanka la sheegay in ay G...