Sunday, October 12, 2025

SIDDEEDA QODOB EE URURKA MASHRUUCA CADDAALADA DUNIDU (WJP) KU QIIMEEYO SIDA AY DALALKU UGU DHAQMAAN SHARCIGA (RULE OF LAW INDEX);

 SIDDEEDA QODOB EE URURKA MASHRUUCA CADDAALADA DUNIDU (WJP) KU QIIMEEYO SIDA AY DALALKU UGU DHAQMAAN SHARCIGA (RULE OF LAW INDEX); 


Qodobka 1-aad: Xakamaynta Awoodaha Dowladda:

   Qodobka 1 ee Tusaha (index) Ku Dhaqanka Sharciga ee WJP wuxuu cabbiraa ilaa heerka ay kuwa wax xukumaa ay ku xidhan yihiin sharciga. Waxa ay Sharciyadaasi koobsanayaan dastuurka koobanyahay iyo xeerarka kasoo baarlamaanka, iyo kuwa kasii farcama ee hey'ada maamul ku nidaamiyaan hawlaha loo igmaday, iyada oo la is weydiinayo illaa heerka ay madaxda sare ee garsoorka, xeerdajinta iyo fulinta ay xeerarkaasi xaddideen awoodooda, haddii ay taasi jirtana illaa heerka ay madaxdaasi iyo hey'adahoogu u hoggaansamaan dabarradaasi sharci ee u yaalla. Waxa kale oo ka mid ah illaa heerka ay awooda la xisaabtan u leeyihiin in ay hey'adaha aan dawliga ahayn sida saxaafaddu ay farta ku fiiqi karaan xadgudubyada awoodeed ee madaxda dawladda. 


Qodobka 2: Maqnaanshaha Musuqmaasuqa:

  Qodobka 2-aad ee Tusaha Ku dhaqanka Sharciga  ee WJP wuxuu cabbiraa maqnaanshaha musuqmaasuqa ee dawladda. Waxa uu tixgalinayaa saddex nooc oo musuqmaasuq ah oo kala ah: Laaluush, saamayn aan habboonayn oo dano guud ama mid gaar ah ay ku yeelaan karaan hannaanka maamul ee dawliga ah, iyo ku takrifalka maaliyadda umadda ama ilaha kale ee dhaqaale. Saddexdan nooc ee musuqmaasuqa waa shaybaadh ama imtixaan la mariyo saraakiisha dawladda ee laamaha fulinta, garsoorka, milateriga, booliska iyo sharci dejinta si loo hubiyo illaa inta ay ka badqabaan. 


Qodobka 3aad : Daah-furnaanta Hawlaha Dawladda (Open Government):

  Qodobka 3-aad ee Tusaha Ku Dhaqanka Sharciga ee WJP wuxuu cabbiraa furfurnaanta dawladda oo lagu qeexo ilaa xadka ay dawladdu xogta la wadaagto shacabkeeda. Waayo in ay dawladdu warsiiso bulshada oo ay ogaadaan waxa ay ugu maqantahay, ama u qorshaysay, waxay awood u siisaa dadku in ay helaan wax ay kula xisaabtamaan dawladda, waxayna kobcisaa ka qaybgalka muwaaddiniinta ee doodaha siyaasadda guud. Qodobkani waxa uu cabbirayaa in sharciyada aasaasiga ah iyo xogaha ku saabsan xuquuqaha sharciga la shaaciyo oo ay bulshadu qiimayn karaan tayada xogeed ee ay dawladdu faafisay.

Qodobka 4: Xuquuqaha Asaasiga ah: 

   Qodobka 4-aad ee Tusaha Ku Dhaqanka Sharciga ee WJP wuxuu aqoonsan yahay in nidaamkasta oo sharci oo u daggan dawladi (Positive law) oo ku guuldareysta inuu ixtiraamo xuquuqda asaasiga ah ee aadanaha ee lagu dhisay sharciga caalamiga, aanu u qalmin in loogu yeedho nidaam sharci. Maaddaama ay jiraan tilmaamo kale oo badan oo ka hadlaya xuquuqaha aadanaha, iyo Tusahan (index) oo aanay suurtogal u ahayn in uu wada qiimeeyo u hoggaansanaanta xuquuqaha oo dhan, qodobkani waxa uu diiradda saarayaa liis kooban oo xuquuqo ah oo si adag loo dejiyay iyada oo la raacayo Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay. Kuwaasi oo aad ugu dhaw ku-talinta sharciga.


Qodobka 5: Amniga iyo Kala-dambeynta: 

  Qodobka 5-aad ee Tusaha Ku Dhaqanka Sharciga ee WJP wuxuu cabbiraa sida ay bulshadu u hubin karto in ay haysato damaanad amniyeed oo nafta iyo hantidaba ah. Nabadgelyadu waa mid ka mid ah qodobbada lagu qeexo sharci kasta oo bulshada ah, waana hawl aasaasi ah oo qaranku leeyahay. Waxa kale oo ay shardi u tahay xaqiijinta xuquuqaha iyo xoriyaadka uu sharcigu doonayo inuu horumariyo.


Qodobka 6: Fulinta Xeerarka hawlaha Nidaamiya (Regulatory Enforcement):

   Qodobka 6aad ee Tusaha Ku Dhaqanka Sharciga ee WJP wuxuu cabbiraa ilaa xadka xeerarka si cadaalad ah oo wax ku ool ah loo fuliyo. Xeerarkaasi waxa ay iskugu jiraan kuwa ay sharci-dajintu samayso iyo kuwa ay soo saaraan hey'adaha maamul ee awoodda loo siiyay. Waxaana la eegaa habdhaqanka hey'adaha dawladda iyada oo la darso sida ay hey'aduhu ay iyagu iskugu maamulaan gudahooga iyo sida ay shacabka ugu fuliyaan. Qodobkani maaha mid qiimaynaya arrimaha ay dawladi doorbiddo inay ku nidaamiso xeerar gaar ah, se waxa kale oo uu tixgaliyaa hawlaha ay ahayd in ay xeerar cad-cad ku nidaamiso ee ay ka gaabisay ama ay ka badheedho in ay xeer la'aantaasi ku wadato.  . 


Qodobka 7 ee Caddaaladda Madaniga (Civil Justice):

     Qodobka 7-aad ee Tusaha Ku Dhaqanka Sharciga ee WJP wuxuu cabbiraa illaa heerka ay dadka caadiga ahi ay ku xallin karaan cabashooyinkooda si nabad ah oo wax ku ool ah iyada oo loo marayo nidaamka caddaaladda madaniga ah ee rasmiga ah. Waxa uu cabbiraa in nidaamyada caddaaladda madaniga ahi yihiin kuwo la heli karo (accessible) oo la awoodi karo iyo sidoo kale in ay ka madax bannaan yihiin takoor, musuqmaasuq, iyo saamayn aan habboonayn oo ay ku leeyihiin saraakiisha dawladda. Waxa u eegaysaa in dacwadaha ay maxkamaddu ka garnaqdo loo dhageysto loona fuliyo hab aan lahayn dib-u-dhac  iyo habsan aan caqligal ahayn. Qodobkani waxa uu qiimeeyaa sida loo heli karo nidaamka caddaaladda (accessibility), dhexdhexaadnimadiisa, iyo wax-ku oolnimada hababka loo maro xallinta khilaafaadka bulshada. 


Qodobka 8: Caddaaladda Nidaam Ciqaabeedka Dembiyada (Criminal Justice):           

 Qodobka 8-aad ee Tusaha Ku Dhaqanka Sharciga ee WJP wuxuu qiimeeyaa nidaamka cadaaladdeed ee ciqaabta dembiyada. Nidaam cadaaladeed oo wax ku ool ah ayaa ah qodobka ugu muhiimsan ee ku dhaqanka sharciga, maadaama uu ka kooban yahay habka caadiga ah ee lagu saxo cabashooyinka iyo in tallaabo laga qaado shaqsiyaadka ku kaca gafafka ka dhanka ah bulshada. Qiimaynta sida loo fuliyo caddaaladda nidaamka ciqaabeed waa mid si guud loogu darso nidaamka dawliga ah oo dhan, oo ay ku jiraan booliiska, qareennada, xeer-ilaalinta, garsoorayaasha, iyo saraakiisha maamula xabsiyada.

Gebo-gebo: siddeedaas qodob oo mid waliba sidiisa usii leeyahay heerbeeg qiimayneed oo la isku daray dhibcahooga ayaa lagu go'aamiyaa heerka uu dal gaar ahi ka taaganyahay ku dhaqanka sharciga. Waxaana darajooyinku lagu bixiyo Ku-dhaqanka Sharcigu ay u dhexeeyaan eber illaa hal (0-1). Heerka ugu sarreeya ee Ku-dhaqanka Sharciga ee sannadkii hore( 2024), waxa gaadhay dalka Norway oo dhibcaha uu keenay ay ahaayeen (0.90), halka dalalka ka sii hooseeya heer-qiyaaseedka (0.26) aan lagu xusin liiska qiimaynta ee Ku-dhaqanka Sharciga.Taas oo macnaheedu noqonayo wixii heerkas ka hooseeya ifafaale tilmaamaya ku dhaqan Sharci kama jiro.   

SIDDEEDA QODOB EE URURKA MASHRUUCA CADDAALADA DUNIDU (WJP) KU QIIMEEYO SIDA AY DALALKU UGU DHAQMAAN SHARCIGA (RULE OF LAW INDEX);

  SIDDEEDA QODOB EE URURKA MASHRUUCA CADDAALADA DUNIDU (WJP) KU QIIMEEYO SIDA AY DALALKU UGU DHAQMAAN SHARCIGA (RULE OF LAW INDEX);  Qodobka...